SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciyaaraha Soomaalida Yurub 2008

July 27: Sawirada Ciyaaraha Halkan ka daawo

July 24: Sawiradii July 24 Halkan ka daawo

:::Sawirada Ciyaaraha orodada Halkan ka daawo....

:::Sidoo kale halkan ka daawo Xaflada Ciyaaraha

July 20: Sawirada Ciyaaraha Soomaalida Yurub halkan ka daawo


KOOXDA LEICESTER IYO AL-HIJRA OO CIYAARAHA EUROSOM FINALKA USOO BAXAY

July 27: Sawirada Ciyaaraha Halkan ka daawo

Waxaa baryahanba si xiiso leh uga socdey magaalada Leicester ciyaaro aad u xiiso badan oo ay dadweyne badana usoo daawasho tagaan maalin walaba, ciyaarahaas ayaa waxaa manta lacayaaray Semifaynalkoodii, waxaa ciyaarahaas isaga horyimid kooxaha kala ah Birmingham, Leicester,Al-Hijra,Waaberi.

Ciyaartii ugu horeysey manta ayaa waxaa isaga horyimaadeen labada kooxood eekala ah Birmingham iyo Leicester, ciyaartaan ayaa waxaa ay aheyd ciyaar aad u adag oo ay labada kooxood soo bandhieen ciyaar wanaag ay ku dheehneed degenaan .

Ciyaarta ayaa waxaa weerar iyo weerar celis ka dib ay qaybtii ugu horeeysey kusoo gabagaboowdey eber iyo eber. Qaybtii labaad ayaa markii ay labaddii kooxood wadatashi iyo dardaaran lasoo suubiyeen tababarayaashooda ayaa waxaa intii aysan dhamaan ciyaarta qaybteeda labaad ayaa waxaa usuuro gashay inay dhaliyaan gool kooxdii Leicester, goolkaasna waxaa u dhalyey inanka 23 u sita kooxda Leicester magaciisana layiraah SICIID H. Siciid, sidaas ayaana kooxda Leicester waxaa ay ugu soo gudubtay ciyaartii kama danbaysta aheyd. Kooxda Birmingham ayaan waxaan ka xasuusanaa ciyaaryahanka nro sideedaad ee kooxdaa Cabdicasiis oo ahaa kabtanka kooxda kaas oo waxbadan isku dayey inuu dhiirigeliyo kooxdiisa.

Ciyaartii labaad ayaa waxaa isaga horyimid labada kooxood eek ala ah Waaberi iyo Al-Hijra, labadan kooxood ayaa waxaa ay ahaayeen laba kooxood oo aad loosugayey, kooxahan ayaa waxaa ay ka mid yihiin kuwa EuroSom ugu adag, hase ahaatee ciyaartii markii ay bilaabatay ayaa waxaa durbadiiba dareemaysey iney soo diyaargaroobeen labadan kooxood oo koox walba waxaa ay rabtay iney usoo baxdo ciyaarta Finalka ah ee laciyaaridoono maalinta 31.7.2008.

Ciyaartan ayaa qaybtii koowaad waxaa ay ku dhamaatay eber iyo eber, horaybaa waxaa loo yiri ciyaari waa gelindanbe, si kastaba ha ahaatee waxaa ay ciyaartii kusoo gabagaboowdey Al-Hijra oo halgool ugu soo gudubtay Finalka, waxaana u dhaliyey Abdinaasir Siciid Geesey. iyo waaberi oo aan waxba dhalin.

Macalimiinta kooxahan ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo aan dhihi karo qibradooda waa kuwo u qalma iney soo saaraan kooxo tirobadan oo Somaaliyeed, Macalin Siciid Ceyrow ayaa waxaa uu ahaa Ciyaaryahankii Naadiga Horseed iyo Qaranka Somaaliyaba, Halka Macalin Rabiicna uu yahay macalinka keliya ee EuroSom ugu asiyaaneysan, marna ka mid noqdey macalimiintii qaranka wax ka hogaamisey.

Haddaba aqristayaalow ciyaarta finalka aha ayaa waxaa laciyaaridoonaa maalinta 31.7.2008, waxaana isaga hor imaandoona kooxaha Al-Hijra oo ka socota London iyo kooxda gurigeed martida loogu yahay ee Leicester.

ABDIAZIZ GODAH

LOHJA-FINLAND


July 25: Maxaad kala socotaa Workshopiskii EuroSom sidii ay u dhaceen.

Workshop 1aad-

Gudoomiyaha qabanqaabada ee Para Olimpic oo Britain e eka dhacaya Leicester 2009. Gudoomihaha wuxuu la qeybsaday dhalinta iyo sida ay Magaalada u diyaargarooweyso. Waxaa looga mahad celiyey hal konteenar oo qalab sprort ah oo loo didi doono Somaaliya.

Workshop 2aad

Boliiska magaalada ayaa la qeybsaday sharuucda wadanka iyo in shaqada Booliska ay tahay shaqo sharaf sumcad leh eh oo qof kastaa qaban karo. Waxaa halkaa ugu qosol badnaa markii wiil iyo gabar ay noqdeen askar oo nin ka mid ah Boliiskii uu jilay qof wax qarsanaya. Dhalintiina ay jileen dadkii baari lahaa 'Stop & Search'.

Workshop 3aad

Drugs iyo dhibta ay u keenaan bani aadamka. Waxaa halkaas lagu daawaday cajaladuo wacyi gelin ah oo dhalinta maqal iyo ,uuqaal haanba u tusaya qatarta muqaadaraadka. Hashim Duale sarkaal u qaabilsan horumarinta Soomalida.

Workshop 4aad,

Hashim Duale, Mohamed Salah ,Magan Tahir

(Aim High & Stay on the Right Truck) Yool sare lahow tubtana toosan ku taagnow. Haddii aad Eebe kaashato dadaashana Ilaahey wuu ku guuleyn. Balse haddii aad ku soo koobto hankaada in si fufud wax loo helo iyadoon dadaal lala iman taasi waa mid aan dhici Karin. Ale wuxuu na faray Dadaal aan kula jiree. In lagula tartamo wanaaga lagana badiyo dadkaan naga tiradbadan oo aan u soo guurnay

EuroSom sanadkan ma aheyn oo kaliya cayaar balse waxay aheyd barnaamij dhan oo isugu jira wacyi gelin iyo guubaabo.

Waxaa barnaamijkan xiriiriye ka ahaa Hashim Ismail Duale oo Community Activist Leicester.

ABDIAZIZ GODAH
agodah@hotmail.com
Leicester-England

July 25, 2008


Ciyaarihii July 23 iyo July 24 ee EuroSom...

Leicester oo u soo gudubtay Seimi-finalka iyo SOBSi oo ka hartay ciyaarah

Kooxda Leicester ayaa waxay maanta ciyaar aad u kulul isaga horyimaadeen Sobsi oo iyaduna ka cararaysay in ay ka harto wareegga labaad ee semi-finalka. Kooxda Sobsi waxay ciyaarta ku bilowday weerar kedis ah, isla markiina waxay gool dhaqsi ah ka gaarsiiyeen goolhayaha kooxda Leicester goolki ugu horreyay markii ay ciyaartu socotay muddo dhan 4 daqiiqo. Goolkaasna waxaa dhaliyay ciyaaryahanka kooxda u sitay lambarka 9aad, lana yiraahdo Gregory. Goolkaas wuxuu ka nixiyay ciyaartoydii kooxda Leicester oo aan filanayn in ay si dhaqsi ah gool looga dhalin Karin. Hase yeeshee waxaa gool labaad ka gaarsiiyay kooxda Leicester ciyaaryahan Axmed Muuse, taasna waxay ciyaarta ka dhigtay 2 – 0.

Ogeysiis: Jaamacaada Gedo University

Waxaa dhammaan dadka ku dhaqan dalka UK la ogaysiinayaa in la qaban doono shirkii sanadlaha ahaa ee looga hadlayay arrimaha Jaamacaada Gedo University isla markaasna deeqda loogu aruurinayay. Akhri...

Kooxda Sobsi waxay maanta muujisay ciyaar aad u heer sarreysa, taas oo aan looga baran maalmahan, iyagoo markaas gool 3aad uga nixiyay kooxda Leicester, kaas oo uu u dhaliyay ciyaaryahan Cabdiraxmaan Axmed Cigaal. Kooxda Leicester dib ayay isu abaabuleen daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, taas oo u suurta gelisay in ay gool dhaliyaan, waxaana goolkaas shabaqa ku hubsaday ciyaaryahan Cabbas Sh. Maxamed, halkaasna waxaa ku dhammaaday nasashadii hore.

Intii ayan bilaaban qaybtii dambe ee ciyaarta, labada tababare ee kooxaha si fiican ayay ula soo dardaarmeen ciyaartoydooda. Kooxda Leicester wax badan ayay ciyaarta ka beddeleen, waxayna ku bilaabeen dardar cusub iyo kubbado gaagaaban, taas uu u suurta gelisay in ay dhaliyaan gooklii 2aad, kaas oo uu u saxiixay isla ciyaaryahankii goolkii hore ee Cabbaas. Kooxda Leicester, waxay la yimaadeen kalsooni aad u sarreysa, iyagoo markaas niyadda gashaday in ayba ka badin karaan kooxda SOBSI, waxayna la yimaadeen weerar isdaba joog ah, waxaana u suurta gashay in uu dhaliyo goolkii barbardhaca, waxaana u dhaliyay lambarka 23 Saciid Xabiib Saciid. Goolkaas ciyaarta wax weyn ayuu ka beddelay ilaa ay kala daateen ciyaartoydii SOBSI, waxaa ciyaarta laga saaray ciyaaryah u qaata kooxda lambarka 17, magaciisana la yiraahdo Maxamed Cabdirisaaq. Goolkii ay ku badiyeen kooxda Leicester, waxaa u dhaliyay lambarka 23 oo dhaliyay goolkii 3aad, ciyaartuna waxay ku dhammaatay 4 – 3 oo ay ku badiyeen kooxda Leicester. 

Kooxda Bermingham iyo Waaberi oo noqdey labadii koox ee ugu horeeysey oo semi-final ah. 
 

Kooxda Birmingham ayaa noqotey naadigii ugu horeeyey ee soo gaara semifinaalka Eurosom 2008 markii ay 4-1 ugu awood sheegteen naadiga Kanava Finland  oo ah naadigii difaacanaayey koobka.

Kulankaan oo aad u adkaa ayaa la dhihi karaa awood ahaan labada koox wey isku dhowaayeen hase yeeshee ciyaaryahan Roberto oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Jameyka ayaa ahaa farqiga labada koox u dhexeeyey dhaliyeyna 3 ka mid ah goolashii ay ku badiyeen Birmigham.

Goolka kale waxaa Berningham u dhaliyey laacibkooda Ridwaan halka goolka keliya oo ay dhaliyeen Kanava uu shabaqa ku hubsadey ciyaaryahan Ridwaan.

Kanava oo ah kooxdii sanadkii hore ku guuleysatey koobkan ayaa badisey kulankii hore iyagoo weli rajo fiican ka leh usoo bixitaanka semifinaalka inkastoo ay kulanka ugu dambeeyo la yeelanayaan kooxda Alhijra oo ka mid ah kooxaha sanadkan loo saadaalinaayo iney ku guuleysan doonaan koobkan.

Farxaan oo lambar 9 u watey Kanava ayaa noqdey ciyaaryahankii ugu horeeyey ee qaata calaamada guduudan markii uu aflagaadeeyey garsoorihii ciyaarta xili kooxdiisa lagu lahaa 3 gool taasoo sii adkeysay rajo kasta oo ay ku bareejeyn kareen kooxda Birmingham oo u ekeyd iney si wanaagsan u kontoroolayeen guud ahaan ciyaarta.

- Wuxuu ahaa kulan aad u qurux badan oo adag waana ku faraxsanahay in ugu dambeytii aan guuleysano ayuu yiri Roberto oo aanu wareysaney ciyaarta ka dib isagoo sii raaciyey in koxdiisa ay ka dhisan tahay difaaca, qadka dhexe iyo weerarkaba uuna rajeynayo in ugu dambeyn ay ku guuleystaan koobkan.

Roberto oo guud ahaan labadii kulan ee uu saftey dhaliyey 4 gool kana mid ah min labada ciyaaryahan ee  ajnabiga ah ee uu sharciga Eurosom u ogolyahay koox kasta iney ugu  qeyb gali karaan tartankaan ayaa dadkii uu indhohooda soo jiitay waxaa ka mid ahaa garsoorihii ciyaarta oo ugu hambalyeeyey kulankii wanaagsanaa ee uu ciyaaray isla markaana kubad uu saxiixay gudoonsiiyey.

Kooxda Al-Hijra oo ka adkaatay Kooxdii Gothenburg-Sweden. 
 

Naadiga Aljira waxey kulankii maanta 6-0 ku dhufteen kooxda Gothenbor oo hada ka hartey koobkan inkastoo weli hal kulan usii dhiman yahay.

Labadan koox oo min hal guul daro watay ciyaartii maanta ka hor ayey koox weliba ku dadaaleysey iney badiyaan maadaama kooxdii laga adkaado ay ka hareysey tartanka iyagoo bilowgii ciyaarta weerar iyo weerar celis ahaa.

Laakiin ciyaaryahanka da`da yar Jamal oo lambar 10 u watey Alhijra ayaa labo gool oo isku xiga u dhalkiyey kooxdiisa rajo wanaagsana geliyey ciyaartoyda iyo taageerayaasha Alhijra.

Gothenborg ayaa markaas ka dib ku dadaashay iney ciyaarta kusoo noqdaan oo ay iska soo gudaan goolasha looga hormarey hase yeeshee bedelkeeda ciyaaryahan Abdihakin oo lambar 8 u watay kooxda Alhijra ayaa goolkii ugu quruxda badnaa tartankaan u dhaliyey kooxdiisa taasoo rajo beel gelisey kooxdii kasoo horjeeday.

Qeybtii labaad ayey fursado wanaagsan heleen kooxda Gothenborg hase yeeshee mar kale ayey laacibiintii Alhijra ciqaabeen Gothenborg iyagoo saf usoo galay liiska gooldhalinta waxaana 3 gool daqiiqadihii ugu dambeeyey u kala dhaliyey Nasir oo 22 watey, MJ oo 5 watey iyo Nooh Aden oo lambar 20 watey.

Dhanka Gothenborg waxaa aad ugu dhex muuqday ciyaaryahan Ahmed Muse oo kulankii maanta muujiyey dadaal dheeri ah inkastoo uusan kooxdiisa ka badbaadin karin guuldarada weyn ee dhabarka loo saaray.
 

Kooxda Waaberi London oo ku dhow semifinaalaha Eurosom 2008, rajadii Leicester oo soo noqotay 
 

Naadiga Waaberi oo ka dhisan magaalada London ayaa qarka usaaran iney usoo gudbaan semifinaalka tartanka xiisaha badan ee Eurosom 2008 markii ay kulankii maanta 5-1 ku duugeen kooxda Sobsi oo ka socotay dalka Beljim halka kulankii kale ee isla guruubka B ay kooxda Leicester oo ah magaalada sanadkan marti gelineysa tartankan ay 2-1 uga badiyeen kooxda Sokao ee magaalada Oslo.

Ciyaaryahan Najiib oo lambar 6 u watey Sokao ayaa gool rigoore ah u dhaliyey hase yeeshee dhammadkii ciyaarta ayuu Cabas oo lambar 9 u watey kooxda Leicester dhaliyey 2 gool ciyaartiina ka dhigay iney kooxdiisa ku badiso 2-1.

Ciyaartaan oo aheyd mid aad u xamaasad badney dhalinyaradii u safaneysay labada kooxna ay muujiyeen dadaal iyo karti ayaa waxaa si gooni ah looga xusi karaa kabtanka kooxda Sokao Deeq oo lambar 7 u watay iyo gooldhaliyahooda Najiib halka kooxda Leicester laga xusi karo Nasir oo watey lambar 10, Mahamed oo lambar 8 iyo halyeygoodii kulankaan Cabas oo ahaa xidigii garoonka.

Weli rajadeena ma xuma oo hadii aan badino kulanka soo socda waxaan heysanaa fursad aan ku gaari karno semifinaalka ayuu yiri kabtanka Sokao Deeq o intaas raaciyey in kooxdiisa ay yihiin kooxda ugu dhalinta yar ee tartankaan ka qeyb galeyso mar uu la hadlaayey deeyoo.com kulankii laga adkaadey ka dib.

Kulankii labaad oo qeybtiisii hore u ekaa in labada kooxba ay farsamo ahaan isku dhow yihiin ayaa qeybtii dambe la dareemayey iney aad u daaleen kooxdii reer Beljim ee Sobsi isla markaana ay dadaal dheeri ah lasoo bexeen dhalintii ku ciyaareysey Waaberi oo reer London ah oo gabagabadii 5-1 ugu awood sheegatey Sobsa.

Ciyaaryahan Mahamed Hadafow ayaa 3 ka mid ah goolasha Waaberi dhaliyey isagoo kulankaan ahaa xidigii garoonka hase yeeshee dhamaadkii ciyaarta dhaawac soo gaaray dartiis loo bedelay.

Ciyaaryahan Hadafow oo dadka ay ku naaneysayeen Rooney ayaa niyad wanaag ka muujiyey dhaawaciisa sheegayna inuu rajeynayo inuu safto kulanka soo socda hase yeeshee markii dambe uu macalinkiisa Sacid Ceyrow noo sheegay inuu nasinayo oo uu u dhiganayo kulamada Semefinaalka.

- Dhamaan ciyaartoydeena maanta waxey soo bandhigeen niyad iyo ciyaar wanaag aadbaana ugu faraxsananahy guusha maanta ay soo hoyeen runtiina wey u qalmaan maxaa yeelay waxaan sameyney diyaargarow aad u weyn ayuu yiri macalinka Waaberi oo ah shakhsi aad ugu canbaxay isboortiga Soomaaliya Sacid Hassan oo loo yaqaano (SACID CAYROW) oo aanu wareysaney ciyaarta ka dib.

Sacid Cayrow oo hore laf dhabar ugu ahaa kooxdii kubada cagta Horseed iyo xulkeenii qaranka ayaa ugu dambey muuijiyey sida uu ugu kalsoon yahay in sanadkan ay kooxdiisa hanan karto koobka isla markaana ay geyn doonaan STREATHAM oo ah xaafada ay ka dhisan tahay kooxda oo ku taala magaalada London.

Waaberi London ayaa guruubkan 6 dhibcood ku hogaamineysa maadaama ay wada badayeen labadii kulan ee ay ciyaareen halka kooxaha Sokao oo reer Oslo ah iyo Leicester ay min 3 dhibcood wada leeyihiin rajadoodana aysan xumeyn halka kooxda Sobsa ee reer Beljim ka hartay tartanka eurosom 2008 laakiin uu hal kulan u dhiman yahay.

Tabaraha Sobsa Abdirashid ayaa balan qaadey in tartamada soo socda ay ka qeyb geli doonaan isla markaana natiijo wanaagsan soo hoyn donaan wuxuuna kooxdiisa ku amaanay ciyaartii ay soo bandhigeen maadaama sanadkii ugu horeeyey ay ka qeyb gelayaan isla markaana 7 ka mid ah xidigihii ay ku tashanayeen ka maqan yihiin VISA la` aan.

Guud ahaan jawiga tartankaan ayaa ah mid qurux badan iyadoo aad arkeysid wada shaqeyn wanaagsan oo u dhexeysa madaxda dalada Eurosom, gudiga Farsamada iyo weliba horjoogayaasha naadiyada ka qeyb gelaayo tartankan.

Berito oo Arboco ah waxaa wada ciyaari doono Birmingham vs Kanava iyo Gothenborg vs Alhijra oo aan idiin soo gudbin doono natiijada ay ku dhamaato hadii Alle idmo. 
 

Asad A. Omar "afey"


Tartankii ciyaaraha Orodadda EuroSom oo maanta (July 22, 2008) dhacay iyo Xaflad Soo dhaweyn ah oo xalay la qabtay.

:::Sawirada Ciyaaraha orodada Halkan ka daawo....

:::Sidoo kale halkan ka daawo Xaflada Ciyaaraha

Waxaa maanta oo ay bishu tahay 21.07.2008 aheyd maalin nasasho ah oo aan laciyaarin kubaddii cagta, lakiin sida aan lasocono waxaa ka mid ah ciyaaraha EuroSom dhinaca kubada cagta , kan kolleyga,Kubadda Miiska iyo Orodadda.

Aqristow waxaa maanta hadaba madaama aysan jirin wax kaloo ciyaaro ah ayaa waxaa laciyaaray ciyaarihii fududaa, sidaa darteed ayaan waxaan maanta markii aan booqashadda ku tagay halkii ay cayaarahas ka dhacayeen ayaa waxaan ku arkayey dhalin yaro yaryar oo da’dooda u dhaxeeysey 3 jir ilaa iyo 17 jir, waxaad halkaas ka garan kartaa ciyaaraha fudud iney yihiin kuwo guud ahaan geeska ay afrika ay ku fiican yihiin.

Orodaii shalay iyo sidii lookala badiyey:

Da’da 3 jir ilaa iyo 4 jiradda orodka 50 m   

  • 1.Bilaal Faarah   13.76 2.Cabdirizaq Farah 13.78 3.Shuceeyb Farah 14.13 

Da’da  6 jir ilaa 7 jir

  • 1.Xamsa Farah  11.47 2.Bilaal Farah   11.50  3.Saciid Abdirahman  12.09 

 Da’da 8 jir ilaa 9 jir 

  • 1.Sakariya Maxamuud  9.65  2.Axmed Rashii  9.66 3.Abdulahi Farah   10.04 

Orodka 100 m da’da 10 jir

  • 1.Siciid Maxamud  11.34 2.Maxamud Maxamed  11.35 3.Hanad Xassan   11.70 

Da’da 11 jir   

  • 1.Nuux Aden   11.56  2.Cabdiwaaxid Cusmaan 11.81 3.Liibaan YareYere   11.82   

Da’da 12 jir 

  • 1.Ciise  Aden  11.82  2.Haaruun Ciise 11.91 3.Maxamed Axmed   12.20 

Da’da 13 jir 

  • 1.Liibaan Cabdullahi 14. 72  2.Cabdirahman Ibrahim 15.41 3.Sharmarke Yaryare  .

Waxaan markaan u gudbaynaa dhinaca dhalinyaradda waa weyn ee da’dooda u dhaxayso 16 jir ilaa 20 jir.

Orodka 100 m

  • 1.Maxmad maxamuud 13.22 koox Al-Hijra, 3.Ciid Yuusuf 15.38 kooxda Al-Hijra,2 Al-Hijra

Oradka 100 m Final

  • 1.Maxamed Hadaafow   11.91 Waaberi,2. Maxamed Muumin 11. kooxda Al-Hijra. Yuusuf Kaamil Al-Hijra

Orodka 800 m

  • 1.Maxamed Muumin 2.20 kooxda Al-Hijra, Idiris Muuse 2.29 Bilgim,Mahad Cabdi 2.36 Leicester.

Orodka 1500 m

  • 1.Mubaarak Ahmed 6.52 Al-Hijra. 2. Deeqow Maxamed 6.58 Al-Hijra. 3. Maxamed Jamac 7.15 Al-Hijra.

Waxaa sidoo kale lasuubiyey xaflad aad u qiimo badnayd oo lagu soo dhaweynayey marti sharafta EuroSom  iyo dhamaan kooxaha EuroSom, waxaana halkaas hadalo kala duduwan ka soo jeediyey gudigii qabanqaabadda cayaaraha  iyo maamulka EuroSom, waxaan halkaas ka xasuusanaa Gudoomiyha iyo Xoghayaha guud ee EuroSom oo taariikhda EuroSom oo faahfaahsan . Waxaa sidoo kale ka hadlay Aabaha isboortiga Soomaaliyeed Prof.Musse Naasir waxaa uu dhalinyaradda uu kula dardaarmay iney dadaalka intaas ka badiyaan.

waxaa xusid mudan xusid dhalinyaradan iney yihiin kuwo mustaqbal kuleh ciyaarahan fudud

abdiaziz godah
agodah@hotmail.com


CIYAARIHII EUROSOM OO SI HABSAMI AH UGA SOCDA MAGAALADA LEICESTER

Sawirada Ciyaaraha Soomaalida Yurub halkan ka daawo....

Waxaa manta oo Axad ah weli ka socda magaalada Leicester ee wadanka Ingiriisaka qaybihii kala duwanaa ee ciyaarahii EuroSom.

Waxaa hadaba sida aan kor idiinku sheegnay dhacay ciyaaro kala duwan kuwii ugu xiisaha badnaa yaa waxay ahaayeen kuwii kubadda cagta, waxaa hadaba aqaristow idiinsoo gudbinaynaa ciyaarihii manta laciyaaray iyo sidii ay u dheceen.

Waxaa wada cayaaray afarkooxood oo isku qayb kuwada jiray kuwaas oo kala ahaa
Al-Hijra, Birmingham, Kanava, Gotenburg.

Ciyaartii kowaad waxaa wada ciyaaray labada kooxood eek ala aha Al-Hijra iyo Birmingham, ciyaartan ayaa aheyd ciyaar aad u xiso badney oo dadbadana ay u oo daawasho tageen, ciyaartan ayaa wixii lays weeraraba gabagabaddii ku dhamaatay 4 gool oo ay guushii ku raacdey kooxda Birmingham, halka ay kooxda Al-Hijra ka dhaliyaaen 2 gool.

Ciyaartii labaad waxaa ay dhexmartay labada kooxood eek ala ah Knava iyo Gotenburg ciyaartan ayaa aheyd mid kale oo aad u adkeyd, werar iyo weerar celis ka dib waxaa ay ciyaartaas ku dhamaatay 4 gool oo ay Kanava ku badisey, halka aya Gotenburg waxba la imaan.

Ciyaarahan waxaa ay usocdaan si wanaagsan, mar aan wareysi layeeshay Gudoomiyaha Gudiga Farsamada iyo Anshaxa Garsoore Moalin Muridi Zein oo aan weydiiyey su;aalo kusabsanaa xaga nidaamka garsooridda, waxaana uu iigu jawaabay “Ciyaarahan EuroSom garsoorayaashooda waxa ay yihiin kuwo ka yimid Xiriika kubadda cagta ee Ingiriiska (The FA). Isla isagii oo jawaabtii ii sii wada waxaa uu yiri “Maamulka ciyaarahan waxaa uu Qodobadiisa ku salaysan yahay kan FiFA .

Sidoo kale gudoomiyaha Gudiga qabanqaabada ciyaaraha EuroSom Leicester 2008 Mudane Saneey ayaa isagana waxaa uu ii sheegay ilaa iyo hadda ineysan jirin wax dhibaato ah, kuna faraxsan yahay sida sharafta leh e looga soo qayb galay ciyaarahan.

abdiaziz godah
agodah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS