SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Siminaar ugu soo gabagaboobay saxafiyiinta soomaliyeedee ku dhaqan maglaada Nairobi

Sawirrada Halkan ka daawo....

(July 17, 2008) - Siminaarkaan oo soconayay mudo labo maalmood ah ayaa waxa uu usoo gabagoobay saxafiyiinta soomaaliyeed eek u dhaqan magaalada Nairobi maalinmaidii arabacada ahayd 16 july iyada oo ay soo qaban qaabiyeen wargeyska National Post waxaana maalgaliyey Safaarada Mareekanka.

Siminaarkaan ayaa waxaa looga hadlayay qaabka ay suxufiyiinta soomaaliyeed uga qayb qaadan lahaayeen nabad kusoo dabaalida dalka Somalia.

Siminaarkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Ergeyga qaaska ah ee u qaabulsan dowlada mareekanka John Yates, Susannah Price oo wakiilka qaramada midobay u qaabilsan warfaafinta, Marka Zimmer, Professer Dalxa iyo masuuliyiin kale.

Ergayga qaaska ee mareekanka u qaabilsan Somalia John Yates ayaa furay siminaarka isaga oona ugu baaqay in saxafiyiinta ay nabada ka shaqeeyaan waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Aniga iyo saaxiibadyda ku sugan safaarada Mareekanka waan ku faraxsanahay inaan taageerno siminaarkaan”.

Yates ayaa mar uu ka hadlayay saxafiyiintii ugu dambeysey ee lagu dilay Somalia waxa uu yiri “ Dhamaanteen waxaan ka xanuunsanaynaa dhimashada labo kamid ah saaxibadiin ee lagu dilay gudaha Somalia, dilkii qorsheysnaa ee lau dilay wariye Nasteh Dahir ee horaantii bisha June waxa ayna ka mid tahay weerarada lagu haayo wariyayaasha” .

Sidoo kale Susannah Price oo ah Madaxa warfaafinta Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ayaa qudbad muhiin u ah u jeedisay warirayaasha ka qayb qaadanayay Siminaarka waxa ayna u sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay ka soo qeybgasho xafladdan. “Waxaan idiin soo gudbinayaa hambalyada Wakiilka Xoghayaha Guud ee Soomaalia, Suxufiyiinta waxa ay wax wayn ka qaban karaan ra’yiga dadweynaha sababtoo ah dadweynaha waxay dhagaystaan idaacadaha

Zamzam Sheekh Axmed oo ku hadleysay magaca saxafiyiinta kasoo qaybgashay siminaarka ayaa u mahad celisat wargeyska National Post oo soo qabanqaabiyey siminaar iyo sidoo kale safaaradda Mareykanka oo maalgelisay barnaamijkan. “Siminaar noocan oo kale ah aad baan ugu baahannahay, waxaana rajeyneynaa inaan si weyn uag faa’ideysan doono” ayay tiri.

Simnaarka ayaa waxaa lagu baranayay qaabkii ay wariyayaasha soomaliyed uga qayb qaadan lahaayeen nabad ku soo dabaalida dalkooda waxaana cashirda siminaarka bixinyaya Susannah Price oo mudo dheer ka shaqaynaysa BBC-da hatana ah madaxa warfaafinta xaafiiska siyaasada qarmada midobay ee Somalia, sidoo kale waxaa ka Mid ahaa macalimiintii cashirada bixinaysa C/laahi Maxamed Xasan (B/lack), oo ah Guddoomiyaha Ururka Wargeysyada madaxa bannaan, Maxamed Maxamuud Guure oo ah Madaxa Taleefishinka Alcarabiya ee Muqdisho iyo C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) oo ah Madaxa Somali Media Center

Saxafiyiinta ayaa ugu dambeyntii baaq kasoo saaray sidii ay uga qayb qadan lahaayeen nabadeynta Somalia waxaana baaqaasi ka hor aqriyey Wariye Cabdinasir Maxamuud Cumar (Zero) iyada oo halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay saxafiyiinta ka qayb gashay siminaarka waxaa shahaadooyinka gudoonsiiyey Mark Zimmer oo ka tirsan safaarada Mareynkanka ee dalka Kenya waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu siminaarka ay qayb qaataan wariyayaal soomaaliyeed waxa uuna yirri “Inkastoon af-Soomaaliga fahmi Karin, haddana waxaan qiyaasayay in dooduhu aad u kululaayeen, waxyaabo badanna aad ka wada hadasheen” ayuu yiri Mark oo u mahad naqay macallimiintii wax ka jeedineysay siminaarka iyo wargeyska National Post”.

Bayaankii ay soo saareen saxafiyiinta ayaa u dhignaa sida tan:-

“BAAQA SAXUUFIYIINTA”
July 16, 2008
Nairobi- Kenya.


Annagoo ah Saxafiiyiin Soomaaliyeed oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee warfaafinta Soomaaliya sida Idaacadaha, Teleefeshinnada, Wargeysyada, iyo Website-yada, kana soo qeyb galay aqoon-isweydaarsi ku saabsan “Kaalinta Saxaafadda ee Nabadda”, uuna soo qabanqaabiyay Wargeyska National Post, laguna qabtay magaalada Nairobi- Kenya intii u dhexeysay 15- 16kii, July, 2008.

Saxafiyiinta Soomaaliyeed kadib markii ay arkeen dhibaatada, amaan- darrida ka jirta Soomaaliya, ayna dareemeen dowrka ka saaran faafinta hiddaha nabadda, iyo saameynta ballaaran ee ay warbaahintu ku leedahay guud ahaan horumarinta, gaar ahaana taabba-galka nabadda ayaan waxaan isku waafaqnay qodobada soo socda:-

1- Saxuufiyiinta iyagoo shacabkooda la qaba dhibaatada nabad la’aanta, ayaan waxaan taageeraynaa geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya.

2- In aan taageero buuxdo siino heshiiska ay dalka Jabuuti ku wada gaareen Dowaladda Ku-meel Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Isbahaysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliyeed, waxaana ku boorrinaynaa in heshiiskaas laga miro-dhaliyo.

3- Heshiiskaasi inaan loo arkin inuu cid gaar ah dan u yahay, cid gaar ahna dhibaato ku yahay, balse loo arko maslaxad caam ah oo dan u ah guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

4- Suxufiyiinta waxay ballanqaadeen, inay Nabada Soomaliya garab-istaagayaan, kana sameynayaan, Warar, Wareysiyo, Barnaamijyo, Maqaalo, iyo Halkudhigyo, ka tarjumaya dhiirri-gelinta Nabadda, iyo Barbaarinta hiddaha nabadda.

5- Waxaan talo ku soo jeedinaynaa:
Ø In taabb-galka heshiiskaan laga qeyb galiyo culumaa’udiinka, Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahannada, Ganacsatada, Haweenka, Dhallinyarada, Abwaannada iyo Fannaaniinta, Hoggaanka bulshada Rayidka iyo Saxufiyiinta.

Ø In milkiilayaasha iyo Tifaftirayaasha warfaafinta Soomaalida ay siyaan waqti dheeraad ah barnaamijyada ka tarjumaya taabba-gelinta nabadda iyo Heshiiskaba.

6- Waxaan ugu baaqaynaaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan ganacsatada, hay’adaha iyo dalalka deeqaha bixiya inay sare u qaadaan wacyi-gelinta ku wajahan nabadda Soomaaliya iyo tababarrada la xiriira dhinaca nabadda ee la siinayo Saxafiyiinta iyo dadka u ololeeya nabadda.

7- Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa inay si hagar la’aan ah u garab-istaagaan heshiiskaasi, inta ka gows adayagsana heshiiskaan waxaan ka codsaneynaa inay soo raacaan doonta nabadda.

8- Waxaan u si gaar ah uga mahad celinaynaa Qaramada Midoobay, Dowladda Jabuuti iyo dalalkii ka shaqeeyay in la gaaro Heshiiskii Jabuuti, waxaana si gaara u tilmaamaynaa dadaalka ballaaran ee Mudane Axmed Walda Cabdalla, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya.

9- Waxay suxufiyiintu isla meel dhigeen inay dhaxdooda iskula xisaabtamaan hadba dowrka ay ka qaataan Nabadda.

10-Waxaan gunaanadkii u mahad celinaynaa wargeyska National Post oo fursaddan qaaliga ah u suurta geliyay saxafiyiinta Soomaaliyeed. Waxaana sidoo kale u mahad celinaynaa safaarada Maraykanka ee Nayroobi oo maalgelisay siminaarkan.


Cabdikariin Muxsin
Somalitalk – Nairobi
Muxsin55@hotmail.com


 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS