SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Siyaasiga Soomaaliga ah oo aanuu Qaban Xeerkii Gari laba nin kama wada Qosliso.

Marka dib loo raaco guud ahaan Soo jireenka Siyaasada soomaalida iyo Siyaasiga itaba waxaan marnaba kuu soo baxeeyn Sharci iyo qaanuun kala haga Siyaasada, Siyaasiyiinta iyo cida eey hogaaminayaan intaba, waxeeyna wax walba ku socdaan rabitaanka iyo hawada Shaqsi ama shaqsiyaad gaar ah inta kalana iyagaa ku rati kacsada oo weey ku daba feeylaan.


Taasi waxeey si guud usoo shaqeeyneeysay wixii ka horeeyey 1990 kii, waxaase ku soo biiray Fikir cusub oo ah in Cidii la doono la sameeyn karo, Siyaasi rabitaankiisa(Ambition ) kusoo baxa waxaa bedelay Xiliyadii dagaalada sokeeye Siyaasi ku sheeg la sameeyey, kaasoo ama Mid kale laga hoos sameeyey ama si madax banaan kaligiis gooni loogu taagay, si loogu gaaro dano gaar ah oo eey leeyihiin dowlado, Urur goboleedyo ama Qaarado kale oo gadaal ka riixaya.


Hadaba dhibaatada Shacabka Soomaalidu eey Qabaan oo leh qeeybo badan oo kala duwan ayaa waxaa ka mid ah Arin guur guurka Siyaasada,Amaanka,Dhaqaalaha iyo xitaa Arimaha bulshadaba ku Reebta Saameeynta ugu balaaran taasoo ah inuusan jirin Hab Lagu xaliyo ama lagu kala xukumo Marka eey is qabtaan Dadka siyaasada Soomaalida hor boodaya ,Taasoo miraha ka soo baxa mar waliba eey dhibaato ku reebto Shacabka Masaakiinta ah balse iyagu madida lagu Dooxayo Daabka Danbe ku dhegan.


Arinta ah ineeysan jirin hab lagu kala baxo Hadii hogaanka ama hogaanka iyo ku xigeenadiisu is qabtaan ayaa ka siman Guud ahaan Geyiga soomaalida Haba ugu badnaadeen Hogaamiye kooxeedyadii koofurta Soomaaliya waxeeyna soo bilaabatay si weeyna u soo shaac baxday 1992 dii xiligii eey Soo caanbaxday Oraahdii Caanka noqotay ee 'Caydiid Gar leh Cali Gar leh' Taasoo muujineeysa inuusan jirin Hab qoraal sharci ah ama mid Curfi(dhaqan) ah oo lagu kala saari karo Hogaamiye yaasha isku qabta siyaasada, balse arintu eey ku saleeysan tahay Rabitaanka Shaqsiyaad iyo Taageerayaal iska abuurmaya isla waqtigaasi.


Wixii Xiligaasi ka danbeeyey Ururada siyaasada, Garabyada iska soo horjeeda iyo Cid walba oo soomaali ahba Qeeybsanku Sharci ayuu noqday, Dadka Caadiga ah Saxaafada iyo cid walibana waxeey horay ka aqoonsaneeysaa Garabyada iyo shaqsiyaadka soo baxa ee sheegta ineey hogaanka Madax ka yihiin, kuwaasi oo si sahlan loogu yeero sida uu Rabo qofkaasi Sheeganaya Masuuliyada cusub.


Sidaan horay u soo sheegay arintani Waxeey ka bilaabatay inta sida aadka ah loo xasuusto Isqabadkii Cali mahdi iyo caaydiid, Waxaa la xasuustaa Doorashadii Jaamac Cali jaamac, Diidmadii C/laahi yuusuf, Qeeybsankii Jabhadii RRA da, Shaati Guduud iyo ku xigeenadiisii, Ku xigeenadiisii oo usii xuubsiibtay Garab cusub,Shiikh aadan madoobe iyo Xaabsade oo laba jabhadood kala yeeshay,Qeeybsankii SNF oo gaaray ilaa 7 Garab kii USC warkiisa daaba,Qeeybsankii SPM.


Dhamaan dhinacyadaasi aan soo sheegnay Qolo(Garab ama koox) ama qof Qaladkeeda lagu qaaday ma jirin, Hadii eey ahaan laheeyd xaga Isla- maamuladaas Gudahooda ama Xaga shacabka ,waa la kala taageerayey sida caadadu tahay inta badana sidaas ayey sharci ku yihiin Koox waliba oo lama kala adkaado, laakiin shacab badan ayaa la laayaa wax walbana sidooda aya lagu kala wataa,mararka Qaarna waa la kala adkaadaa kii soo hora ayey na shacabkii kala taageeray labada dhinac iska raacaan kadib markii in badan oo iyaga ka mid ah la laayo, sidi ka dhacday Puntland Jamac Cali jaamac iyo C/lahi yusuf dhex martay.


Hadaba aqristoow sidaasi ayey sharci u soo aheeyd Soomaalida dhexdeeda inaan siyaasada Qaladkeeda cidna lagu qaadin, dhex dhexaadintuna noocaas noqoto, koox walibana iyadaa saxan, sharciga iyadaa ilaalineeysa, kooramka loo baahan yahay iyadaa heli karta tiro kasta oo eey la egyihiin oo waa aqlabiyad biyo kama dhibcaan ah,kooxda kale oo eey kala tagaan sharci maaha,Jiifiyaana banaan joojiyaana baanaan, Ku qabso ku qadi meeyside iyo sharciga ayey hareer mareen...... ayaa dhinac waliba sax u soo ahaa mudadaas dheer welina weey socotaa......


Hadii aan usoo dhaa dhaco ujeedada Maqaalkeeyga Arinta dhex taal Hogaanka Maxkamadaha isla markaana ah hogaanka Isbaheeysiga Dib u xoreeynta ayaa salka ku heeysauun Soojireenkaasi Siyaasadeed ee aan laheeyn Kala reebtada, Ma jirto cid isweeydiisay yaa qaldan si dhab, iyo in lagu qaado cidii qaldan qaladkeeda dabadeedna halkaasi qilaafku ku dhamaado.


Labada dhinacba kalama foga, waa Shiikh shariif iyo sheikh xasan Garabyada eey kala hogaamiyaane, waxa eey ka hadlayaan hadii aad si hoose ugu fiirsato, waa Farsamada uun loo wajahayo Sidii wadanka loo xoreeyn lahaa , ciidamada Itoobiyana wadanka looga saari lahaa, waxeeyna labada dhinacba rumeeysan yihiin sida uu sheikh Xasanba sheegay in ciidamada Itoobiyaanku Baxayaan ifa- faalaha Muuqda marka laga qiyaas qaato.


Hadii aan ku horeeyo Garabka Shiikh Shariif waxeey qalad ku galeen aniga aragtideeyda La Tashi la' aan eey ku wadaan howsha jabuuti oo loo baahnaa inta eeysan wax la taaban karo Aduunka la gaarin in eey ku qanciyaan kalana tashtaan Garabkooda kale, iyo iyagoo weli ku deg degaya isla howshaasi la tashi la 'aanta ah sida ka muuqatayba shirkii Yemen markii laga soo laabtay waloow ey Marmarsiyo badan u sameeynayaan hadana khaladku wuu sii socday oo Raali gelinta iyo Muwaafaqada Isbaheeysiga dhexdiisa Xoog abdan ma saarin.


Dhanka kale ee Asmara oo sheikh aweys uu hogaamiyo Waxeey ku qaldan yihiin Iyagoo Qaladka Saaxiibadood ku saxay Qalad kale, kuna dhawaaqay hogaan Cusub oo lagu deg degay kaasoo aan tiradii loo baahnaa heeysan isla markaana muujinaya in qilaafku aanuu xal danbe rajo ka qabin, maadama la raacay jidkii Hogaamiye kooxeedyada oo Qeeybteeyda ii gooy lagu yaqaaney, taasoo salka la geleysa "Caydiid Gar leh Cali gar leh" labada dhinacna sidii soo jireenka aheeyd qola waliba sharci ahaan iyo kooram ahaan iyo dhan walba anaga ayaa saxan ayeey bilaabeen, su aashuse waxeey tahay Maxaa hortaagan in la helo Hab Nidaam, Gole ama dhex dhexaadiye yaal kala saara Labada dhinac, Dhegeeysta doodohooda iyo farqiga u dhexaaya, kala xukuma qof ama labadii qaldanna yiraahda waad qaldantihiin si eey kaligood u noqdaan Qaanuun, sharci iyo Caqli ahaan intaba loo marsiiyo jidka saxda ah sidaasina eey ku dhamaato iyagoo laga awood batayna dadka dhinac ka raaca?


Runtii jawaabtu waa kooban tahay xageeyga waxaanan u aaneeynayaa 3 arimood oo wada jira ineey ka taagan tahay isbaheeysiga dhexdiisa kuwaasi oo kala ah:


Tankoowaad:In dhaqankii soo jireenka ahaa uu Meesha yaalo oo aaneey jirin cid ku baraarugsan oo ku fekereysaba inaan la wada saxnaan Karin horayna waa tii soomaaligu ugu Mahmaahi jirtay *Gari laba nin kama wada qosliso*maantase waa shaqeeyn weeysay mahmaahdaasi .


Tan labaad:Dhex dhexaadiye yaasha oo aad u jilicsan isla markaana aan runta usheegi Karin Cid walba waxa eey ku qaldantahayna ka wareegsanaya si walba oo eey u arkaan, iyadoo eey jirto wax badan oo eey la socdaan ama mararka qaar eey ka dhawaajinayaan marka eey idaacadaha ka hadlayaan ama dad eey la kulmaan laakin aaneey kudhawaaqi Karin si ficil ahna u fulin karin.


Tansadexaad: ayaa ah ineey jiraan Shaqsiyaad ku dhex ordaya labada dhinac oo aad uga shaqeeynaya in la sii kala fogaado isla markaana qolo waliba eey saxnaato raadisana xoog iyaga cusleeya, si labada dhinac midna aanuu u gaarin Rabitaankiisa iyo waxa u muuqda inuu qaban karo, dhinacyadaasi ayaa dano Shaqsiyadeed mid Dowlado shisheeye iyo mid qabiil intaba salka ku haya, waxeeyna labada dhinacba ka ba- binayaan dabka shidan iyagoo isu muujinaya ineey dhab ka tahay wanaagna eey rabaan, waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso dadkaasi nooca eey noqon karaan laakin waxaa jira shaqsiyaad labada dhinacba ka tirsan oo idaacadaha ka hadlayey inta aan yaman waxba la isla gaarin, kasii hor iyo kadiba hadalo aan loo wakiilan oo wax kal afogeeynayana baahinayey, waxaa jira qaar Saxiixyo eey sameeyeen dib u diiday, waxaa jira qaar aad uga moowqif fog raga eey la jogaan xitee taasoo muujineeysa inaaneey iyagu waxba xeerineeyn, lahjado adag oo wax sii kala fogeeynayana isticmaala inta badan.


Maadama Raga is haya eey yihiin Ragii culumada ahaa Shacabkuna ku aamineen diintooda, wax qabadkooda iyo ineey ka duwan yihiin hogaamiye kooxeedyadii umadda daashaday waxeey aheeyd ineey u laabtaan habkii Alle SWC uu yiri ku xaliya qilaafkiina kuna cad kitaabkiisa kaasoo ah Shuurada, "Amarkiina iyo taladiina ku saleeya Shuura iyo wada tashi dhexdiina ah" ayuuleeyahay alle SWC, in khilaafku Fashil keenayana quraanka wadaadadu aqrinayaan ayuu ku cadyahay , waxaase aad moodaa in Sooyaalkii uu ka xoog batay waxa aan soo sheegnay oo dhan, kaasoo ah inaaneey jirin Cid soomaali ah Madax ha ahaado caadiya ama mid wadaad ah ama qof waliba oo qalad uu leeyahay lagu qaaday 48 sano oo wadanku xoryahay iyo kasii horba, waxaana halkaasi ku bur burtay lafteedu oo aan shaqeeyneeyn xiligaan Mah maahdii aheeyd "Gari laba nin kama wada qosliso" oo hada isu bedeshay Cid walbaahi gar leh.


Dhibka ka dhalanaya Arimahaasi aaneey jirin Hab loogu kala baxo, Cida mar walba uu dhibaatada ku hayo waa shacabka, cida kaliya ee iska qaban karta, la xisaabtami kartana Waa shacabka, iyagoo adeegsanaya dhamaan qeeybaha kala duwan ee Bulshada, waase hadii eey sidaasi ka soo go'do Shacabka kuna baraarugaan Dhibaatada eey leedahay Marka eey kala rajixi waayaan Labada garab ee miisaanka wax loogu cabiro mar walba.


Wixii talo iyo Dhaliil ah kusoo hagaaji emailka adigoo mahadsan.


W/Qoray:
Eng:C/qaadir Xaashi. Maxamed.

Email: hashi1960@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 28, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS