Shirarka iyo Heshiisyo-siyaasadeedka Soomaalida oo laga Naxo (Jibuuti &
Yemen)
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Markaan shirar iyo heshiisyo-siyaasadeed maqlo waan ka naxaa! Kama
wado shirarka iyo heshiisyadaa xun laakiin laga soo bilaabo Sodare,
Qaahira, Carta, Khartuun, Mbagathi/Kenya, Yemen, Asmara, Jibuuti, iyo
kuwo kale waxaa mar walba sii kordhiyey khilaafka iyo isgaashaanbuursi
hor leh. Dadyoowga kale waxyaalaha laga cabsado ayey magac fiican
siiyaan sida Carabtu lamadegaanka u tiraahdo Mafaazah ama ay
masaska/abeesooyinka u dhahaan suleym/saliim! Soomaalidu qofkey
ammaanayaan waxay dhahaan: tuug tuug dhalay ama doofaar doofaar dhalay
weeye! Nin sheekh ah baan maqley oo leh dadka Soomaaliyeed ee qurbaha
lacagta deeqda ah ku qaata waxay ugu yeeraan cayrta! Marka sida Carabtu
waxyaalaha laga baqo ay magaca ugu wanaajiyaan ayaa Soomaalidu
waxyaalihii lagu farxi jiray waxay siiyeen wax laga naxo. Haddaad
beryahan maqashid dib-u-heshiisiin waxaa laga wadaa dib-isu-abaabul.
Haddaad shir siyaasadeed maqashid waxaa laga wadaa shar hor leh. Haddaad
heshiis siyaasadeed maqasho waa halaag cusub oo soo kordhay. Qolyaha
Jibuuti jooga baa ergiga ka socda xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u
arka nin dan u wada Soomaaliya halka isla kuwaas jooga Jibuuti u arkaan
walaalahooda Tigreega la dagaalaya xag-jir!
Sida magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya dagaalkii sokeeye kaddib
dadku dhulalka/boosaska isku qabsado oo ay baxsheen oraahda ah ku qabso
ku qadi meyside ayaa hadda waxaa dadkii dibadaha joogay, kuwii
siyaasiyiinta sheegan jiray iyo dad kale bilaabeen in la tago Qaahira,
Itoobiya, Kenya, Jibuuti, Yemen iyo meelo kale iyagoo dhahaya meel shir
ka socdo istag wax jago beenbeen ah kuu magacaaba waayimeyside. Waa
arrintaas waxa dadku ugu qamaamaan meeshii lagu maqlo ergi ka socda
Qaramada Midoobay ama haweyndeyda wasaaradda arrimaha dibadda ee
Maraykanku u xilsaaratay Soomaaliya ku shirayaan.
Nin baa laga sheegay cadaabkaba geeri baa ii keentay. Wuxuu ka wadaa
haddaan la dhinteen aakhiraba lama tageen iska daa cadaabe. Shirkii
Asmara baa noo keenay kan Jibuuti. Iyagaa dad aan la isku halleynkarin
ku safay jagooyin iyo darajo. Sidaan horay u sheegay Asmara waxaa isugu
tagay dad is huwan. Kuwo dammanayaal ah oo xildhibaanno sheeganayey.
Kuwo dibad ka yimid oo darajo doon ah. Iyo kuwo daacad ah laakiin sidaas
dan u arkay.
Heshiiskii Jibuuti goormuu yimid? Waa markii Tigreegu ka abaadeen
iney maraan waddada isku xirta Xamar iyo Baladweyne. Markii Tigreegu
kala kulmay dhib badan iney iskaga gooshaan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo
Baydhabo. Marka sidii heshiiskii Cadan u badbaadiyey C/hi iyo
Ashahaado-la-dirirka ayaa hadda kan Jibuuti iyo Sanca waxay waqtiga u
sii dheereynayaan Tigreega iyo kuwa u adeega.
Waxyaalaha ka soo baxay shirka Jibuuti waxaa ka mid ah in wax lala
qeybsado dagaaloogye iyo Ashahaado-la-dirir! Dadka Soomaaliyeed waa iney
gartaan in cadowga koowaad ee Soomaali yahay dagaalooge iyo
Ashahaado-la-dirir. Markii dagaaloogayaashu isku leynayeen shacabka
Soomaaliyeed 1991 ma Zenawi baa joogay Itoobiya? Dagaalkey ku soo
caanbaxeen dadkaas sheeganaya hogaanka maxkamaduhu ma Itoobiyey la
galeen? Maya waxay la dagaaleen Ashahaado-la-dirir. Maaddaama cadowga
koowaad ee Soomaaliya ahaa dagaalooge, markii laga ceyrshay meelo badan
waa iyada shacabkii si heer sare ah usoo dhoweeyey madaxdii kacdoonka.
Nimankii horboodayey Ashahaado-la-dirarka intooda badan waa ka soo
horjeedeen Zenawi markaas. Haddii wax lala qeybsanayo dagaalooge maa
markii Khartuum la tagay 2006-dii oo maxkamaduhu heysteen Koonfurta
Soomaaliya oo korneyl C/hi lahaa aan wadahadalno aan Itoobiya ka
hadalnee maxay u diideen? Ma markii saqiirkii la bireeyey, hooyooyinkii
uurka laga soo dooxay, dumar badan Tigreegu kufsaday, culumadii
masaajidda lagu laayey, magaalooyinkii la burburiyey, dhaqaalihii ka
badbaaday sagaalkii sokeeye la tirtiray baa hadda madaxda maxkamadaha
qaarkood leeyihiin aan la heshiinno cadowga koowaad ee Soomaaliya,
Ashaado-la-dirir? Waa labo mid. In kuwa Jibuuti jooga shalay
khaldanaayeen oo hadda saxsan yihiin. Hadday saas tahayna haddee qof
khalad intaas le’eg galay ma soo hor istaago dad. Hadday awal
saxsanaayeen oo ay ka noqdeen mabda’ii saxda ahaa sababo kale owgoodna
ka sii daran.
Kuwa Jibuuti ku shiray waxay dhaheen Golaha Ammaanka arrinta galaya!
Ogoow xitaa Ilaah uma celin arrinta. Yey yihiin Golaha Ammaanku?
Miyeysan ahayn kuwii markii Xamar iyo Koonfur la xoreeyey dhibsaday
nabadda iyo Islaamka? Soom maaha kuwii ku fasaxay Soomaaliya Itoobiya
iyo calooshood-u-shaqeystayaal? Xitaa markii maxkmadihii laga saaray
magaalooyinkii waaweynaa ee Soomaaliya ma oran Golaha Ammaanku war
awalba diin iyo wadaaddaan la dagaaleynee aan haddii la saaray
badbaadinno shacabka Soomaaliyeed oo xitaa aan u sameyno dowlad
maqaarsaar ah laakiin waxay ku fasaxeen Tigree, jirri iyo mooryaan oo
geystay falalkaan kor ku sheegay. Hadda markii Tigreegii laga saaray
waddanka intiisa badan oo ay ku soo urureen xerooyin milatari ayaa
Golaha Ammaanku dib usoo orday oo iyagoo isticmaalaya madaxda Jibuuti
joogtay sheeko cusub la soo shirtageen.
Teeda kale maxaa Golaha Ammaanka gacanta ugu jira? Golaha Ammaanka
waxaa u yeeriya maamulka Bush ama kii markaas Maraykanka heysta. Hadda
Bush iyo adduunkoo dhan waxaa la soo gudboonaaday dhaqaale la’aan,
shidaalkii oo cirka isku shareeyey, cuntadii oo la goynwaayey, dagaalo
ka heysta Ciraaq iyo Afganistaan, adduunkii oo laga nacay maamulka Bush.
Waxaa ku furan arrin kale oo Iiraan ku saabsan. Maaddaama uu Bush
shiidaad u heyn Soomaaliya wakaas xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay
sidii looga sugayey inuu keeno qorshe iyo jawdalkii ciidamada Itoobiya
looga saari lahaa Soomaaliya iyo sidii loo keeni lahaa ciidan kale oo
“dhexdhexaad” ah uu sheekadii ku soo xiray waxaa fiican in Itoobiya ka
baxdo Soomaaliya oo la keeno ciidamo ka socda Afrika! Xogyaha guud wuxuu
la mid noqday shacabka Soomaaliyeed ee markey la soo xiriirayaan
idaacadaha iyo taleefishinada ku hadla Soomaaliga dhiibta ra’yigooda ku
saabsan xalka Soomaaliya. Marka ma filayo in labada bilood iyo xoogaga
dhiman cidi keeni karto ciidan. Marka qolyaha Jibuuti ku shiraya iyagaa
laga rabaa waxay shacabka u sheegi lahaayeen.
Haddii cid arrinta Soomaaliyeed lagala hadlayo waa Zenawi qofka
koowaad. Zenawi isagaa Soomaaliya qabsaday oo ka taliya. Marka haddii
kuwa Jibuuti leeyihiin waxaan la shiraynaa kuwa u adeega Zenawi oo
keliya waa u doqonnimo. Hadday si qarsoodi ah ula shiraanna waa nifaaq
oo ka sii daran. Maraykan keligiis kuma khasbi karo Zenawi inuu ka baxo
Soomaaliya. Haddii Zenawi baxayo isagaa ku dhibtooday Soomaaliya ee ma
ahan Maraykan baa ka saari kara. Maraykanku muu ku khasbo inuu
Eritereeya ka reebo iney maxkamadaha soo dhoweeyaan? Haddii Eritereeya
wax ka maqliweyday Bush sidee buu ugu khasbi karaa Zenawi wax kale? Muu
Bush ku khasbo Al-Bashiir inuu Daarfuur dhaafo? Al-Bashiir oo muslim ah
baa Bush wax ka maqli waayey marka sidee uga fileysaan in Zenawi oo gaal
ah loo khasbi karo.
Qodobbada iyo qoraalada qolyaha jibuuti la ordayaan waxay la mid
yihiin saxiifaddii Mutamalis. Akhristayaal saxiifadda Mutamalis wax kale
maahan ee waa arrinta Soomaalidu u taqaan: ninkii gacmahiisa ku watay
wadkiisa. Arrintu waxay ku baxday mar gabyaagii caanka ahaa ee Mutamalis
iyo gabyaa kale ooy qaraabo ahaayeen ay hanti ka raadsadeen boqor
markaas dhulka Ciraaq ku taal ka talinayey. Boqorkii wuxuu labadii
gabyaa u qoray warqad oo ku yiri ula taga waalligeyga (guddoomiye gobol
oo kale) jooga magaalo hebla isagaa idin siinaya abaalmarine. Labada
gabyaa midna wax ma akhriyo. Gabyaa Mutamalis la socday baa yiri: wax
kasta waa dhici karaane aan raadsanno cid noo akhrisa warqadaha.
Mutamalis baa is kibriyey oo yiri anigu caan baan ahay mana filayo in
boqorku warqadda ku qoro dhibkeyga. Intii ay waddada sii marayeen baa
waxaa ka horyimid wiil dhallinyaro ah. Gabyaagii kale baa ku yiri
wiilkii: wax ma akhrisaa? Wiilkii baa yiri haa. Gabyaagii wuxuu yiri ii
akhri warqaddan. Wiilkii dhallinyarada ahaa baa yiri nasiib baad
leedahay oo waxaa warqadda ku qoran in lagu dilo. Gabyaagii wuu
jeexjeexay warqaddii. Weli Mutamalis wuxuu soo istaagay: kuma dhaco
warqaddaas in dhib lagu qoro wuuna diiday in loo akhriyo. Waxaa walligii
u tagay gabyaagii kale oon warqad wadan (wuu soo jeexjeexay) iyo
Mutamalis oo warqad la bidaya. Walligii wuxuu siiyey abaalmarintii
Mutamalis oo ahayd in la dilo. Maalintaas laga bilaabo Carabtu waxay soo
saareen oraahda ah ninkii wadkiisa gacmihiisa ku sitay. Marka waabaa ku
baryi doona qolyaha la ordaya waxay Jendayi Frazer ku tiri oo ah na soo
raaca waxaa idin caawinaya Golaha Ammaankee.
Nimankaan Jibuuti jooga marna ma cambaareyn falalkii Maraykanku ka
sameeyey Soomaaliya ee ku laayey shacabka iyo xoolaha Soomaaliyeed.
Dadka la laayey waa kuwii wax ka dhigay qolyaha Jibuuti jooga. Marka
dadka u hadliwaayey saaxiibadood iyo shacabka la xasuuqay sidee looga
filayaa iney u doodaan shacabka kale ee aysan aqoon? Hay’adaha u dooda
xuquuqda binu Aadanka baa intaas ka hadla waxyaalahaas laakiin kuwa raba
iney na xukumaan xisaabta uguma jirto.
Jago-jacaylku waa wixii Benazir Butto dib ugu ceshay Bakistaan. Waa
ku filnaanweyday intay ra’iisul wasaaraha ahayd. Markii Musharaf laga
dhameystay bey dhaheen dib ugu noqo Bakistaan oo u tartarn jago kale.
Jago-jacaylkii waxay gelisay qabri. Ma dhahayo waa la dilayaa sheekh
Shariif laakiin waa in la fahmaa waxa waddanka ka jira.
Yemen waxaa laga yiri hala keeno ciidamo ka socda kuwa muslimiinta!
Ciidamada waddamada muslimiinta ka imaanaya iyo madaxdooda lama hayo
wax lagu mitaalo oo kiristaan ama Yuhuud ah oon ka ahayn dhibtii ka
dhacday Ruwaanda iyo Burundi. Muslimiintu waa labo. Kuwo iyagaa la
waardiyeeyaa sida kuwa Khaliijka. Qaarna waa kuwa Bakistaan oo kale oo
iyagaa masaajid iyo dugsi-Quraan ku xasuuqaay shacabkoodii magaalooyinka
dhexdoodaa. Waddanka saas yeelay malaga filayaa in ay asxaan u
sameynayaan wadaado kale? Nimanka wata saxiifadda Mutamalis ma arkaan
khatartaas laakiin waa dhibaato aan caad saarneyn. Culumadii runta ka
hadli jirtay ee joogijirtay waddamada muslimiinta intoodii badan waxay
joogaan wadamada reer Galbeedka ama xabsi bey jiifaan. Ilaahay baa runta
jecel laakiin madaxdeennu waa ugu liitaan madaxda caalamka.
Zenawi wuxuu Xamar ka soo bartay waaguu Soomaaliya joogay: lafo
maroodi iyagaa la isku jabiyaa. Wuxuu Bush ka dhaadhiciyey in la sii
wado sheekadii ahayd xagjir oo Soomaalidu u taqaan xaqjir iyo kuwo loo
yaqaan qunyar-socod. Marka markii hadda gumeysigii qilqiil galay oo
xitaa ay awoodi waayaan iney iskaga kala gooshaan Xamar iyo
magaalooyinka kale ayaa waxaa hadda la bilaabay shirar la iskugu dirayo
kacdoonkii shacabka. Marka Zenawi inta meel fariisto buu daawanayaa
qolyaha Jibuuti jooga oo sidii Ashahaado-la-dirirkii la soo bixidoona
dardar cusub. Zenawi wuxuu shirarka Yemen iyo Jibuuti u arkaa nasri
Ilaahay usoo diray.
Qolyihii Ashahaado-la-dirirkaa yaabban oo leh war xaggee ka soo
baxeen kuwaan cimaamadaha qaba oo nooga dheereeyey CIA iyo Frazer! Waxay
leeyihiin sidii habartii bixisay: hooyo qoodha lama dilo bey arrintu ku
dambeysay oo iyagii baa Bush naga ceyrsaday.
Wax badan baa shacabka Soomaaliyeed soo dhoweeyeen shirar sida kii
Mbagathi iyo kii bakhaarka galayda ee Baydhabo ama garaashkii gaadiidka
ee Xamar dhacay. Marka horaan uga dharagnay magac heshiis oo belaayo soo
wada. Marka shacabku diyaar uma aha inuu dad-qalato mindiyo wadata isku
soo hogaansho. Insha Allaah ma foga marka la arki doono qolyaha Jibuuti
oo marka sidii xanjada macaanka laga dhammeysto la iska tufo oo ku biira
saaxiibbadood Ashahaado-la-dirirka.
Bil-guuradii ka soo Wareegtay "Shirkii Jibuuti"...
Akhri..