SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bayaan uu soo saarey Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan

Qoraal Bayaan ah oo ka kooban 3-Bog, islamarkaana uu ku sixiixan yahay Gudoomiyaha Golaha Dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan oo u jeedadiisu tahay Jawaab uu ka bixinayo hadalka ka soo yeerey xubnaha ka tirsan Is-bahaysiga Dibu-xoreynta ee ku sugan Asmara oo dhowaan ku dhawaaqey in ay xilkii ay ka qaadeen xubnaha sare ee Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya iyo xubno kale ayaa Ku xigeenka Xog-hayaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Maxamed Al-amiin Maxamed Al-haadi shir jaraa'id oo uu ku faah faahinayo ku qabtey Hoteel IMPERIYAL ee Caasimada dalka Jabuuti.

Qoraalkan oo ahaa mid ku qoran Carabi ayaa waxaa ka mid ahaa sidan:

hase ahaatee hadalka ka soo yeerey xubnaha Asmara ayaa si weyn uga xumaadey, xubnaha kale ee ku sugan Caasimada dalka Jabuuti; waxayna qaarkood ku tilmaameen mid la la deg degey, islamarkaana aan lahayn sharciyad, halka inta kale ay ku sheegeen in uu ahaa hadalkan mid lagu doonayey oo keli ah mansab siyaasadeed xiligiisa aan la joogin, mana ahayn in xiligaan in xubno ka tirsan Is-bahaysiga ay ka soo yeereen hadalada noocaan oo kale ayey hoosta kala guuxayeen, iyagoo aan Carabka si weyn ugu balaarineyn.

halka dadweynaha Soomaaliyeed ee ku sugan Caasimada dalka jabuuti ay iyaguna isla dhex marayeen ileyn wuxu Diin kama ahayn ee waxay ahayd mid ay ku doonayaan arimo kale, sababtoo ah ma nabada ayey ka soo horjeedaan iyo nolosha ayey ka soo horjeedaan oo aan mudo 18-Sano la ciir ciireyney Gaajo, Colaad, Cudur; Dhaawac; dhimasho iyo Xabsi oo meel walba dunida ka mid ah intuba kula dhacney, iyadoo intaasna ay sabab u ahaayeen kuwa sheeganaya mas,uuliyad aan la garaneyn halka ay la joogaan.
 
Ogeysiis: Jaamacaada Gedo University

Waxaa dhammaan dadka ku dhaqan dalka UK la ogaysiinayaa in la qaban doono shirkii sanadlaha ahaa ee looga hadlayay arrimaha Jaamacaada Gedo University isla markaasna deeqda loogu aruurinayay. Akhri...

Maxamed Macallin Cismaan(All-man)Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 26, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS