SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) "...ma ahan in shekh-siyaad sidii ay rabaan ugu dhaqmaan..".. wareysi Somalitalk ay la yeelatey

Xog-hayaha Qorsheynta iyo Tababarada IDS, ahna Gudoomiyaha Golaha Qurbo joogta Soomaaliyeed, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo aan wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya kula yeeshey Hoteel IMPERIAL ee caasilada dalka Jabuuti, ismarakaana aan wax ka weydiiyey Ujeedada socdaalkiisa, xubnood ayey ku leeyihiinQurbo joogta Soomaaliyeed IDS, Qaabka loo qaybsadey Golaha dhexe IDS, rajada uu ka qabo heshiiskii Jabuuti ayaa wuxuu ku jawaabey

"Aniga iyo 6-xubnood ayaa ka nimid wadanka Ingiriiska, safarkayagu wuxuu ahaa laba arin, marka hore inaan dhameyno khilaafka IDS soo kala dhex galey, inagoo mlarkii hore ugu dhex jirney qaab taleefoon ahaan, waxaana markii aanu nimid si ka fool ka fool ahaan ula kulaney Sheekh Shariif iyo Guruubka Asmara joogey, inagoo marka hore ku soo hormarney Jabuuti, kadibna waxaan aadney Yaman, waxaana la kulaney wafdi uu hogaaminayo Sh. Cumar iimaan, waxaan keloo la kulaney xubno ka yimid Soomaaliya iyo gudi kale oo ka aas aasmey Jabuuti, markii mudo 13-maalmood aan joogney Yeman oo arinta gudi xukmiya loo sarey oo ay soo dhawaatey hawshii dibu-heshiisiinta ayaan ka soo tegey, waxaan imid jabuuti si aan uga qaybgalo shirkii kalfadhiga Golaha dhexe IDS, laba maalmood kadib waxaa soo baxay heshiis, laakiin waxaa nasiib daro ah, tilaabooyinka ay ku dhaqaaqeen guruubka Asmara, iaygoo walib aan haysan kooram sida uu sheegey Sh. Xasan Daahir oo hadana shuruucdii u hogaasamin, taasina waxay burineysaa heshiiskii Yeman, waana dabeecad Soomaaliyeed in wixii lagu heshiiyo, aysan dhowrin, mana ixtiraamaan.

S:-maxaa idiinka soo baxay shirkaas intii aad joogteen?

J:- Anagu 7 Usbuuc ayaan la hadleyney, waxaa inoo soo baxay hadalo fara badan oo sheegayey in wax la khiyaameeyey, gudoomiyuhu wuxuu ku dhaqaaqey wax sharciga u fasaxaaya, waxaana Jaatarka inoogu qoran, inuu Ururka matalo, shirarkana uu ka qaybgalikaro, heshiisyana uu soo gelikaro, laakiin heshiisyada waxaa diidikara ama ogolaankara Golaha dhexe ee IDS, waxaana Goluhu dhowaan Ansixiyey heshiiskii Jabuuti ay ku gaareen IDS-ka iyo TFG-da iyo kii Sanca oo loo xilsaarey Gudoomiyaha, markii dambe waxaa soo baxay, in ay go'aan iska gaareen guruubka Asmara jooga, iyagoo markii hore sheegayey wax aan loo baahneyn, waxayna ku dhaqaaqeen wixii ay iyagu ka digayeen, taasina waxay muujineysaa in arimo kale laga lahaa oo aysan ahayn waxay sheegayeen wax sax ah.

S:- labada dhinac kee baa inta badan khaladaad ku socdey?.

J:- Runtii qolada qaldan waa ii muuqatey, anigu waxaan ku dhaqmaa wax cadaan ah, waayo Jaatarka waxaa ku xadgudbey qolada Asmara, meyna ixtiraamin wixii inoogu qornaa Jaatarka iyo heshiiskii Sanca, waxayna iska gaareen go'aano hawadooda ah, sharciga waa inuu sareeyaa ee ma ahan in shekh-siyaad sidii ay rabaan ugu dhaqmaan, Shariifkuna, dabacsanaan badan ayuu muujiyey, wuxuuna adiyaar u ahaa inuu heshiis dhaco, walin shekh-si ma caayin, mana ceebeyn, si wanaagsan ayuu Goluhu u soo dhex dhigey heshiiskii Jabuuti iyo kii Sanca, isagaana loo xilsaarey kii Sanca fulintiisa.

S:-Golaha Qurba joogta Soomaaliyeed, imisa xubnood ayey ku leeyihiin IDS?.

J:-30 xubnood ayey ku leeyihiin, intooda badana waa ay kasoo qaybgaleen shirka, qaar wali waxay joogaan wadamadii ay ku noolaayeen, halka 4-xubnood ay joogaan Asmara, dhamaanteen waa ku mideysanahay Golaha Qurbo jooga Soomaaliyeed, waxayna ku kala nool yihiin in kabadan 10 dal.

S:- Qaabkee loo qaybsadey Golaha dhexe IDS, maadaama tirada Golaha lagu sheegey 191 qaab dhismeedkiisa guud.

J:- sida aan xasuusto 50 xubnood waxaa qaatey Baarlamaanka xorta ah, 76 waxaa qaatey Maxkamadaha Islaamiga, 30 xubnood waxaa qaatey Qurbo jooga Soomaaliyeed, 11 waxaa qaatey Ururadda Bulshada Rayidka, 8 waxaa qaatey Bulshada Soomaaliyeed inta magac ku leh dhex deeda, sidaas in loo qaysabdey ayaan u maleynayaa, hadii aanu nahay Qurbo joogta Soomaaliyeed wax dood ah kama qabno, maadaama aan anagu aas aasney, ujeedaduna ay ahayd inaan Urur u dooda xuquuqda dadkeena iyo dalkeena sameyno.

S:- rajo intee la eg ayaad ku qabtaa heshiiska Jabuuti fulintiisa?.

J:- Runtii heshiiskan ma aha mid boqolkiibq boqol aanu dooneyney, laakiin markaad eegto duruufta ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed ayaa nagu kaliftey, inkastoo aan anigu ahaa dadkii sida weyn uga didsanaa, hadana markaan maskaxdeyda la tashtey, waxaa igaley garoshiyo, waxaana aaminsahay in heshiisku fursado badan ay ku jiraan, loona baahan yahay in 12à-ka maalmood fursad la siiyo, waana arin Ciidamada Ethobia nooga saarikaraan UN-ka, waana arin loo baahan yahay inaan waqti siino nabada, cayaarnana siyaasad Diblamaasiyadeed oo muhiim ah, faa'idooyinka heshiiska ku jira waxaa ka mid ah, in Ururkaan loo aqoonsqdo Urur sax ah, inkastoo markii hore loo aqoonsqnaa wax aan jirin, waxaan helney aqoonsi caalami ah, shacabka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa in heshiiska ay taageeraan, islamarkaana aysan dhigin dhigin hubkooda ilaa Ethobia ay ka baxayso, hadii uu fuliwaayana waa mid ay meel kasta dadka soomaaliyeed oo jooga ay ka tashan karaan.

S:- ugu dambeyn imisa sano ayaad moog tahay Soomaaliya?.

J:- anigoo 29 sano ka maqan ayaan tegey xiligii maxkamadaha 15 maalmood ayaan soo joogey, mar kale ayaan ku noqdey bishii Novembar 2006, 8 maalmood ayaan joogey, kadibna waan ka soo tegey, xiligaas ayaa iigu dambeysay dalkii Hooyo.

kaasi wuxuu ahaa Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo iigu waramayey Hoteel IMPERIAL ee caasimada dalka Jabuuti,

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 27, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS