SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

بسم الله الرحمن الرحيم 
 

Warsaxaafadeed ka soo baxay Jabhadda Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (JABISO) oo ku aaddan Xaaladda Taagan

Jabhadda Islaamiga ah ee Soomaaliyeed ka dib markii ay daraasaysay waxyaabaha ka dhalan kara heshiiska jabuuti ee uu saxiixay dibna u ansixiyay garab ka mid ah isbahaysiga dib u xoraynta soomaaliya waxay ka qaadatay qodobaddan hoos ku qoran 
 

  1. Jabhadda Islaamiga ah ee Soomaaliyeed waxay caddeynaysaa in heshiiskaasi uusan khusaynin jihaadkana ay sii laba jibaari doonto ilaa gumeysigu waddanka ka baxo shuruud la’aan.
     

  2. Jabhaddu waxay umadda Soomaaliyeed ku wargalinaysaa in dadka heshiiska jabuuti galay ay naftooda kaliya matalaan ee ayna mujaahidiinta goobta ka dagaalamaysa iyo shacabka Soomaaliyeed matalin.waxaana ugu baaqaynaa Bulshada soomaalyeed inayna ku niyad jabin isbaddalka ku yimid xubnaha galay Heshiiska Jabuuti ee horay uga mid ahaan jiray Xoogagga Mujaahidiinta waxaana ugu bishaaraynaynaa inayna tallaabadaasi waxba u dhimi doonin habsami u socodka jihaadka Dalka lagu xoreynayo.
     

  3. Waxaan ugu baaqaynaa xoogagga mujaahidiinta garabyadooda kala duwan inay mowqif midaysan ka qaataan isbaddalkan soo kordhay oo ay safkooda mideeyaan si loo helo hiilka ilaahay iyo guusha kama danbaysta ah.
     

  4. Waxaan caddeynaynaa inaan si wada jir ah ula wada dagaallami doonno ciidan kasta oo shisheeya ah oo waddanka loo keenay inuu gurmad iyo xoojin u noqdo gumeysiga itoobiya waddanka ay doonaanba ha ka yimaaddeene.
     

  5. Waxaan uga digaynaa Q.M iyo dowladaha ka tirsan inayna ku dagmin hadalka kooxda saxiixday heshiiska jabuuti oo ayna ciidamadooda ku soo shubin dab ay ku guban doonaan waxaana u sheegeynaa inayna kooxdaasi u dammaanad qaadi karin in ay difaacdo ama xabbadda ka joojiso.

xafiiska warfaafinta iyo xiriirka guud

Faafin: SomaliTalk.com |  July 22, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS