SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kadeedka Qaramada Midoobay Iyo Maraykanku Ay Ku Hayaan Somaliya.

Kadeedka xad dhaafka ah ee ay nugu hayso Dawlada Mbaghati, waxa ka daran kadeedka ay Qaramada Midoobay iyo Maraykanku ay ku hayaan shacabka Soomaliyeed, shirkii beenbeenta ahaa ee ka dhacay Jabuuti waa lala wada socdaa.

Qaramada Midoobay iyada ayaa dhexdhexaadinaysay shirkaas oo hogaanka u haysay, balse ha moodin in Maraykanku shirkaas ka maqnaa, dhinaca Dawlada Maraykanka waxaa matalayay Axmed Wallad-Cabdalla oo ah Danjiraha Somaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Axmed Wallad-Cabdalla eedayn badan isaga in la saaro maaha, waayo waxaa lagu tilmaami karaa ninkaas in uu isagu ahaa shakhsiga kaliyah ee badbaadiyay shirkii Jabuuti oo runtii fashil qarka u saarna, midda kale Axmed Wallad-Cabdalla isaga ayaa qodobada badankooda ansixiyay oo meel mariyay, si ay Soomalidu nabad waarta u hesho.

Intii ay Soomaliya holcaysay oo ay ku jirtay cadaadiska qab-qablayaasha dagaalka, Qaramada Midoobay iyo Dawlada Maraykanku si bareer ah ayeey indhaha iyo dhagaha uga xirteen dhibaatada haysata shacabka Soomaliyeed.

Marka laga reebo shirarkii lagu maaweelinayay Soomalida, oo jiifka lagu siinayay cuntada kuwa runtii masuulka ka ahaa dhibaatada dalka ka taagan maanta. Marka dhankasta laga eego, xooga iyo aduunka ay yeesheen dagaal oogayaashii toban iyo sideedi sano ee la soo dhaafay hafinayay shicibka Soomaaliyeed, waxaa eedeeda leh Qaramada Midoobay iyo Dawlada Maraykanka iyo wixii la halmaalaa, oo si buuxda uga qayb galinayay hawlaha Qaramada Midoobay ee xafiiskeeda UNDP ee ku yaala dalka Kenya gaar ahaan caasimada Nairobi oo laga xukumo Somaliya oo si naxariis darro ah u caawinaysay qab-qablayaasha ama dagaal-oogayaasha Soomaliya.

Maalmihii ay Maxkamaduhu Muqdisho qabsadeen Qaramada Midoobay iyo Maraykankuba way ka xanaaqeen arrinkaas, maxaa sidaas xooga leh uga caraysiiyay Qaramada Midoobay iyo Maraykanka oo ay usoo dhaween waayeen Soomaalidii soo hoysay nabada iyo guushii lix iyo tobanka sano la gaadhi waayay?

Guusha ay Maxkamaduhu ka guulaysteen qab-qablayaasha dagaalka wada, waxay ahayd arrin ay Soomalidu si xad dhaaf ah ugu riyaaqeen !! Maxaa u diiday in Qaramada Midoobay iyo Maraykanku ay la qaybsadaan farxadaas wayn, hadii ay run ka tahay in ay u daneenayaan dalka Somaliya, iyo shacabka sii dhamaanaya?!!

Maxkamadaha Islaamiga waxaa lagu qiyaasay inuu yahay dhaqdhaqaaqa ugu wayn Geeska Afrika waayo,waxay gacanta ku hayaan %35 dhulka Somaliya (Dhinaca Koonfur), shicibka Soomaaliyeed waxaa raacsan %70 qof.

Maxkamaduhu intii ay ka talinayeen Muqdish waxay baabiyeen musuqmaasuqii dagaa oogayaasha, oo dadka dhici jiray afduubi jiray, jidgooye iyo isbaaro dhigi jiray wadooyinka.

Soomaalidu waxay ku maahmaahda, ( Dab Munaafaq shiday, Mu,min baa ku gubta ), waagi ay Maxkamaduhu dalka Somaliya (Koonfurta) ay nabada ka dhigeen, waa kuwii soo baxay rag lagu magacaabo (La-dagaalanka Argagaxisada) oo ay ku bahoobeen Danbiilayaasha ay Somaliya ka degi la,adahay, markii danbana uu kusoo biiray Duqa magaalada Muqdisho ee isna ah dagaal oogaha cadaw ka dhigtay walaaladiisa Hawiye Maxamaed Dheere.

Aasaaskii qoladan la magac baxday (La-Dagaalanka Argagaxisada) waxaa ka danbeeyay Qaramada Midoobay, lacagta ay hubka ku iibsadeen waxaa bixisay isla Qaramada Midoobay, lacagtaas oo gaadhaysay Malaayiin Doolar ah oo loogu talo galay in lagu xasuuqo shacabka Soomaliyeed, iyo in Maxkamadaha Islaamiga lagu burburiyo, lacagtaas waxaa lasoo dhigi jiray xafiiska UNDP ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay dalka Kenya kuna yaala Nairobi.

Raga ay ka midka yihiin Qanyare, Suudu Yalaxaw, Cabdiqaybdiid, Hiiraale, Bashiir Raage, iyo Maxamed Dheere waxay ka mid ahaayeen ragii Malaayiinka Doolarka ah ku qaadan jiray in ay la dagaalamaan Maxkamada Islaamiga oo u badnaa reerka Soomaliyeed ee Hawiye, ragani imika waxay noqdeen Libaax ilkihii laga guray, oo imika Xildhibaano uun bay ka yihiin Somaliya, balse Maxamed Dheere waa ninka wali ka wada dagaalada qaarkood magaalada Muqdisho. Cabdiqaybdiidna uu yahay ninka haysta booliska Somaliya.

(Dab Munaafaq shiday, Mu,min baa ku gubta). Waa maahmaah soo noqnoqopta runtii. Qaramada Midoobay iyada ayaa isku dirtay Soomalida, oo hubka isugu dhiibtay, una fasaxday dagaalka, dabkii waagaas la shiday, wuxuu dhalay inay soo baxaan kooxo kale oo aan waxba dhaamiin Maxkamadihii la burburiyay sida, Al-Shabaab,Itixaad iyo kuwo kale oo isla Muqdisho uun ka dagaalama looguna magac daray (Kooxaha wax khaarijiya).

Xafiiska ku yaala Nairobi ee UNDP ee Qaramada Midoobay ay leedahay, uguna talo gashay in ay Somaliya ka caawiso lacagatana halkaas usoo mariso, hadii lala xisaabtamo oo cadaymo la hor keeno, waxaa cadaanaysa in ay Malaayiin Dollar ahi ay qaybsadeen qabqablayaasha dagaalka, iyo rag fara badan oo ka tirsan xukuumada DFKMG, iyo in lagu xasuuqay shacab gaadhaya 5000 oo rayid u badan.

Ayaamo dhawayd, waxaa lagu soo qoray wargayska Newyork-Times, in Marayakanku ugu deeqay shirkii Jabuuti ka dhacay lacag gaadhaysa lix Malyan oo Dollar ah, xatal aan lama hayo lacagtaas meesha ay martay iyo hadal haynteedaba, iyo lacago fara badan oo hadii la isku wada daro gaadhaya hal Billion oo Dollar ah, lacagahaas maan jeclaysan inaan halkan kusoo wada qoro, balse arrintu nuxurkeedu uu yahay baraarujinta shacabka Soomaliyeed ee maalin kasta gaajada ugu bakhtiyay gudaha Somaliya.

Dhinaca kale, Dawlada Ingiriisku waxay Somaliya ugu deeqday lacago fara badan oo loogu talo galay horu marinta DFKMG iyo horu marinta booliska dalka, lacagtaas ninka ka masuulka ah waxaa la yidhaah Lord Mallach Brown oo ah ninka Ingiriiska u qaablisan arrimaha Afrika, lacagtaas siday u dhantahay waxay timaada xafiiska ku yaala Nairobi, xafiiskaas dhexdiisa ayuun baa lagu qaybsadaa lacag kasta oo loogu talo galay horu marinta Dawlada Federalka dhinac kasta ha ahaate, ha ahaato dhinaca booliska, ha ahaato dhinaca qaxootiga, ha ahaato dhinaca dhaqaalaha, lacagtaas shakhsiyaadka qaybsada waa dad Soomaali ah.

Qof kasta oo ka mid ah qab-qablayaasha dagaalka, hadii uu kicitamo Nairobi, kolay timir laf ayaa ku jirta (Al-Caaqil Yafham), waxaan marnaba la iska indho tiri karin in lacago fara badan oo loo soo waday shacabka Soomaaliyeed, in ay rag Soomaali ahi qaybsadeen.

Hay,adaha Samafalka oo La Ugaarsanayo.


( Hay,adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay waxay qayb ka ahaayeen dagaalki lagu jabiyay Maxkamadaha Islaamiga, waxayna hubka, lacagta, iyo shidaalka siin jireen ciidamada la dagaalamaya Mujaahidiinta. Mujaahidiinta waxaan ugu baaqaya in ay beegsigooda koowaad ka dhigaan Hay,adaha gargaarka, waayo waxay gacan siinayaan cadawga ). Sidaa waxaa yiri Mukhtaar Maxamed (Timo Jilice ) oo ah sarkaal wayn oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, una waramayay Idaacadaha Muqdisho mid ka mid ah.

Kooxda Al-Shabaab waxay qiratay in ay ka danbaysay dilkii Madaxii xafiiska UNDP ee ku yaalay magaalada Muqdisho magaciisuna ahaa Cismaan Cali Axmed, waxaan muran ka taagnayn in kooxda Al-Shabaab ay ka danbayso dilal iyo afduubyo loo gaystay Hay,adaha samafalka, iyagoo ku tilmaamay in ay caawiyaan DFKMG.

Al-Shabaab waxay ka danbaysa dilalka 23 Sarkaal oo ka tirsana Dawlada Federaalka, badankoodana ay miino jidka u dhigeen, qaarna ay tacshiirad ku toogteen.

Kooxda Al-Shabaab hore waxay u gawracday sagaal nin oo Soomaali ah, kana tirsana ciidamada Dawlada Federalka, sababta ay u gawraceen waxay ku tilmaameen in ay ragaasi diinta ka baxeen maadama ay ciidamada Itoobiyaanka ah la shaqeeyaan. Al-Shabaab waa kooxaha qaska ka wada magaalada Muqdisho, hadafkoodu wuxuu yahay in Kitaabka Quraanka lagu xukumo Somaliya.

Deeq-bixiye yaasha lagu khaarijiyay gudaha Somaliya, hadii la isku wada darro waxay gaadheen ilaa 23 qof, balse badankooda lagu dilay Koonfurta Somaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Falalka dilka ah ee loo gaysanayo deeq bixiye-yaasha waxaa ka danbeeya kooxo hubaysan, oo noqon kara kooxda Al-Shabaab iyo wixii la halmaala, deeq-bixiyeyaashii joogay Somaliya iyo Muqdisho oo la ugaarsanayo, waxay dhashay in ay Hay,adaha caalamku ka wada cararaan gudaha Somaliya, arrintaasna waxay keentay in uu dalkii bilaa Hay,ado noqdo.

Imika gudaha Somaliya, waxaa la xaqiijiyay in aysan joogin Hay,ad caalami ah oo si wacan dadka u caawisa, marka laga reebo Hay,ado yaryar oo aan aduunka ku lahayn magac sidas usii wayn, kuwa la dilayaana waa kuwaa aan magaca wayn lahayn, markaas dalkii maxaa kusoo hadhaya hadii intii yarayd ee wax caawinaysayn dilal iyo afduub loo gaysto? Waa su,aal aan jawaabteeda u daayay Akhristahayga sharafta leh!

Sanadkii 4-Dicember-2007, laba markab oo siday in ka badan 3.50 tan oo raashin gargaar ah, oo uu markab dagaal oo Faransiis ahi gelbiyay ilaa dekedda Marka, ayaa waxaa is hor taagay in la dejiyo, Madaxa ciidanka sirta ee Dawladda Soomaaliya, General Darwiish.
General Darwiish waxaa uu sheegay in amarka uu bixiyay Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed, oo yiri waa in xakameyn lagu soo rogaa gobolka Shabeellada hoose.

Gobolkaas, waxaa u soo barakacay tobanaan kun oo ruux oo reer Muqdisho ah. Gegooyinka dayaaradaha iyo dekedaha ayaa dhammaantood la xiray, waxaana amar lagu siiyay shaqaalaha hey'adaha samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa Soomaaliduba, inaysan wax dhaqdhaqaaq iyo isu socod ah ka sameyn gobolka Shabeellada Hoose gudihiisa.

Kooxda la magac baxday Al-Shabaab waxay waraaqo is daba joog ah usoo qoraan shaqaalaha ka shaqeeya Hay,adaha samafalad, iyo shaqaalaha DFKMG, iyagoo ugu baaqa inay shaqada iskaga tagaan, ama xilka iska casilaan, arrintan waxaa amar ku bixiyay ninka la yidhaah Abu Mansuur ee haysta Al-Shabaab.

Isku soo wada duubo, Muqdisho imika Hay,adihii samafalada way ka wada qaxeen badankoodu, halka qaar kale ay shaqadii joojiyeen, kadib markii afduubyo iyo dilal loo gaystay shaqaalahooda.

Deeq-bixiye-yaashi lagu dilay gudaha Koonfurta Somaliya.


Maxamed Maxamuud Khayre ka shaqaynayay Hay,ada DBG (Daryeel Bulsho Guud) la dilay, 11-July-2008 / Muqdisho

Cismaan Cali Axmed oo ahaa Madaxii xafiiska UNDP ee Muqdisho, la dilay 10-July-2008 / Muqdisho

Faarax Diiriye Aloore oo Ka tirsanaa Hay,ada (NGO) ee SOLDA, la dilay 9-July-2008 / Muqdisho

Cabdinuur Sheekh oo Ka tirsanaa Hay,ada (NGO) ee SOLDA ladilay, 9-July-2008 / Muqdisho

Maxamuud Axmed Rooble Madax ka ahaa Hay,ada (Gol-raado) ladilay ?-July-2008 Gal-hareeri

Kadeedka Dawlada Mbaghati Iyo Adkaysiga Shacabka.

Wakaalada wararka ee AFP iyo Human Wrights Watch, labaduba waxay soo saaren intii u dhaxaysay 2005-2008 in gudaha Somaliya lagu dilay 8000 oo shicib u badan, barakicinta 3 Malyan oo shacab ah, iyo burburinta guryo gaadhaya 265 guri, kufsiga 16 qof oo dumar ah, badankoodana ay kufsadeen ciidamada Itoobiyaanka ahi, gawraca in ku dhaw 50 qof oo isugu jira waayeel, caruur, haween, iyo dad rayid ah.

Dhaca, xasuuqa, barakicinta, kufsiga, dilka iyo dhamaan falalka xun xun ee ay ku kacday Dawladan Mbaghati waxay gaadheen heer uu caqligu diidayo in la rumaysto, aduun waynahana la yaab ku noqotay.

Kumanaan qoys, iyo malaayiin qof ayaa ka barakacay gudaha Somaliya, iyagoo ku dhibaataysan daafaha dalka gudihiisa, barakicintaas dadka ka danbeeya waxaa qayb wayn ka qaatay kooxaha la dagaalama ciidamada Itoobiyaanka, ee isku sheega Al-Shabaab Maxkamadaha, iwm.

Dadka Soomaali la yidhaah Ilaahay dhul iyo xoolaba waa ku manaystay, balse kuma manaysay hogaamiye-yaal wanaagsan oo dadka hogaan fiican u qabta. Xagee lagu arkay Dawlad shicibkeedi xasuuqaysa? Xagee lagu arkay Dawlad qabiil wax ku maamulaysa?

Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo,com
Sweden, Stockholm

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS