SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAA:

Reer Puntland Nabad ma Rabtaan??? 19/07/08

Bismillaah Mahad oo dhan Allaah baa iska leh Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato Nabi Maxamed.

Waxaa mudooyin kan danbe aan lasoconaa in gobolo kamida Puntland sida Gaalkacyo, Garoowe, Boosaaso IWM ay qasan yihiin oo ay kasoo cusboonaadeen qaraxyo iyo dilal is daba joog ah: Hadaba ma is waydiiney maxaa sababay dhulkii nabada ahaa in saas ay ka dhacdo mase is waydiinay nabada ma inakaa keensanay awal oo waxaan ku keensanay maal, xoog iyo caqli aandadka dheer nahay. Mise waxaa ba la oran karaa waxay ahayd amaba tahay (nabadaasi) tijaabis iyo imtaxaan lagu imtixaanayey dadka lasiiyey nabadaas taas oo u eeg mid lagu dhacay ama lagu guul daraystay imtixaankii lagu imtixaanay reer Puntlnad iyo qayrkood, imtixaankaas oo ka koobanaa Dad, Maal iyo Nabadba?

Maxaa yeelay Maalka iyo Nabaduba waa Nimco Uu Allaah kusiiyey laguguna eegayo inaad Alle ugu mahad naqdo iyo inaad ku kibirto, hadii aad ku kibirto aad na is tiraahdo waxaan waxaad ku keensatay kartidaada iyo aqoontaada waad helaysaa abaal marintaada hadiise aad Alle ugu mahad naqdo oo aadan ku dulmin adoomihiisa waad liibaani waana laguu siyaadin wanaagii.

Waxa manta ku dhacaya reer Puntland qaraxyada iyo dilalka aan wax gaystay la garareen ee hareeyey gayiga Puntland wax kale maaha ee waa mirihii ay beerteen oo usoo go’ay manta ayna guranayaan hadii aad masago ku rido dhulka Malaga yaabaa inay kaaga soo baxdo digir? Waamaya wixii aad beerato uun baa kuusoo baxaya aadna kasoo guran beertaada. HadabaWaamaxay miraha ay beerteen reer Puntland ee ay maanta guranayaan. Dabcan waalaga yaabaa in ay dad badan fahansan yihiin dadkaloo badana ay san waxba ka ogayn kuwo kalena iska indha tirayaan. Mirahaas waa Dulmi, (haa dulmi wax kale maaha Akhristoow bal ka fiirso hadii ayna run kula ahayn manta kolay maalin bay kuu cadaane)

Hadaba yaa la dulmiyey seese loo dulmiyey? Way iska cadahay baan umalaynayaa hadaan indha layska soo tuurayn cida la dulmiyey waa Ibni Aadam, waa Muslim waana Soomaali tolow maku baraagur sanahay mise?

Sidee ayaa loo dulmiyey? Waxaa loo dulmiyey oo lagu dulmiyey Ciidamada iyo Dakhliga Puntland. Waxa kusoo hogaamiyey Itoobiyaanka waa reer Puntland. Kuwa Askarta isku sheegaya ee garabtaagan Xabashidu waa reer Puntland. Hantida iyo maalka reer Puntland ayaa lagu taageeraa Xabashida iyo waxa wata. Wiilasha Soomaalida ah ee lagu qabqabto Puntland Xabashidaa loo dhiibaa. Sidaas oo ay tahay siday u badan yihiin reer Puntland way wada taageersan yihiin kii aan wiilkiisu la socon maalbuu ku bixiyaa kii aan maal kubixina qalbiguu kala socdaa oo uu ku faraxsan yahay in Muslimiinta saas loo xasuuqo oo dumarka muslimiinta ah ay suuqyada nabad ku mari waayaan. Dadka dhiba Muslimiinta iyo Muslimaatka hadana aan ka toobad keenin ee saas ku dhintana waciid (goodi) aad u adag baa ku soo aroortay Qur’aanka kariimka ah

Hadaba yaa ina yiri madaxdiina ku raaca oo ku adeeca xumaanta iyo Muslim naceebka (Allaah taas ma dhihin ee halaga fiirsado)

Hadaba hadii aan nabad doonayno aan Allaah usoo noqono noqosho dhab ah. Maxaa yeelay Allaah (Subxaanahuu watacaalaa) “Alle ma badalo qowm ilaa aybadalaan iyagu waxay ku sugan yihiin”.(Hadii aysan Iyagu Isbadalin waxay nafafyaalkoodu ku sugan yihiin) hadaba side baan Allaah ugu soo noqon karnaa si dhab ah, waxaan ugu soo noqon karnaa in aan uga soo horjeedsano shaqsi shaqsi dhibka lagu hayo Muslimiinta. Ogow hadii aadan adigu maal iyo gacan midna ka gaysanayn dhibka Muslimiinta laakiin aad qalbiga kala socoto in aad la mid tahay kan dhibka gaysanaya. Marka hadii aad awoodo akhristoow isku day in aad wacyi galiso dadka kataliya xumaha iyo dhibka Soomaalida, taas hadii aadan awoodin Idaacadaha iyo Televisionada ka cambaaree oo isku day in aad afkaaga u isticmaasho intaas hadii aadan awoodin website yada ku qor wacyi galin iyo waano. Intaas hadaadan awoodin naftaada ka xakamee in aad adigu taageerto oo gacan ka gaysato Dulmigaas aan soo sheegnay una Ducee in Alle ka saasro dhibka Dhamaan umadaha Muslimiimta ah. Bi’idni Laah waanka baxaynaa dhibka hadaan nahay Muslimiin oodhan mar ay ahaatoba.

Intaas baan kusoo gaba gabaynayaa wixii aan saxay Allaah (Subxaanahuu watacaalaa) baa I haleeshiiyey maa aan u mahad naqayaa wixii aan gafayna ama aan khaldayna Alle baan dambi dhaaf waydiisanayaa

W/Q: Hoodo Mahad Jaamam
Email: hoodo_adoontiialle@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS