SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Olole nadaafadeed socon doono 10 maalmood oo ka bilowday xarunta madaxtooyada Somaliya
 

Sawirada Halkan ka daawo....

howshaan lagu nadiifinayo xarunta madaxtoodaya dhexdeeda ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya maamulka gobolka banadir iyo qaar ka tirsan dagmooyinkiisa oo iska soo uruuriyey ilaa 200 oo shaqaale ah iyo 5 baabuur oo iskorogayaal ah

Howl nadaafadeed ayaa waxa manta ka qeyb qaadanaya 5 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha ku yaala gobolka banaadir ee magaaladda Muqdisho.


Guddoomiye kuxigeenka Duqa magaalada Muqdisho ee dhinaca arrimaha bulshada Maxamed Cusmaan Cali‘dhagaxtuur “ ayaa waxaa uu furey howl nadaafadeed oo socondoonta muddo 10 maalmood ah,

Agaasinka gowshan iyo fulinteed ayaa waxaa ka qayb qaadanaya degmo kastaa illaa 200 oo qofood iyo shan gaari oo iska rogayaal ah, oo ay ku deeqeen maamulka gobolka banaadir.

Degmooyinka howshaas nadaafadeed iyo soo celinta bilicda magaaladda muqdisho gudagalay ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Xamar weyne, xamar jajab, wardhiigleey, waaberi iyo yaaqshiid.

Maxemed cusmaan cali dhagaxtuur oo ka hadlayey munaasabadda furitaanka ololaha nadaafadeed ee socon doona muda 10ka maalmood ah ayaa sheegay isagoo la hadlayey xubnaha ka qayb qadan doona ololahaas oo gaaraya illaa 200 oo qofood oo isagu jira dad ka kala yimid degmooyinkaas aan soo sheegnay ayaa waxaa uu ku booriyey nadaafadda iyo shaqada ay u hayaan shacabkooda soomaaliyeed,


Mr dhagaxtuur ayaa waxaa uu sheegay in howshaan lagu nadiifin doono xarunta madaxtooyada iyo xaafadaha ka ag dhaw, iyo guud ahaanba wadooyinka soo gala, waxaana u carabka ku dhuftay in ololaaas uu soo celin doono bilicdii luntey ee magaaladda muqdisho

Howshaan maha tii ugu horreysay ee waxaa jiray howlo nadaafadeed oo dowladda ay ka fulisay magaaladda muqdisho iyo wadooyin horey u xirmay sabab la xariirta qashin tiro badan oo isku gadaamay dhulkaas, waxaana qashinkaas uu sababay in ay xirmaan meelaha qaar, sidoo kale waxaa jira xaafadaha qaar waxaa ka dhismay qashin la eg buuraha kuwaasooo muddadii dalka ay jirtey sharcim la;aanta dadka ay caadeyteen ineey ku soo fogeeyaan qashinka.




Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS