SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mas’uuliyiintii Inta badan deegaanada hoos taga gobolka bay oo xilalkii iska casilay

24kii Saac Ee ugu dambeeyay ayaa Waxaa Xilkooda Iska Casilay Xubnihi Mamulka Degmada Diin Sor Guud ahaan Gudoomiyihii Buur hakaba iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Labaad Ee Maamulka Bardaale kuwaasi oo Madax ka Ahaanjiray Maamul DFKMG ah u Dhistay Degmooyinkaas mudo Laga Joogo 2 Sano .

Gudoomiyihii Maamulka Degmada Diinsoor ayaa saxaafadda International u sheegay kadib iscasilaadiisa Sababta ay u istiqaaloodeen isaga iyo Maamulkiisa ay tahay in ayan jirin Mudooyinkan Wax Shaqo ah oo ay Qabanayeen Taasina ay Keentay in ay xilka Iska Casilaan Markii ay ka munaaqashoodeen inbadan Isaga iyo Gudigii Degmadaasi .

Gudoomiye kuxigeenka Labaad Ee Degmada bardaale isxaaq Abshir ayaa isna iscasilaadiisa Waxa uu Sabab Uga dhigay in Uu Awoodi waayay In uu Guto xilkii iyo Waajiaadki Kasaarna Maamulka Degmadaasi Badaale .

Mudo aan ka Badneyn 7cisho Gudaheeda ayaa Waxaa Xilkii ay hayeen iska Casilay dhamaan xubnihii Dowlada FKMG ah ee Degmooyinka Qansaxdheere ,Ufurrow, iyo Diinsoor Waxaana Sidookale iska dhigay istiqaaladdii Gudoomiye kuxigeenkii Labaad bardaale kuwaasi oo gobolka Baay Kawada Tirsanaa .

Lama garankaro ula Jeedaka Ka Dambeysa Iscasilaadooda Laakiin Dadka Siyaasiyiinta Waxaa ay sheegayaan in ay jiraan Cadaadisyo iyo Hanjabaadyo uga Imanayay Xubnahan dhinaca Quwadaha DFKMG ah Ee Soomaaliya ka Soo horjeeda kuwasi oo La Tilmaamo in ay Awood ku Leeyihiin Degmooyinkaasi.

Iskastaba ha ahaatee Maamulka Dowlada iyo kuwa Gobolka Baay Maadaama ay yihiin kuwa u Xilsaaran Amaamuladan iscasilay Waxaana Iska Cad in lamaga Caabidoono Maamulo Bedela kuwii Xilkooda iska Casilay Laakiin Su’aasha Taagan Ee La isweydiinkaro ayaa Ah sida ay u Shaqeyndoonaan iyo Figrada ay u Helidonaan in ay Degmooyinkooda ku Shaqeeyaan.

Maamulka Axmadu Waldu Cabdalla oo sheegay in si sharci darro ah loo guranayo kheyraadka dalka Soomaaliya

Wakiilka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ee arrimaha Soomaaliya Axmed wald Cabdalla ayaa mar kale ku celiyay xadgudubka lagu hayo xeebaha dalka Soomaaliya.

Wald cabdalla wuxuu sheegay in xeebaha Soomaaliya laga dhigtay meel lagu daadiyo haraadiga sunta iyo warshadaha, wuxuu kaloosheegay inxeebaha Soomaaliya si ba’an loo guranayo kalluunka iyadoo aan sharci loo haysan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Axmed Wald Cabdalla ayaa sheegay in arrintaasi ay niyad jab iyo burbur u tahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Wald Cabdalla wuxuu sheegay inuu xiriir la sameeyay isla markaana uu ka codsaday dhowr ururo caalami ah iyo kuwo aan dowli lahayn oo ay ku jirto hay’ada Global Witness oo ka shaqeysa soo bandhigida si khaldan uga faa’iideysiga kheyraadka, iska horimaadyada, musukhmaasuqa iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha ee dunida oo dhan, inay ka hadasho xad gudubka lagu hayo xeebaha Soomaaliya.

Wald Cabdalla wuxuu sheegay in kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka taagan xeebaha Soomaaliya ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin Soomaaliyeed, iyo qabqablayaal dagaal kuwaasoo lacago lagu siiyo si ay usii huriyaan qalalaasaha dalka.


UNICEF oo ka dayrisay xaalada nafaqo daro ee haysata caruurta Soomaalida.



Waqtigaan oo ay sii liidanayso xaaladaha amaan oo ay kasii darayaan dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada koonfureed ayaa hay’adda UNICEF iyo ururada ay shaqada kala dhaxayso waxaa ay soo gabagabeeyeen wareegii labaad ee qaybinta cunto nafaqaysan waxaana ay qaybiyeen UNIMIX oo ah cunto ay ku badan tahay Fiitamiino iyo macdan.

UNICEF ayaa cuntadan nafaqaysan waxaa ay u qaybisay 54,000 oo caruur ah oo ka yar da’da Shanta sano kuwaasoo ku nool xeryaha dadka soo barakacay ee degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.

Sanduuqa badbaadada caruurta ee qaramada midoobay ayaa sare u qaaday qaybinta cuntooyinka nafaqada leh ee ay ugu talagashay caruur badan oo taagdaran kuwaasoo xaaladooda nafaqo xumo ay kasii darayso sida lagu sheegay indha indhayn cusub oo ay meelaha qaar ay ku sameeyeen kooxda u kuurgalida amaanka cuntada ee Soomaaliya oo marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan FSAU.

qiyaastan la sameeyay ayaa lagu sheegay in 180,000 oo caruur ah kuna sugan Somalia ama 6-dii caruurba midi ay hayso nafaqo daro aad u halis ah iyadoo qiyaas ahaan boqolkiiba kow iyo toban ay korortay caruurta nafaqo darada haysa lixdii bilood ee ugu dambeeysay.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda Frazer oo xasan daahir ugu baaqday in la soo afjaro xasaradaha ka jira soomaalia

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka maraykanka ee qaaradda Afrika Jendaye Frazer ayaa ugu baaq u soo jeedisay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan xubnaha isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee ku sugan magaalada Casmara ee dalka Eritrea.

Frazer waxay sheegtay in ay ugu baaqeyso Xasan Daahir Aweys inuu ku biro hannaanka wadahadallada siyaasadeed ee la doonayo in lagu soo afjaro xasaradaha ka taagan dalka Soomaaliya.

Haddii uu sidaasi yeelo waxay sheegtay Fraser in Maraykanku uu ka saari doono magaca Sheekh Xasan Daahir Aweys liiska shakhsiyaadka argagixisada.

Xasan Daahir Aweys ayaa dhowaan waxaa hogaamiye u doortay xubnaha Isbahaysiga dib u xoreynta ee ku sugan magaalada Casmara iyagoo sheegay inay xilalki ka qaadeen sheikh shariif sheikh Axmed iyo shariif Xasan sheikh Aadan.

Frazer waxay sheegtay inaanay aqoonsaney hogaamiyenimada loo doortay Sheekh Xasan Daahir aweys iyadoo sheegtay inay aqoonsan yihiin xubnaha Isbahaysiga ee Jabuuti ku sugan.

Waxay kaloo intaa ku dartay in ay u arkaan kuwo Jabuuti ku sugan kuwo ka shaqeynaya hannaan wadahadal ah in mashaakilka Soomaaliya lagu dhammeeyo.

Ms frazer ayaa sheegtay inay soo dhoweeyeen qodobadii lagu heshiiyay ee Jabuut ay ku kala saxiixdeen dowlada kmg ah iyo Isbahaysiga dib u xoreynta oo ay sheegtay inay ku jiraan qodobo muhiim u ah in xasilooni lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya.

Fraser waxay sheegtay in ay rumeysan tahay in Soomaalida inteeda badan ay heshiiskaasi taageersan yihiin, isla markaana aanay hubin inta ay la egtay awooda ay ku wiiqi karaan kooxaha ee diidan heshiiskan.

Jendaye faraser waxay kaloo rabsho wadayaal ku tilmaamtay kooxda al-Shabaab oo ay sheegtay inay ka shaqeynayaan fowdada ka taagan dalka Soomaaliya.

Waxay sheegtay inay aad uga xun tahay inay adeegsadaan magaca dhaliyarada, iyadoo intaa ku dartay in maraykanka uu ka shaqeynayo sidii uu xididada ugu siibi lahaa il kasta oo ay dhaqaale ka helayso kooxda al-Shabaab.

Jendaye Faraser ayaa hadalkan ka sheegtay wareysi gaar ah oo ay siisay laanta afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sidoo kale waxay sheegtay in dowladda Maraykanka aan si rasmi ahaan u aqoonsaneyn dowladda kmg ah iyadoo sheegtay inaan taasi ahayn wax khasab ah.

Laakiin waxay sheegtay Maraykanka inuu wadashaqeyn buuxda la leeyahay dowladda Soomaaliya iyadoo sheegtay in iyadu ay tagtay magaalada Baydhabo, Madxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmedna uu yimid magaalada Washington uuna la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Condoleeza Rice.

C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu horkacayo oo ka dagay Magaaladda Garowe .

Madaxweyne Yuusuf ayaa Markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaaladan Garowe ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha Dowlada Gobaleedka PuntLand Md Maxamuud Muuse Xirsi ( Jeneral Cadde) iyo qaar kamid ah golihiisa wasiiradda iyo waliba isimada

Madaxweyne Yuusuf ayaa la filayaa inta uu joogo maamulka Puntland in uu la soo hadal qaado mas’uuliyiinta maamulka iyo isimada xaaladaha nabadgelyo gaar ahaan kuwa magaala madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo sidoo kale ayaa waxaa lagu wadaa ineey ka wada hadlaan wax ka qabashada xaaladda amaanka ee magaalada muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaaa kaloo lagu wadaa in maamul gobaleedkaas ay ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin burcadbadeeda Somaliya ee saldhiga kadhigtay deegaanka Eyl ee katirsan maamul goboleedka Puntland.

Yuusuf ayaa la filayaa in uu booqasho kooban kutago deeganka ay kasocto barista shidaalka halkaas oo uu u kuurgali doono sida ay u socto xaaladda shidaal baaris ee deegaanka Puntland .

Booqashada madaxweynaha ayaan meesha ka marnayn hadalkii ka sooyeeray wax ka qabashadda iyo dejinta xaaladaha qatarta ah ee ka soo yeereysa qaramada midobay tasoo waji gabax ku ah DKFM. kadib Ergeyga Somaliya ee qaramada midoobay Axmedu Wuld C/della oo uu ku dhaliilay xaaladda amaanka ee deegaanada puntland taasoo sida la sheegay aan amaankeeda la siku halleyn Karin halkaasna aysan tagi Karin shaqaalada joogta ah ee qaramada miidoobay, marka laga reebo kuwa deg deg ah,


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 27, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS