Maddooyo, maddooyo, mid dooro!.*
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
Ma jecli, hawsha suugaanta oo, rag takhasus u leh ay
faraha kula jiraan in aan dhinac ka fagto. Ha yeeshee,
markii dani kaa gasho in lala taataabto ma ah tacaddi
saas u ballaaran. Sidaa daraadeed, maanta waxaan orod ku
maryaa Sugaanta carruurtu oo laba qayb iigu muuqatay.
Qayb dadka waawayn (waalidku) tiriyo, sida: [hooyo ha
waayin wardheere aabbe, hooyo ha waayin wax siiso hooyo]
iyo qayb carruurtu si gaar ah, u curiyeen oo
cayaarahooda ay ku saleeyeen, sida: [maddooyo, maddooyo,
mid dooro], isla markaana ah, qaab doorasho oo
diimoqraadi ah caddaaladna ku dhisan!. Waa xeer da’yartu
ku kala baxdo kolkii shay mid ah lexejeclo ka wada
gasho. Kanna jeclaysto, keerra jeclaysto!.
Shayga ruux waliba naftiisa la jeclaaday, ayaa
midkood loo dhiibi, isna dhabarka inta mariyo oo labada
gacmood mid ku rido, ayuu dabadeed horay soo mariyo,
saaxiibki oo arkayana labadii gacmood isku dul
wareejiyaa isaga oo leh;“maddooyo, maddooyo mid dooro?!.
Dabadeed saaxiibki labadii gacmood oo siman oo hortiisa
yaal ayuu mid ku nasiibsadaa. Markuu mid taabsado,
judhu-dhu kama dambayso, nac-nacna waa soo afjarantaa!.
Tusaalahaa, darsiga ku jira, waa mid caqli celin ugu
filan kala dooransiinna u ah raga “Shaydaan Marooluhu”
duufsaday oo ku hadaaqaya; ciidamaa si heer sare ah loo
soo tababaray, ayaa yimi. Si dagan oo, lab-la-kac aan
lahayn kolkaan warkrarkaa u darisay, waxaan rumaystay;
“ciidamada xabashidu in ay ku sugan yihiin fargashada,
naf-ka-bixidda ka horraysa”. Adigoon jirkooda taaban,
waxaad meel fog ka dareemaysaa, in ay kala qaboobeen.
Qaarka dambana naftii ka baxday, waxa ku harsanna
yihiin; hinraagii iyo neefgurkii geerida ka horreeyay.
Generaal Gabre; waxaa u muuqatay, sida, hadda arrimuhu u
socdaan haddii uu ku indho adaygo, horena u tashan
waaya, kol dhaw in uu qudhiisu “Jiingadda sare u eegi
doono”[1] Xabashi, caqli yarideeda waxaa galay damac ah;
“bal, bakhtiga guriyihii gaarsiiya”.
Waa riwaayado la isu dhigayee, daba-dhilif yadii,
waxay bilaabeen in ay ku tookhaan (faanaan): “waxaa soo
qulqulaya ciidamo 4kun ah oo tababar heer sare soo
qaatay”. 50kun ayaa baxsad ah, guulla ka quustay, ee 4ku
maxay sheegi?!. Wallee; ciidan “Margiyo Xun ah” ayaan
“Males Zanawi” oof ka soo celin!. Bal, talo xumadooda
maxay isu kallifayaan (dhibayaan), wa arkaan kii soo
tababaray in uu taaganyahay; “Halkee ka baxaa?!”. Rag
Taangiyo wata, hadday wax tari waayeen; ma “Margiyo Xun”
qabiil lagu soo xulay ayaa Muqaawamo cartamaysa oo ay
isu dhinac taal; “xorriyad in ay ku noolaadaan ama
shahiidaan”, u babac-dhigi karta?, sheeko!.
Waa Alle mahadiye, waxaa soo dhaw; Abeed, Abeed,
Abeed iyo waqtiqii la xabasho qandhicillay laga daba
qaadi lahaa; Erya, Erya, Erya. Xabashi, waa naqaan waxa
ay ciidamo ku sheegtay: waa koox jaabo-jaabo ah oo ay
ugu talagashay, ciidamadeedu markay baqanayaan, in aan
la daba-goosan. Care, yaa igula sharatama; in habayn
galinkiisa dambe ay dhuuman doonto, subixiina lagu
waabariisan doono; goobihii ay daganayd oo haawanaya
“insha’Allaah”?”. Dhowr jeeroo horana waa dhacday; in
habayn bar ay guureysay [2].
Bacdamaa, sidaa ay ku bixi doonto (HEI), laba qolo oo
hadda Xabashida la shaqaysata, bal, aan la taliyo:
Kow: Ragga beenta lagu soo akhriyay; ee lagu yiri:
“tababar ciidan ayaad qaadateen, ordoo dagaal taga”,
waxaan oranayaa: “xabashi yaysan idiin dhiibin “dhago
libaax oo ay hayn kari wayday”. Qoryaha la idiinku soo
raray inta ay qiimaha lee yihiin ka faasaxa suuqa “Cir
Toogte”, oo waxaa ka heshaanna; nooli iyo sahay ka
dhigta.. Kollay markii la idin dul yimaado ayaad daadin
doontaane”.
Labo: Qabqablayasha, waxaan xusuusinayaa “Ruuxa
mu’minka ah in aan gud laba jeer laga qaniin”. Shalay
“Maxkamadihii Islaamiga” ahaa, kolkay hubkaad wadateen
idinka fara maroojiyeen, waa taad ku waalateen; “waa
towbad keennay”. Dabadeed, adinka oon, madaxiinna la
qallajin, aayar meeshaad doontaan waataad u dhoofteen.
Ha ka yaabin, maanta, sidii shalay la idiin dhaqi
mayo, waayo fursaddu waa mar qura. Hubka, la isla
dhexmarayo; “waa loo soo ceshay”, yuusan idin hodin”.
Haddad mu’uminiin tihiin; wixii hore ha idiinkaga
ekaato. Haddadse, qaniinyo labaad gacmaha u hoorsataan
ogaada mu’min nimo waad kala hoyate!. Shalay go’aanka
waxaa lahaa “Maxkamadihii Islaamiga” ahaa oo kaliya,
runtii, six ad dhaaf ay ayay idiinku naxariisteen,
idinna wanaajiyeen. Maantase, talada iyo go’aanka waxaa
la wadaaga kooxo fara badan oo bulshada soomaaliyeed ka
kala yimid, gudaha iyo dibaddana matala, qabiil iyo 4.5
aan shaqo ku lahayn, qadarinna agtooda kuma laha. Waa
rag awalba, “ula booc ah idiin kugu tukubayay”, oo
dhirifsan. Waa koox; diinta, dadka iyo dadlka;
qaddarintooda wax walba ka hormariya, “Margiyo-xun”
qosol-ku-jabka ahnna aan ciidan u aqoon”.
Rag qalbi leh oo talo qaadanaya haddaad tihii, maba
tihiiine; “towbaddii iyo cafiskii warkiinu ha ku
ekaado”. Ma diiddeen?. Waxaad ka dheeftaan cidnna wax ha
ka siinina”.
Ugu dambay, diimoqraadiyadda iyo caddaaladda
caruurta[3] aniga oo idiin cuskanaya, markan; “Moddooyo,
moddooyo, mid dooro”. Ogaada; waxa la idin dooran
siinayo waa aayihiinna “masiirkiinni” iyo qooetiinna.
Badbaado waxay idiin kugu jirtaa; dhabbaha saxa ah;
gacanta haysa in aad doorataan. Waxaa la idiin ballan
qaadayaa; “niyo fiican iyo hufnaan haddii la idinka
dareemo, xoogaa tilmaamo ah (hints) in la idiin soo
tuurtuuri doono. Naftiinna iyo soomaaliba ku badbaadiya
in aad taabsataan gacanta saxa ah. Nasiib wanaagsan (god
lucke).
* Maddooyo: asalkeedu waa “mid daa”
oo carruurto markay ku celcelisay noqday Maddooyo,
sidaa darted asalku waa “Mid
daa, midna dooro”, labada gacmood ee k u
horyaal.
[1] “Jiingadduu sare u
eegay”. Waa eraybixin dhawaan soo baxday. Maydka markii
luxudka la
dhigo, Jiingad ayaa la saaraa
dabadeednnaa carraa lagu rogaa.. Micnaha oo kooban waa
dilid,
[2] 2000, Ra’iisul wasaarihii
“Dawladdi Carta” Jabuuti lagu soo dhisay Dr, Cali
khaliif Gallaayr,
kolkii uu UN-ka ka hor
caddeeyay in ciidamo xabashi ah Gobolka Gedo ku jiraan,
UN-kuna
baaritaan hoos uu sameeyay ku
xaqiiqsadeen warkaa. Habayn madow ayay xabashi Balad
xaawo iyo meelihii kale oo
Gobolka Gado ay ka fadhiday ka baxeen. Subixii waxaa
lagu
waabariistay dhufaysyadii
xumaa oo ay magaala geeskeeda ka qotay oo maran. Nasib
darro, qorshe kale oo
xabashido dajisay ayaa fulay, kaas oo ahaa in jilbo
qabiilaka
B/xaawo daga ay afka isu
galisay. Haddana la digtoonaan ogaada oo xabashi
caqligaasi
kama bixin. Markay baxdo
“Inshaa’ Allaah” raggii qorshaheeda beenin lahaa yaan la
waayin.
[3] Carruurta soomaaliyee oo ah;
“Raga Barri Oo Loo Hanwaynyaha” kuma maakubi (lama
simin) qabqablle-dagaal. Ha
yeeshee, waxaan ka helay; caddaaladda ay ku kala baxaan
da’yartu . Show, carruurta
aan yaraysanno ayaa Qabqablle-dagaal dhaama!.
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
17.07.2008