SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Lacag dhan illaa 70.000.000 oo sh so, ah oo la gaarsiiyey illaa 11 xero oo ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku dhaqan halka loo yaqaano Ceelasha biya ee G/shabeeladda Hoose.

Saswirada halkan ka daawo....

Dadkaan barakacayaasha ah oo deris ku noqday  iskuna bartay xeryaha ay dagan yihiin dadka guryahodii kaga cararay madaafiicda iyo hubka la isku weydaarsanayo dushooda

Lacagtaan ayaa waxaa ku deeqay jaaliyadda soomaaliyeed ee kalkaal ee dalka Britain. Sida uu noo xaqiiyey mid ka mid ah dadka lacagta loo wakiishay bixinteeda oo lagu magacaabo Nuur Cumar Jimcaale oo loo yaqaano jid fure.

Lacagtaan oo loo soo wakiishay Cali Cumar Jimcaale ‘Jidfure’ iyo Sheekh Cali Gacaneey, ayaa sida uu sheegay Jid fure waxaa  lacagtaan bixinteeda suurto galiyay Ururka kalkaal ee fadhigiisu yahay Magaalada London ee dalka Britain, iyo gabdho soomaaliyeed oo iyagana deggan dalkaas gaar ahaan halka loo yaqaan Egmanton,  oo ah xaafad yar oo hal mile koonfur ka xigta  Tuxford , sidoo kalana hal mile waqooyi kaxigta halka loo yaqaan Laxton  oo ku taala Nottinghamshire, ee dalka  England.

Cali Cumar Jimcaale oo loo yaqaan ‘Jidfure’  oo ka hadlayey goobta lagu qaybiyey lacagtii sadaqada ahayd ayaa waxaa uu ka codsaday dadkii lacagtaas bixiyey iyo kuwii soo aruuriyey labadaba ineey laban laabaan dadaalkooda ku aadan sidii loo tabaruci lahaa dadka baahan alle dartiis, waxaana uu intaas raaciyey in lacagtii la soo dhiibay ay gaarsiiyeen dadkii mudnaa ee awalba loo soo direy dartood, waxaana uu ku guubaabiyey dadkii sadaqadaas bixiyey ineey ku dadaalaan bixinta deeqahaas oo kale iyo u gargaarista dadka walaalahood ah ee daruufeysan, isagoo intaa ku daray in dadka aysan wada gaari Karin lacagtaas balse loo baahan yahay mar kasta in guntiga dhiisa la isaga dhigo oo aan laga daalin bixinta sadaqada dadkaas barakayaasha ah. Taasoo ahayd mid uu ku dhiiri galinayey jid fure in deeqbixiyeyaasha ineeysan ka seexan walaahood  oo mar kastaba ka sugaya gacanta raxmadda leh ee ay uga barteen kana sugayaan had iyo goor.

Lacagta ay soo direen ururka kalkaal meelihii la gaarsiiyey waxaa ka mid xero ay ku jiraan dad qaba cudurada ku dhaca dhimirka, ee keena waalida, ee xerada Ahlul kheyr oo ah xero ay ku jiraa dad waalan, sidoo kalana lagu daryeelo caruurta agoonta ah, iyo dadka ducufada ah,

Xeradaan ayaa dadka ku jira waxaa 3da waqti ka dabara lacago laga soo aruuriyo suuqa weyn ee bakaaraha, dadka qurba joogta ah, xeradda waxaa jooga illaa 50 caruur ah oo agoon ah, halka dadka waalan ay yihiin 19, oo dhamaantood rag ah, waxaa uu sheegay guddoomiyaha xeradaas in dumarkii waalnaa ay u kala baxeen kuwa reystey, iyo qaar geeriyooday oo iyaga ay aaseen.

Guddoomiya xeradaas C/raxmaan Macoow X Maxamed ayaa ka codsay dadka soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ineey gacan ka geystaan, daryeelka caruurta agoonta ah iyo  dadka waalan, oo ay u naxariistaan, taasoo uu ku sheegay ineey tahay sadaqo, dhaxa gal u ah qofka adduun iyo aaqiro labadaba.

Guddoomiaya ayaa intaas ku daray in dadka jooga qurbha ay isku dayaan in dalalka ay joogaan ay uga soo raadiyaan isbitaalo dadkaas waalan gacan ka siiya helista caafimaadkooda ama fayadhowrka dhimirkoodii k tagay asagoo intaas ku daray in qofka waalan uu ka dhib badan yahay dhowr qofood.

Dadkaan waalan ayaan laheyn caqli ay wax kukala soo caan sidoo akale ma jiraan cid manta u maqan oo ay wax ka sugayaan sida xaga dowlada ama ururada wadaniga ah iyo kuwa calamiga ah waxaa kale oo ay si aad ah ugu baahan yihiin daryeel caafimad iyo daawo waxaana la mid ah caruur agoomo ah oo aan heysan wax waalid ah oo daba socdo waxaana ka mid ah wiil bareelis ah iyo gabar cuuryaan ah oo looga cararay gudaha ispitaalka sos ka dib markii looga kala cararay kuwaas oo aan laheyn cid so sheegatay ilaa iyo haatan

Sidoo kale goobihii la geeyey deeqdaa lacageed waxaa ka mid ahaa  kaamamaka

  1. barwaaqo
  2. abuu qaasim
  3. hilaac
  4. daryeel
  5. tabaruc
  6. baladul amin
  7. buulaay
  8. gogor
  9. alaa qadaray

iyo  kaamka lo yaqaan naafada jirka oo dhamaantood ku wada yaaka KM 13, Cumar warsame samantar, oo ka mid ah cuuryaamiinta ku nool  kaamkaas, ayaa waxaa uu ka waramay xaaladda dadka ku dhaqankaas kaamkaas, waxaa uu dhaliilay hay’adaha samafalka ah ee ka howl gala dalkaas waxaana uu carabka uu ku dhiftey hay’adda WFP oo ii sheegay ineey ku wadaan hagar daamo wax uu ugu yeeray.

Waxa uu sheegay in NOG’s  yar yare ee ka jira  gudaha ay u keeneen wax yar, waxaa intaas raaciyey in xeradaas ay joogaan illaa 800 oo cuuryaan kuwasoo isugu jira naafadda dabiiciga ah iyo tan dad sameega ah. Dadka ku jira xeradaas ayuu guddoomiyaha ku sheegay ineey yihiin dad liita oo u baahan daryeel bi’aadannimo.

Waxaa uu u mahad celiyey Ururka kalkaal ee London oo iyagu soo xasuustey walaahood baaba’san , waxuuna uga mahadceliyey gargaarkooda,

xeryaahaas dhamaantood waxey ku yaalaan duleedka Magaalada Muqdisho meel ugu yaraan u jirta 13 Km

waxayna ugu so duceyeen in dadkii deeqdaan so dhiibay uu gacantoda ka dhigo tii koreyso

Deeqdan  oo ay  soo direen ururka kalkaal  ee fadhigoodu yahay dalka England ayaa horay waxaa loo gaarsiiyey   dadka  naafadda ah ee xoogga dalka soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay dagaalkii 1977-kii kuwaasoo ku jira Isbitaalka Dmartiino  adduun lacageed oo gaaraysay   illaa 20.000.000.sh so. Waxaana taa ka horeysay lacago kale oo la gaarsiiyey gobo ay dad somaliyeed ku barakaceen oo kala duwan ,

Ceelasha biya waa deegaan ku yaala meel 20 km koonfur ka xigta magaaladda muqdisho.waxaa inta badan deggan dad barakacayaal ah oo ka soo cararay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaaladda muqdisho.

Dadkaas ayaa intooda badan ah dad daruufeysan oo qaba dhibaatooyin kala duwan, deegaanka waa midballaaran , waxaana ku nool dad lagu sheegay tiaradooda illaa 25,000 sida  muuqata dadka halkaas deggan oo ay haystaan dhibaatooyin aan la soo koobi Karin ayaa haddana waxaa ay sugaan ay tahay Allahii uuntey iyo waliba  dadka walaahood ah ee qurba joogta ah

Qore: musejisow@hotmail.com


Qaar ka mid ah gabdhaha jaaliyada somaliyeed ee dagan dalka Denmark gaar ahaa Magaalada Ohus oo kaalmo soo gaarsiiyey xerada lagu xanaaneeyo dadka waalan iyo agoonta

Sawirada Halkan ka daawo...

Deeqdaan lacageed oo gaareysay 400 $ ayaa waxaa iska soo uruuriyey haweenka masaajidka magaalada ohus ee dalka Denmark iyaga oo soo wakiishay shirkada Xawaalada amaana waxaana loo soo marsiiyey si ay ugu geyso Nimco Maxmaed Xasan ,

Deeqdaan ayaa loogu talagalay in 100 $ la siiyo agoonta halka sadaxda boqol ee kale loo qoondeeyey in la siiyo dadka miyirka la.

Maamulaha Xarunta daryeelka carurta darbi jifka ah iyo dadka waalan Cabdiraxaman Macow Xaaji Maxamed ayaa sheegay in ay soo gaartay lacagta cadadeedu tahay 400$ oo ay soo direen Walaalaha muslimiinta eek u nool dalka Denmark gaar ahaan Magaalada Ohus

Cabdiraxaman Macow Xaaji Maxamed ayaa ka mahadceliyey ka dib markii la gudoonsiiyey kaalmadaa isaga oo dhextaagan 19 qof oo dhamaantood dhimirka looga jiro waxaana ka mid ahaa kuwa xanuunsan oo u baahan in loo fidiyo daryeel caafimad isaga oo xusey in xerada kolkii hore ay ku jireen 119 bukaan dhimirka looga jiro ah waxaana ka soo harey 19 isaga oo intaa raaciyey in qaarkood ay geriyoodeen waxaana jira in qaarkood ay kaxaysteen dadkii ehelada la ahaa iyo qaar ka ladnaaday sida madhoodhow nin lagu magacaabo oo haatan xaaladiisu soo kabanayso

Maxmed sh Muse oo ka mid ahaa dadkii aan kula kulmay xerada lagu xanaaneeyo dadka waalan isaga oo lugta midig la go.an tahay ayaa ka codsaday dadka somaliyeed ee heli kara in ay la soo gaaraan lug macmal ah ama qoryo uu ku socdo wuxuuna ii sheegi waayey sababata iyo xiliga ay lugtiisa midig ay ka go.day

Waxaa sido kale la gaarsiiyey xerada dadka waalan iyo agonta deeq lacageed garayso 7.000.000 oo ay so direen jaaliyada somaliyeed eek u dhaqan dalka UK gaar ahaa ururka gargaar iyada oo ay soo gaarsiiyeen sh nuur jidfure iyo sh cali gacamey oo wakiil ka ahaa jaaliyada kuwaas oo maalmihii la so dhafay ka waday deegaanada qaa iyo ispitaalada ugu waaweyn ee Magaalda Muqdisho

Intaa ka dib wuxuu ka codsaday Maamuluhu dhamaan dadka somaliyeed eek u nool dalka gudihiisa iyo dibadaba iyo inta aqrisan doonto maqaalkaa in ay kaalmo la soo gaaran walaalahooda waalan ee aan heli Karin wax kasta oo ay u baahan tahay qof nool

Dadkaan waalan ayaan laheyn caqli ay wax kukala soo caan sidoo akale ma jiraan cid manta u maqan oo ay wax ka sugayaan sida xaga dowlada ama ururada wadaniga ah iyo kuwa calamiga ah waxaa kale oo ay si aad ah ugu baahan yihiin daryeel caafimad iyo daawo waxaana la mid ah caruur agoomo ah oo aan heysan wax waalid ah oo daba socdo waxaana ka mid ah wiil bareelis ah iyo gabar cuuryaan ah oo looga cararay gudaha ispitaalka sos ka dib markii looga kala cararay kuwaas oo aan laheyn cid so sheegatay ilaa iyo haatan

musejisow@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 26, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS