Hoga Tusaalayn Ku Socda Issimada Iyo Beelaha Qabiilada aan Xildhibaano ku
Lahayn Baarlamaanka- W,Q, Musharax Cumar Farjac
Maadaama ujeedadayadu tahay sidii aanu uga dhigilahayn Puntland dawlad ay
Somaliweyn ku soo hirato una noqota goobta nabadgelyada iyo is ixtiraamka
bulshada Somaliyeed, waxaanu door bidnay in aanu saxno qaladaad badan ee ka jira
Puntland. Qaladkaan qoraalkaan ku saxayno waa ka maqnaanshaha qabiila badani ka
maqanyihiin ka qayb qaadashada maamulka, maaraynta iyo tala ka bixinta Puntland.
Qoraalkaan waxaan wax ugu sheegaynaa dadka maamulka Puntland haya iyo qabiilada
isku tilmaamay in ay yihiin qabiilqada ugu waaweyn Puntland, maamulak ummadda
Puntland u dhexayayna marooqsaday.. Ujeedada aanu ka leenahay waa in aanu wax ku
saxno si aynu u helno cadaalad iyo sinaan ku timaada nabad iyo afgarad. Nagama
aha in aanu aloosno carqalado ee waa sidii aynu isu xaq dhawri lahayn, annagoo
adeegsanayna gorgortan u dhaliya guul dhinacyada wax doonaya iyo kuwa wax laga
doonayo.
Hadii wadankeenu ku dhisnaanlahaa "maxaa taqaan?" looma baahdeen maqaalkaan,
annaguna wax kama qorneen dhibaatada maanta na haysata.
Lixdameeyadii ayay Somaliya gaartey heer qabiil walba samaysato isbi u gaar ah,
waxayna na geyaysiisay boqolaal asxaab oo ku salaysan jilib, jifi iyo beel,
midwalbana la soo baxay sumad u gaar ah.
Waatuu kacaanku yimid, waa taynu in muddo ah iska ilownay qabiilka, hadana waa
teynu ku nqonay tabteenii hore. Waynu isku raacsannahay in "Qabiilku" yahay waxa
Somaliya baabiyey ee gaarsiiyey meesha ay manta joogto. Waxaaba taa ka sii daran
axaa lagu salayey dastuurkii Qaranka Somaliyeed iyo Dawladda Ku Meel Gaarka ah
ee Somaliya, waxaana wax lagu qaybsadaa 4.5 . Hadaba waxaynu u adeegsan karnaa
qabiilka sidii aynu ugu gaarilahayn horuumar, nabad, iyo cadaalad.
Way ku yartahay dawladaha adduunka ummad isku qaran ah, isku af ah, isku diin
ah, isku dhaqan ah. Wadamada qaarkood waxay aaminsan yihiin hadii ay haysan
lahaayeen inta Smalida ka dhexaysa ay gaari lahaaeen midnimo.
Waxaa kaloo jira wadamo aan wadaagin qaran oo ka kala yimid qaramo kala duwan,
aan wadaagin af oo ku kala hadla afaf kala duwan, aan wadaagin diin, oo kala
caabuda aalaah kala duwan, hadana dawlad wanaagsan samaystay, gaaray horuukac
dhaqan-dhaqaale, midnimo iyo cadaalad. Maxaa annaga oo isku oday ka nimid, isku
diin ah, isku dhaqan ah inoo diiday in aynu horuumar yeelano? Maxaa innagu
kallifay in aan isu isicmaalo qabiil oo iskala faquuqno? Maxaa inoo keenay
cadaalad darro iyo xasad?
Puntland cadaalo darro ayaa ka jirta maanta. Qabiilo waa muwaadiniinta kowaad,
kuwana waa mawaadiniinta labaad, qaarna buugga kuma jiraan. Casharada midab
takootku waxay qorayaan in dadka la midab takooray ay ku xoroobeen halgan ay
muujiyeen oy ka dhiidhiyeen midab takoorka lagu hayey.
Maxaa keenay in muwaadiniinta Puntland, qaarkood ay noqdaan dad aan miiska
dawlada meel ka soo gelin? Marka hore eeda waxaa iska leh dadka maamulka haya
iyo kuwa malafsiga u bartay oon ogolayn in laga dhabqiyo cayaarta ay golaha ku
haystaan. Xilku ayaga buu saran yahay in ay gartaan sinaan iyo cadaalad.
Eeda hadaba waa lala wadaagaa. Laxwalba shilalkey is dhigtaa lagu qalaae, dadka
aan la hadalka kala xisoonayow maxaa meesha idin dhigay? Kuwa sinaanta
diidanowse maxaad ka heshaan qabiil faqooqa? Qabiilada la xqirayow, hadey
qabiilada qaarkood is bideen in ay yihiin kuwa samiga libaax qaata, maxay
idiinku diideen in aad miiska la soo fariisataan? Miyeydaan wadanka wax ku
lahayn? Ma sabirkaa la idinku arkay? Miyeydaan wadanka wax ka dhisin? Miyeydaan
wadanka wiilashiinii u dhiman? Miyeydaan canshuurta bixin? Ma ogtihiin erayga
laga isticmaalo wadamada caalanka ee odhanaya "taxation with no representation
is not right" Micnaheedu waa "Canshuur lagaa qaado oo aan lagu masalayn sax ma
aha". Hadaba hadii aad canshuur bixisaan waa in aad leedihiin dad idin masala oo
danahiina ilaalinaya. Taasi waa markii ay jirto doorasho qafwalba uu dooranayo
qofka masalaya.
Puntland, weli ma laha doorasho qofku dooran karo qofkii danahiisa ka shaqayn
layaa. Waxaa kaalinteedii galay xildhibaanada ay Issimadu keeneen golaha. Ma
Issimadiina iyo nabadoonadiinaa dadnima yar? Hadaba qabiilada ka amar ku
taaglaya Puntland waxay dareemeen in aydaan cod lahayn. Ma sidaa darted baa
sababaha la idiinka tegey?
Hadey reer Puntland qabiiladoodu ay cadaalad yaqaaniin, ama ay doonayaan in ay
wax ka bedelaan qaladka ay haatan ku socoto, meel fog ha ka doonina xalkeeda ee
dadkii idiinka qayb geli lahaa golaha baarlamaanka keena madalka. U malayn mayo
in uu jiro qof idinka diidaya. Colka waraf ma lagu dayey?
Hadii qabiil ka mid ah isa soo giriiraxo ama isa soo mutuxo isagoo lid ku ah
danihiina, waydiiya su'aalaha kala ah. "Ma idinkaa iska leh
madalka/makhaayadda?". "Miyaaney cadaaladi jirin?" "Maxaa naloo qadiyey?" "Mee
sedkayagii?" iyo su'aalaha kulul oo aad maskaxda ku haysaan ee annaga afkayagu
ka xishoonayo.
Annagu waxaanu aaminsannahay in aanay Puntland horay u soconayn inta cadaalad
darro ka jirto wadanka. Puntland houumarkeeda waxaa wiiqaya cadaalad darro.
Bulshaweynta reer Puntland waxay u baahan tahay nabad gelyo, wax qabad,
cadaalad, wanaag, xasad la'aan iyo maamul hagaagsan.
Hadii qabiilna noqdo lugta jecli, lafta jecli, jaga walbana anaa ku haboon, oo
anagaa qaadanayna; qabiilka xishooda oo sabirka badanina uu ku qado dawladda
qaybaheeda faraha badan, goormaa qabiilka wax walba boodayaa uu dareemi in uu
xaq darro wado? Goormaa cadaaladu imaaneysaa? Ma waxaas baynu gobollada kale ee
bahweynta Darood degan tahay ugu horseedeynaa? Ma waxaas baynu Somali weyn
tusaale uga dhigaynaa?
War qabiilka sabirka badanow goormaad xaqaaga soo dhacsan? Ma ogtahay hadii
aadan xaqaaga doonan oo aadan u dhiidhiyin in kan sed bursiga bartay uu isa
siinayo oo mulkiile u noqonayo. Qisadii eyga iyo hashii loo lisi jirey baa
meesha soo martay.
Ma ogtahay hadii aadan soo dhacsan xaqaaga in kan haysta dhaca uu cay kuugu
darayo oo weliba kugu tilmaamayo dad aan waxba ahayn? Goormaa geesi, cadaladda u
hadlaa idiin soo kici, oo xaqiina idiin soo dhicin? Goormaad hurdada ka
keceysaan?
Ma ogtahay in Golaha Baarlamaanka in la badin karo markii la garto in dad
xaqoodii ka maqan yahay ay soo gawriirsadaan goobta. Ma ogtihiin in dastuurka
markasta la bedeli karo hadii la garto in uuyan sax ahayn? Waxaan filaynaa kuwa
qaybiyey xubnaha xildhibaanada baarlamaanka ay ula kac u yeeleen ama aqoon darro
u geysey.
Hadii aynaan cadaaladda manta samayn, berry bay meel xun nala tegi.
Horuumarkkenuna liici. Maanta maalin ay kaga haboon tahay ma jirto. Rer Puntland
oo dhan waa wada foojigan yihiin.
Qabiilka golaha ka maqanow hoos isu dhugo oo sedkaaga soo dhacso. Qabiilka
xoogga is bidayow, u oglow walaalkaa xaqiisa. Weliba muddo badan baad sed bursi
ku soo dhaqantaye, walaalkaa aad qadisay maanta u sed buri. Markaad jagooyinka
qaybinaysona, u sed buri, intaas ood sedkaaga u darted.
Hadalkaygu wuxuu u dhacayaa inta aanu aqoonta u leenahay oo golaha ka maqan iyo
kuwa aanan oqoonta u lahayn. Ha nala yaabin dadka sidaas uma kala naqaan oo
qurba joogto aan PhD qabiilada ku qaadan baan nahay.
Mee Wabeenaye? Maxaa canshuurta la idiinka qaadaa? Yaa idinka lacag badan? Yaa
idinka aqoon-yahanno badan? Yaa idiinka badan degaanka? Yaa idiinka badan
dibadda? Dhan walba idinka fiirinay, oo meel walba waad ku horaysaan, ee xagee
la idnka haystaa? Walaalayaal ducaysta, oo belaayada idinku habsatay iska roga.
Meel walba oo Somaliya ah baad degtaan. Gobollada hoose, dhexe iyo bariba waad
degtaan. Dibadii oo dhan baad haysataan. Heedhe goormaad baraarugeysaan? Maxaa
la idiinka cunaqabatayaa ganacsiga? Mase ogolaateen dulliga hoosta la idiin
geliyey? Ma East Africa in aad u guurtaan bay dani idn geyeysiisay? Ogowe hoygaa
waa meeshii aan hoy lagaa odhan. Walaalayaal waan idin soo eegeynaa bal inaad
kacdaan. Is abaabula, oo u kaca si haboon. Talada aanu idiin soo jeedinayno waa
tan qabiilada kale oo dhan aanu u soo jeedinayno. U doonta xaqiina si hufan ee
walaaltinimo leh idinkoo aan dad wax yeelin.
Mee Tinle, Magalabe, Kabtaanle? Xagee la idinku ilaaweey? Maxaa kursiyadiinii la
idiinku diiday? Waan idinka fajacnaye is muujiya. Ma naga ogolaateen in aanu
idinka dhigno waxbayahay? Goormaad mauqifka soo istaagi doontaan?
Meeye Cabdalla Daan Weyne? Sow isma aragtaan tiradiina iyo degaankiina? Sow uma
jeedaan dhaqaalaha aad wadanka soo gelisaan? Ma cududiinaa rabi idin tusi
waayey?
Maye Amaanle, Ugaslabe, Gumasoor, Wadalmugge? Ma dayaxiinii baa dhacay? Maxaa
sharaftii aad lahaydeen hoos u dhigay? Maxaa iftiinkiinii ku dhacay?
Mee Gheesa Guulle? Xageebaa baabuurku idinkaga tegey? Xageebaad ku harteen? Ma
dadkalaa sedkiina sheegta?
Maxaa Reer Maxamudka ciidaa ka badan u diiday in ay golaha soo galaan? War ama
gobolka shanaad ku jir ama gudaha joogee, miyaadan ogayn in Ilaahay idin fara
badiyey? Sow ma ogid in aan dagaal la idiinku soo dhici Karin? Wacdaaraha la
idiinka bartay baa la idiinka baqaa. Waxaa idinku filan idinkoo farriin keliya
na soo gaarsiiya—sedkiinaan banaanka idiin soo dhigaynaa. Shaydaamba miyirkiisa
waa qabaa. Walaalayaal maxaad sedkiina la qaadan weydeen? War indhaha kala fura
oo kuwa idinka aan tira idinku soo gaadhin baa gola ceebedka wax ka helay,
walowba ay cad quureed qaateen, hase yeeshee maxaad idinka cad quureedka idiin
diiday? War miyaydaan ciishoon? Goormaad wax aragtaan oo goormaad wax garataan?
Goormaad indhaha kala fureysaan? Walaalkaya ciishaysan markaan dhegeysano
dhibtiisa, ama aan aragno sida loo xaqiray, calooshaa na gubaneysa?
Maye Abdiraxiim saleban? Walaalayaal maxaa idinka reebay maxay Saleebaanta kale?
Maxaa la idiin faqooqay?
Xabadi keentii dhowaan Xamar ka soo galay, Saleebaanadana la yaabay, waxay la
baxeen Jaamac Saleebaan. Iyagaa manta Saleebaanadii kale dhaafe. Maxaad iyaga
tirade ugu soo darsan weyseen? Maxaa idinkoo ka maqan golaha wax loo siiyey
xabadi keentay?
Maye Ibraahiinadaan garaneyney? Maye Abdalla Ibrahim? Maye Abdiraxiin Ibrahim?
Maye kuwii sharafta lagu yaqaaney ee Ismaciil Ibrahim? Ibraahiinadu iyagaa
kacsan, hase yeeshee abaabulkoodaan saluugnay. Walaalayaal, is dejiya oo nabad
wax ku doona.
Mee Nux Jibraahiil? Mee Gumasoor? Maye Ree Cumarkii cajiibka ahaa? Maxaa ku
dhacay Nux Cumar? Xageebay qabteen Halmog Cumar? Maye Wanwaaqsame? Xageebaa lagu
ilaaway Hantile? Maxaa ku habsaday Barkataale?
Maye farshaxanadiiTumaalada? Mee Midgaan? Mee Madhibaan? Xagee baad jirtaa Xamar
Waaq, Caagdoon (Filku Caag), Caqdaar? Idin mee Abamakaa, Mikaahiil, Subeyr,
Haylaciyo, Saleban Talareer, Issaq Talareer, Said Ummad Nebi, Cumar Ummad Nebi,
Cabbas Ummad Nebi, Musse Ummad Nebi, Sakariye Ummad Nebi, Ali Ummad Nebi? Ma
dibadaad u wada yaacdeen? Walaale kuwa ka maqan golaha oo aanaan ku dxusin
maqaalka, aqoon darro baa noo geysey ee nala socodsiiya. Sua'aashu waa "Maxaa la
idiinka tegey?".
Isu taga, is abaabula, weydiiya dadka sababta la idiinku diidan yahay
xildhibaano idin masala. Ma dad kale baa idin masalaya? Ma idinkaan wax garan?
Ma dadnima xuntihiin? Ma wax garad baydaan lahayn? Hadaan gafo iga raali
noqda—Cay igama aha, ee waa iga baraarujin. Walaalayaalow xaqiina soo doonta oo
soo dhacsada. Maxaa idiin diiday saamigiina? Ma anaa wareersan mise xaq darraan
arkaa? Sow dad walaalaa ma nihin? Maxaa la idiin faqooqay oo la idiin takooray?
Walaalayaalow xaqiina doonta, oo maantadaan laga bilaabo waydiiya dawlada.
Hadeydaan lahayn wax idin masala xaq baan u leedihiin in aad diidaan canshuurta.
Hana bixina canshuur ilaa aad ka heshiin cadaalad. Is abaabula oo isu oday
wacda.
Ha u qaadanina in aan colaad shidayno ee markaan dhurwaa, dhurwaakale ka
gardaran aragno baa halkaas nalagu dhiftaa. Ma waxaad sugeysiin in idinkoo
meeshiina fadhiya sedkiina la duudsiiyey la idiin keeno?
Wallee ama meesha ka kacde oo xaqiina u doode, ama ninkaan qaylin hooyadiiba
qadisay arrintu noqotay. War bal ismuujiya ha la idin ogaado in cadaalad darro
la idinku sameeyey, ama waa sidii la idiin qadiyeye weligiin ha hadlinina. Bal
abaabul yeesha oo darka wax lagu qaybsanayo isa soo dhooba idinkoo muujonaya in
aad ka xuntihiin xaq darrada la idinku hayo. Walaal codkiina ha la maqlo, oo
marka hore nidaam wacan wax ku doona, hadii xaqiina la idiin ogolaan waayo,
taariikhda hubiya oo sidii dadka la xaqiray ay wax ku raadsadeen baa idiin
furan.
Waxaa idin taagersan in ay idin raacaan ummadda cadaaladda jecel ee ogol
sinaanta. Bannanbaxa waa la idinkala qayb geli ee soo abaabula.
Waxaan la yaabanahay qofka idinka hor imaanaya oo idin oran doona xaq ma
lihidin. Nin idin quursaday wuxuu mudan yahay idinkaa taqaaniin.
Hadii la yiri degmaa wax lagu bixiyaa, maxaad wadada dheer meel uga qabsan
weyseen oo aad ugu habsan weydeen? Ma ogthay in meelaha qabiilada kala duwan
isla degaan ay ka hormarsantahay meeshii hal qabiil keliya dego? Maadaama
waayadaan wax la siiyo qofkii qaadic dariiq noqda, ma weydeen meel aad isbaaro
dhigataan (Barrier gates)?
Bal marka u horaysa canshuurta diida idinkoo diyaar u ah in aad soo istaagtaan
maxkamada ugu sareysa ee Puntland. Taariikhahu waxay dhigayaan dad badan oo ku
adkaaday maxkamadaha markey muujiyeen in ay tahay cadaalad darro in canshuur
laga qaado iyagoon lahayn dad masala (representatives in the government).
Mawqifkiina cadaya oo isa soo bandhiga, ama "waa sidey idiin qarsataye qolbada
la idin geliyey ku qafilnaada".
Horeynu u soo sheegnay in qabiilo qaarkood yihiin lafta jecli, ludda jecli,
iyagaa isla raba jaga kasta ee dadweynaha reer Puntland u sinaayeen. Dadka la
xaqirow hadeydaan dhulka wax ku lahayn maad iskaga tagtaan. Miyeydaan
mawaadiniin ahayn? Miyaydaan canshuur bixin? Hadaba hadeydaan dad idin masala la
idin siin, waa in la idinka daayo canshuurta, ama aad bixisiin ¼ canshuur ah.
Maxaa idin aamusiyey? Ma in la idin furto baad ka baqdeen oo jagooyinka la
idinka qaado? Ma qisadii saddexda nine ee qaawanaa ee ka baqay in la furto baa
meesha soo martay? War maxaa la idinka furanayaa waxba ma haysataane?
Xaqii la daboolo uurkuu ka dilaacaa. Dadka la dulmayow isu soo baxa oo is
uruursada, bannaanbaxyo smaya inta cadaalada jecel baa idin taageereysa oo idin
soo raaceysa. Taariikhda dadka midab takoorka lagu samayey waxay qoreysaa in
iyadoo loo adeegsanayo ey dadka cunta, askar bur la dhacda, biyo lagu rushayo,
iyo jeelka oo loo taxaabo in dadkale oo aan la takoorine ay usoo baxeen oy
taageereen sinaanta xaquuqda bani aadamka.
Ma mooganin guddiyadii Qaramada midowdey ay soo direen oo dadka waraysatay
qolawalba meesha ay degto iyo inta ay yihiin. Warbixintii ay soo saartay
qaramada Midoobay waxay ku qafilantahay meelaha la dhigo warbixinada Puntland
(Archives of Puntland). Dad dana ka wata ayaa daboolaya waxayna u badan tahay in
ay burburiyaan warbixinadaas muhimka ah.
Ma mooganin "Baha Quwaax" ee doorashadii 1969. Ma mooganin Magaca "Kurtumo"
meesha uu ka yimid. Hadaba manta ayey talo idinla gudboontahay. Waa manta in aad
isa soo bandhigtaan oo aad barlamaanka sannadkaan aad keensataan xildhibaano
idin masala. Hadii aydaan manta isa soo taagin darka wax lagu qaybsanayo, waxaad
sugetysiin goorta dambe ee ixiya.baarlamaan dad loo soo dirsanayo. Maanta ayey
idinku haboon tahay in aad samaysataan hormuudyo siyaasadeed ee xaqiina
bannaanka idiin soo dhiga.
Erayga "Kurtun" waa wax gaaban, qarsoon ee lagu turaanturoodo. Waa geed gunuf
ah. Waa laan la gooyey, Waa wax dhulka ku aasan oo suulasha ku gooya. Ma waxaad
door bideen in dad walaalihiin ah oo ciidaa ka badan aad xaqirtaan? sedkoodii
qaadataan? iyaguna idiin sabraan? Dabadeedna aad dhaawacii af-la-gaado ugu
dartaan? Waa ilhaamo meesha laga gaarey, ha ilaawin Ilaah baa deeqa bixiyee. Ma
waxaa la gaaray in dadka look ala saaro garoor iyo garuun? Erayadaasi ma isla
jir bay noo keenayaan? Erayadaasi keeni maayaan in aynu isu tagno iskaba daa in
aynu Somali weyn isu geynoe. Islaanimada kuma jirto cadaalad darrada aad wadaan
qabiilada maamulka haystahow.
Erayga waxaa loo isticmaalay waa yasid iyo quursi. Bal erayga kan isticmaala oo
ku xumaynaya ruux walaalkiis ah, ee is biday in uu ka badan yahayow, miyaadan
ogayn, hadii Ilaahay ku badiyey in uu ku gaasiri karo? Miyaadan ogeyn in Ilaahay
uu ugu tala galay sidaas, hadeyba run tahay waxaad mala awaashay? Miyaanad ogayn
in uu adiga berry kaa dhigi karo kurtun gaabta? Ma ogtahay in qooqa lagu
halaagmo? U malayn mayno in aad wax ogtahay—wax dhoohan baad nala tahay.
Dastuurka ku meel gaarka ah ma aha mid saxa, ee yaan la idinku harawsan.
Dastuurku ma aha kutub quraan ah oo aan wax laga bedeli Karin. Dastuurada
wadamada horuumaray ayaa mar walba lagu soo daraa waxyaabo cusub oo wax lagaga
bedelo wixii horay u jirey "Amendments).
La idiinma ogola in aad ka qayb qaadataan maamulka dawladaha hoose jagooyinkooda
. Ma shiskaba daa tab saree. Ma shisheeye aan wadanka xaq ku lahayn baad tihiin?
Waa maya. Hadaba maxaa la idiin hortaagan yahay? Ma ku sabraysiin hadii aan
waxba la idiin ogolayn? Hadaba ballankeenu waa in aad sannadkaan ka soo qayb
gashaan baarlamaanka. Marka aad ugu yartihiin waa in aad soo gelisaan todan
xubnood oo xildhibaano ah. Ilaahay wuxuu yiri dadaala anna waan idinla jiraaye.
Waa in aad gor-gortanka barataan, hadii kale waa in aad ……"Inta maamulka footka
la saaro oo kurtumo meel ka fariistaan oo waxa lagu……. ". Sii wad gabayga.
Annagu waxaanu cod u nahay dadka aan codka lahayn. Hase yeeshee waxaan rabnaa in
aanu ogaano dadka ay yihiin. Waxaa la yiri Nin aan ciyin looma ciyo , Nin aan is
ciilin lama ciilo, Nin aan qaylin hooyadiiba qadisay. Kaca, Kaca, Kaca.
Markaan bal aan u jeensano qabiilada cad quureedka qaatay. "Waxaa jira qabiilo
malaayiin ka badan oo masaakiin yar-yara lagu masaalaaye ". Annagu ma oran ee
marxuun gabyaagii caanka ahaa ee Somalida baraarujiyey baa yiri. Waa dhowr
qabiil oo aan sadkoodii ka qaadan golaha ee ogolaaday wixii loo soo gartay. Talo
waxaan ku siin lahayn qabiiladaas in ay iska diidaan cad quureedka ay qaateen.
Ma weligiin wax la idiin soo gartay baad qaadaneysiin, mise darka wax lagu
qaybsanayo baad fadhiisaneysiin oo waxa aad xaq u leedihiin baad qaadaneysiin?
Waad ka badan tihiin dadka idinka wax idiin soo qaybiya oo idinka wax idiin soo
garanaya. Waxaa la idiin qaatay in aad dalbataan saamigiina aad xaqa u
leedihiin, ama aad uga baxdaan gola ceebeedka oo aad gobolkiina dawlad ka
samaysataan. Markii la idin arko in aad dad wax garad ah tihiin baa la idin
qadarinayaa.
Qabiiladiinaas dadkoodu tirada badan yahay ee aan miiska rag leeyahay meel ka
soo gelin in iyaga wax loo soo garto mooyaane, waa la idinka arkay inaan dadnimo
idinku jirin. Weliba cad quureedka la idin siiyey baad isku dirirtaan sidaad yey
ama haad raq joogta tihiin. Waxaa idiin sharaf roon in aad ku biirtiin oo aad
wax la wadaagtiin inta la qadiyey, ama ay cadaaladi timaado. Ha moogaanina in
aad kurtumada ka mid tihiin-- Xildhibaanadiina ka kaxaysataan gola ceebeedka.
Waa ganacsatadiina waxa bixiya canshuurta ugu badan ee dalka soo gasha, berri
iyo badba ha ahaatee. Waa idinka dadka ugu liita marka la eego horuumar la'aanta
beelahiina. Ma waxaad oraneysaan waa nala ciilaa annaga? Jawaabtiinu noo beec ma
aha. Ma awoowayaashiin baa dufooba idin yiri? Maxaa dadka idinka dad iyo dal yar
idin hoos dhigay? Yaa idinkula ballamay in aad cad quureed qaadataan?
Puntland nabad gelyadeeda iyo horuumarkkedu wuxuu ku xirnaan cadaal ka timaada
ummdeeda oo la tix geliyo xaquuqda ummada ku nool oo dhan. Markii ay timaado
cadaalad iyo sinaan. Cadaaladi waxay imaaneysaa markii qabiilada awooda is biday
ay ixtiraamaan oo xaqooda u ogolaadaan walaalohood aan awooda ku lahayn maamulka
Puntland. Hase yeeshee inta ay jirto fikradaha ah anaa kaa laandheeraysan, anaa
wax walbana isla jecel iyo huuhaa been ah, horuumar ma imaan karo.
Ma waxaynu rabnaa in aynu dhisno bulsho qaarna hodon yihiin iyagoo sidii qadowga
ugu dul nool bulshada inteeda kale?
Nabadda wax ka fiican ma leh, hase yeeshee nabad aan cadaalad ku dhisnayn, waa
qosol ku jab oo mar bay qarxeysaa. Hadaba dhidibo adag aynu u mudno, oo si xaq
dhawr ah aynu dadkeena aynu xaqirnay xaqooda u siino.
Is weydiiya. Yaa mushkiladda xallin kara? Ma kuwa mushjiladda abuuray baa xallin
kara? Ma kuwa laga gardaran yahay baa xallin kara? Waa idinka, dadla xallin
kara. Ha ka sugin ninkii xaqaaga dhacay in uu cadkaaga kuu ogolaado.
Markaan talo waxaan u jeedinaynaa kuwa lagu tilmaamay kurtumaha reer Puntland,
dadka xaqooda ku fadhiya ee cagta saaraya. Xaqii la caburiyo, uurkuu ka
dilaacaa. Diinteenu way ka soo horjeedaa cadaalad darrada. Ku noqda kutubada,
Ilaahna ka baqa oo ummadda xaqeeda u ogolaada. Hadaad walaalkaa xaqirto,
faaiidadaad ka hesho qaaxo baad ka qaadeysaa, ubadkaaguna xaaraan quutayaal bay
noqonayaa. Ma adduunka wixii xaaraan ah oo aad ka heshaan baad aakhiradiina ku
bedelaneysaan? Waxaan ilaawey in qaarkiin ay ku aqdaantaan diinta si ay ugu
fushadaan danahooda.
Waxaynu dooneynaa in Ilaahay na gargaaro oo dhibaatada naga saaro. Hadii aynu
dooneyno in aynu ka baxno cadaalad darrada aynu ka cabaneyno, waa in aynu
guryeheena ka bilawno cadaalada. Sadaqada gurigaagaa laga bilaabaa. Horaan idiin
weydiinay hadaad pgtihiin in Ilaahii idin badiyey in uu idin gaasiri karo? Ma
ogtihhin walaalkiin aad u gafteen in Ilaahay idinku eegayo? Ma ogtihiin in
Ilaahay idin dhex gelin karo colaad aad ku kala gaasirantaan?
Waa in aynu walaaleheen aynu u gafney marka hore xaqooda siinaa, marka xigana
sed bursi siinaa (Affirmative Action). Waa in aynu madaxda wadanka inoo maamusha
ka dhiganaa oo aynu uga dhignaa shifa-shifo iyo dhibaan-dhib intii horey loo
gaarsiiyey. Marka kalena waa xaq in ay ka helaan oo ka galaan kaalintooda
maamulka wadanka. Waxay leeyihiin aqoon yahanno farabadan oo ah kuwa ugu
firfircoon goboladeena, kuna haboon meel kasta. Waa la doogine yaan la dacaroon.
W.Q. Musharax Cumar Farjac
www.farjacforpuntland.com /
Farjac@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2008
|