SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

CAANA-GEEL U KAADI.

Sida aad adigaba sheegtay kala qeybsanka kooxahan mucaaradka ah wax badan ayuu salka ku hayaa odoraskaagana ma xuma waana hubaa inaad xog ogaal tahay mudan in la aqriyo maqaaladiisa baaxada fekradaha aad soo bandhigayso darted.

Laakiin waxa aan hadda rabo inaan qoro maahan inaad naqdiyo tiirarka aad u cuskatay iyo go’aanka aad gaartay ee garsiinta ah ee waxa weeye; sideedaba ma la gaaray xilligii la dhahi lahaa sida aad adigu tiri “waxaa gar leh hebel” adigoo ka fogaanaya sida aad qortay inaad tiraahdo sidii uu yiri Cigaal “waxan dhankeena iyo dhankoodaba waa mashruuc” ama go’aankii ahaa “Cali Gar leh, Ceydiidna gar leh”oo ay dad badani qabaan in uu horseeday burburki Moqdisha ama haddii si kale loo yiraahdo inay halkan soo gaarto dhibaatada Soomaaliya, mise waxaa loo baahnaa in arinta si kale loo wajaho oo aan laga quusan in maalin un la isugu yimaado meel dhexe iyadoo laga fogaanayo in lagu degdego go’aan noocan oo kale ah, mase xaqiijisay in la bixiyey dadaalkii loo baahnaa si arintan xal kama dambeys ah looga gaaro oo dhahaya hebel ayaa gar leh, mase ka fekertay waxa aad xukuntay inay tahay masiir ummadeed u baahan in ilaa iyo xad laga warwareego in la gaaro go’aan kaaga oo kale oo dadka u horseedi kara quus ay macquul tahay in laga meermeeri karay.

Mase umalaynaysaa in aad adigu tahay cidii ku habooneyd inay garsoorka noocaas ah ay gaarto, mana ogtahay in shuruudo badan oo ay ka mid tahay dhexdhexaadinimo looga baahan yahay inuu ku sifeysan yahay marka horeba garsoore kastaa ee doonayo inuu xaajo murugsan garsooro sida midan oo kale, mase deristay in dhibaatada Soomaaliya ee aan lahayn wajahad sax in loo dhiibi karo hal qof si uu u garsooro mise waxaad is leedahay waxaa loo bahanayaa koox garsoorayaal ah oo leh taqasusyo kale duwan ee cilmiga garsoorka si arintan dhinacyo badan looga eego

Dhinaca kale, maka fekertay dadka adiga oo kale ah ee ay dad badani aqriyaan waxa uu qoraa in qoraalkiisa uu horseedi karo dhibaato baaxadeeda leh ama ugu dambeyn keeni kara in kooxi garta isa siiso taasoo ay ka dhalan karto in xalka sii fogaado, mase daristay dhibaatadan nooca ay tahay madani mise…? Si ay kuugu fududaato go’aan ka gaarida arintan.

Intaas kadib, ma u malaynaysaa inaad mudan tahay in lagu dhaho CAANAGEELOOW U KAADI mase qabsoomeysaa haddii aad dib u milicsatay dhinacyadan cusub ee aan kaa tusay oo laga yaabo inaadan qarkood horey uga fekerin,, mana ku dhiiranaysaa inaad dib u qorto in loo baahan yahay in dhagaysiga dacwooyinka ay sii socdaan, xulida garsoorayaasha ku haboon go’aan ka gaarida arintana laga shuureeyo, go’aankana wakhti ku filan la siiyo maxaa yeelay waxaa laga yabaa in uu ALLAAH inta dhagaysiga dacwadan lagu jiro uu quluubta walaalaha isu soo dumo tanasulna yimaado taasoo keeni karta in laga baaqsado go’aan ah hebel baa gar leh sida aan qortay.

Ugu dambeyn waxaan rabaa inaad kuu sheego inaad tahay hadda markii hore ee Xamar joogtayba nin soo saara qoraalo tayo leh oo dad badani ku xiran yihin weli ku soo noqoshaadan cusub waxay dad badan oo aan aniga ka mid ah siisay inay helaan meel ay cabairka saxda ah ee waxa socdaa ka qaatan.

Aden Osman Hussein (Qoryooley)
Sweden
adaneey@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


:::
ASMARA GAR LEH | Caanageel

Faafin: SomaliTalk.com |  July 26, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS