SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Heshiis ay galeen East Africa University Bosaso – Galkacyo iyo FTMS (Malaysia)

Sawirada Heshiiska Halkan ka daawo.....

Xaflad lagu Maamusay heshiis ay kala saxiixdeen Jaamacadda Bariga Africa iyo machad lagu magacaabo FTMS global oo fadhigiisu yahay Magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia.

Xafladan oo si wada jir ah looga qeyb qaatey ayaa xalay waxay ka dhacday Xarunta Jamacadda Bariga Africa oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi kasocda machadka FTMS iyo E.A.U iyo waliba Masuuliyiin sar sare oo ka socotay Maamul Gobaleedka Puntland , Shirkadaha, Ganacsatada, Culuma awdiinka, Aqoonyahanada, Dhalinyarada iyo dhamaan qeybaha bulshada oo dhan.

Masuuliyiin badan oo halkaas kahadashey ayaa u mahad celisay islamarkaana soo dhaweysay heshiiskan cusub ee ay kala sixiixdeen Machadka FTMS iyo E.A.U. ayaa aad loogurajawaynyahay in uu isbadal xaga aqoonta ah kusameeyo guud ahaan umada Somaaliyeed gaar ahaan mushtamaca reer Puntland.

Eng: Sayid Maxamed C/le Xasan oo ah isku xiraha E.A.U and FTMS islamarkaasna horkacayay waftigaas, in badana ku hawlanaa kor uqaadida iyo tayaynta waxbarashada mandaqada ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay ujeedada Heshiiskaan iyo ardayda Malaysia waxkabarata faa’iidooyinka iyo khasaaraha ay dalkaas kala kulmeen.

Waxaa xafladaas lagasheegay in waxbarashadaan cusub ee kusoo siyaaday mandaqada ee udhaxaysa FTMS iyo E.A.U ay si buuxda uga hirgalayso guud ahaan mandaqada Puntland, laakiin hadda si rasmi ah ugabilaabanayso meelaha Jamacadu xarumaha kuleedahay sida: Boosaso, iyo Galkacyaba.

Mr. Trevor Ward iyo Abdul Aziz Tanko oo ahaa waftigii ka socday Machadka FTMS ee fadhigiisu yahay Wadanka Malaysia ayaa waxay si wada jir ah ugu mahad celiyeen dhamaan Madaxda Jaamacadda Bariga Africa iyo Madaxda sare ee Dawlad G/leedka Puntland oo qeyb weyn ka qaadatay Soo dhaweyntooda.

Mr. Trevor oo ah nin u dhashay wadanka Britain ahna Madaxa sare ee Machadka FTMS ayaa wuxuu beeniyey in Gobolada Puntland ay kajirto Amaandarada idaacaduhu buun buuniyaan. Hadase waxan ogaaday Xaqiiqda ayuu yiri Mr. Trevor, wuxuu kaloo balan qaaday Mr.Trevor inuu si aan kala go’laheyn ula shaqeyn doono Jaamacadda Bariga Afria.

Iskusoo wada duuboo waxay xafladii ku dhamaatey jawi wanaagsan farxadnagalisay labadii dhinic ee heshiisku dhexmarey iyo dhamaan dadwaynihii kasooqaybgalay. Mahadaasna waxay usugnaatay allah subxaanahu watacaalaa iyo ragii hawshaas soo dhameeyay oo uu ka’mid ahaa Eng. Sayid.

Suxufi: Farxan Yasin Mire (isqootax)

isqootax@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 28, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS