Qoraal Aan U Hibeeyay Jamhuuriyada Jabuuti.
Jamhuuriyada Jabuuti waxay si hagar la,aaneed iyo si Soomaalinimoba dhexda ugu
xidheen sidii ay walaalahooda Soomaaliyeed dhibka haysta uga saari lahaayeen,
Ismaaciil Cumar Geele iyo dhamaan shacabka reer Jabuuti waxay mudan yihiin
sharaf,karaamo, ciso iyo in loo fidiyo mahadnaq balaadhan.
Markii la waayay cid sidaas u soo eegta ama dan ka leh in ay Somalida wax u
qabato oo dalkiina ku sii jeeday halaag guud, walaalkeyna Ismaaciil Cumar Geele,
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, ayaa isa soo taagay manbarka shirka loo
dhanyahay ee Qaramada Midoobay bishii September 1999, waxuuna aduunka u sheegay
in dalkiisa uusan marna oggolaan karin in walaalihiisa Soomaalida ay wada
baaba,an. Wuxuu diyaariyay shirweyne oo noociisa aan horay loo maqlin, loona
arkin. Wuxuu ahaa shirkii ugu horeeyay oo aan kooxaha hubaysan horseed u ahayn,
hase yeeshe, hadii ay rabaan in aay ka soo qayb galaan in ay shaarkooda
hogaamiye kooxeeednimada dibadda kaga sootagaan.
Waxaa kasoo qayb galay dad tiradoodu ka badan tahay 3,000 qof oo ay isugu jiraan
rag iyo dumar, yar iyo wayn. Shirka wuxuu bilawday bishii February waxuuna
dhamaaday Augost 2000.
Shirkaan wuxuu ahaa kii sadexaad oo ay Jabuuti u qabato Soomaalida, shirkan
wuxuu kaloo ahaa kii ugu horeeyay oo ay isugu yimaadaan bulshada rayidka ah oo
kali ah. Waxaa lama ilaabaan ah oo xus mudan sida walaaltinimada ah oo ay dadka
reer Jabuuti u soo dhaweeyeen una marti-galiyeen walaalahooda Soomaalida.
Guryihii ayay uga baxeen, xoolahooda ayay ugu deeqeen. Cunto iyo cabida waxaa
kasii darnaa sida xamaasada leh oo ay u jeclaayeen in shacabka Soomaaliyeed uu
ka baxo mashaqada uu ku jiro. Markay arkaan walaalahooda oo Istaanka Jabuuti ka
raacayo bas iyagoo kusii jeeda Carta, waxa duco ka baxaayay kaalay dhagayso.
Wajigooda iyo indhahooda waa laga garanaayay in ay la murgoonayeen walaalahooda
mashaqadu haysatay.
Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele & Dawladiisa, iyo shacabka
dhamaan ma jirin wax ay u yaraysteen ama ay ka hakradeen walaalahooda. Markasta
waxay la hor joogeen hiil iyo hoob, si ay u arkaan natiijo wax-ku ool ah in uu
ka soo baxo shirka Carta, si Jamhuuriyada Somaliya ay dib ugu soo noqoto
mujtamaca aduunka oo ay mudda dheer ka maqnayd.
Sida la ogsoon yahay, shirkii Carta waxuu dib u soo nooleeyay magacii, calankii
iyo sharaftii qaranka Soomaaliyeed. Toban sano markii laga maqnaa mujtamaca
aduunka, ayaa Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, asagoo matalaya qaranka
Soomaaliyeed ayuu ka qayb galay shirweynihii Millenium 2000. iyo shirwaynihii
madaxda aduunka ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York sanadku markuu ahaa
2000. Waxaa kale oo uu qayb galay shirarkii Jaamacada Carabta, shirkii Ururka
Islaamka, shirkii dalalka dhexdhexaadka {NAM}, iyo shir goboleedkii IGAD.
Bishii Augost 27, 2000, oo ahayd maalintii caleemo saarka madaxweynaha cusub ee
Somaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan, Mdaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waxuu u
jeediyay khudbad qiimo wayn u leh madaxda cusub iyo martidii iyo dadweynihii
barxada Carta isugu yimid. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele wuxuu yiri: { Hal
sano ka hor, 20kii September 1999, waxaan isku dayay in madaxdii joogtay
shirweyniha Qaramada Midoobay maskaxdooda u soo jeediyo xaalada adag oo
dhibaatada iyo murugta badan lahayd oo ka dhalatay dagaaladii sokeeye ee ka
dhacay Somaliya iyo xoogaga ba,an o kumanaan qoys galiyay walwal iyo walbahaar,
rajo la,aanta sidaas u dheeraatay darteed lama yaabeen haddi baaqayga soo
dhaweyn xamaasad leh ka helin Qaramada Midoobay. Hase yeeshee qalbigayga waxuu
ii sheegayay oo aan gudahayga ka maqlaayay wax i leh in dadaalkan uu noqon doono
mid lagu guulaystay oo ay Soomaaliduna heli doonto waxa ay u baahan yihiin}.
Intii uu hadlaayay Madaxweynaha Jabuuti, dadkii halkaas isugu yimid reer Jabuuti
ama reer Somaliya, qaar ayaa ilinta uga da,aysay sida durdurka farxad awgeed.
Maalintaas waxay ahayd sida maalintii xornimada la helay oo kale oo farxad
badnayd. Dad baa qalbigooda ka arkaayay tobankii sano ee lagu jiray dagaalka
sokeeye in uu ka dheeraa todobaatankii sano ee dhibaatada isticmaarka la soo
maray. Maalintaas waxaa loo arkaayay in qabriga qarkiisa laga soo laabtay oo
kale.
Gunaanad.
Aduunka siyaasad iyo caqli ayaa la isku dhaafay.
Ma jiraan Soomaali aan caqli lahayn. Qof aan xitaa cilmi lahayn waa fahmi karaa
in nalaga caqli badiyay oo cadawga Soomaalida middidii aan isku dooxi lahayn
daabkeeda gacanta noo galiyay. Sida ay wax u socdaan, marka kumanyaal albaabada
qaxootinimada loo furay, oo kumanaan kalena abaar dhamaynayso iyo kuwo kale oo
dalka gudihiisa ku macluulsan oo Dawladii u miciini lahayd kolba cid lug
goynayso iyo dalkii oo la kala qaybiyay, natiijada sida ay noqon doonta Ilaahay
mooye, cid kale oo sheegi karta ma ay jirt.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com
Sweden, Stockolm
Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2008
|