SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Guddoomiyaha degmada Boondheere oo ku eedeeyay Maxamed Dheere inuu soo weeraray Gurigiisa, islamarkaana ay ciidamadiisa lacago ka qaateen halkaasi

Guddoomiyaha degmada Boondheere C/laahi xirsi wardheere (Istakiin) ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo uu wato Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ay
Weerar ku soo qaadeen Gurigiisa, wuxuuna sheegay inay wax u dhibeen Gabar u shaqeysa isaga iyo xaaskiisa, isagoo xusay inay alaabo iyo lacago ka qaateen Gurigiisa.

'Maxamed Dheere ayaa la socday Markii ay ciidamadiisu soo weerarayeen Gurigayga, mana garanaayo sababta keentay inay ciidamadaasi oo uu la socdo Gudoomiyaha Gobolka u weeraraeen Gurigayga oo ay u jebiyeen albaabka Gurigayga' ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Boondheere.

C/laahi xirsi wardheere (Istakiin) Gudoomiyaha degmada Boondheere waxa uu sheegay in sababta uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir u soo weeraray gurigiisa ay tahay in ay qabteen qaar ka mid ah Ciidamada Ilaalada u ah Maxmed Dheere oo dhac ka geysanaaya Degmadooda, kuwaasi oo uu sheegay inay haatan ku jiraan xabsiga Degmada Boondheere.


Claahi xirsi wardheere (Istakiin) Gudoomiyaha degmada Boondheere1

'Waxaa shacabka naga saran Xil weyn, kaas oo ah inaan ka difaacno Burcadda wadata Dharka ciidanka ee gacma gacmaysanaaya Shacabka, waana u sheegnay inaan ciidamadaasi qabanay Maxamed Dheere' ayuu yiri C/laahi xirsi wardheere (Istakiin) Gudoomiyaha Degmada Boondheere oo sheegay

Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Boondheere waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu u tagay isaga, islamarkaana weydiiyay sababta uu gurigiisa u weeraray iyo inuu ku qaldamoomay, wuxuuna igu yiri, 'Waxaa la sheegay in gurigaan bambooyinka iyo waxyaabaha Qarxa lagu sameeyo, sidaasi ayaana loo weeraray'.

'Waxaa wax lala yaabo ah in anigoo gudoomiye ah uu sidaasi igu yiraahdo' ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Boondheere C/laahi xirsi wardheere (Istakiin), wuxuuna sheegay inuu wergeliyay xadgudubka lagula kacay madax fara badan, wuxuuna sheegay in isaga ay doorteen shacabka, iyagana ka qaadi kara xilka Gudoomiyenimada ee Degmada Boondheere.



Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 18, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS