Dhaqtarkii ku dhayilaa ma dhalan weli, ee dhagaxtuurka sii baro!!!
Waan idin salaamay dhamaan akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha lahoow. Sida la
wada ogsoon yahay bulshada caalamka oo idil ee maanta nabadda iyo badhaadhaha ku
wada nooli waxay soo mareen marxalado kala duwan iyo mawjado mushaakilo ah oo
soo taxnaa ilaa Xaawo iyo Aadan, kuwaas oo ahaa qaar dabiici ah iyo qaar dad
samee ah labadaba ilaa haddana socda. Mar walbana waa inaan ogaanaa in inta qof
bani,aadam ahi nool yahay uu mushaakilkuna jiri doono. Nolol bilaa mushaakil ahi
suuragal kama aha dunidan aynu maanta joogno. Ti kastaba ha ahaatee bulshada
calamku si wada jir ah ama kala gooni gooni ah ayay ula dagaalamaan
dibaatooyinkaas oo dhan intii awoodooda ah, runtiina way dadaaleen oo qaar badan
ayay wax ka qabteen ama ka takhaluseen.
Dagaalada ahliga ah ee maanta dhulkeena ka jira way jirtey mar ay haysteen
iyagaba, laakiin nasiib wanaag way ka tashadeen, way ka wada hadleen,waxayna
garteen dantooda oo ah inaan dagaal horumar lagu gaarin dibu dhac iyo bur bur
mooyee. wanaaga ay maanta haystaana waxa hantisiisay xalkii dhibaatooyinkii
shalay haystay ee ay ka guureen.
Haddaba akhristoow in kastoo ay fiicnayd inaynu inaga lafteenu taariikhdoodaa
madoobeyd ku tusaale qaadano oo wax ka barano si aanu uga badbaadno
dhibaatooyinkii dunida soo aafeeyey, ayaa ilaa hadda aynaan isweydiinba intaynu
maskax fiyoow ku gorfayno xaajada, meesha salaaddu ka xirmi la,dahay oo weli aan
burbur iyo bara kac ku jirnaa,ilmaheeniina cidla aan ciirsi lahayn ku daryeel
la, yahay oo uusan haysan cunto,dawo,hooy iyo adeegyadii uu xaqa u lahaa oo
idil.
Waxa maanta jooga qofkaan garani beri waxa soo socda ma garto, waxna kama qaban
karo. marka miyaaney fiicnayn qofka maanta hal xabbo oo roodhi ah haysta inuu
jab berri u dhigto ileen wax dhici doona lama ogee,si aadan berri u gaajoon ood
u badbaaddo.
Jiilasheenna dambe inama saamixi doonaan oo aayahoodii iyo mustaqbalkoodii
ayaynu mugdi gelinay inteenna maanta nooli, meel kasta oo aynu joogno,xabaashii
aayaheena ayaa la qodayaa markaasaynu daawanaynaa.Qofna daah kama saarna waxa
dadka iyo dalku ku danbeyn doono Daawanaayoow waa dalkaagii ceelna uma qodna
ciidana uma maqna. Dhinac walba ayaa dagaalka iyo dabkaba lagaa geliyey. waxa
lagaala dagaalamayaa waxbarashada,afkaaga ,tarankaaga. Mustaqbalkana waxaan
noqon doonaa umad la leeyahay oo aan dal,af iyo astaan u gaar ah toona lahayn,
xataa taariikhdaadaa la aasayaa (duugayaa). Markaasaad adna reer qurac iyo reer
qansax isu sii kala saaraysaa oo naftiina iyo hantidiinaba ku baabi,inaysaan.
Taariikhda adduunka waa la arkay qof xanuunsaday oo is dilay,laakiin lama soo
sheegin qof intuu xabbad soo qaaday qof u cadow ah oon u jiir naxayn ku yiri
hooyoo igu dhufo aan iska dhintee, waa ta ina haysata maanta. Ninka is leh
wadamo nabad ah baan ku noolahay oo dhibku na soo gaari maayoow waad riyoonaysaa
ee waxaan ku leeyahay hurdaayoow hadh galay weeyee ka toos. Riyo maalmeedkana
waa laga fiican yahay.
Wadamada aynu ku nool nahay maaha waddan aan u dhalanay,xataa ubadkeena ku
dhashay weligood kumanaan sano oo dambe oo soo socda ma noqonayaan dad xuquuq
buuxda ku leh dhulkaas si kastaba ha ahaatee.
Adigoo dameer ah haddii rinjiga dameer farowga(zebra) dusha lagaa mariyo, dano
gaar ah oo lagaa leeyahay dartood, ogoow in rinjigaasi uu maalin maalmaha ka mid
ah kaa masaxmi doono oo aad dameerkaagii noqon doonto.
Haddii shalay Mr X uu khaldamay oo walaalkiis oo markaas uu cadow u arkayey
gowracay, isagoo u malaynaya inuu wax wanaagsan samaynayo, jaahilnimo haysay
darteed uu halyeeyo maanta laga yaabo inay isaga gabood u noqon lahaayeen uu god
ku riday, ileen qalad laguma saxo qalade(Two wrongs don't make a right) in Mr Y
isna yiraa waa markaygii miyay quman tahay?? Goormaan ogaanaynaa in wiilka ama
gabadha Soomaaliyeed meel kasta oo uu ku dhinto ay tahay lug inaga go,day?
goormaan ogaanaynaa in ilaahay maalin maalmaha ka mid ah wax inaga weydiin doono
ilmaha soomaaliyeed ee dhiban meel kasta ha joogee?? Maxaa keenay in ilmaha
soomaaliyeed iyo hooyada soomaaliyeed ee ooyaya maalin iyo habeen ka ayaan
darnaadaan dhigooda wadamada kale ee farxadda ku dhasha, ku barbaara kuna
gabooba??
Akhristoow waxaynu nahay ummad waalan oo madaxa lagaga jiro ee ma is weydiiseen
waxa ina haya?? Anigu markaan shaqsiyan taariikhda dib u raacay waxaan u
maleeynayaa berigaan yaryareyn markaan kubadda ciyaareyno waxaan ku ciyaari
jirney bilaa kabo, (Raali iga ahoow saaxiibkayga leh anigu kabaan ku ciyaari
jiray oo libaax sanka taabtaan ahaa,waxaan ka hadlayaa majooratiga soomaalida).
markaa kubadaha markaa waddanka yaalay oo aad u yaryaraa dartood ayaa maalin
walba qofbaa dhagax amaba dhulka laada markaasuu dhiig ka yimaadaa. waxaanu isku
daweyn jirney budada madoow ee ku jirta baytariyada oo meesha dhaawacu naga
gaaray ee dhiigaysa ku shubi jirney,wax yar oo madow oo baytariga ku jirta oo
sida xanjada oo kale ahna xanjaan ka dhigan jirney oo waan calashan jirney.95%
dadkaan weydiiyey inay baytariga isticmaaleen waxay ii sheegeen inay
isticmaaleen. waad ogtihiin oo baytarjga waa sun, dhulkan aynu joogno qashinka
kale xataa laguma daro ee gaar ahaan baa loo ururiyaa maalin gaar ahna waa la
qaadaa. Waddanka Holland reer kasta waxa la siiyaa biin loogu tala galay
baytariyada oo qudha, bishiina 2 jeer baa la qaadaa. hadaba akhristoow 'radio
active' dhiiga inoo raacay ayaa maskaxdeena fadhiya ee ilaahay ha inaga daweeyo.
Ugu dambeyntii akhristoow maadaama oo aynaan fayoowbeen, dhaqtarkii ina dhayi
lahaana uusan weli dhalan miyaysan habooneyn inaynu Mohamuud Cabaas-Ka Falasiin
ka codsano inuu deeq waxbarasho u fidiyo da'yarta soomaaliyeed si ay u soo
bartaan dhagaxtuurka ama sida dhagaxa loogula dagaalamo taangiga cadowga,
maadaama mustaqbalka dhow dariiq kasta,tuulo kasta, magaalo kasta iyo gobol
kasta lagu arki doono taangiyada cadowga oo difaac kaga jira haddaan xaaldda
maanta jirta layska wada kaashan oo wax laga qaban.
wa bilaahi tawfiiq.
Ing.Farhan fagah fagah
farhangacaliye@hotmail.com