SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Odayaal loo direy deegaanada Aadan yabaal si ay u dhexdhexaadiyaan beelo halkaas ku dagaalamay oo ka tagay Xamar.


(July 20,2008) Maxamed Cusmaan Cali ‘dhagaxtuur; oo ah ku xigeenka Duqa magaaladda muqdisho qaybta arimaha bulshada ayaa waxaa uu sheegay in guddi ka kooban laba qaybood kana kooban 16 xubnood ineey u magacaabeen xalinta dagaal dhex maray beelaha walaaha ah ee wada dega deegaanka Aadan yabaal iyo maxaa saciid ee gobolka shabeeladda dhexe.

Guddigaan oo ay magacaabeen maamulka gobolka banadir oo sida uu shirka jaraa’id ku sheegay dhagaxtuur ay maantaba gaareen goobihii ay dirirtu ka dhacday, ayaa waxaa uu ka muujiyey ineey ku guuleysan doonaan hadafkii loo magacaabay guddigaas oo ahayd dhamayn ta khilaafaadka garabyada ku dagaalamaya deegaano ka tirsan gobolka shabeeladda dhexe

Waxaa uu sheegay ku xigeenka gobolka ee arrimaha bulshada in magacaabista guddigaan ka kooban 16ka xubnood ay ku qaadatey muddo laba casho ah, iyagoo isla maantaba gudagalay fulista howshii loo xilsaaray oo ahayd raadinta wixii dhaliyey khilaafka iyo dagaalka laba beelood oo sida uu sheegay ka dhashay xagga deegaanka,

Md dhaxtuur ayaan soo hadal qaadin dagaalkaas iyo wixii ka dhashay, iyo qaabka loo xalinayo, waxaase uu ka hadlay maslaxadda raadinteedaa ineysan jirin cid ka hor imaaneysa, oo diidaysa xitaa haddii ay yihiin qolooyinka ka soo horjeeda dowladda federaalka soomaaliyeed.

Xalinta dagaalka ka dhacay Aadan yabaal iyo Maxaa Saciid ayaa waxaa u sheegay in Maxamed Cusmaan Cali dhagaxtuur oo ah ku xigeenka Duqa magaaladda xagga arrimaha bulshadda in aysan ahayn mid dowladeed balse ay tahay mid odaynimo, oo waliba uu ku sheegay ineey tahay mid islaanimo oo aad loogu baahan yahay in loogu baxo,

deegaanada dagalka uu ka dhacay ee manta ay ku baxeen odayaasha ayaa dhamaantood waxa ay yihiin gobo ka madax bannaan gacan ku hayntooda, kadib dagaalo ay maxkamadaha iyo xoogaga ka soo horjeedaa ay la galeen Maamuladii ay dowladda FKM ah ay u magacowday..

Guddigaan ayaa looga fadhiyaa wax ka qabasha iyo soo af jaridda dagaalkaas muddo 7 casho ah, sida uu sheegay Md dhagaxtuur halkaasoo ay ku dagaalameen beelaha cabdulle galmaax iyo ay baker gaabane oo ka wada tirsan beel weynta abgaal.

Deeq lacageed oo gaareysa illaa 20.000.000 ayey jaaliyadda soomaalida ee deggan dalka Britain ugu yabooheen walahooda cuuryaamiinta ah ee ku sugan Isbitaalka Dmartiino.

Sawirada halkan ka daawo...

Dadka manta la siiyey lacagtaas waxaa ka mid ahaa C/llaahi habane Aadan oo 85 jir ah kana mid ah naafada ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee lixaadkooda ku waayey dagaalkii 77- xilligaas oo uu ahaa 3 xarigle ka tirsan guutadii 8aad ee xoogga dalka soomaaliyeed, waxaana uu ku dhaamacmay isla xilligaas magaalada harar, dagaalkaasoo uu ku waayey lugtiisa bidix halka ishiisa midigna wax yeelo ay ka soo gaartey


“Waxaan halkan keenay waxoogaa lacag ah oo ay noo soo wakiisheen walaalaheena ururka gargaarka eeUK, waxaana lacagtaas qayb ka mid aan soo gaarsinay, dadka daruufeysay ee qaba baahida ugu xoogan ee kuna nool isbitaalka Dmartiino’ sidaas waxaa yiri Nuur Cumar Jimacaale oo loo yaqaan Jid fure, isagoo intaas kudaray in dadkaas aysan jirin wax u maqan, ama cid ay wax ka sugayaan oo aan ilaah ahayn,.iyo cidda garan karta qiimaha ay u fadhiyaan dadkaas tabaaleysan ee dalkooda iyo diintooda ku cuuryaamay ayuu yiri jid fure oo lacag gaareysa labaatan milyan ku wareejiyey guddoomia isbitaalka Dmartiino.

Nuur cumar jimcaale ‘jidfure’ ayaa waxaa uu sheegay in lacagtaas ay manta soo gaarsiiyeen dadka ku cuuryaamay dagaalkii 1977kii ee manta ku dacdareysan isbitaalka Dmartiino in ay u soo wakiisheen isaga iyo Sheikh Cali Gacaneey..

Guddoomiyaha cuuryaamiinta ee isbitaalka Dmartiino Md Cilmi ayaa uga mahadceliyey walaaha soomaaliyeed ee u damqaday isla markaana go’aansaday ineey gacantooda gaarsiiyaan walaahooda ku dulman dalkan oo markii horaba siduu wax u noqon lahaa ku waayey adimahoodii,

Guddoomiyaha ayaa xusay in deeqdaan ineysan ahayn markii ugu horreysay oo wax la soo gaarsiiyo cuuryaamiinta halkaas joogta, waxaana uu intaas raaciyey ineey jiraan daruufo badan oo ay ka mid yihiin,isbitaalka oo soo daynaya biyaha roobka ilmahoodana aysan haysan joodariyaal ay ku seexdaan iyo iyaga qudhoodaba, oo markaas loo baahan yahay dayactir dheeraad ah, waxaa kale oo uu sheegay in mar kastaba dadka reer UK looga baahan yahay in il gaar ah ay ku fiiriyaan dadkaas sadaqada ay ku kacdo, waxaana gabangabadii lacag wareejinta ka duceeyey guddoomiyaha naafadda Dmartiino Mr Cilmi oo ilaah uga baryey kuwii soo gaarsiiyey lacagtaas in badal khayr qaba uu ilaah ugu badalo lacagta manta ay siiyeen walahooda tabaaleysan, aakhiro iyo adduun labadaba..

Af hayeenka naadafadda ee xogga dalka soomaaliyeed ee wax ku noqday lixaadkoodana ku waayey dagaalkii 77-kii Mr Cabdi mahad ayaa isna ka hadlay oo aad ugu dheeraaday ka hadalka madasha lacag wareejinta waxaana uu u duceeyey kuwii lacagtaas u soo dhiibay laf ahantooda, ubadkooda, waalidkood, walaalahoos, sidoo kale waxaa uu carabka ku dhiftey in ilaah lacagtaas badelkeeda uu siiyo adduun iyo aakhiro labadaba, isagoo intaas raaciyey ineysan ka lumen towfiiqda oo ay la heleen meeshii mudnayd. ducadda uu goobtaas ka soo jeediyey afhayeenka oo ahayd mid aad u dheer ayaa waxaa uu gabangabadii hadalkiisa uu reer UK ka codsaday ineysan halmaamin oo aysan ka seexan.


Sidoo kale Isla goobtaas waxaa ka hadlay Cali Gacameey oo ka mid aha dadkii lacagta halkaas manta la geeyey loo wakiishay isagoo xusay in dadkii qaatey ee calafka u galay in ilaah u barakeeyo kuwii soo dhiibayna badalkeeda oo kahyr qabta uu ilaah siiyo.
Dadka manta la siiyey lacagtaas waxaa ka mid ahaa C/llaahi habane Aadan oo 85 jir ah kana mid ah naafada ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee lixaadkooda ku waayey dagaalkii 77- xilligaas oo uu ahaa 3 xarigle ka tirsan guutadii 8aad ee xoogga dalka soomaaliyeed, waxaana uu ku dhaamacmay isla xilligaas magaalada harar, dagaalkaasoo uu ku waayey lugtiisa bidix halka ishiisa midigna wax yeelo ay ka soo gaartey isla xilligaas, ayaa manta isagoo la hadlayay saxaafadda waxaa uu sheegay in uu jiro tan iyo xilligan isbitaalka Dmartino, oo waliba xaaladdiisu ay tahay mid liidata xag kastaba, waxaana isagoo madluunsan rafaadna uu ka muuqdo uu ka codsaday walaahooda somaliyeed ineey kaalmeeyaan oo ay saacidaan intii karaankooda ah.


C/llaahi habane aadan oo ah ninka ugu da.da weyn naafada xooga dalka somaliyeed ayaa waxaa uu saarnaa gaariga cuuryaaminta marka uu la hadlayey saxaafadda, isagoo xirnaa muraayaradaha araga oo uu ugu xirnaa xarig, waxaad ka muuqday daal badan oo xagga maskaxda ah iyo rafaad aan la soo koobi Karin, si kastaba ha ahaatee waxaa uu sheegay in cid u maqan ineysan jirin, marka laga reebo kaalmo uu ka helo walaalaha soomaaliyeed sida tii manta oo kale. Waana mar mar dhif ah lacagaha laga helo jaaliyada ku nool dalka dibaddiisa,

Isbitaalka Dmartiino ayaan wax kaalmo ah ka helin hay’adaaha gargaarka iyo NGO’s-ka maxaliga ah ee dalka gudahiisa ka jira, sida ay xaqiiyiyeen saraakiisha naafadda xoogga dalka soomaliyeed. Waxaana ay intaas ku dareen in kaalmada in ay maraan hortooda xilliga ay ka baxayaan dekedda magaaladda Muqdisho.


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS