SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Waxgarad iyo Aqoon yahano ka tirsan Beesha Calisaleeban oo Talo bixin ka soo saaray doorashada soo socota ee Puntland

Ku: Culimada Diinta Islaamka ee Puntland
Ku: Isimada Puntland
OG: Ganacsada Puntland
OG: Golaha Xukumada Puntland
OG: Golaha Wakiilada Puntland

Ujeedo: Talobixin Doorashada soo socota ee Puntland 2009


Anagoo ah waxgarad iyo aqoonyahano ka tirsan Beesha Calisaleebaan oo Ka mid ah Beelaha dega Puntland kuna kala nool dalka iyo debediisaba ayaa in mudo ahba ka wada hadleenay, kana doodaynay sida ugu haboon ee habmaamulka Puntland is bedel rasmiya loogu samayn karo si uu u noqdo mid faa’ido la taaban karo u leh guud ahaan dadka soomaliyeed gaar ahaan dadka degaanada Puntland ku nool maadaama ilaa asaaskii ilaa maanta aan xukuumadahii Puntland ka soo arimiyay aaney qaban wax la taaban karo, amaba la oran karo waxay gebi ahaan garab mareen sababihii loo yagleelay Puntland oo ahaa in ay nabadgalyada Puntland wax ka qabtaan, oo ahaa in ay caafimaadka dadka reer puntland wax ka qabtaan, oo ahaa in ay waxbarasha wax ka qabtaan, oo ahaa in doorashooyin xaalal ah laga dhaqan geliyo geyiga puntland, oo ahaa in puntland asaas wanaagsan u noqoto isu keenida ummada soomaaliyeed ee dagaalada aan la qeexi karin ay naafayeen iyadoo loo marayo dariiq somaalinimo iyo Islaamnimo, oo ahaan in dadka reer Puntlad dhexdiisa loo cadaalad falo, hadaba si looga baadbaado doorashada soo socota masiibooyinka kor ku xusan, loona helo hogaan ka tujuma muslinimada, soomalinimada iyo qiimaha dhaqan ee dadka reer puntland isla markaana looga hortago dhibaato ka dhex dhacda dadka walaalaha ah ee puntland ku wada nool, wadana dhistay maamulka puntland , waxaan ku talinaynaa in talooyinka soo socda lagu saleeyo doorashada soo socota ee Puntland.

01:Waxaan ku talineynaa in doorashada Puntland xiligii lagu balamay la qabto oo aan mardame la isku dayin in la kororsado ama dib loo dhigo sidii horeyba u dhacdey.

02:Waxaan ku talinaynaa in dadka reer puntland aan lagu hogaamin dagaal ujeedadiisu tahay in dib loogu dhigo doorashada puntland ama lagu carqalateeyo qabashadiisa iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo gobolaa maqan iyo wixii la mid ah iyadoo waxgaradka puntland kawada dheregsan yihiin sababaha loo qabsadey gobolada puntland iyo sababaha weli loo haysto iyo weliba cida haysato.

03:Waxaan ku talinaynaa in la helo Gudi doorasho oo ka madax banaan cid kasta gaar ahaan Xukumada hada ka arimisa Puntland, gudigaas waa in ay xubno ka yihiin Culimada diinta ee reer puntland ciska ku leh, kalsooni badana ay shacabka reer Puntlaand ku qabaan cadaaladooda , iimaankooda iyo diintooda, iyo aqoonyahanada reer Puntland oo aan horay ugu dhexmilmin maamuladii Puntland soo Maray. Hadii loo baahdo xubnaha gudiga doorashada waa in looga yeeraa debida.

04:Waxaan ku talineynaa in gudiga Doorasho ee Madax banaan ay magacabaan Culimada diinta ee Puntland kuwooda muftiyaasha ah tusaale ahaan kuwii isu xil saaray in ay joojiyaan warshadii lacagta been abuurka ah samayn jirtay taas oo dhib badan ku haysay guud ahaan soomaliya gaar ahaana reer Puntland , Isimada Puntland iyo Aqoonyahanada Puntland ee aan Maamuladii Puntland ka soo arimiyay aan ku dhexmilmin. Arintaana sida ugu haboon ee looga mira dhalin karo waa Isimada Puntland oo Culimada diinta ee Puntland la tashi ugu yeera, ka dibna Culimada iyo Isimadu ay la tashi ugu yeeraan aqoonyahanada Puntland kuwooda aan marnaba ku dhex milmin Maamuladii Puntland soo marey, aana gacan saar siyaasadeed la lahayn siyaasadaha guran ee Guud ahaan Soomaliya ka jira. Markaas ka dib waxaan filaynaa in wadajirka sadexda bulsho qaybeed ee kala ah Culimada diinta ee puntland, Isimada Puntland iyo Aqoonyahanada Puntland ee aan garaafo hore lahayn , ay magacaabi karaan gudi doorasho oo xalaal ah .


05:Waxaan ku talineynaa in gudiga magaacabey gudiga doorashada ee madax banaan ay siiyaan waajibaadkooda shaqo sida xubinta barlamaan ee loo baahan yahay waa qof sidee ah, Madaxwaynaha loo baahan yahay waa qof sidee ah, gudoomiyaha Barlamaan ee loo baahan yahay waa qof sidee ah iyo wixii la mid ah oo shuruud u noqon kara qofka raba in uu ummada reer puntland hogaan u noqdo.

06:Waxaan ka talineynaa in beelaha reer puntland ee xubnaha barlamaamka leh ay soo dirsadaan qof diin dhab ah leh, aqoon dhab ah leh, garasho iyo damiir dhab ah leh si ay u doortaan hogaamiye diin dhab ah leh, aqoon dhab ah leh, garasho iyo iimaan dhab ah leh balse hadii beeluhu soo dirsadaan xubno barlamaan oo la mid ah kuwii hore loo soo dirsan jiray waxaa hubaal ah in ay dooranayaan askari iyo wax la mid ah sidii horeyba u dhici jirtay dabadeedna askarigaasu wuxuu sameynayo waa wixii ay askartii puntland soo martay ay sameyn jireen iyo wax ka sii xun madaama uusan askari aqoon u lahayn sida la isugu maamulo dadka, degaanka iyo dhaqaalaha balse uu yaqaan sida wax loo dilo, markaasna askarigu wuxuu isku si u dilaa qofka iyo maamulka loo dhiibo, markaas arintu waxay noqon” reer ba’ow yaa ku leh”

07:Waxaan ku talineynaa in xukuumada hada jirta ay waqtigeeda dhameysto, wadatashiga ay isimadu ku baaqeena la isugu yimaado balse looga wada hadlo sidii doorasho xalaal ah puntland ugu dhici lahayd, islamarkaana ka wada hadlaan sidii gudi doorasho oo madax banaan loo dhisi lahaa, balse iyadoo aan xiliga xukuumadu dhamaan aan doorasho la soo dedejin sababtoo ah dhib baa ka iman kara, dhib yari baana loo baahan yahay. Hal bil qadey beri kuma dari waydo.

08:Musharixiinta waxaan kula talinaynaa in ay u midoobaan sidii ay puntland uga dhici lahayd doorasho xalaal ah, si loo helo doorasho xalaal ah waa in aad ka shaqeysaan sidii loo heli lahaa gudi doorasho oo cid walba ka madax banaan, kuwaas oo aqoon iyo karti u leh in ay diyaariyaan sidii loo heli lahaa Baarlamaan sax, Xukuumad sax, waana inaad wada shaqayn toos ah la yeelataan Culimada diinta iyo Isimada, aadna qorshihiina siyaasadeed ee doorashada ku saabsan u gudbisaan, aadna idinku isu-keenida culimada diinta iyo isimada isu xilsaartaan

Ugu dameyntii, waxaan leenahay Puntland ma aha dawlad dastuuri ah ee waa maamul ay wada sameysteen beelaha puntland dega, balse hadii uu jiray heshiis-beeleed sal uhaa maamulkii puntland ee ay beeluhu wada sameysteen, ma noqon mid shaqeeyay min bilow ilaa hada oo la joogo , sababtoo ah hadii uu shaqeyn lahaa dhibaatada maamul xumo ee puntland hareeraysay min bilow ilaa hada ma jirteen, sidaa darteed waxaan ku talinaynaa in odayaasha beelaha iyo culimada diinta ee puntland isu yimaadaan oo gudi doorasho oo madax banaan sameystaan si loo qabto doorsho ay dadwayaha reer puntland ku qanacsan yihiin. Waxaan si gaara culimada diinta ee Puntland karaamada iyo sharafta ku leh uga codsaneynaa in ay dadkooda ku garab istaagaan, kana taageeraan in doorasho xalaal ah loo qabto , si ay madax aqoon iyo diin ku hogaamisa u doortaan. Waxaana rajeynaynaa in maamulka puntland uusan ku doodidoonin dastuur baa jira, anagaana magacaabeyna gudiga doorashada, hadiise ay dhacdo in ay ku doodaan dastuur baa jira, jawaabtoodu waxay u taal guud ahaan dadwaynaha puntland gaar ahaana culimada diinta ee puntland iyo Isimada Puntland.

Xoghaynta Kulanka
Cabdirashid Cabdalla Waaberi ( catoosh)
0064 2106 23483 , aaw_99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 23, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS