SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA

Shiikh Xasan Mahdi oo ka warbixiyay Heshiiskii Sanca. 

Sida aan la wada socono ilaa ku dhawaad laba asbuuc waxaa wadahadal uga socday Magaalada Sanca Maxkamadihii Islaamiga Hogaankoodii kaas oo qilaaf xoogan oo soo kala dhex galay kadib markii qiyaano aan horey loogu heshiin ay sameeyeen koox uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ooy kula heshiiyeen dowlad ku sheega Cabdulaahi Yuusuf . 

Wafdigii ka tagay Magaalada Asmara ayaa waxay ka koobnaayeen lix xubnood oo uu hogaaminayay Dr.Cumar Iimaan afar xubnood oo ka mid ah lixdaa xubnood ayaa dib u soo laabtay Magaalada Asmara Maalinamadii Talaadada ee la soo dhaafay marka Sheekh Xasan mahdi oo ka mid ahaa waftigaa ayaa manta nooga warbixiyay sida ay u wada hadleen isagoo sheegay shirka waxaan u tagnay labo waxyaalood oo kala ah. 

a-inay waxii jabuuti ka horeeyay oo qalad maamul ah oo dhacay uu shariifku khaladkiisu qaato.

b-in shirka Jabuuti gabi ahaanba laga toobad keeno

kadib waxaa dhacday waftigii ka yimid gudaha ayaa waxay u kala qaadeen shirkii jabuuti dhowr qodob oo kala ah

a-xabad joojintii

b-wax ku darsiga dowlad ku sheeg Cabdulaahi Yuusuf.

c-keenida ciidamada United Nation

marka markii wadahadalka bilowday wax alaale iyo waxii ka horeeyay Jabuuti qaladkeeda waxaa qaatay qolyahii uu hogaaminayay Shiiq Shariif oo qirtay inay lahaayeen qaladkeeda.

Kadib markii laysigu yimid heshiiskii Jabuuti ooy gudiga ukala qaadeen sedexda qaybood ayaa labada hore ayana waxaa lagu xukumay inay ka noqdaan .

Markaa waxaa soo harey qodbka Ciidamada United Nation ka kaas oon markaan ka soo tageen doodiisu socotay balse waxaa xusid mudan in qodobkaas anaga uu nooga yaaley ka isbahaysi ahaan iyo ka maxkamado ahaanba heshiis kaas oo ah inaan waligeen aqbaleen ciidamo ka socda United Nation nooc walba ooy yihiin.

Waxaan walaalaha Soomaaliyeed meel ay joogaanba u cadaynayaa in wararka ayaamahan ay sheegayaan kooxda Shariif ay tahay been sal iyo raad aan lahayn anoo cadaynaya inaysan jirin wax heshiis ah oo dhacay ilaa hada. 
 

Xaafiiska Warfaafinta ee ARS

Asmara july 19,2008

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS