Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta Dibu-xoreynta Saleebaan Colaad
Rooble ‘…anagu waan guda galney isla maalintii la sixiixey heshiiska
meemarintiisa’ shir jaraa’iid
Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha dhexe ee
Isbahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliaya Mr. Saleebaan Colaad Rooble oo
shir jaraa’id ku qabtey Hoteel IMPERIAL ee Caasimada Dalka Jabuuti ayaa
shirkiisa jaraa’id ku sheegey waqtiga ugu dambeeya shirkii labaad ee
Golaha Isbahaysigooda, qodobada ugu muhiimsan Ajendayaashooda iyo xiliga
oo soo gebageboobayo.
Md. Saleebaan Colaad Rooble isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxaa uu
yiri ‘“Sida qorshuhu yahay kalfadhigeena labaad marka uu furmo waxaa ugu
horeyn warbixino laga dhegeysan doonaa xubno ka tirsan isbaheysiga oo ka
kala yimid gudaha iyo dibedda, waxaa keloo si gaar ah diirada loo saari
doonaa arrimaha shirka dib u heshiisiinta Jabuuti , la xisaabtanka
xafiisyadooda kala duwan iyo Qorshaha mustaqbalka Isbahaysiga, xiligaan
iyo midka fogba”.

Saleebaan Colaad Rooble
Saleebaan Colaad waxaa kale oo uu sheegey in shirka uu bilaaban doono
maalinta Sabtida ah oo ay Taariikhdu ku began tahay 19/07/2008,
islamarkaana uu socon doono mudo Shan maalmood ah, inta badan xubnaha
Goluhuna ay xaadir ku yihiin Jabuuti, islamarkaana ay Saxaafadu ay
indhaheeda ku arkidoonto tirade rasmiga ah ee ka soo qaybgaley shirka.
Saleebaan Colaad Rooble mar aan weydiiyey ma jiraa tilaabo xaga nabada
uu u qaadey isbahaysiga, wixii ka dambeeyey heshiiskii lagu gaarey dalka
Jabuuti, ayaa waxaa uu ku jawaabey
‘waad dareemi kartaa markii heshiiska lagu gaarey Jabuuti wixii ka
dambeeyey xubnaha Isbahaysiga waxay bilaabeen in xubnaha Is-bahaysiga
meelkasta oo ay joogaan la gaarsiyo, wixii ka soo baxay shirka iyo
Taageerayaasha Is-bahaysiga ee ku sugan dalka iyo dibadaba, anagu waan
guda galney isla maalintii la sixiixey heshiiska meemarintiisa
Sidoo kale mar la weydiiyay mas’uulkan bal in laga yaabo in
kalfadhigooda ay ka soo qeyb gelidoonaan garabka Asmara, maadaama
todobaadyadii ugu dambeeyey ay ka soconayeen magaalada Sanca shirar lagu
dhex dhexaadinayo, inkastoo uu sheki geliyey ka soo qaybgalkooda waxaa
uu ku jawaabey
“Anagu dhamaanba qeybaha kala duwan ee isbaheysiga casuumaadeena waan
gaarsiinay, xubnaha Asmarana qeyb ayey ka yihiin dadka la casuumay,
waase laga yaabaa in waqtiga oo dhow owgiis ay u suurto geliweyso ka soo
qeyb galka shirka”.
Hase ahaatee kalfadhigaan Golaha Dibu-xoreynta ayaa wuxuu ku soo
beegmayaa iyadoo aan wali heshiis rasmi ah, aysan ka gaarin khilaafkii u
dhexeeyey oo ay ku kala qaybsameen wixii ka dambeeyey heshiiskii Jabuuti
oo ay ku kala sixiixdeen DFKMG iyo inta badan Mas’uuliyiinta
Is-bahaysiga Dibu-xoreynta, taasina waxay muujinaysaa in Koox kasta oo
soo baxda oo sheegata in arimaha Soomaaliya ee murugsan ay wax ka
qabandoonto, wixii ka dambeeyey aas aaskeeda, ay u kala jabaan laba
garab, xili kasta oo loo qabto shir muhiim u ah, Arimaha Soomaaliya.
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2008
|