SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Midowga Afrika oo QM ku booriyey ineey soomaaliya u diraan ciidamo nabad ilaalin ah


Midowga Africa ayaa sheegay maalintii Arbacada in uusan awood ulahayn in uu nabad ku soo dabaalo soomaaliya sidaas daraadeedna uu ku boorinayo qaramada midoobay in ay kala wareegto howlaha amaanka soomaaliya.

Madaxa Amaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Ramtane Lamamra ayaa u sheegay golaha amaanka inkastoo ay u nafhureen sidii ay nabad gelyo ugu soo dabaali lahaayeen soomaaliya haddana aysan awood u yeelan Karin in ay fuliyaan howlaha loo xil saaray sabata ayuu ku sheegay in aysan u dhigmin waxa kataagan soomaaliya.

Ramtane waxa uu intaas ku daray in midowga Africa uu dadaal ugalay sidii ugu qancin lahaa dalalka kujira midowga Africa in ay ka qeyb qaataan dadaalka loogu jiro sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka soomaaliya ayna ku biiriyaan ciidamo kasocda dalalkooda ciidanka Amisom ee jooga soomaaliya.

Inkastoo uu midwowga Africa uu balan qaaday in uu soomaaliya u diro 8-kun oo askari ayaa hada waxaa Soomaaliya ku sugan ilaa 2,600 oo askari, kuwaas oo ka socda Brundi iyo Uganda oo ah kuwa kaliya ee ka socda Midowga Afrika oo haatan ku sugan magaalada Mogadisho.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee soomaaliya Cali Axmed Jaamac ( Jangeli ) ayaa u sheegay golaha amaanka xilli uu maalintii shaley kalahaa fadhi xaaladda soomaaliya , wuxuuna kacodsaday golaha amaanka ciidan ka socda qaramada midoobay kuwaas oo ay maalgelinayso qaramada midoobay.

Sidoo kale Axmedu Walad C/della oo ah ergeyga gaarka ah ee soomaaliya ayaa ku baaqay in qaramada midoobay ay u soo dirto ciidan awood u leh in ay nabad ku soo dabaalaaan dalka soomaaliya, balse aysan noqonayn kuwa nabadda oo dhan ka keenaya soomaaliya.

Xilli ay isku waafaqsan yihiin dhamaan 15 xubnood ee golaha amaanka in xaaladda soomaaliya ay tahay mid khatar ah laakiin waxa ay ka gaab sanayaan in ay ciidamo geeyeen dalka soomaaliya , halkaas oo ay ka socdaan dagaalo ay isag hor imanayaan kooxaha Alshabaab oo dhan ah iyo dowlada FKG iyo dowladda Ethiopia oo dhanka kala ah.


Dagaalka ka socda Magaalada B/weyn iyo hareeraheeda oo sababay dhimasho iyo dhaawac


Dagaalo culus oo ay isaga soo horjeedaan xoogaga mucaaradka isbedel doonka ah ee ka soo horjeeda Ciidamada Ethiopia iyo dowladda iyo ciidamada dalka Ethiopia ayaa xalay saqdii dhexe ka billowday gudaha iyo hareeraha magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.


Dagaalka oo uu bar bar socday duqeyn culus oo loo geystay qeybo ka mid ah magaaladaasi oo qasaare badana dhalisay, iyadoo dagaaladaasi oo illaa imminka soconaya ay halkaasi ku dhexmarayaan ciidamada Itoobiya iyo xoogagga maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed oo ka mid ah xoogaga ka horjeeda.

Sida warku sheegayo dagaalkan ayaa bilowday ka dib markii ciidamada itoobiya ee degenaa fariisinkoodii Gante kun dishe oo ku yaala meel illaa 5-km dhinaca bari kaga toosan B/weyne ay u soo dhaqaaqeen gudaha magaalada, taasoo keentay iney dagaalo culus kala hor yimaadaan xoogaga ka soo horjeeda, waxaana ciidamada Itoobiya oo dhowr jiho ka soo galay magaaladaa ay la wareegeen qeybo ka mid ah gudaha magaalada sida saldhiga booliska xarunta maamulka gobolka iyo meelo kale.

Xaafada H/wadaag oo ah halka ay xalay illaa saaka ka socdeen dagaalada ugu qaraar ee u dhexeysey labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada Itoobiya ay u geysteen duqeyn aad u culus oo illaa iminka soconeysa, taasoo la sheegay iney jiraan qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh oo duqeyntaasi ka soo gaartay dadka rayidka ah ee xaafadasi degenaa oo qaarkood la arkayey iyagoo isku dayaya iney si dhuumaaleysi ah halkaasi uga baxsadaan, lamana oga illaa hadda inta uu la eg yahay qasaaraha halkaasi ay geysteen madaafiicda lagu duqeynayo.

Xaalada magaalada B/weyne ayaa guud ahaan saaka cakiran, iyadoo rasaasta noocyadeeda kala duwan laga maqlayo jihooyin kala duwan oo ka tirsan magaaladaasi, sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in dagaal uu ka socdo deegaanka Gante Kun dishe ee duleedka magaalada B/weyne oo ah fariisinkii ay ciidamada Itoobiya halkaasi ka degenaayeen ka dib markii sida la sheegay ay weerar ku qaadeen ciidamada maxkamadaha Islaamiga ah, waxaana la xaqiijiyey meydka dhowr ruux oo taala wadooyinka magaalada oo hase ahaatee aan la ogaan karin waxa ay yihiin.

Dagaalkan saaka ka bilowday magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan ciidamadaasi ay ka balanqadeen odayaasha dhaqanka magaalada ineysan gudaha u soo galeynin magaalada, oo taasina ay horseeday in ciidamada maxaakiimta Islaamka ay iyana ogolaadaan iney ciidamadooda dibeda ugaa saaraan magaalada si loo baajiyo dagaal halkaasi ka dhaca, hase ahaatee ciidamada Itoobiya ayaa arintaasi xalay meel iska dhigay iyagoo ka dibna gudaha u soo galay magaalada B/weyne.






Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 25, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.