SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

C/WAAXIDOOW WARKAAGA CABBIRAY !!!

Waxaan aqriyay maqaalkii uu soo qoray walaal C/Waaxid C/Laahi Khaliif ee uu cinwaanka kaga dhigay “Jendayi iyo Kuwa Jabuuti jooga oo isku jaal noqday”.

C/Waaxidoow markaan aqrinayay maqaalkaaga waxaan ahaa sidii nin meel miyi ah jooga waqti kal dambeed kaliil ahna jooga – harraad, geeddi iyo hawkarna u dheer yihiin oo caano geeloo qabow la siiyay intuu qur-quro ku taagay hunguriga iyo laabta quluc quluc quluc ka sii leeyihiin oo markaas laabta iyo uurkuba qaboobeen, bushimaha iyo carrabkuna shay macaan dhadhansadeen. Sidaasoo kale ayuu warka maqaalkaagu iigu socday goortaan aqrinhayay. Abwaan Cumar Ustareelli raxmad Alle ha siiyee waatuu maanso ku cabbiray mowqifkaasoo kale ee uu yiri:

Dhibaatiyo adoo gaajo qaba dhaxanta jiilaalka
Dhoor caano laga soo lisoo yara dhanaanaaday
Nin dhadhamiyey wuu garanayaa dhul ay qaboojaane
Goortaad dhantaa baa jidhkaba dhididku qooyaaye ! !

Ilaahay waxaan galliimanahayaa oo ka baryayaa in adiga iyo inta kula midkaa oo kale Rabbi badiyo ee wax-garadka ah, ee xaqa iyo diinka u hiilliya. Waxgaradkii fiirada dheeraa ee arrimaha gadaal caaqibadoodu waxay noqon doonto ka fakari jiray waa yaraaday, Soomaalida waa ku yar yahay, inta ku jirtana wax ma soo qoraan ee aragtidooda waa la aamusan yihiin.

Adiguse intaas qalinkaad ku dagaallamaysaa iyo cabbiridda aragtida wanaagsan oo inta badan Ilaahay ku waafajiyo, maxaa yeelay in doora oo aan aqriyay maqaalladaadu waa miisaaman yihiin xaqna way ku taagan yihiin. Addoon Ilaahay oo bani’aadam ah il-duuf lagama waayo, wixii gef iyo qalad ah Alle ha kaa cafiyo.

Qoraalladaada wanaagsan oo aan hubo inaadan ka daali doonin halkaaga ka sii wad, xaq-darro iyo il-duufna ka Ilaali hadallada aad soo qori doonto. Mar walbana Ilaahay cabsidiisa qalbigaaga ha ku jirto.

Waxaan bogaadinayaa inta indheergaradka iyo aqoonyahanka ah inay baaraan bulshadana qoraallo ugu soo gudbiyaan aragtiyo saliim ah oo ummadda lagu tusaalaynayo cadowga iyo hagartiisa waqtigan dalkeennu halista ugu jiro in si joogto ah cadow ula wareego una maamulo.


Maxamuud Axmed.

maxamuud239@hotmail.com

Jendayi iyo kuwa Jibuuti Jooga (Ashadaaho-ka-dirir) oo isku Jaal Noqday

Faafin: SomaliTalk.com |  July 28, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS