MAQAAL NABADEED (PEACE APPEAL) Wednesday, July 16, 2008
- Ku Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug
- Ku Isimada, Odayaasha dhaqanka, Culumaa’udiinka,
Hooyooyinka iyo dhalinyarada gobolka Mudug
- Ku Siyaasiyiinta, qorbo joogta iyo ururada bulshada ee
gobolka mudug
- Ku Bulshada caalamka iyo hay’adaha gargaarka
Ujeedo: Baaq nabadeed
Tacsi
Waxaan marka hore halkaan uga tacsiyeynaynaa dhammaan
intii ku dhimatay qulqulatooyinkii iyo dilalkii ka dhacay
magaalada Galkacyo bishaan iyo bishii la soo dhaafay waa June
iyo Jully horaanteeda. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynaynaa
qoysaskii ay ka Geeryoodeen Alle ha u naxariistee marxuum Ali
Jamac Bihi, Yasiin (Fitilig) Hasan Ahmed Ali (hasan yare) iyo
C/risaaq farabadane (ka warqabe) oo intuba ahaa dad magaalada
caan ka ahaa oo isugu jiray ganacsato, oday dhaqameedyo iyo dad
nabadda u ololeyn jiray.
Galkacyo:
Galkacyo waa magaalada madaxda Gobolka mudug, waa
magaalo qadiimi ah waana magaalo wadooyin badan ku furanyihiin
isla markaasna ku taalla Bartamaha Somalia. Galkacyo waxay ka
mid tahay magaalooyinka ay saameeyeen dagaaladii sokeeye ee
dalka ka dhacay. Galkacyo waa magaalada kaliya ee Somalia oo ila
hada uu ka shaqeeyo heshiis nabadeed oo la gaaray 1993-dii
Heshiiska:
Waxaa lagu wada degan yahay magaalada Galkacyo waa
heshiiskii ay wada gareen hogaamiyayaashii siyaasadda iyo kuwa
dhaqanka ee ururadii markaas dalka ka talinayey oo ay ka mid
ahaayeen SSDF, SNA iyo SNDU 15kii January iyo 27 march 1993-dii.
Runtii heshiiskaas aad ayaa looga faa’iidaystay waxaana
mahadeeda leh Allah Subxaanu wata caalaa iyo intii ka soo
shaqaysay oo ay hormuud ka ahaayeen Gen. Mohammed Faarax Caydiid
iyo madaxweynaha Dowladda Somalia mudane C/laahi Yussuf Ahmed.
Qodobadii Heshiiska.
Qodobadii heshiiskaas oo ahaa mid lagu diirsaday
laguna barwaaqoobay waxaa ka mid ahaa qodobadan;
- In gobolka lagu soo celiyo nabadgelyo buuxda iyo in lagu
dhawaaqo in la joojiyey isticmaalka dagaalka iyo fidnada
(denunciation of the use of force and violence)
- Wixii caqabad ah in lagu xaliyo waddo nabad gelyo,
lagana dheeraado isticmaalka dagaal iyo awood ciidan.
- Dhulka Somalia Somalibaa leh qof walbana wuxuu degi
karaan, ku noolaan karaa kana shaqaysan karaa meeshii uu
doono oo Somalia ka mid ah; lakiin hadana qolo walba waxay
xaq u leedahay in lagu ixtiraamo meeshii ay degi jirtay
dhaqan ahaan (clan area will remain under the jurisdiction
of the clans living traditionally in that territory)
- Waa in si dhaqso leh oo shuruud la’aan ah la isugu
celiyaa hantida ma guurtada ah iyo hantida kale ee la kala
dhaco iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Maamullada Puntland iyo Galmudug:
Waxaa muuqata in nabaddii Galkacyo ay ku caano
maashay iyo wada hadalkii iyo xiriirkii waxgaradka magaaladu
samayn jireen la dhinac marayo oo, ay muuqato is mutuxin,
ismuujin, iyo hadalo colaad dhalinayaa in hawada la isku
marinayo, Waxaadna moodaa dadka sheeganayaa in ay maamul ahaan
magaalada gacanta ku hayaan ay dayaceen nabaddii dhibka iyo
samirka loo soo maray una bedelayaan colaad ay dadka dhex
dhigayaan meeshii looga fadhiyey in ay nabadaas sii balaariyaan
gaarsiiyaana horumar xag dhaqaaale iyo isku xir bulsho (Economic
development and Social integration). Taasna waxay muujinaysaa in
aysan geyin masuuliyadda ay sheeganayaan.
Digniin:
Waxaan uga digaynaa bulshada ku dhaqan goboka mudug in
ay ogaadeen jiritaanka ummado badan oo ka xun nabadda, wada
deganaasha iyo horumarka ka hirgalaya gobolkiina. Waxaan kale oo
uga digaynaa bulshada gobolka Mudug dayaca, dacaayadaha maran
iyo wax qabad la’aanta Maamulada sheeganaya in ay masuul ka
yihiin gobolka, kuwaas oo ku guul daraystay in ay wax ka qabtaan
xataa boqolkiiba shan hawshii loo igmaday una jeestay iska
horkeenaka bulshada iyo fushiga danahooda gaarka ah ee dhaqaalo
siyaasadeed.
Maxaa la gudboon madaxda maamulada:
Waxaa la gudboon dadka madaxda ka ah maamulada
Puntland iyo Galmudug oo ay ugu horeeyaan Cade Muuse iyo Kiimiko
inay ka shaqeeyaan rabitaanka dadka oo ay ugu muhiimsan tahay
nabad gelyada, soo celinta sharciga iyo kala danbaynta (Law and
order) horumarinta ilaha dhaqaalaha, horumarinta caafimaadka,
waxbarashada iyo abuuridtaanka shaqooyin kuwaas oo laf dhabar u
ah bulshada.
Qurbo joogta:
Waxaan ugu baaqaynaa qurbo joogta u dhalatay
gobolka mudug in ay u istaagaan raadinta iyo taageeridda nabad
buuxda oo ka jirta kana hirgasha gobolka mudug gaar ahaan iyo
guud ahaan Somalia oo idil. waxaan kale oo idiinku baaqaynaa in
aydnaan ka qayb qaadan wax kasta oo fidno dhalin kara labada
dhanba kana qaybqaadataan arrimaha bulshada iyo horumarka
gobolka.
Waxaa loo baahan yahay:
Waxaa looga baahanyahay shicbiga ku dhaqan gobolka
mudug iyo guud ahaanba labada shacab ee walaalaha ah in ay
qaadaan tilaabooyinkaan soo socda;
- In ay istaagaan waxgaradkii, odayashii dhaqanka,
culumaa’udiinka, hooyooyinka dhalinyarada oo runtii qayb
lixaad leh ka qaadan karta nabad gelyada gobolka iyo guud
ahaan qeybaha bulshadu, kana shaqeeyaan nabadda iyo
horumarinta gobolka Mudug.
- Waa in la caanbaareeyaa lagana hortagaa dhamaan wixii
fidno dhalin kara sida hadalada colaada xanbaarsan ee hawada
la isku marinayo iyo isticaalka fidnada.
- Waa in gacan bir ah oo wada jir ah lagu qabtaa,
cadaaladdana la horkeena dadka gaysanayaa dilalka qorshaysan
oo bilaa ujeedada ah, lana fahmaa danta laga leeyahay in ay
tahay oo kaliya in laga dhex abuuro walaalaha wada degan
gobolka colaad iyo dagaal sokeeye oo horleh.
- Waa in la soo celiyaa wada shaqayn buuxda oo dhex marta
qaybaha bulshada oo ay ugu horeeyaan dadkii nabadda ka soo
shaqayn jiray.
Gargaar bini aadanimo:
Bulshada ku dhaqan Gobolka mudug waxay la
ildaranyihiin sicir barar, abaaro ba’an iyo nabad gelyo xumo
(Inflation, Droughts and lack of peace). Hadaba waxaan ka
codsanaynaa United Nations-ka International community-ka iyo
local NGOs ka in ay la soo gaaraan gargaar deg-deg ah oo binu
aadannimo dadka ku tabaalaysan gobolka Mudug iyo deegaanada ku
xeeranba.
Gabagebo:
Markasta oo ummadi u istaagto ama isu xilqaanto wax
maslaxad u ah ummadda inteeda kale waxaa ka horyimaada caqabado
badan oo kaga imaanayaa dadka wax ma garatada ah iyo kuwa ku
nool fidnada iyo dhiigga dadka (thugs and culprits) kuwaas oo
marwalba fiirsada dantooda dhaqaale iyo siyaasadeed marnana aan
u naxay ummadda inteeda tabarta daran. Sidaas darteed, yaan dheg
jalaq loo siin kuwaas hana loo dhabar adaygo nabadda.
Bulshada ku dhaqan gobolka mudug oo muddooyinkaan danbe
ay soo daashadeen dhibaatooyinka aan kur ku soo sheegnay oo ay
ka mid yihiin sicir bararka, abaaraha iyo amni xumidu ma
doonayaan in loogu daro colaad iyo dagaal sokeeye oo hor leh
diyaarna uma han arrintaas. Balse bedelkeeda waxay doonayaan
nabad, horumar iyo wada noolaansho.
Mahadsanidin
Mohammed Abdi Mohammud
Social activist
Hyderabad India
Email:
baldho12@yahoo.com
Phone: +919 989 255 394