SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cabdiwaaxidow u kaadi Fatwadan

Waa hubaa inuu welwel badan kugu hayo maqalka heshiis la’aan soo wajahday kooxdii aad u xilhaysay waxaana taa kula qaba aniga iyo inta badan dadka Soomaaliyeed, waxaan xusuusanahay sidii aad u garab istaagtay xaqa markii uu soo daahiray, waxaana ii muuqanaya maqaaladaadii hiilada ahaa, laakiin markan ma isleedahay hal baad labo ku dartay (1+2) iyadoo uu tartiibku ahaa in hal lagu daro hal (1+1) kadibna hal lagu daro (1+2).

Ujeedkaygu maahan in aan naqdinayo qoraalkaaga laga dheehan karo wax badan oo xaqiiqda u dhow, mana ahi mid u siqaya in uu yiraahdo Jendaya baa markan xaqa wada ama garta ka leexinaya cid aad u aragtay inay ku foorarto, laakiin waxaan rabaa inaan iraahdo; ma kula tahay in la degdegay hadii maanta la yiraahdo kooxda Djibouti waa ASHAHAADA KA DIRIR, mana hubisay in salka dhibaatada Asmara iyo Djibouti ay tahay XUDUUD DIINEED la jebiyey si loo yiraahdo ASHAHAADO KA DIRIR, mise laga yaabaa in dhibaatada taalaa ay tahay Aragti ku salaysan HAB MAAMUL la qalday, ama haddii si kale loo yiraahdo KELITALISNIMO, ma u malaynaysaa inay markan FATWO diini ah kula gashay, hadiise ay kula tahay in XAD DIIN ah la jebiyey ma tahay adiga cidda ku haboon ee xukunta ama fatwoota arintan, ma xisaabisay farqiga u dhaxeeya ASHAHAADA KA DIRIR iyo ASHAHAADA LA DIRIR maxaa yeelay wixii aad KA dirirto cidii wadaa waxaa qasab kugu ah inaad LA dirirto sidaasi darted isugugeyta waxaa soo baxaysa ASHAHAADA KA DIRIR iyo ASHAHAADA LA DIRIR WAA ISKU MACNO mana qiimeysay dhibaatada ka dhalan karta haddii shacabka ay berito warmaha ku boobaan kooxdan aad ku xukunta inay ASHAHAADA LA DIRIR yihiin waayo waxaan la soconaa nacaybka ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan ASHAHAADA LA DIRIRKA iyadoo aad ogtahay inay tijaabiyeen inay ka adkaan karaan

Dhinaca kale, haddiiba ay Jandaya tiri kooxda Djibouti baan taageersanahay ama saxsan wax kastaa oo ay ula jeedaba micnaheedu ma in durbadiiba kooxda Djibouti lagu qoro liiska ASHAHAADA KA DIRIR hadalka gabadhaas darted, mana laga yaabaa in gabadhu ay uga dan lahayd taageeradeeda in aan sidan oo kale aan u degdegno kadibna iska soo daba saarno fatwooyin iska soo horjeeda oo noocan oo kale ah, ama ujeedo kale oo aadan fahmin, mana isleedahay waxaa la heli karay wax ka dhow erey diineedka aad isticmaashay ee ah ASHAHAADA KA DIRIRka sida kooxda Djibouti waa khaldameen, wixii lagu heshiiyey ayey ka baxeen iyo xitaa khiyaano qaran bay sameeyeen hadiiba aad ka fursan waysay inaad kooxdan khalad ku xukunto,

Intaa kadib ma u arkaysaa hiilo haddii lagu yiraahdo Cabdiwaaxidoow hal baad labo ka dartay (1+2) ee ka noqo, kadibna hal ku dar hal (1+1) ilaa aad gaarto hal lagu daray intii tiro ah ee aad rabtay 1+ X X X X…) mana ka joogsanaysaa in aad xukun waxa uu doono ha ahaadee (Diin ama wax kale) inaad kula degdegto xaajadan haddii aan dhinacyo kale kaa tusay oo laga yaabo inaad markii hore aadan ka eegin ama aad dhadhamisay micnaha diineed ee qotada dheer ee uu leeyahay fatwadaada ah ASHAHAADA KA DIRIR maxaa yeelay dib u dhac kastaa oo ku yimaada xukunka arintan wuxuu fursad siinayaa in ay dib uga fekeraan koox kasta itijaaheeda ay ku soco tiiyoo aan hubo inaan mustaqbalka laga maarmi doonin in uu soo baxo xukun cad oo kala saara kooxdan dadkana u bayaaniya cida eeda fashay laakiin waa marka xaajada wakhti ku filan la siiyo aadna looga meermeero in go’aan kama dambeys ah la soo saaro, waxaana dhici kartaba in aan loo baahan in cid la xukumo oo ka hor ALLAAH uu qalbiyadooda isu soo dumo .

Ugu dambeyntii maku dhiiranaysaa inaad dib u qorto in xaajada ay u baahan tahay in waqtigeeda ay hesho, dhinacyada hadda gacanta ku hayana lagu dhiirigeliyo inaysan quusanin si aad uga badbaado in qormooyinkaagii ay dadka aqriyey u bogeen aysan qormo fatweedkan kaa dhexgelin si aysan u dhaawicin qormooyinkaas wanwanaagsan

Aden: adaneey@hotmail.com

 Jendayi iyo kuwa Jibuuti Jooga (Ashadaaho-ka-dirir) oo isku Jaal Noqday

Faafin: SomaliTalk.com |  July 28, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS