MAXAA LOO XIRAYAA MADAXWEYNAHA SUUDAAN?

Yusuf
Shabac II
yusufshaba@yahoo.com
Akhristeyaasha qaaliga ahoow, waxa uu yiri nebiga CSW,
qofka aan ka welwelin arimaha Muslimiinta naga mid
maaha. Waxa maalinkii Isniinta ee July 13, 2008da laga
codsaday maxkamada dambiileyaasha xasuusaqa iyo
dambiyada ba’an ee dagaalada in ay soo xiraan
Madaxweynaha Jamhuuriyada Islaamiga ee Dalka Suudaan,
Mudane Cumar Hassan Ahmed Albashiir. Cumar Albashiir
waxa uu dalkiisa ku qabsaday inqilaab caskari ah oo
uusan dhiig ku daadan bishii Juun 1989. Ka dibna waxa uu
ku dhowaaqey in uu dalkiisa ku dhaqayo shariicada
Islaamka. Aqoon ahaan waxa uu haystaa laba Master, mid
uu ka qaatey dalkiisa iyo mid uu ka soo qaatey jaamacad
ku taala dalka Malaysiya. Markii gadaal loo noqdana waxa
uu ku dhashay magaalada Hoshe Bannaga oo boqol
kiilomitir xaga Waqooyi Bari ka xigta caasimada Suudan,
wuxuuna ku korey nolol sabool xigeen ah. Inta uusan
noqon Madaxweynaha Suudaan, Cumar waxa uu u talinayey
qaybta ugu xooga badan ciidamada dalka Suudaan ee
sideedaad.
Lois Moreno-Ocampo oo ah ninka dacwada kusoo oogay, waxa
uu sheegayaa in Madaxweynaha Suudaan uu yahay nin awood
badan oo si ula kac ah u raba in uu xasuuqo seddex
qabiil oo dagta dalka Suudaan koonfurtiisa. Waxana ka
mid ah; Fur, Masalit iyo Zaghawa. Wuxuu xeer yaqaankani
sheegayaa in uu hayo warar cad cad oo marqaatiyo leh.
Waxa uuna maxkamada Heeg ka codsaday in la soo xiro
Madaxweyne Cumar Albashiir. Maxkamadaani waxa
ictiraafsan 106 oo kaliya Suudaan iyo Soomaaliya waxa ay
ku jiraan wadamada aan ictiraafsanayn. Haddii uu Cumar
Albashiir tago wadamada ictiraafsan ICC waxa lagu
xirayaa meelkasta oo dalkaasi ka mid ah. Haddii ay
damcaana ICCdu waxa ay ka soo xiri karaan dalka Suudaan
gudihiisa, tani waxa ay la mid tahay sidii loo galay
Madaxweynihii hore ee dalka Panama Manuel Noriego.
Xaqiiqada ilaah baa garan, Sudaan waxa coleystay dalalka
aan Muslimka ahayn oo dhan ka dib markii uu Dr. Hassan
Alturaabi uu ku dhowaaqey Suudaan in ay tahay dawlad
Muslim ah. Markii ugu horeysay waxa bishii August 1989,
waxa laga soo galay xagga beeraha iyo dhaqaalaha. Suudan
waxa ay ku guuleystay lacagtii ay caalamku ku lahayd in
ay ku gudaan muddoo aan ka badnayn lix bilood. Waxa si
aad ah loo hubeeyey kuwa aadka u madaw ee daga koonfurta
dalkaasi. Waxa misana colaad joogta ah looga furay
dhanka dalka Jaad. Beeraha Suudan waxa ay quudin karaan
shacbi weynaha ku nool Afrika oo idil, culeys dhaqaale
oo la saaray awgeed waxa ay gadan waayeen juuni galayda
lagu shubi jirey. Waxa ay u baxsadeen wadanka Shiinaha
oo dhawaanahanba qaab farsamo ah uga faa’iideysanay
Afrika oo idil.
Dr. Xasan Alturaabi iyo Cumar Albashiir waxa loogu
dawgalay heshiiskii sirta ahaa oo ay la yeesheen John
Garang oo ahaa hogaamiyihii jabhadaha koonfurta dalka.
Waxa ay kula heshiiyeen in ay ka dhigaan Madaxweyne ku
xigeen, inta badan koonfurtana in ay isu dhaqaan
sharcigii ay doonaan. Sidoo kale in ay isticmaalaan
dalka Shiinaha haddii ay noqon lahayd qodida tamarta iyo
macdanta. Maxaa yeelay dalka Shiinaha waxa uu qaataa
boqolkiiba 20%, iyaga ayaa qoda, ka dibna kala sooca
markaa ka dibna suuq geeya. Halka Marayku uu qaato 20%
marka uu qodo ka dib. Faransiisku wuu kala nadiifiyaa
shidaalka ka dibna waxa uu qaataa 20%. Haddana waxa
imanaya Ingiriiska oo waa uu suuq geynayaa halkaasna
waxa uu ku qaadanayaa 20%.Markii ay galbeedka dunida
ogaadaan arinkaas isaga ah, waxa ay ka codsadeen in uu
Garanga arintaa ka noqdo markii uu ku adkeysteyna sida
aad la socotaan waxa la qaraxday diyaaradii uu ka soo
raacey dalka Yuganda.
Waxa jira qolyo u eg carab iyo Soomaali isdhalay oo
dega hareeraha deegaanka Darfuur. Waa jabhad aan cidna
ka amar qaadan, oo kufsada haweenka laaya ama adoonsado
ragga. Khaasatan waxa ay si toos ah u ugaarsadaan dadka
aan diin dhan aaminsanayn ee loo yaqaano animates.
Markii ugu dambeysay oo ay dawlada Suudaan isku dayday
in ay badbaadiso IDP kuwa dalkooda qaxootiga ku ah, waxa
laga dilay dawlada Suudaan askar aan ka yareen 100 qof.
Waxa ay dunidu isweydiisa weli, yaa ka dambeeya
Janjawiid? Yaasiiya dhaqaalaha ay ku hawlgalaan? Ilaah
uunbaa garan.
Kowdii July 2008 ilaa iyo hadda 106
ayaa xubin ka ah waxa loo yaqaano the Rome Statute of
the International Criminal Court. 30 waa African States,
13 waa Asian States, 16 waa Eastern Europe, 22 waa Latin
America and the Caribbean, iyo 25 waa Western Europe and
other States.
countries A - F countries G - N countries P - Z
A
Afghanistan
Albania
Andorra
Antigua and Barbuda
Argentina
Australia
Austria
B
Barbados
Belgium
Belize
Benin
Bolivia
Bosnia and Herzegovina
Botswana
Brazil
Bulgaria
Burkina Faso
Burundi
C
Cambodia
Canada
Central African Republic
Chad
Colombia
Comoros
Congo
Costa Rica
Croatia
Cyprus
D
Democratic Republic of the Congo
Denmark
Djibouti
Dominica
Dominican Republic
E
Ecuador
Estonia
F
Fiji
Finland
France
G
Gabon
Gambia
Georgia
Germany
Ghana
Greece
Guinea
Guyana
H
Honduras
Hungary
I
Iceland
Ireland
Italy
J
Japan
Jordan
K
Kenya
L
Latvia
Lesotho
Liberia
Liechtenstein
Lithuania
Luxembourg
M
Madagascar
Malawi
Mali
Malta
Marshall Islands
Mauritius
Mexico
Mongolia
Montenegro
N
Namibia
Nauru
Netherlands
New Zealand
Niger
Nigeria
Norway
P
Panama
Paraguay
Peru
Poland
Portugal
R
Republic of Korea
Romania
S
Saint Kitts and Nevis
Saint Vincent and the Grenadines
Samoa
San Marino
Senegal
Serbia
Sierra Leone
Slovakia
Slovenia
South Africa
Spain
Sweden
Switzerland
T
Tajikistan
The Former Yugoslav Republic of Macedonia
Timor-Leste
Trinidad and Tobago
U
Uganda
United Kingdom
United Republic of Tanzania
Uruguay
V
Venezuela
Z
Zambia
Yusuf Shabac II
yusufshaba@yahoo.com
HESHIISKA JABUUTI HAL BAAN KA LEEYAHAY