SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
19 July 2008.

Soomaaliya: WFP oo ciidammo raadsanaysa
Midowga Yurub oo lacago ka soo hadhay siin doona Beeralayda Afrika
Zimbabwe: Dhexdhexaadinta Koonfur Afrika oo la soo dhaweeyay
Shir ka dhacey magaalada Fort McMurray ee Gobolka Alberta, Canada
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Shacabka Ogadenya qadiyadiisii fahan)
======================

Soomaaliya: WFP oo ciidammo raadsanaysa
Qaramada Midobay ayaa jimcihii daboolka ka qaaday inay raashinka mucaawinada ah ee Soomaaliya la geeyo uu hoos u dhac ku yimid sababtuna ay tahay iyadoo Maraakiibtu ayna isku aaminaynin Biyaha Soomaaliya. Qaramada Midoobay waxay dowladaha caalamka ka codsatay in lagu caawiyo ciidammo ilaaliya Maraakiibta gargaarka u wada dadka ku tabaalaysan waddanak Soomaaliya.

Peter Goossens, oo madax ka ah Xafiiska Barnaamijka Cuntada Adduunka WFP ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Hayʼaddiisu ay baahi ballaadhan u qabto ciidammo waardiyeeya maraakiibta gargaarka u sidda Soomaaliya.

Goossens ayaa sheegay in cunto loogu talagalay dadka Soomaaliya ku tabaalaysan, oo gaadhaysa 80,000 oo Tan ay ku xayiran tahay waddanka Koonfur Afrika, isla markaana la laʼyahay Maraakiib gaadhsiisa Soomaaliya. Waxaan helnay buu yidhi hal Markab oo kaliya oo qaada 8000 oo Tan, kaasoo naga oggolaaday inuu Soomaaliya u socdaalo. Goossens wuxuu sheegay in kaydka Hayʼaddiisa hadda u yaalla Soomaaliya gudeheeda uu dhammaan doono shan ilaa lix toddobaad gudohood.

Cuntada uu WFP geeyo dalka Soomaaliya 90% ka mid ah wuxuu ku geeyaa Maraakiib, iyadoo ayna suuragal u ahayn inuu Diyaarado ama dhulka isticmaalo. Siddeedii bilood ee u denbeeyay waxaa Maraakiibta WFP waardiyayn jiray ciidammo ka socda dalalka Denmark, Faransiiska iyo Holland, arrintaasoo ay WFP ku tilmaamay mid si wayn loogu liibaanay.

Budhcad Badeedka ayaa ku batay xeebaha Soomaaliya, iyadoo lixdii bildood ee sannadkan u horreeyay oo kaliya ay Budhcad Badeedkaasi qabsadeen 24 Markab, halka sannadkii 2007 oo dhan ay ka qabsadeen 31 Markab.

Dadka soomaalida ah ee noloshoodu ku tiirsan tahay gargaarka WFP waxay dhan yihiin qiyaastii 1 milyan oo qof, hase yeeshee WFP ayaa filaya in dadka soomaalida ah ee dhammaadka sannadkan gargaarkooda ku xidhnaan doona ay gaadhi doonaan 3,5 milyan oo qof.

Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkii hore ka digtay in abaaraha Soomaaliya ka jira horseedi doonaan masiibo baniʼaadamnimo oo Soomaaliya ka dhaca, taasoo ay suuragal tahay inay saamayso dad aad u fara badan.

Midowga Yurub oo lacago ka soo hadhay siin doona Beeralayda Afrika

Ergada Sare ee Midowga Yurub ayaa taageertay qorshaha ah in Beeralayda Afrika lagu caawiya qiyaastii 1 Bilyan oo Euro oo ka soo hadhay lacagaha lagu taageero Beerlayda Midowga Yurub. Kaalmadan ayaa lagu wadaa inay Beeralayda Afrika ka caawisa dhibaatada kala soo gudboonaatay cunto yaraanta iyo sicir bararka adduunka ka jira.

Lacagtan ayaa markeedii hore mid ahayd bajadka loogu talagalay Beeralayda Midowga Yurub, hase yeeshee lama isticmaalin, sidaas darteed ayaa la soo jeediyay in lagu taageero Beeralayda Afrika.

Siddeed waddan oo xubno ka ah Midowga Yurub, oo ay ka mid yihiin wadammada Britain, Swedan iyo Holland, ayaa shaki ka muujiyay in tallaabadani ay waafaqsan tahay sharciga Midowga Yurub, hase yeeshee waxaa la hirgalin doonaa sannadka 2009 haddii ay oggolaadaan wasiirrada Midowga Yurub iyo Baarlamaanka Yurub.

Madaxa Ergada Sare ee Midowga Yurub Manuel Barroso ayaa sheegay in sicir bararka cuntooyinka adduunku uu dhibaatada ugu badan u gaysanayo wadammada saboolka ah. Wuxuu kaloo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ayna xaqiijin doonin yoolkeeda ah in kala badh la dhimo saboolnimada adduunka haddii ayna Yurub arrintaas gacan ka gaysanin.

Lacagtan kaalmada ah ayaa loo isticmaali doonaa in Beeralayda Afrika laga caawiyo dhinacyada bacriminta iyo abuurka, si ay wax-soo-saarkooda u kordhiyaan labada sano ee soo socda.

Zimbabwe: Dhexdhexaadinta Koonfur Afrika oo la soo dhaweeyay

Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Bah-wadaagta waddammada Koonfurta Afrika ayaa soo dhaweeyay dadaalka dhexdhexaadinta ah ee Kuunfur Afrika ay ka dhex-waddo dhinacyada isku haya siyaasada Zimbabwe, sidaas waxaa jimcihii daaha ka rogay Xafiiska Madaxwaynaha Koonfur Afrika Thabo Mbeki.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska madaxwayne Mbeki ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo 14-ka waddan ee sida gaarka ah u bahoobay eek u yaalla Koonfurta Qaaradda Afrika ay dhammaantoodba si wayn u soo dhaweeyeen dhexdhexaadinta uu madaxwayne Mbeki ka dhex-wado dowlada iyo mucaaradka Zimbabwe.

Xafiiska madawayne Mbeki ayaa sheegay in labada dhinac ee isku haya xukunka Zimbabwe ay oggolaadeen qaabka wadahadal ee madaxwayne Mbeki soo jeediyay, six al loogu helo is-afgaran waaga ka dhex-taagan dowlada iyo mucaaradka dalka Zimbabwe.

Shir ka dhacey magaalada Fort McMurray ee Gobolka Alberta, Canada

Ururka Dhalinyarada Ogadeniya ee magaalada Fort McMurray, ee gobolka Alberta Canada ayaa shir ku qabtey Magaaladaasi. Shirkaas ayaa waxaa ujeeddooyinkiisa ka mid ahaa in lagu wacyi galiyo dhalinyarada Ogadeniya loogana waramo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalkii hooyo, islamarkaana lagu dhiirri galiyo in ay dhalinyardu yeeshaan door cad oo wax qabadkiisu muuqanayo.

Waxaa shirkaa lagu casuumay Ururka Xuquuqul Insaanka Ogadeniya (OHRC) oo uu ka soo qabgalay Dr.Maxamud Ugas oo halkaas kusoo bandhigay warbixin iyo xog warran dhab ah oo ku qotomay ama lagu soo bandhigay qaab casri ah uu kaga hadlayey kheyraadka dalka, iyo sida dowladda Ethiopia ayna uga soo bixin waajibaadkeedii dasduuriga ahaa ee ku aaddanaa in ay ka sameyso horumarin wadanka Ogadenya, taasoo marka la eego kheyraadka dabeeciga ah baaxaddiisa, iska dhaaf in ay Ethiopia wax ka qabatee, ay billowday in ay baabi'iso tobankii mashruuc ee dunidu rabtay in ay ka hirgaliso dalka, oo ay dheertahay dil, xasuuq, xadhig, dhac, kufsi, qafaalasho iyo waxyeellooyin badan oo meel ka dhac ku ah xuquuqul insaanka.

Waxaa kale oo shirkaas ka soo qaybgalay ergooyin kale oo ka kala socday Magaalada Edmonton oo ay ka yimaaddeen Wafdi uu hogaaminayay guddomiyaha ururada bulshada Xuseen dhakal , Atlanta Georgia oo uu ka socday Axmed-yaasin Qaasim iyo Australia oo uu ka socday Aden Axmed Sh. cabdulahi. Ergooyinkaas ayaa iyaguna dhankooda ka soo jediyey warbixino dhaxalgal ah.

Ugu danbeyntii waxaa shirkaas ka hadlay odayaasha magaalada Fort McMurray oo uu ugu horeeyo Maxamed Urur. Waxaa kale oo iyadana ka hadashay hooyo Xaliimo Xasan Gasle oo ka soo jeedisay buraanbur dadka oo dhan dhigooda kiciyey.

Gabagabadii shirka waxaa ka soo baxay go'aammo ay ka mid ahaayeen in dhalinyaradu guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay nool iyo moodba u hurraan dalkooda.

Waxa ugu danbayntii Sibuuxuda la isugu afgartay in canbaarayn loo soo jeediyo dawalda Tigreegu madaxda u yahay ee ka talisa Addis Ababa Falaalkii Naxadinta lahaa ee ay kula kacaday Dadkii Maxaabiista ahaa ee lagala baxay jeelka Magalada jig jiga ee la soo wadhay maydkooda jeelka hoortiisa iyo maxbiis Kalena lagu dhawacay jeelka

Gudoomiyaha Ururka dhaliyrada Ogadeniya ee Fort McMurray ayaa u mahadceliyey ka soo qaybgalayaasha shirka, waxaana shirka daadihnayey Maxamed Mahdi.


19 July 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS