SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
26 July 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Ururka isku xidhka dhalinyarada Ogaadeenya oo deeq u ururiyay agoonta
Sudan oo u digtay ciidammada nabad ilaalinta ee Darfur ka hawlgala.
Ururada dhalinyarada geeska afrika oo shir ugu dhamaaday Asmara-Erataria.
======================
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Labo toddobaad gudohood dagaallo kala duwan oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 97 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 33 askari inta la ogyahay. Waxaa dagaalladaas ciidammada gumaysiga lagaga gubau hal Baabuur oo Uuraal ah, sidaasna waxaa noo soo sheegay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladani waxay u dhaceen sidatan;

24/07/08 Sanxaskulle dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

22/07/08 weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Ban-baas waxaa 8 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

19/07/08 dagaal ka dhacay Garbo-dhuubo waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 19/07/08 meesha lagu magacaabo Dandi dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

17/07/08 Laan-qudhac, oo Sagag ka tirsan, waxaa lagu weeraray ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tegay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Sidoo kale 17/07/08 Malqaqa waxaa weerar loogu gaystay ciidammada gumaysiga, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Isla 17/07/08 Dandi waxaa weerar loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyaha, kuwaasoo laga dilay 2 askari, 2 kalana laga dhaawacay.

16/07/08 weerar si fiican loo qorsheeyay oo lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan Gurracan, waxaa lagaga dilay 18 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay inta la ogyahay.

15/07/08 dagaal ka dhacay Ceel-jiir waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 15/07/08 Fikta, oo Dhuxun ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal Baabuur oo Uuraal ah, kaasoo lagu gubay in ka badan 50 askari oo saarnaa iyo hubkii ay wateen.

14/07/08 Dheemaha, oo Sagag ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 14/07/08 Ceelo Obo dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 14/07/08 Malabley weerar gaadmo ah oo loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas ku sugnaa, waxaa lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagag dhaawacay.

13/07/08 duleedka Baabili waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, waxaana weerarkaas lagaga dilay 1 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 13/07/08 Ananu iyo Agasla, oo Ban-baas ka tirsan, waxaa weerarro gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumayasigu leeyahay, kuwaasoo la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Sidoo kale 13/07/08 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Dhagaxle waxaa ciidammada gumaysig lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/07/08 Daad-some dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Ururka isku xidhka dhalinyarada Ogaadeenya oo deeq u ururiyay agoonta


Ururka Isku Xidhka Dhalinyarada Ogaadeenya ee magaalada San Diego ee dalka Maraykanka ayaa daba-yaaqadii toddobaadkan qabtay munaasabad ballaadhan oo dhaqaale loogu ururinayay Agoonta Ogaadeenya eek u sugan xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya.

Munaasabadan, oo lagu soo bandhigay suugaan iyo madadaalooyin kala duwan, waxaa dhaqaale loogu qaaraamayay carruurta agoonta ah ee ka soo qaxay dalka Ogaadeenya ee ku sugana xeryaha qoxootiga ee Ifo, Dhagaxley iyo Xagar-dheer ee dalka Kenya.

Ururkan ayaa ku talajira inuu fuliyo mashruuc lagu magacaabo “Badbaadi Carruurta Ogaadeenya”, wuxuuna mashruucan kala shaqayn doonaa Jaaliyada Ogaadeenya ee Bariga Afrika.

Dalka Kenya waxaa ku sugan qoxooti aad u badan ee ka soo qaxay xasuuqa iyo cadaadiska ay ciidammada Itoobiya ka wadaan dalka Ogaadeenya. Qoxootigan ayaan ilaa iyo hadda helin daryeel ku filan, qaar badan oo ka mid ahna waxay wali la tabaalaysan yihiin dhibaatooyinkii ka soo gaadhay cadaadiska iyo denbiyada dagaal ee xukuumadda gumaysiga Itoobiya ka wado Ogaadeenya.

Sudan oo u digtay ciidammada nabad ilaalinta

Dowlada Suudaan ayaa mar kale ku celisay inaanay dammaand qaadi karin nabadgelyada ciidammada nabad ilaalinta u jooga gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan haddii madaxwaynaha Suudaan lagu soo oogo denbiyo dagaal.

La-taliyaha madaxwaynaha Suudaan ayaa sheegay in dowlada Suudaan ayna masuul ka noqon doonin wixii soo gaadha ciidammada nabad ilaalinta haddii Makamadda Caalamiga ee Denbiyada Dagaalku ay kaga dhabayso inay denbiyo dagaal ku soo oogto madaxwaynaha Suudaan Cumar Al Bashiir.

Garsoorayaasha Makamadda Caalamiga ee Denbiyada Dagaalka ayaa la filayaa inay toddobaadyo gudohood go’aan kaga gaadhaan codsigii xeer ilaaliyaha Maxkamadda ee ahaa inay Maxkamaddu soo saarto amar lagu soo qabanayo madaxwayne Al Bashiir.

La-taliyaha madaxwaynaha Suudaan wuxuu sheegay in dowlada Suudaan ayna caydhin doonin ciidammada nabad ilaalinta, isla markaana ayna iyadu wax handadaad ah u gaysan doonin, balse ayna nabaddelyadooda dammaanad qaadi karin.

26 July 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 27, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS