SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bukaanada jiifa isbitaalada ugu waaweeyn Magaalada Muqdisho oo la gaarsiiyey Deeq Lacageed

Sawirada Halkan ka daawo...

lacag gaareysa 2,571$ oo ay soo direen jaaliyadaha soomaalida ee ku nool dalka Swezerland gaar ahaan magaaladda Zurich ayaa la gaarsiiyey isbitaaladda kala ah Dayniile,keysaneey, iyo waliba isbitaalka madiina..

Isbitaaladaan oo ay jiifaan dad waxyeelo calculus ay ka soo gaareen dagaaladda dalka ka jira, oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa isbitaal kasta waxaa la gaarsiiyey illaa 800$ ah

Deeqdaan loo qeybiyey isbitaalada ayaa waxaa loo soo wakiishay qeybinteeda Ismaaciil Cabdi Nuur waxaana soo gaarsiiyey wakiilka Mustaqbal ee dalka Switzerland Md Cashara Xasan.

Mr Cashara Xasan ayaa waxaa uu sheegay in lacagtan loo soo direy dadka dhaawaca ah ee ku wax yeeloobay dagaalada waxaana uu ka codsaday in halkooda ay ka wadaan dadaaladda hagar la’aanta ah ee ay ku saacidayaan walaahooda dhibaateysan.

Isbitaaladaan ayaa markii aad gaarto waxaad ku arkeysaa bukaano qaba ama la il daran Dhawacyo ka soo gaaray dagaaladii dalka ka dhacay, dadkaas qaar ka mid ah ayaa deganaa magaalada muqdisho oo ay sanadihii ugu danbeeyey aafeeyeen dagaalada dhiiga badani ku daatay kuwaas oo kuwaayey qaarkood lixaadkoodii halka kuwo kalana ay ku waayeen xubno ay si aad ah u jecelaayeen,hadana aysan jirin cid u maciimta waxaana jira kuwa ay hayaan isbitaalada dayniile ,madiina, iyo keysanay oo aananay cidina daba socon sida aan ku arkay mar aan tagay qaar ka mid ah isbitaalada ugu waaweyn Magaalada Muqdisho oo ay buux dhafiyeen dhibanayaal ku waxyeeloobay madaafiic sida roobka oo kale ku hoortay guryahoodii kuna burburisay dad iyo deeq wixii dhex ceegaagay ,

Isbitaalka keysanay ayaa waxaa jiifay illaa 92 bukaan , Isbitaalka Madiina ayaa isna waxaa jiifay 87 bukaan, halka Isbitaalka Dayniile ay jiifeen bukaaro gaaraya illaa 65 bukaan kuwaas oo dhamaantood la ildaranaa intooda badan dhaawacyo ay sababeen xabado,

Isbitaalka Dayniile, bukaanadii jiifay ayaa waxaa ka mid ahaa laba gabdhood oo wada dhashay oo labadoodaba mid kastaa ay hal lug ka go’neyd, kuwaasoo da’doodu ay kala ahayd 13 jir iyo 15 jir, gabdhahaas ayaa sida ay noo sheegtey hooyadeed Faadumo Sheikh Cumar Sheikh C/laahi , gabdhahan wada dhashay ayaa lugahooda ay ku waayeen madfac ku soo dhacay gurigooda oo ku yaalay xaafadda Labadhagax, bishii juun 8dii sanadka 2008-ka, waxaana hooyo faadumo qudheeda halkaas ka soo gaarey dhaawac.

Hooyo Faadumo oo dhinac jiifta labadeeda gabdhoow ayadoo firir wali uu ku jiro ayaa saxaafadda u sheegtey in isbitaalka jiifkiisa, qaliinkiisa, daawadiida iyo cuntadiisa aan xilligaan waxba looga qaadan.


Qaar ka mid ah maamulada isbitalada ayaa saxaafada u sheegay in dhibaatada ugu weyn ee hadda taagan ay tahay xagga shiidaalka si daawada tayadeedu u hagaagto ooay u helaan goob qabow oo la dhigo ama lagu xafido, mana jirto cid ka gacansiisa gudashada howshaas culus oo ay u hayaan shacabka soomaaliyeed.

Maamuladda Isbitaaladda Madiina, keysaneey iyo waliba isbitaalka dayniile ayaa waxaa ay dhamaantood ay ka mahad celiyeen deeqdaas soo gaartey, waxaana ay ku wada tilmaameen mid loo baahna xilligan, waxeeyna ilaah ay uga wada baryeen in lacagtaas ay soo dhiibeen walaahooda soomaaliyeed uu mid ka badan ilaah ku maneysto, hana siiyo ajir iyo xasanaad aan la soo koobi Karin,


Ma aha markii ugu horreysay oo jaaliyadaha soomaaliyeed ay soo gaarsiiyaan walaahooda soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka gudahiisa. Wana kuwo markastabaa la garabtaagan ineey taakuleeyaan walahooda dalka ku barakacay dalka gudahiisa.



Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  July 24, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS