SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Puntland oo sheegtey in cudurka Shuban biyoodka uu faro ba’an ku hayo Baargaal isla markaana ay u direen gargaar deg deg ah.

Wasiirka Caafimaadka ee DG Puntland Cabdiraxmaan Siciid Dhagaweyne oo maanta saxaafadda uga warbixiyey cudurka Shuban biyoodka oo ka dillaacey degmada Baargaal ee gobolka Bari.

Dr Cabdiraxman Dhagaweyne waxaa uu sheegey in cudurkaasi uu faro ba’an ku hayo degmada iyo deegaanada kale ee hoosyimaada waxaana uu sheegey in illaa iyo haatan ay cudurkaan u jiifaan dad lagu qiyaasey 57 Qof.

Wasiirka ayaa sheegey in dhimashada ay Wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisey in ay gaarayaan illaa iyo haatan 3 Qof ku waas oo isla toddobaadkan gudihiisa ugu geeriyoodey iyaga oo ku sugan degmada.

Cabriraxmaan Siciid Dhagaweyne waxaa uu sheegey in maalintii Jimcaha ay ahayd markii ugu horeysey oo lagu arkey degmada cudurka Shuban biyoodka kaas oo uu dad uu ku dhacay waxaana uu sheeegey in Saddexda qof ee geeriyootey mid ka mid ah uu yahay ilmo da’diisa lagu qiyaasey ilamaa iyo Toban sano jir iyo Labo Ilmood oo iyaguna da’doodu ay ka yartahay Shan Sano.

Waxaa uu sheegey in Wasaaradda Caafimaadka, Hay’adaha QM sida UNICEF iyo WHO in ay gaareen halka ay dhibaatadu ay ka dhacdey isla markaana halkaasi ka fulinayaan hawl gargaar caafimaad ah taas oo ay u baahanyihiin dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Wasiirka waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftey in horey ay halkaasi ay ku sugnaayeen Shaqaale Caafimaad iyo Dhakhaatiir ku waas oo ka qeyb qaatey hawlaha markiiba loogu gurmadey dadka tabaaleysan.

Wasiirka ayaa sheegey in hawsha ay haatan si wanaagsan u socoto isla markaana ay rajeynayaan in ay soo afjaraan labada beri ee soo socota iyada oo hawl galladu ay yihiin kuwo
 

qaar kamida ciidamada somaliland oo usoo goostay dhinaca Puntland.

Ku dhawaad 160 askari oo ka soo goostay ciidanka maamulka Soomaaliland ee jooga gobolka Sanaag ayaa soo gaaray magaalada Laasqoray ee gobolkaasi halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta maamulka Puntland, isimada iyo odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi ku sugan.

Sarkaalkii ciidankaasi watay oo diiday in magaciisa laga shaaciyo saxaafadda ayaa sheegey inay go'aansadeen inay isaga baxaan ciidanka Soomaaliland ka dib markii ay garawsadeen inay yihiin reer Puntland.

Ciidankaan oo dhammaantood ka soo jeeda gobolkaasi watayna hubkoodii iyo direyskoodii ayaa markii dambe si toos ah ugu biirey ciidanka Puntland waxaana gacmo furan ku soo dhaweeyey saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Puntland ee jooga gobolkaasi.


Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland oo shalay bookhday magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa la hadlay ciidanka Puntland ee jooga magaaladaasi waxaana ay ugu hambalyeeyeen hawsha ay u hayaan dalkooda.

Isku xiraha ciidamada Puntland ee gobolada Bari, Karkaar iyo Sanaag anha hoggaanka maalliyadda ee ciidanka Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa ku ammaanay ciidanka sida wanaagsan ee daacadnimadu ku jirto ee ay hawshooda u gudanayaan, isagoo la hadlayey boqolaal ka tirsan ciidanka Puntland ee jooga Laasqoray ayuu sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo bookhdo Laasqoray oo maalmo ka hor ay ka baxeen ciidanka cadawga oo uu ula jeeday ciidanka Soomaaliland.

Taliyaha ciidanka birmadka ee Puntland Md, Gantaal oo isna hadal kooban u jeediyey askartii ay kula kulmeen deegaankaasi ayaa ku dhiirrigalaiyey ciidanka inay shaqadoodii gudanayaan ayna tahay waajib saaran askari kasta iyo shiqsi kasta oo reer Puntland ah in la difaaco dhulka Puntland.

Taliyaha ayaa ciidanka Puntland ee aagaasi jooga ka codsaday inay hawshooda u dhabar adeygaan ayna muujiyaan dulqaad iyo karti dheeri taasina ay tahay tan looga baahan yahay askariga muwaadinka ah.

bashiir cumar cali/laasqoray
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS