SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SARBEEBTA SANCA IYO SEERIGA XOGHAYAHA GUUD

Markaan arkay sidda siraha qarsoon ku jiraan ee loo maareeyay shirkii Sanca, eegayna sidda uu sharuuda cusub ugu xiray xoghayaha guud ee qaramadda midoobay keenista ciidan UN ah waxaan is iri maanta waa meeshii abwaanaddu ka yiraahdeen’ isha xiro afkana dhowr, arag maqal warkana ood’, haddana waxaan xasuustay hal abuurkii ahaa ‘ waxa qalinka igu direy, dadku way tirsanayaa, deyna waygu maqan yahay’, si kastaba ha ahaatee dani waa na kala geyn waysay inaan dubaha u qaato dabinadda dowliska dheer , durbaanka danlayda iyo dacarta malabka lagu darey.

Laba qodob haddii la helo ciidan qaramadda midoobay waa suurtagal ayuu yiri Ban Ki-Moon, kow haddii aad guddi isku dhaf ah oo xabad joojinta ka shaqeeya samaysataan kaasoo amniga sugga iyadoo uu cadowgii Itoobiya dalka jooga, tan labaad oo ah dib uheshiisin dhab ah oo uu ula jeeday intaan xilliga loo qabtay bixidda Itoobiya la gaarin waa inaad ku biirtan Aidska Nayroobi lagu soo dhisay, xerta Jabuuti waxaa laga raba lax waliba shilalkay is dhigtaa lagu gowracaaye inaad macaasidda si mug leh u dabaalatan oo aad amaradda raacdan, haddii kale golihii wax laga sugayey siddan buu talo ku wadaaye inaad xaq ku dirirkiini u laabatan , labadda dariiq wixii u dhaxeeya waa meelna diidnaye ka masalo bixi.

Intaanan faalo ka bixin macnaha heshiiska Sanca eeg raggii shirka joogay sidday u hadleen,Prof Caddow oo guddiga dhex dhexaadinta ka tirsanaa waxuu yiri waxaa lagu heshiiyey in la mideeyo midowgii maxkamadaha, in la xalliyo oo la soo afjaro khilaafkii ku kala dhex jiray maxkamadaha,in wax laga beddelo qaar ka mid ah qoddobada iyo luuqadda heshiiska Djibouti, in dadaalka heshiiska loo gudbiyo heer isbahaysi, in si deg deg ah loo aasaso guddi meel mariya qodobbada ay maxkamaduhu ku heshiiyeen, sheekh Sharif isagu warkiisa waxuu ku soo koobay in lagu heshiiyey in ciidamadii UN ay dalalka islaamka ka yimaadan, qodobadda kalana guddi 13 loo xil saaray, Sheekh Cumar Imaan isagu waa aamusay balse Sheekh Xasan Mahdi oo ergadii dhinaca Asmara ka timid ka tirsanaa oo saddex maalmood ka hor intaan heshiiska la gabagabayn dhinaca Asmara aaday waxuu yiri’ laba qodob ayaa heshiiska loo kala qaaday tan koowaad oo ahayd qaladaadkii dhacay shirka Jabuuti ka hor Sheekh Shariif baa qaatay, shirkii Jabuuti isaga dhowr qodob ayaa loo kala qaadey , marka laga reebo qodobka ciidamadda shisheeye oo isagoo doodisu socoto aan ka soo tagayna inta kale in laga laabta la isku afgartay, waxaa intaasi dheer kooxo aan cidna matalin balse xubinimo golaha dhaxe haysta oo shirka kor joogto ka ahaa waxay dadka u sheegen in shirkii Jabuuti la taageeray, warka tafsiirkiisu batay ayaan anoo tixraacaya xuuraanka dheeraadka oon hayo iyo rayigayga baan qaada dhigaya.

Qalwadii mas baa galay qodox baana hoos taal, siyaasigga af Soomaaliga hodonka ka ah Kadare oo beeninayey war Cali Mahdi yiri oo ahaa dalka maxmiyad ha la galiyo ayaa waxuu yiri’ war la daba socdaa sheegten’ hadda shirkii Sanca waxaa ka soo baxay warka Jabuuti war la daba jooguu ahaa, qanuunka marka la eego heshiis haddii dhinacyadii saxiixay mid ka mid ihi wax ka badalo heshiisku waa burburay, ragga wax dhex dhexaadiyey waxay beeniyeen aragtidii qoraaga Nuuradiin Faarax ee ahayd Soomaaliddu waa isku wada aragti, waxayna ugu jawaabeen wax kastoo noo dhaxeeyaba waanu heshiinay sidaa darteed nin diin lihi darajuu dheer yahay, waxay fashiliyeen dabinkii shirka Jabuuti loo qabtay ee ahaa kala qaybinta maxkamadaha , dabinkanoo muddo fog laga shaqaynayey in cullimadda wadajirka wax ku qabatay loo kala saaro xag jir iyo qunyar socod.

Xanta shirka laga helayo waxay sheegaysaa in wajiga saddexaad yaan la tagin iyo ha la tago la isku qabtay, kadibna lagu dhex dhexaadiyey ha la tago laakiin yaan looga hadlin wax la yiraa awood qaybsi ee maslaxad caam ah ha looga hadlo, taasoo fashilanysa digashada C/laahi Yuusuf ee ahayd ha aqbaleen dastuurka iyo awood qaybsiga 4.5, sidoo kale hadiiba ragga durdurada yaqaan ee Jabuuti joogaa ay go,aanka siduu yahay u qaatan waxay dhabar jab ku tahay siday ku haminayeen UNka afka Itoobiya iyo Mareykan ku hadla, xuuraansiga kale ee shirka laga helaya waa qodobka kale ee dhibka badan ee la isku qabtay inuu yahay in xabadda la joojiyo iyo inaan la joojin inta Itoobiya joogto, waxaana la qaatay inaan la joojin, waxaase shaati lagu maldaho looga dhigay guddi farsamaa loo saarey.
Ka si waayey iyadoo madaxdii UN leedahay ciidamo Afrikaa wax la kordhin ee kuwo UN lama keenayo, ragga Jabuuti riyo dhalanteedka waxay ugu dhagan yihiin, ka si waayey Itoobiya weerarkii xooga badnaa ee goboladda dhexe gashay ayaa maalmaha soo socda baxee, garan waaye in 3000 koobi Tigree waxa hadda loo keenay inay tahay dabinkii waa Caydiid loo dhigay ee ahaa shirkii Addis baa loo qabtay intuu ku maqnana Morgan baa Kismaayo loo qabtay, hadda koobiga iyo Tigreega dhulka la siin inta xabad joojin la idinku maaweeliyo , ka si waayey ninka olole xilka qaadis ugu wada Nuur Cadde nabadii buu wada u furay ,ninka nabad intaas ka balaaran ka raadinaya, ka si waayey waxa runta looga wareeganayo kulli ma danlay baa la wada noqday, laba arrimood baa xalku ku jiraa dalkoo dowlad kale hela iyo Itoobiyoo la bixiyo haddii dani ka fursan wayso dunnidda muslinka ciidan ha laga keeno balse kuwan xitaa ciidan lagu ilaaliya waa danbi kaloo la sii galayo.

Gabagabdii rag baa ragga qurbaha ka tagay niman gunta qorshaha reer galbeedka og u haysta, xaqiiqdu waxay tahay kan ugu sareeya xafiisyadda jaaliyadda loogu qidmeeyuu u shaqeeya inta kalana waa ka sii hoos, sidoo kale kooxo NGO ka qaraabta cullimada isaga dhigay inay xogta rasmiga hayaan , goobaha qaxwada warka yaal iyo xafiisyadda dawarsigay og yihiin ee yaan lagu qaldamin, , ee cullimaddu cilmu rijaal ha isticmaalen intaan shaashad eber ah loo shidin, haddii kale sidda hadda dhacday baa lagu hafan badwaynta siyaasadda bulshadda caalamka, mar dhow hadaan dhari danlay la Karin naq raaca qurba joogta iyo durbaanlayda barlamanka xorta liifadda u dami wayna guryo noqonayan, kuma darin siddii Cumar Xaashi nin xitaa cullimo badan garaado dheer ama sidda Jaamac Maxamed Khaalib nin Soomaalinimadiisa dhowrta.

WQ CAANAGEEL.
caanageel@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 21, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS