Buug Cusub: Baal-taariikheedkii iyo
Suugaantii Af-qallooc
“Taariikhdu waynoo musbaax
maanka caawima’e
Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku
gaadhaaye
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba
waxa yaalle”……..
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc)
Ceerigaabo, 1968
Waxa makiinadda wax lagu daabaco qarka
u saaran buuggaas oo dhowaan soo bixi doona; haddii uu Eebbe idmo.
Hordhac
In badan waxa
dareenkayga gudaha u xoqayey sida lisinku mindida u soofeeyo si la mid
ah sidii loo daba qabatayn lahaa taariikhda ummadda oo aan mar kasta
maankayga ka bixin in baylahdeedu badan tahay, halisna u tahay in wax
badan oo ka mid ahi ay u tasoobaan dayac dartiis. Ummad aan taariikh
sugan lahayni, waa ummad aan jiritaankeedu sugnayn. Buuggan oo haddaba
ku saabsan Sooyaalkii Suugaaneed iyo Baal-taariikheedkii
halyeygii waddaniga ahaa ee Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc)
waxa uu ka dhashay dareenkaas werwerku ku takhlan yahay. Taariikhda
dadka ayaa sameeya. Ficilada iyo falaadyada aadmiga; maan iyo muruq
ahaan; ayaana dhaqan-galka taariikheed geeddi geliya. Xaaji Aadan
Af-qallooc oo kale waa ku “dhif iyo naadir” Soomaalida dhexdeeda,
waxaana loogu horraysiin karaa foolaadka hal-doorkeenna taariikhda
ummadda docdeeda ugu mudan ka kulaalaya
Xaaji Aadan Af-qallooc
waxa uu ahaa nin aftahan ah, hiboole codkar ah, waddani Alle ka cabsi
badan oo waaya arag ah, dal-mareen qurbaawi ah, meelna ku weeleeyey oo
isugu keenay aqoon ka soo jeedda dhaqammo iyo ilbaxnimooyin kala
geddisan. Gabayada Xaaji Aadan Axmed Xasan waxa ay noqdeen caroog iyo
dawan cod dheer oo guubaabiya, kiciyana shucuurta iyo dareenka waddaniga
ah ee dadka Soomaalida. Badheedhe cad oo diidmo ah ayuu kala hor tegey
gumaysigii Ingiriiska ee Somaliland maamulayey. Arrintaas oo uu kala
kulmay handadaad badan iyo xadhig marnaba kuma aanay keenin inuu joojiyo
gayllankii iyo guubaabadii gabayadiisa ilaa laga gaadhey gobannimadii
1960. Ilaa geeridiisii (1986) waxa uu Xaajigu u taagnaa kaalinta
hogatuska ee hagaagsanaanta, wax hagaajinta iyo is-hagaajinta.
Indhahaysku aragtaan
cadaawaha iskaga eega
Is aamina dannigu
waa waxaad ku ibtilowdeene
Is aqbala
qabiilnimada waad ku ambanaysaane
Is addeeca uurxumidu
waa aayatiin li’iye
Ilkuhu wada
jirkooday hilbaha adag ku gooyaane
Haddii iniba meel
taagan tahay adhax ma feenteene
Itifaaq la’aan
laguma helo lib iyo iimaane
Abtirsiinyo reer
hebela’ iyo oday ku faan tuura
Indho fura hurdadu
waa waxaad ku ibtilowdeene
Xaaji Aadan Af-qallooc
waxa uu had iyo goor Soomaalida ugu baaqi jirey isku duubni, is-waansi,
is-daawaysi, is-kaashi, isku kalsoonaan, tabcasho iyo wax qabsasho,
waxaanu uga digi jirey kala tag, tafaraaruq, qabyaalad, eex,
qaraabakiil, musuqmaasuq, meel iska kuudud, iska fadhi iyo wax taransi
la’aan (ma shaqaystennimo). Qiimaha iyo tayada sarraysa ee Xaaji Aadan
lahaa, hal-doornimadiisa, indheer-garadnimadiisa iyo qayuurinnimada
hal-muceedka ah ee hal-abuurkiisa qiirada miidhan ah waxa lagala soo
dhex bixi karaa gabayadiisa badan ee xilligii gobannimo-doonka iyo
xilliyadii ka dambeeyey ee dawladihii sibilka ama rayadka ahaa iyo
waayadii kacaannimada, gabayadaas oo intooda badan loogu tegi doono oboc
weynta buuggan ee dhowaan dhaayihiinna hor iman doona.
Saddex marxaladood oo
xidhiidhsanaa oo dalka iyo dadkuba soo mareen ayay gabayada Xaaji Aadan
Af-qallooc si sokeeyennimo ah u gorfaynayaan, waxanu Xaajigu ahaa
hal-abuur si qotodheer ugu fiirsada oo dhug u yeesha dhacdooyinka ka
ilmo roganaya halku uu ku nool yahay. Waxa uu ahaa goobjooge si
wanaagsan u falanqeeya oo gabay ku faalleeya wixii maanta dhacayey ee uu
arkayey, isaga oo ku lifaaqaya dhacdooyin ka horreeyey oo xidhiidh la
wadaagaya tan uu maanta faaqidaaddeeda soo bandhigayo. Waxa uu awood u
lahaa inuu si sahlan gabay ugu soo gudbiyo fikraddiisa ku saabsan
muuqaalka kasta oo nolosha ka mid ah, isaga oo u il furnaa caalamka kale
iyo waxa ka dhacayaa xidhiidhka ay dadkiisa iyo dalkiisa la leeyihiin
iyo saamayntooda shar iyo khayrba. Saddexda marxaladoodba arriintaas si
mug leh ayaad uga dhex dhadhaminaysaa gabayadiisa. Saddexdaas
marxaladood waxa ay kala ahaayeen:
b. Sannadihii
1940-naadkii iyo wixii ka horreeyey 1960. Waa xilliyadii uu socdey
halgankii gobannimo-doonka ee gumeysiga lagu kicinayey. Xaajiga
gabayadiisa iyo hadafkiisuba gobannimo u dirir aan gorgortan gelin buu
ahaa. Dadka waxa uu hogatusaaleyn jirey qiimaha xornimada iyo
waajibaadyada aan la gefi karin in loo maro xaqiijinteeda. Tusaale:
Gobannimo sun baa
kaa xigtoo laysma siin karo’e
Waa sarac ku baxa dhiig rag oo lagu
sadqeeyaaye
Sarakaca kufrigu waa sasabo suu na
leeyahaye.
Gobannimo, 1943
Gobannimo daleel lagama helo daar
adoo galaye
Haddaad doono leedahay naftaa diiq
la geliyaaye
Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu
aydaaye
Mar haddaan waxaan doonayiyo
dawladnimo waayey
Dantay weeye inaan aammusaa eegga
dabadeede
Dulligaa ku jira noloshu waa idinku
deelqaafe.
Dilkii Sheekh
Bashiir, 1947
Gobannimada hawl yari ninna kuma
helaayo’e
Rag horuumar doonana waayaa
horjooga’e
Haasaawe jiib iyo hurdo kuma
timaaddo’e
Habeen nimaan u guurayn hoo lama
yidhaahdo’e
Gobannimo Halkay
Taal, 1958
t. Marxaladda labaadna
waxa ay ahayd sagaalkii sannadood ee gobanimada ka dambeeyey (1960 –
1969). Xilligaasi waxa waddanka taladiisa u kala dambeeyey dawlado taag
daran oo rayad lagu tilmaami jirey. Waxanay caan ku ahaayeen ku dhaqanka
qabyaaladda iyo caadaysiga musuqmaasuqa. Xumaan badan oo madaxdii
dawladdu horseed ka ahayd, ayuu Xaaji Aadan marxaladdanna dadka u soo
bandhigayaa.
Murtida iyo aqoontiyo cilmigu malaha
miisaane
Hadduu sida muwaashiga ciyuu muudal
yahay soocan
Nin adduunyo maantaa hayaa mawlihii
noqoye
Mugdi baynu soconnaa habeen meelaan
nuur jirine
Sidii Binu Israa’iil mutaan marar
sallownaaye
Isku murugney aakhirana waa madhax
xunoo yaalle
Maxaan idinku maaweeliyaa miridhay
laabtiiye.
Marwo, 1962
Kuwa fuudka laaciyo intuu faajir
talinaayo
Oo camalku kii Fiishar yahay faracna
dheeraaday
Oo aanan filahayn inuu furuqu baan
yeesho
Jeeruu fadliga Eebbahay ferej inoo
keeno
Oo shicibka reer hebel fasaqay
foodhibahalleeyo
Oo ay fariiddo u kacaan fidhadan
ceebawdey
Faallada wixii dhacay inaan fidiyo
waa caare
Waxba yaan ku foofine arrini hay
fadhido caawa.
Facaan Ahay, 1962
Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo
habowe
Tuug daalliniyo caasi baad tamar u
yeeshaane
Tembi baad u dhiibteen nimaan tuna
ka sheegayne
Toorrey af badan baw xidheen taarig
xoogsadaye
Tabaalaha Wakhtiga, 1966
Akhlaaqdii xumaatoo xishood laga
awaareeye
Iimaanku laabtuu jiraye aragahaw u
guurye
Kun jeerood ixsaan fari ma jiro axad
maqlaayaaye
Waxay dheguhu aad ugu furmaan ereyga
ceebeede
Ina Cigaal, 1967
j. Marxaladda
saddexaadna waxa ay ku beegmaysaa xilligii kacaannimada ee askartu ay
dalka maamulayeen. Sidii dadka Soomaalida intooda ugu badani u
taageereen inqilaabkii ciidamadu hormuudka ka ahaayeen, ayuu Xaaji Aadan
Af-qalloocna u soo dhoweeyey is-beddelkaas.
Arday kama hadhoo macallinkuu daba
ordaayaaye
Mas’uuliyaddu waa adagtahoo waa
ammuur culuse
Ardal iyo nimaan qaadi karin looma
aammino’e
Nin naftiisa amarkeed gabaa ma abyo
khayrkeede
Aqalkeeda Leegada
Oktoobar 1969
Waxaan ahay qabiilkii akhiray Reer
Afriiqiya’e
Dabkaan ololiyaa lagu gubtaa meel
haddaan imiye
Iimaan la’aantiyo dhibtaan abid jeclaadaaye
Awood waxaan u leeyahay khilaaf inan abuuraaye
Isku diridda iyo baan aqaan laydinka adkaaye
Qabyaaladdii oo Hadlaysa, 1971
Muddo boqol gu’yaa dhaqankaygu nagu
magoognaaye
Maantuu bilow yahay codkeennu oo
laysku maamulo’e
Ka macaan maggaabada listiyo malabka
Daaloode
Maskaxdii jirroon dayaxu waw madow
yahay
Inyar oo qalbiga maal ku leh baa ka
murugoone
Waa mahadho taariikhi ah iyo madhax
la tuugaaye
Ku mintida afkii hooyo waa lagama
maarmaane.
Afka Hooyo, 1972
Inkastaad haleelada adduun jaad
kastaba hayso
Waa hoodo yay kaala dhicin jar iyo
haadaane
Hodankii ahaa shalayto baan maanta
qado hayne
Hoos labadii gelin weeye oo hawli
dheer tahaye
Dhaaxay habaas kaga tagtaa nimay
heshiiyeene
Nin Hawoodey, 1978
Saddexdaas marxaladood
ee aynu wax ka soo xusnay gabay kastaa waxa uu muraayad u yahay oo laga
dhex halacsanayaa waayihii iyo duruufihii jirey ee dalka iyo dadku ku
sugnaayeen. Gabayada Af-qallooc marka aad la kulanto waxa aad
dareemaysaa in ay lafta iyo dhuuxa ka nool yihiin oo ku dherersamayaan
waayahan haddeerto la joogo. Waxa aad is moodsiinaysaa inuu haddeerto
gabayada tirinayo, kana hadlayo nolosha maanta iyo daruufaha jira
Soomaalida dhexdeeda iyo caalamkaba guud ahaan. Buuggani waxa uu haddaba
si mug iyo miisaan leh isu dul taagayaa saddexdaas marxaladood iyo
gabayadii ka dhashay ee Xaajiga Aadan Af-qallooc, waxaanu dhinaca kale
soo bandhigayaa taariikh nololeedkii Xaajiga,
barbaaritaankiisii, hanaqaadkiisii iyo inta jeer ee Alle
saymo iyo sursuur oodan ka samata-bixiyey, noloshiisii qurbaha
iyo inta uu badweyn iyo xuduudo u kala gooshay iyo
halgankiisii gobannimo-doonka ahaa dibadda iyo markii dambe ee
waddanka uu ku soo laabtayba. Waa taariikh hodan ah oo dhawr jiil iyo
dhaqammo kala duwan aqoontood iyo waaya-aragnimadood minjaheedu ka soo
jeedaan oo madaxa ku haysa. In ku dhow lixdan gabay, mid la soo wada
helay iyo mid tuducyo laga hayaba, ayuu buuggu weelaynayaa. Waa suugaan
la yaab leh oo aan ku ekayn xilligaas uu Xaajigu tirinayey duuruufihii
jirey. Waxa ay la jaanqaadaysa wacaasha iyo waayaha bulsheed ee
Soomaalida maanta, waana muraayad dib looga daawan karo tagtadeennii
shalayto, laguna qiimayn karo joogtadeenna maanta, lagana sii hilaadin
karo timaaddadeenna berrito soo foolka leh.
Wax na diley xaqoon aasno iyo iib
dacaawiya’e
Wax na diley dunuub aanad gelin
aanadeed bixiye
Wax na diley anaanayida iyo abiyo
laan sheege……….
Mar kale:
Ammaanaa yaraatoo dadkii ways ogaal
dhacaye
Nin waliba halkii lagu ogaa gurey
intii tiille
Ashahaado beeniyo ribey ku
istareexeene
Acmaal lama rabee hadal-tiray ku
ibtiloobeene…….
Haddana:
Ilaah lagama baqo shilinka oo la
arko mooyaane
Axad gaabsha lama caawiniyo kii
itaal darane
Nin adduun hayaa kii kaluu
alamsanaayaaye
Waa lays inkirayaa sidii maalintii
Urure………
Mar kalena:
Eexdiyo rishwadu waxay dhalaan
uur-xumiyo ciile
Aanadu cadliga laga tegay aabbaheed
tahaye
Aargoosigiisiyo dulmigu waa isu
adeere
Marka xaqa la awdaa tolnimo loo
abtiriyaaye……..
Ka sii daran:
Caammiye nin daadihinayuu diidayaan
ahaye
Dab baan moodey gaaraabidhaan
daymadii hore’e
Dambas iyo ramaad baariddaan naar ka
deyayaaye
Dacar iyo unuun baan macaan ugu
dudaayaaye
Doofaar ilkihii baan u filay dur iyo
yaaquude………..
Yaab kale:
Bahal cadarku dilayaa jira oo digo
shifaysaaye
Idinkana daliilkiyo wacdigu waydin
didiyaane
Af-daleela iyo baad shubtaan Diin la
iibsado’e………
Dunjigi Aadan ubadkuu dhalaad ugu
dambaysaane
Wixii aad ku dacafteen qalbigu saw
iskama daayo
Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin
diidey
Maruun maad ku dayataan khalqiga
libinta doonaaya!!
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc)
Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan
mohamedbashe@hotmail.com