SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Obama oo milicsaday somalia..

Marka lagaa reebo sawirkii caan baxay ee saneterka Illinois, ee magaalada wajiir ee dhulka somalida Kenya looga qaaday asigoo loogu labisay sidii faarisiyiintii boqortooyadii ujuuraanka ee geeska afrikada , kaas oo sida ka muuqata sawirkiisa uusan aad ula dhicin, siada la xasuustana ka masulka ahaa xaabadii ay ku shideen dabkii doora shooyinkii gobolada kooxdii Clinton, oo u isticmaaly swirkaas cabsi gelin codbixiyayaasha maraykanka in ninka cumaamada wayn xirtay laga yaabo inuusan ahayn waxa uu sheeganayo inuu yahay, hadana murashaxa dooroshooyinka maraykanka, (ninkii ugu horeeyey oo madow ah oo loodoorto inuu matalo xisbi wayn) marnaba sooma hadal qaadin mid ka mid ah meelaha dhibaatada ugu wayn ee aduunka ay ka jirto, halkaas oo ay ku kulmeen wax walba oo uu ku dodo inuu bedeli doon marka uu ku guulaysto doorashadaas,.

Maalintii shalay ayuu soo hadal qaaday Obama xaaladda Somalia oo inkastoo hadalkii uu ka yiri uu koobnaa, makiinadaha propagandada ee gacan kudhiiglaha ugu wayn aduunka ee Yuusufna ee isku deyayaan ineey noo aqriyaan qudbo intaas ka dheer, hadana hadalkii koobnaa ee shalay magaalada berlin kaga soo yeeray murashaxa xisbiga dimuqoraadiga ee maraykanku waxaa uu leeyahay muhiimadiisa, tiiyoo uu hadan soo yeeray waqti aad u danbe.
"The poverty in Somalia breeds the terror of tomorrow."

Faqriga iyo rabshadaha ka taagan Somalia waxay kobcinayaan argagaxisada burrito.

Faqriga

Marka meel la iska dhigo in faqiirnimada ay somaliya manta la wadaagto dalal badan oo goblka ay ku wada yaaliin hadana soomaliya waxaa u dheer dowlad la aan qabsasho duulaan cadowtinimo, ishortaag kaalmay, denbiyo dagaal xasuuq iyo bara kicin. Kuwaas oo uga haboonaa in uu qudbasiisa wax kaga daro ama xataa uu ku bixiyo waqti la mid ah intii u ku bixiyey waxa ka socda darfur.

Rabshado.


Rabshadaha ka taigan soomaliya waxay koriyaan argagixisada berrito, taas ayaad moodaa in marka meel la iska dhigo in waxa nin argagixiso u ah ay ninkale u tahay xaq udiririd, in la is waydii karo seneterku ma waxa uu aaminsan yahay wax ka duwan fekerka maamulka aqalka cad ee hadda kuwaas oo iyagu todobadii sano ee u danbaysay ku cel celinaayey in soomaliya ay haddaba hooy u tahay uruka alqaacidda . hadii eey dhacdo in uu kaga duwan yahay taas maamulka bush waxaa muuqata in gobolka bariga afrika eey u noqon noqon karto biloow fiican, oo laga yaabo in wiilka wiilkii Kenya uu xalka qaaradda madow ku eego muraayado cad cad.

Daawo http://my.barackobama.com/berlinvideo

Ali Abdi Nor
dheere112@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 26, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS