SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barnaamijkii Radio Xoriyo
22 July 2008.
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumayisga
Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Mugabe iyo mucaaradkiisa oo heshiis isla gaadhay
Midowga Afrika oo ka hortagaya denbi lagu oogo madaxwayne Al Bashiir
Jwxo oo bayaan iyo baaq kasoo saartay qorshe uu gumaysigu doonayo dhul beereedka wabi shabeele inuu kusoo dajiyo malaayiin itoobiyaan.

Ururada sagaal wadan oo uu kamid yahay ururka dhalinyarada Ogadenya oo shir caalami ah uga furmay wadanka Eretariya.


======================

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumayisga


Muddo toddobaad gudihii dagaallo dhawr ah o dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 58 askari, 45 kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaa sidoo kale dagaalladaas ciidammada gumaysiga lagaga furtay hub iyo saanad kale, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;

17/07/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa gacanta ku dhigay meesha lagu magacaabo Laga-hidda, ka dib markii uu awood ku muquuniyay ciidammada gumaysiga ee halkaas ku sugnaa. CWXO ayaa hawlgalkaas ku furtay hub iyo saanad kale oo badan.

16/07/08 dagaal qallafsan oo ka dhacay Gurracan waxaa ciidammada naf la-caariga ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 18 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay inta la ogyahay.

Isla 16/07/08 weerar lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugna Iimey-galbeed waxaa lagaga dilay 1 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/07/08 duleedka magaalada Sallaxaad dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/07/08 waxaa labo mar oo kala weerarro loo gaystay ciidammada gumaysiga eek u sugan Uubataale, waxaana lagaga dilay 8 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

12/07/08 dagaal adag oo ka dhacay meesha lagu magacaabo Qudhac-wayn, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 21 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/07/08 weerar lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Gurdumi, waxaa lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

09 iyo 10/07/08 waxaa weerarro gaadmo ah loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay meesha lagu magacaabo Yuuco, waxaana weerarradaas lagaga dilay 7 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin ay dil iyo xidhay ka mid yihiin u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya, sida uu ku soo warramayo wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya.

13/07/08 Daratoole, oo gobolka Doollo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen gabadh lagu magacaabo Xabsa Maxamed Fara-qodax.

11/07/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad shacab oo tiradoodu 50 kor u dhaafayso, waxaana noo suuragashay inaan magacyadooda helno dadka kala ah;
1- Axmed Xasan Nuur
2- Sakariye Axmed Cabdi
3- Siyaad Maxamed Xayd
4- Kaafi Cabdi Bakayir iyo
5- Xasan Cali Qolonbi

09/07/08 degmada Gunagado waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 80 qof oo shacab ah, waxaana dadkaas ka mid ah;
1- Siyaad Budul Saban
2- Sh Xasan Xuseen
3- Laybeeriya Xasan
4- Nuur Axmed Like
5- Food Axmed Good iyo
6- Maxamed Aaden Cumar

07/07/08 Bukudhaba waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 13 qof oo shacab ah, waxaanan magacyadoo helnay;
1- C/risaaq Xasan Adar
2- Mustafa Sh Xasan
3- Aaden faaqid
4- Maxamed Muuse Xalxaali iyo
5- Ismaaciil Yuusuf

Mugabe iyo mucaaradkiisa oo heshiis isla gaadhay

Madaxwaynaha waddanka Zimbabwe Robert Mogabe iyo hoggaamiyaha mucaarada Morgan Tsvangirai ayaa isniintii isla gaadhay heshiis ku saabsan sidii ay dowlad qaran isula dhisan lahaayeen, si ay u soo afjaraan qalalaasihii siyaasadeed ee waddankaas ka jiray.

Waa markii ugu horraysay ee madaxwayne Mugabe iyo Tsvangrirai ay si fool-kafool ah u kulmaan toboankii sano ee u denbeeyay. Labadan hoggaamiye ayaa la wada-fadhiisiiyay shir dhibaatada dalkooda lagu xallinayo iyadoo uu dhex-fadhiyo madaxwaynaha Koonfur Afrika Thabo Mbeki oo labada dhinac u kala dab-qaadaya.

Heshiiskan dhex-maray Mugabe iyo Tsvangirai ayaa lagu kala saxiixday huteel ku yaalla magaalada Harare ee caasimada Zimbabwe.

Madaxwaynaha Kuufurika Mbeki ayaa sheegay in labada dhinacba ay ballaanqaadeen inay si aad ah ugu dadaali doonaan in sida ugu dhakhsaha badan loo dhammeeyo wadaxaajoodka lagu soo dhisayo dowlad bah-wadaagnimo.

Masuuliyiin labada dhinac u hadlay ayaa sheegay in heshiiskani dhigayo in muddo labo toddobaad gudohood ah lagu soo gabagabeeyo wadahadallada ku saabsan sidii loo dhisi lahaa la wadaago iyo sidii doorasho cusub loo qaban lahaa.

Waxay sidoo kale labada dhinac ku heshiiyeen in labadaas toddohooda lagu joojiyo qalalaasaha siyaasadeed ee waddanka ka jira ee ka dhashay doorashadii madaxtinimada ee la qabatay 27-kii Juun ee madaxwayne Mugabe ku dhawaaqay inuu ku guulaystay, taasoo mucaaradkuna ay ka diideen.
Midowga Afrika oo ka hortagaya denbi lagu oogo madaxwayne Al Bashiir
Midowga Afrika ayaa isniintii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay inuu joojiyo tallaabada ay damacsan tahay Maxakamada Caalamiga ah ee Denbiyada Dagaalka ee ah in madaxwaynaha Suudaan lagu soo oogo eedo la xidhiidha denbiyo dagaal oo Daarfuur ku saabsan.

Baaqan waxaa laga soo saaray kulan uu yeeshay Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, wuxuuna baaqani ka denbeeyay mid la mid ah oo Jaamacadda Carabta ka soo baxay.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Denbiyada Dagaalka ayaa laga codsaday inay soo saarto amar lagu soo qabanayo madaxwaynaha Suudaan Cumar Al Bashiir oo lagu eedaynayo inuu isgu maleegay denbiyo dagaal laga gaystay gobolka Darfur.

Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay dhaawacdo dadaallada la xidhiidha sidii nabad looga xasilin lahaa gobolka Darfur. Baaqan ka soo baxay Midowga Afrikana waxaa lagu sheegay in denbiyo lagu soo oogo madaxwaynaha Suudaan ayna dan u ahayn dadka dhibaatadu ka soo gaadhay dagaalka Darfu iyo cadaalada midna

Jwxo oo bayaan iyo baaq kasoo saartay qorshe uu gumaysigu doonayo dhul beereedka wabi shabeele inuu kusoo dajiyo malaayiin itoobiyaan.


Kadib markuu gumaysiga Itoobiya ku guul daraystay inuu xoog ku muquuniyo
shacabiga gobanidoonka ah ee soomaalida Ogadenia ayuu bilaabay taliska
cunsuriga ah ee TPLF in uu adeegsado tabo cusub oo uu ku doonayo inuu ku beero
qowmiyadaha Xabashida ee woqooyiga Itoobiya si uu u barabixiyo una dhalan rogo
dadka soomalida Ogadeniya, dhulkoodana u dhaxal wareejiyo.

Qorshahan dhaxal-wareejinta ah oo bilabatay xiligii Xayle selaase, Mingistuna uu
hirgaliyay asagoo soo dajiyay dhul beereedka wabi-shabeele ilaa 50 kun oo uu
ka soo rararay Gobolada Amxaarada iyo Tigreega islamarkaana bilaabay
mashruuca biyo-xidheenka Godey.

Kaas oo loogu talagalay in beero loogu sameeyo ilaa 10 milyan oo woqooyiga
Itoobiya laga soo rarayo. Dadkaas hordhacoodii oo dhanaa 30 kun oo beeraley ah
waxaa dib u raray maamulkii JWXO ay samaysay 1993.
Markale ayuu Taliska Meles Zanawi bilaabay mashruucan dhalan rogga Ogadeniya,
isaga oo doonaya inuu soo dajiyo dhul-beereedka Ogadeniya malaayiin Itoobiyana
oo buuralayda laga soo daad-gureeyo.

Si ay ugu fududaato ujeedadiisa guracan una helo saldhig sharci ah oo u noqda
qiil uu kula wareego dhulka Ogadenia , wuxuu ka sixiixay waxa loogu yeedho
ismaamulka Soomaalida, kadibna wuxuu isku dayay inuu Odeyada deegaanka
ogolaansho ka helo una sixiixaan la wareegida dhulka. Taas oo ay si cad u
diideen oday dhaqameedyada dalku, Taliska Melesna wuxuu jawaab ka dhigay inuu
xidhxidho odayada, xasuuqana shacabka dhulbeereeka Ogadenia degan. Odayada la
xidhay waxaa ka mid ah Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Muxumed Ugaas Qani oo lagu
xidhay Magaalada Godey kadib markuu diidey inuu sixiixo heshiiska wareejinta
dhulbeeredka wabi-shabeele.

Sidoo kale waxaa xasuuq lagu bilaabay dadka ku dhaqan dhulbereedka Bulladari ee
Qabri-baya oo lagu dilay 14 ruux oo shacab ah iyo degaanka Jiingadda ee
Galaalshe oo lagu dilay 6 ruux oo shacab ah bartamihii bisha july. Waxaa
dambiyo dagaal ah oo ka dhan ah xuquuqda aadamiga in shacbiga Ogaadeenya laga
gubo guryahooda iyo beerahooda , isla markaana qowmiyado kale looga abuuro
mashaariic beero iyo dibudejin dalka Ogaadeenya. Tani waxay la mid tahay
xasuuqii 2003 loo geystey dadka Gambeelaha , oo dhulbeereedka iyo aaggagga
shidaalka lagaga riixayay dadkii asalka u lahaa .

Haddaba JWXO waxay Shacabka Ogadeniya Ugu baaqaysaa inay si buuxda uga
gilgishaan weerarkan dhiilada leh ee gumaysigu ku doonayo inuu ku dhaxal
wareejiyo dhulkooda Hooyo, Iyada oo ay JWXO balan qaadayso inay qaadayso
tallaabo kasta oo ay ku difaacayso dalka Ogadeniya iyo khayraadkiisaba. Sidoo kale
waxay JWXO ugu baqaaysaa beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey inay hor
joogsadaan falalkan bahalnimada ah ee Taliska TPLF la maaganyahay shacabka
somalida Ogadeniya ee dulman, kana hor tagaan xasuuq kale oo loo la jeedo isir
tirka dadka ogadenya.



22 July 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 23, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.