SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gudoomiyenimada Sh. Xasan waxay la mid tahay Madaxwaynenimada Darmaan   
 

C/kaafi Xasan Jaamac

akaafix@hotmail.com  
 

Sida Soomaalidu wada ogsoontahay waxaa waayadaan danbe soo badanayay darajooyin aan jirin in cidi sheegato ama isu caleemo saarto, kuwaas oo isugu jira darajooyin si gaar ah qof u sheegto ama kuwo la iska bar bar sheegto, waxaan umalaynayaa inaan kuwa la been sheegto la tirakoobi karin oo kuwaasi iyagu waa xad dhaafeen, balse kuwa xishood la’aanta ahi waa kuwa qofkii ku magacawnaa qof aan ahayni sheegto oo yiraahdo anaa xilkaas haya. Hadaynu tusaale u soo qaadano Mr. Darmaan, waxaa hubaal ah in haduu jiro qof aaminsan in xiligaan Soomaaliya Dawladi ka jirto uu Madaxwaynaheeda u aqoonsayahay C/laahi Yuusuf, tii kasii horaysay ee TNG-dana uu madaxwayne ka ahaa C/qaasim Salaad, hadana waxaa wax lagu qoslo (comedy) ah inaad maqasho ama meel ka akhriso nin kale oo isna madaxwaynaha Soomaaliya sheeganaya oo la yiraahdo C/nuur Darmaan! 

Hadaba hadaan hoos ugu daadago ujeedada qormadaan, waxay ummada Soomaaliyeed la wada socotay in Isbahaysigii Dib u xoraynta Soomaaliya ayaamahaan uu ka dhex jiray kala aragti duwanaansho xaga fikirka ah oo ku saabsan heshiiskii Jabuuti iyadoo intii badnayd xubnaha ururku saldhig ka dhigteen wadanka Jabuuti, Asmarana ay ku hareen xubno ka biyo diidan heshiiskaas. Sikastaba ha ahaatee arintaasi waxay ahayd arin ay aad uga xumaadeen dadwaynuhu oo ummadu waxay ka naxday khilaafka ka dhex taagan dadkii ku dhawaaqay inay wadanka dib u xoraynayaan oo cadawga ka saarayaan, hayeeshee taasi waxay ahayd wax iska caadi ah in dadku kala aragti duwanaado waxayna waxgarad iyo culimo Soomaaliyeed bilaabeen in arintaas la xaliyo, balse waxaa amakaag iyo mucjiso noqday in Sh. Xasan Daahir isu caleemo saaray jagadii gudoomiyenimada Isbahaysiga, iyadoo lawada ogsoonyahay in xubnihii ugu tirada badnaa ururka ay ku suganyihiin Jabuuti, iyadoo lawada ogsoonyahay in labadii gudoomiye ee golayaasha ururku ku suganyihiin Jabuuti. Hadaba Su,aashu waxay tahay maxay gudoomiyenimada Sh. Xasan uga duwantahay Madaxwaynenimada Darmaan? Hadaynu jawaabta sii raacino waa waxba kuma kaladuwana oo waa isku mid. 

Intaas kuma ekaan wadaadkuye wuxuu sii daba dhigay oo sheegay inuu xilkii ka qaaday 37 xubnood oo odayaashii iyo culimadii ugu waawaynaa isbahaysiga ah uuna ka midyahay Sh. Shariif oo wali ah gudoomiyihii Maxaakiimta! Waa layaabe xagee Wadaadku ka keenay awooda intaas le’eg, ma shirkad ganacsi oo uu gaar u leeyahay buu mooday wadaadku meesha, mise waa urur dastuur iyo qawaaniin leh? Malaha wadaadku waaba aayatulaahigii Soomaaliya oo awood aynaan ogayn baa meel ugu kaydsan. Dabcan wadaadku wuxuu hilmaamay in sharciga iyo qaynuunku yihiin waxa iinsaanka kala haga oo ay kaga duwanyihiin xayawaanka kale. 
 

Sadaradan soo socda oo kamidka ahaa gabaygii gabyaagii Laba-go’le ugu jawaabayay Khaliif Sh. Maxamuud, waxaa lagu matali karaa sida Sh. Xasan uga xishoon waayay ummada Soomaaliyeed, nidaamkii Isbahaysiga iyo saaxiibkiis Sh. Shariif, uuna isugu dayay inuu boobo xil uu hayo hogaamiye dadkiisu ku kalsoonyahay.

War geesigii libaax dhacahayiyo dhaxanta kaa aawday

Rashiidkaad ku dhaadanaysaye dhabi ku maalaysay

Dhaloolayda waataad dhigtiyo dheged habaas wayne

Dhabatoosan inaad qaaday oo dheelmatiin wacan leh

Iyo inaad dhudhumo awdan iyo dhiro jibaaxaysid

Bal isdhugo dhimir malihidoo dhoohanaad tahaye 
 

Maxaa Ameerikaanku Sh. Shariif u leeyahay qunyarsocod Sh. Xasan-na gantaalka ula goobayaa? 
 

Labo nin oo odayaal ah ayaa mid kii kale wuxuu waydiiyay waayeel (waxgarad) waayo? Markaas ayuu waxuu ugu jawaabay “waa inaga oo aan is yeeyleelayn” marka hadii aynaan is yeelyeelayn wax badan baynu aragnaa, waxaynu bilawgiiba xusuusanaa in Shiikh Shariif goob kasta iyo geed kasta ka sheegay in maxkamaduhu yihiin kacdoon shacab oo ka dhashay dulmigii hogaamiye kooxeedyada, islamarkaasna maxkamaduhu aysan duulaan ku ahayn Soomaaliya oo dhan, Ethiopia iyo Ameerika midna. Taas bedelkeeda rag badan oo maxkamadaha ka tirsan waxay marar kala duwan warbaahinta ka sheegeen inay Soomaaliya iyo Ethiopia labadaba qabsanayaan, qaar kalana waxayba sheegeen inay aduunka oo dhan qabsanayaan. Hadaba waxaa hubaal ah inaad cadawgaaga iska sii jeedin kartid sidoo kalana inaad soo dedejin kartid dagaal idin dhex mara, taasi waa sababta Shiikh Shariif ay ugu riyaaqeen ummado badan oo Islaam iyo gaalaba ah keentayna inaan cadawga ummadu isaga si shakhsiyan ah ugu soo dhiiran yarana ka warwareegaan. 

Waxaan muran kataagnayn in hadii gacantaadu kaa gasho shakaal aad u baahantahay inaad si farsamo ah ugala soo baxdid, taas waxaa la macne ah sidaynu maanta nahay, wadankeeni waa la qabsaday waxaana qabsaday cadawyo isa soo bahaystay, calankeeni , sharfteeni iyo xoriyadeeniina waxaa lagu tuuray badda moolkeeda, waynu la dagaalanay cadawga meel fiican baynuna marinaynaa balse waxaynu u baahanay inaynu qiimayno doorashooyinka kale ee jira si aynu masiirkeena badwaynta ugala soo dhex baxno. 

Iyada oo taas laga duulayo waxaa waxgarad badani qabaan in maanta nabad lagu dayo sababtoo ah cadawgan waa daalanyahay wuxuuna jecelyahay inuu mar cagaha kala baxo wadankeena sidaas darteed inagoo fursadaas ka faa’iidaysanayna way haboontahay in lasii wado dhamaystirka heshiiskii Jabuuti, lana sameeyo awood qaybsi , wadankana la keeno ciidamo ajnabi ah oo wadamada Islaamku u badanyihiin si ay uga qayb qaataan hirgalinta waxyaabaha lagu heshiiyo. Fursadaas waxaynu uga faa’iidaysan karnaa in maalin maalmaha ka mid ah dadka Soomaaliyeed doortaan waxa ay rabaan, dadkuna insha alaaah waxay dooran doonaan Kitaabka Alle. 

Isku soo wadaduuboo waxaa marag madoonto ah in maanta Sh. Aways gees uga baxay raggiisi isagoo wadaadku lugta ku xirtay Issayas Afewerki oo ah madaxweyne masiixi ah oo aan lahayn saaxiib joogto ah balse leh dan joogta ah, iyadoo dantiisu ay tahay inaan Ethiopia Soomaaliya ka bixin inta laga xalinayo khilaafka xuduuda ee Eritrea iyo Ethiopia taas oo ummadeena u ah cadaab dunida loogu soo saaray. Sidoo kale wadaadku wuxuu u muuqdaa nin cadawgiisi isagu gooni ugu sii baxay oo leh kaalaya isoo raadsada Afawarqaan magantiis ahaye. 
 

Waxaan ku soo afmeerayaa tuducyo ka mid ahaa gabayadii Qamaan Bulxan. 
 

Cawl baa midgaan soo gasbaday, soo gabraar tagaye

Isagoon wax lagu gowraciyo, gowdhisaba haysan

Golxobtiyo lawaa tooraydii, gurey ku noolayde

Jeenay gafsiisoo minday, qodatay garaaye

Adiguna gaddii baa tahoo, ways gunaanadiye 
 
 
C/kaafi Xasan Jaamac
akaafix@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 28, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS