SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Musharaxa Ugu Caasan Doorashada madaxtinimada puntland Nuuradiin adaan diiriye.

Siyaasadas saan ognahayba waa majare ninba mar fuulo :laakiin dadkaas fuulaya waxaa jira qaab ay u fuulaan oo uusan qof walba awood u lahayn in uu koobiyeeyo kuwa ku guulaysta in ay fuulaan hadaba waa kuwa aad u nasiib badan laakiinse kaligood ma fuuulaan ee dad baa saara waxayna ku xirantahay dadkii horey u saaray in ay hadhaw u sii ogalaadaan in uu salaanka sii hayo.
Hadaba dadka reer puntland oo ku hungoobay siyaasiyiin aad u fara badan kana niyad jabay hanaanka siyaasadeed ee gobalkooda ayaa hada farxad haraysay wajigoodana hami iyo hididiilo cusub soo gashay kadib markii musharaxa dada yar ee nuura diin uu badalay qaab siyaasadeedka gobalkaas wacdarana ka muujiyay loolankiisa uu ugu jiro in uu noqdo madaxweynaha puntland sanadka fooda nagu soo haya.



Musharaxaan ayaa ah nin taariikh dahabi ah uga jira halganka reer puntland xasuus saameyn weyn lehna ku dhex leh dhamaan shacabka rere puntland kadib markii aayahooda iyo qadiyadoodaba in badan u halgamay .

tusaale ahaan waqtigii aad ka u dhibka badnaa ee reer puntland soo maray sanadii 2004 markii Zunaamigu ku dhuftay gobala kamida wadanka ayaa mudane Nuur Diin ula soo deg degay cawimaado iyo kaalmooyin la,aantood reer puntland musiibo ku noqon lahayd.

Maadaamo uu Agaasime Guud ka ahaa hayʼaddii sunaamiga ee Dowlad
goboleedka Puntland isagoo sanad iyo bar hogaanka u
hayey gurmadkaas caalamiga ah mashaariic wax ku ool ah
oo ay bulshado sanado badan anfacsan doontana ka
sameeyey Puntland. waxaana ka mid ahaa Mashaariicdaas oo isbedel weyn ku sameysey nolosha
bulshada degan xeebaha Puntland waxaa ka mid ah 32
school, 42 mashruuc oo biyo ah, 25 xarumo caafimaad,
700 oo guri, doonyo iyo qalab kaluumeysi ka badan 25
kun oo qalab iyo mashaariic lagu shaqaaleeyey ilaa iyo
3 kun oo shaqaale oo deegaanka u dhashey laguna
hagaajiyey wadooyinka gala xeebaha.

Intaas kaliya maahan ee Musharaxa ugu cad ee u tartamaya jagada madaxweynaha Puntland waxa uu u horseeday maamul gobaleedka puntland in ay noqoto meel ay hoy u tahay nabada wada noolaanshaha kadib markii uu wadanka ku soo xiray ama u soo jiiday. in ka badan 17 hayʼadood oo caalami ah oo aan
weligood ka shaqeyn Puntland ilaa iyo maantana ka
shaqeeya ayagoo sanad walba Puntland ku maalgeliya
malaayiin doolar.

Habka uu mudane nuuradiin u dhaqmo ama ay siyaasadiisu ku salaysantahay ayaa ah dimoqraadiyad hormar iyo nabad ytaas oo gabi ahaanba laga dheehan karo ficiladiisa tusaale ahaan nuuradiin waa waa
ninkii ugu horeeyey taariikhda Puntland ee si xalaal
ah isaga casiley xilkii asagoo meel fagaare ah ku soo
bandhigey kuna wareejiyey masʼuuliyadii loo dhiibey. Xiligii uu ahaa agaasimaha hayeeyada Puntland u qaabilsan aafadii zunaamiga.

Nuuradiin oo aad loogu yaqaaan in uu u madiisa ugu adeego si hufan oo waliba masuulnimaa ayaa kasbaday shacabka reer puntland ol olahaan hada socda ee Doorashada maadaama aad loogu yaqaan hawlihiisa samafalnimo iyo daacadnimada waxayna sheegayaan aftiyo la qaaday in uu aad ugu dhawyahay uguna caansanyahay doorashada la filayo in la qabto 2009 horaantiisa taas oo reer puntland ay doonayan in ay aayahooda qofkii ka fakari jiray hadana si xornima leh ugu dhiibtaan.

taariikh nololeedka Nuuradiin oo Kooban.::

ma u malaynayo in aan qoraal ahaan ku soo koobi karno taariikhda xusida mudan ee uu leeyahay musharaxa rajada badan Ee nuura diin(hopeful candidate) balse wax yar baan halkaan uga soo qayb qaadan doonaa.

Nuuradiin Aadan Diriye.::

·Nuuradiin waa sarkaal sare oo ka tirsan hayʼada
UNICEF ee qaramada midoobey asagoo la taliye u ah
wakiilka hayʼada u fadhiya dalka Soomaalia.
Mr nuuradiin ayaa ah nin aad dadka u dhex gal gala isla markaasna ah shaqsi hormar leh keeni karana muuqaalku dayasha badan oo dadka reer puntland xiligaan aad ugu baahanyihiin.
Nuuradiin ayaa ah aqoonyahay xirfado iyo kartiyo kala duwan leh Nuuradiin waa aqoon yahan haysta laba masterʼs
degree, ku hadla lix luqadood, lehna qibrad 15
sanadood ee arimaha horumarinta, siyaasada arimaha

bulshada iyo xiriirka caalamiga..::

Intaas kaliya maahan ee nuuradiin waa siyaasi ruug cadaa ah isla markaasna xilil badan iyo jagooyin soo qabtay lana soo shaqeeyay in badan bulshada caalamka waxa aadka lootaaban karana waxaa kamida xiliyadii uu hayay jagooyinka aadka u sar sareeya oo ay ka midyihiin in uu ahaa.

wuxuu 12kii sanadood ee la
soo dhaafey ka tirsanaa xisbiga shaqaalaha ee UK (the Labour party) ee talada wadanka haya asagoo xisbigu u
diyaarinayey in uu isu soo taaga aqalka the House of
Commons ee wadanka UK.
waxaa sidoo kale lagu xasuustaa musharaxan da'da yar xilka aadka u weyn oo aaminaadiisa iyo aqoontiisa uu ku helay oo ah in uu ahaa .Nuuradiin waxaa uu sanad la taliye u ahaa raʼisul
wasaaraha UK, Tonny Blair isagoo ka mid ahaa 40
khubaro Afrikaan ah oo Prime-Minister- ka kala talisa
horumarinta Africa. Dowrkan oo ahaa mid saameyn aad u
weyn ugu leh siyaasada arimaha dibada ee UK ee ku
aadan qaarada Africa.

Siyaasada uu ku shaqeeyo wa amid uu burji u leeyahay iyo waliba hido gaar ah waxa uuna aaminsanyahay si weyn in uu yahay shaqsi madax banaan isla markaasna la shaqyn karo dhamaan noocyada kala gadisan ee bulshada ehelkiisa ayaa siyaasada samayn weyn ku leh .

Nuuradiin wuxuu ka soo jeedaa qoys siyaasiin ah oo
Aabihii Xildhibaan Aadan Diiriye Maxamed iyo adeerkii
Xildhibaan Maxamuud Diiriye Maxamed waxey ahaayeen
halgamaa u soo dhibtoodey xuriyadii Soomaaliya,
siyaasiyiin iyo madax u soo adeegey qaranka
soomaaliyeed.

Waaxaa la joogaa waqti qof walba u istaago taageerida iyo waliba tiirsiinta qofka uu aaminsanyahay in uu mustaqbalkiisa iyo noloshiisaba u horseedi karo barwaaqo guul iyo nolol fiican waana hal kudhaga iyo ahmiyada ugu weyn musharax nuuradiin aadan diiriye.
Dadka Reer Puntland waxay u hanqaltaagayaan Nuuradiin aadan diiriye oo ay u rajaynahayaan madaxweynaha mustaqbalka maamul goboleedka puntland.


FREE jornalist..::

Rujaal jaamac xasan sheekeeye
rujaljamac20@hotmail.com
rujaal07@yahoo.com
254720095166
NAIROBI KENYA,

Faafin: SomaliTalk.com |  July 26, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS