SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Geedi socodka Nabadda ee Dalka & Khatarta Ciidamada Shisheeye .

Waxaa soo ifbaxaya in dalka Soomaaliya uu noqday dhul lagu dagaalamo oo ay ku dagaalamaan Shacabkii Dalka u dhashay iyo Ciidamo Shisheeye oo Calooshood u shaqaystayaal ah oo huwan Magaca UA ama Qaramada Midoobay iyo kuwa Maxaysatada Itoobiya oo iyagu iskood u madax bannaan oo u jooga Dalka Soomaaliya inay Xasuuqaan Shacabka raydka ah ee ku sugan Magaalooyinka waaweyn ee koonfurta Dalka Soomaaliya , waxaase xusid mudan Shirkii Jabuuti ee Dib u heshiisiinta isbahaysiga Dib u xoraynta Dalka Soomaaliya iyo Dowladda Federalka ee KMG ah ee Dalka Soomaaliya iyo go'aamadiisii.

Qorshaha Qaramada Midoobay ee Ciidamada Shisheeye ayaa wuxuu noqon karaa mid u baahan in dib loo saxo ,sababtoo ah Shacabka Soomaaliyeed waa Shacab 100% Muslim ah Ciidamada ay Qaramada Midoobay ay u qorshaynayso Soomaaliya waa inay noqdaan kuwa la dhaqan iyo diin la ah Shacabka ay u imaanayaan ama ay la shaqaynayaan si loo gaaro Xasiloonaan iyo degenaan buuxda oo ka dhaxaysa dadka iyo Ciidamada Shisheeye ee Qaramada Midoobay ama Shacabka Soomaaliyeed ay ku heshiiyaan inay Qaramada Midoobay ku bixiso Qorshe Lacageed oo ay Qorato Ciidamo Soomaali ah oo nabadda suga ,sidii horayba ay ugu shaqeeyeen Hoggaankii Sare ee Maxaakiimta Islaamka ee Dalka Soomaaliya.

Guul darrooyinkii ay kala kulmeen Ciidamada Shisheeye Dalka Soomaaliya Xilliyadii kala duwanaa ee u dhexeeyey 1993 ilaa iyo 2008 ayaa wxay yihiin kuwa inooga filan inaan wax ku qaadano haddaba kuwa kale oo yimaada maxay kala kulmi karaan ? maxayse Shacabka u geysan karaan ? waxay la kulmi karaan iska caabin iyo dagaallo kale oo lagu hoobto oo Dalka ka dhaca gaajo, Cudurada faafa iyo nabadgelyo la'aan ku baahda Dalka oo dhan, waxayse shacabka u geysan karaan Xasuuq iyo barakicin kale oo joogto ah iyo Nabadgelyo darro aan weligeed dhammaan oo gaarta Dalka goboladiisa iyo degmooyinkiisa.

Shirkii Sanca ee ay ku kulmeen Isbahaysiga dib u xoraynta Dalka Soomaaliya wuxuu ah mid natiijooyinkii ka soo baxay ay farxad gelisay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee sugayey Nabadda ,Sababtoo ah Shirka waxaa ka dhex muuqday Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo looga bartay inuu ka shaqeeyo Nabadda uuna yahay ama uu ku sifoobay Hoggaamiya Nabadda ee Dalka Soomaaliya kaddib markii uu horseedka u noqday kacdoonkii dhaliyey Midowgii Maxaakiimtii Islaamka ee Dalka Soomaaliya ee Dalka ku soo celiyey Nabadii iyo kala dambayntii uu waayey 17 Sanadood , lixdii bilood ay gacanta ku hayeen Dalkana uu noqday Dalka Lixdan Sanadood oo nabad ah ama in ka badan sida ay Shacabka u jeclaysteen darteed ayaa ah mid aan la ilaawi karrin.

Shirka dambe ee ay la yeelan doonaan DFKMG ah iyo rajada laga sugayo waa mid sidoo kale farxad leh Sababtu waxay tahay dhinaca DFKMG ahi waxaa Hoggaaminayo R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen oo ah Rugcaddaa Siyaasi ah kuna wanaagsan Dib u heshiisiinta mar walibana u taagan sidii uu u badbaadin lahaa Shacabka Soomaaliyeed ugana bixin lahaa Ciidamada Itoobiya Dalka Soomaaliya Nabaddana u sugi lahaa haddaba , Isbahaysiga dib u Xoraynta Dalka Soomaaliya waa inay ka faa'idaystaan in awooda la qaybsadaan DFKMG ah si ay tallada Dalka awoodiisa iyo Maamulkiisa ula socdaan una badbaadiyaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay Dagaallada iyo abaaruhu ay waxyeeleeyeen welina socda.

Dib u heshiisiinta waxaa u baahan dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan kuwa Dalka ku nool,kuwa Qaxootiyada ku nool iyo kuwa dibadaha ku noolba , kuwa waliba waxaa meesha ay ku nool yihiin ku haysta dhibaatooyin u gaar ah ,Badihii ,Beerihii ,iyo Brigiiba waxaa ku yimi dhibaatooyin aan caadi ahayn Burcad badeedyo Dadkii Qafaalanaya,Wax soosaarkii beeraha oo hoos u dhaxay Nabadgelyo darrida darteed iyo biyo la'aanta , Dhirtii oo iyo Xoolihii Dalka oo loo Iib geynayo Waddamo kale iyadoon loo eegayn in Dib wax loo dhigto , sida ka ganacsiga Xoolaha Dhidigga ah oo sii badanaysa Dhammaan Hoggamiyeyaasha Siyaasadeed ee iska soo horjeeda waxaannu ugu baaqaynaa inay isu Tanaasulaan Shacabkoodana u dhimriyaan "Tanaasulku waa geesinimo ee ma ah fulaynimo"Nabaddu waxay ku jirtaa in la wada Heshiiyo Alle wuxuu leeyahay Heshiisku waa Khayr.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS