Xiriirkii siyaasiga ahaa ee dhexyiil
Muslimiintii Saylac iyo Nasaaradii Xabashida
Qarniyadii dhexe
1250-1543M
- Qaybta Koowaad -
Qof xog
moog in aad tahay iyo xogtii jirtay in lagaa
qarsaday, waa isku mid oo labada goorba qof aan
wax ogayn oo xog moog ayaad tahay!. Waliba
xaaladda hore, haba yaraatee, wax uun canaan ah
waa laga soo jeedin karaa, midda dambase, adiga
xogta laga qarsaday in la canaanto meesha ma
le-eka. Balse, canaan culus iyo dambi cafin aan
lahayn waxaa dusha laguu saari karaa markaad;
qaddar xogtii lagaa qarsaday ah ay ku soo
gaadho, oo lagaa waayo dareen kugu dhaliya, xog
kororsi ama xuuraan oo, aad isku waydiiso;
“horta, sidee, wax u dhaceen ?!, xaaladda taagan
maanta, maxaa ka horreeyay?”. Xiriirkii
siyaasiga ah ee soomaali iyo xabashi dhexyiil,
heer caynkee ah ayuu soo maray, maanta wixii ka
horreeyay?!”. Duruufaha duwaliga ah, shalay iyo
maanta, saamayn jaadkee ah ayay lahaayeen?.
Haddaba,
iyada oo dad badan oo soomaali ah ay ila
wadaagan iswaydiinta ah; duullaanka xabashi
maanta soomaaliya ku soo ekaysay; xididadiisu
halkee ku siman yihiin?. Immisa qarni ayay soo
jiitantay?. Tilmaan caynkee aha ayuu dulanku
shalay lahaa, maantase lee yahay?. Mar walba,
xabashi ma la soo garabgalay, mise waa
kaligeed?. Ujeedada qarsoon, yoolkeedu waa
halkee?, iyo kuwee ahaa yeen Boqortooyooyinkii
iyo Saldanadihii Islaamiga ahaa oo la
burburiyay, dalkoodina la isku ballaariyay?.
Waxaan
qirayaa, aniga oo ka xun,; in aysan sheekada aan
ku sheekaysanno marra dhaafin; “waa baan
Amxaaro hilbo ceeriin in ay cunto badnay
iyo Axmad Gurey ayaa xabashi buurta saaray”.
Si daraadeed; marra, muran wuxuusan ka taagnayn;
ruuxa wixii soomaali iyo xabashi (todaba
Qarni iyo Qarni barki, 750 sano ku dhawaad)
ka dhex dhacay, warkeed
aan qabin, maanta in ay ku adagtahay, garashada
waxa xabashi Muqdishow u joogto, oo gobol kasta
oo soomaaliya ka mid ah ay u taagantahay.
Maskaxdii xogtaa oo, aan wax yar ka iftiimin
doona ka maran, la yaab ma laha; “diiday iyo
maya” haddii laga waayo oo, dhankii la rabo
loo rogrogto.
Runtii
“Caano qubtay dabadoodaa la qabtaa”;
haddaad rumaysantahay oo aad go’aansato; heerka
fahamkaga dhulballaarsiga xabashida in aad
kordhiso; waxaad akhrisaa ugu yaraan saddex
kitaab oo, mowduuca ka hadlay. Mid waa asalkii,
labana waa isagii oo faahfaahsan iyo isla asagii
oo kooban:
Midka Koowaad:
waa kan asalka ehe waa;
“Tuxfat
Alzamaan”
oo loo yaqaan (FUTUUX
ALXABASHA
–
Furashadii Xabashida-)
oo uu qoray “Carab Faqiih” oo
dagaalladii; Imaam Axmad Guray
(Allaha u naxariistee) xabashi Buurta ku
saaray oo idil arkay. Buugga asalkiisu afcarabi
ayuu ku qoranyahay. Hadda waxaa loo rugay
afsoomaali. Nqulkaaga (Cope-gaaga) in aad soo
furato (soo gadato) waa talo habboon oo wax
badan oo aad moogtahay aad ku ogaan.
Midka Labaad:
waa
(ALCILAAQAAT ALSIYAASIYA BAYNA
MUSLIMII SAYLAC WA NASAARAA ALXABASHA FIL QURUUN
ALWUSDHAA) Xiriirkii siyaasiga ahaa ee dhexyiil
Muslimiintii Saylac iyo Nasaaradii Xabashida
Qarniyadii dhexe
oo soo baxay 1985tii. Afcarabi ayuu ku
soo baxay.
Midka saddexaad:
waa
(INNAGA IYO XABASHI)
Taariikhda Dahsoon Ee Soomaaliya Iyo Xabashi.
Waxaa qoray Maxamed Axmed Al-caamirio 1999kii.
Afsoomaali ayuu ku
soo
baxay.
Saddexdaa Kitaab;
waxay mudanyihii
in ay ka mid noqdaan kutubta laga mariyo goobaha
cilmiga laga raacdo sida; Masaajidda oo laga
akhriyo Kitubta “Siyarka iyo
Futuuxaadka”,Islaamiga ah. sidoo kale,
muxaadarooyinka. Maanta, wacyi galinta qofka
soomaaliga ah waxay ka mid tahay baahiyada
taagan!.
Kitaabka
labaad oo uu qoray
Dr.
Maxamed Cabdulxaliim Rajab,
labada kitaab oo kale aad iyo aad ayuu uga
afdheer yahay waana baritaan iyo diraasad
Jaamacadda Qaahira.“Geeska Afrika” ka
samaysa oo uu diyaariyay; Dr.Rajab.
Haddaba, waxaan waajib iyo wax qumman u arkay;
qaddar ararta kitaabka ah iyo gunaanadka oo idil
in aan akhristaha, gaar ahaan, inta aan sheekadu
u bilownayn uga dhigo; maskax kaakicin (Brain
storming) iyo dareen baraarujin, aan
isleeyahay; “waa intaa oo ay u ficiloodaan
diintooda, dadkooda iyo dalkooda, markaana la
isla qaato kacdoonka dalka ka socda. Waxaan ku
fakaray ugu yaraan; akhristaha ha isugu xirmaan
dhacdooyinka shalay iyo kuwa maanta. Xaqiiqo,
waxaa ah ujeeddo la’ aan cidina inaysan u
duulin. Dawlad masiixi ah, oo dawlad muslim ah;
in ay dumiso mooyee!, dhis oo cagaheeda ha isku
taagto, dadkeedana Masaajid waawayn ha u dhisto
ku hawlan, hore looma arag, haddana la arki ma
doono!.
Gabagabada, waxaan ku soo bandhigi doonaa
iswaydiimo maskaxdayda ku soo dhacay intaan
qoraalka diyaarinayay, khariidado (Maps) dhawr
ah oo muwduuca la xiriira iyo masawir soomaaliya
shalay iyo maanta tilmaan u ah.
Dr.Cabdulxaliim Maxamed Rajab; ararta
kitaabka wuxuu ku bilaabay:
(Lagama
maarmaan waxaa ahayd in kitaabkan
(ALCILAAQAAT ALSIYAASIYA BAYNA MUSLIMII SAYLAC
WA NASAARAA ALXABASHA FIL QURUUN
ALWUSDHAA)
uu u soo baxo dadka, maxaa yeelay; waxaa
laga yaabaa in dad badan oo hadda xog moog in ay
arkaan taariikh run ah iyo dhabta xiriirkii ka
dhexeeyay xabashadii nasaarada ahayd iyo
boqorradii Saylac[1]
oo muslimka ahaa oo wada dagganaa
“GEESKA
AFRIKA”.
Waxaa dhacday rag taariikhda baara; in ay
xiriirkaa u sawireen si runta aad uga fog. Qaar
waxay u sawireen; dagaal laba shacab oo daris ah
dhex-maray, mana aysan xusin waxyaabihii dhabta
ah oo dagaaladaa dhaliyay. Qaar kale, waa ka
warwareegeen xusidda loolankii dhacay iyo
raadkii uu ka tagayba. Halka qaar kale, arrinka
oo dhan u sawireen; shacab boqoradoodi ku
caasiyay oo la edbinayo ama boqorradii
xabashida oo boqorro iyo salaadiin muslim ah
dadwayne ku kacay ka aamusinaya, dawladnimadana
u ilaalinaya!!).
Haddaba;
silsiladdu (shalay iyo maanta) si ay isugu kaa
xiranto, wax uunna aad ka ogaato; xididdada
duulaanka xabashida; waxaad dhug u yeelataa
sadarada soo socda, dabadeed; waxaad raadsataa
cid aad ka kororsato ama meel kale aad ka sii
akhrisato.
Qoraagu
kitaabkiisi sidatan aan soo koobay; ayuu ugu soo
bandhigay sagaalkii Imaaradood oo Islaamiga ahaa
oo “Geeska Afrika” ka dhisnaa qarniyadii
dhexe:
1.SALDANADDII AWFAT:
Saldanadda, waxaa loogu magacdaray caasimaddeedi
oo ahayd Awfat, waxay ka mid ahayd
magaalooyinka ugu wayn “Geeska Afrika”. Irridda
laga galo Badda Cas ayay ka saarrayd koofur
Galbeed waxayna ahay barta isku xirta Boqorrodii
Islaamka oo Saylac iyo Masar, Xijaas iyo Yaman.
2.SALDANADDII CADAL:
Cadal teeriyo 805H/1402M waxay ka
tirsanayd saldanaddii Awfat, hase
ahaatee; kolkii ay dhacday Awfat waxaa
baddalkeed soo baxay Dawladdii Cadal oo
ay horkacayaan isla qoyskii xukumay saladanadii
Awfat. Cadal, waxay dhacdayl
dhulka u dhexeeya magaaladii dakadda ahayd,
Saylac iyo HARAR. Saldanaddan magaceeda
waxay ka qaadatay dakaddii Cadal oo
dhacday Gacanka TOJORRA[2].Dawladdaa
waxay jabtay 939H/1543M, waxayna ku soo uruurtay
dawlad yar oo u dhaxaysa xeebaha Saylac iyo
Soomaaliya.
3.BOQORTOOYADII
FATGAR:
Boqortooyadan waxay u dhaxaysay
Saldanaddii Awdal, gobolka Harar
iyo Shawa. Boqortooyadan waxay lahay
mudnaan wayn, maxaa yeelay waxay dhacday wadnaha
(bartamaha) boqortooyadii islaamiga ahayd oo
carradaa ka jirtay. Ciddii iyada ka talisa waxay
awood u lahayd weerar dhan kasta ah in ay qaadi
karto
4.BOQORTOOYADII
DUWAARO.
Boqortooyadan waxay dhacday koofurta saldanaddii
Awfat iyo koofur bari ee boqortooyadii
Fatgar. Qaab nololeedkeeda siyaasiga ah
wuxuu la mid ahaa boqorradii muslimiinta ee ka
horreeyay.
5.BAQORTOOYADII BAALI:
Boqortooyadii Baali waxay dhacday
koofurta Fatgar iyada iyo boqortooyadii
Duwaara waxaa u dhexeeyay Wabi
Shabeelle. Dhulkeeda ayuu ka soo burqadaa
Wabi Jubba oo koofurta Soomaaliya kaga dara
Badwaynta Hindiya. Boqortooyadaa
dhulkeedi waa gobolka hadda loo yaqaan Baali oo
hadda Itoobiya ka tirsan.
6.BOQORTOOYADII DAARA:
waxay dhacday koofurta boqortooyadii Islaamiga
ahayd ee Saylac waxay ahayd midda ugu tag
yar boqorradii Islaamiga ahaa oo aagaa ka jiray.
Laga yaabee durugsanaanta ay ka durugsanayd
Saylac in ay sabab u ahay taagdarrida.
7.
SALDANADDII SHAWA (SHOA):
Saldanaddan iyo labada boqortooyo oo kala ah
Hadya iyo Sharkha waxay dhaceen
koofurta wabiga HAWAASH iyo koofurta
harooyinka wabiga Hawaasha. Shawa
waa saldanadda ugu faca dheer Saldanadihii
Islaamiga ahaa oo ka soo baxay “GEESKA
AFRIKA”. Waxay dhisantay 283H/ 897M,
waxayna ku tirtirantay gacanta Saldanaddii
Awfat 683 H/1285M. Sida laga warqabo
galbeedka buurta Shawa waxay saldhig u
ahayd Gurigii Qoyska SULAYMAANIYADA[3]
oo xukumay dhulkii xabashida oo idil 669h/1270M.
Sidaa daraadeed; saldanaddii Shawa oo
muslimka oo saarrayd buurta barigeeda waxay kala
dhexgashay saldanaddii Awfat oo muslimka
ahayd oo markaa dhalatay, barina ka xigta
boqortooyadii Shawa (guriga sulaymaaniyadii)
masiixiga ahayd oo iyana buurta ka saarrayd
Galbeedka. Arrintaa oo jiritaankii boqortooyadii
Shawa oo muslimka ahayd wiiqday.
Ugu
dambayn waxaa ku soo duulay Suldaankii Awfat,
arrintaana waxaa ka dhashay in toos ay usu
arkaan “Gurigiii Sulaymaaniyada” oo la
wareegay ka talinta BUURTA XABASHIDA oo
idil 669H/1270M. Halkaa qarnigii 19aad
waxaa ka dhismay dawladdii AMXAARADA oo
soo ratay caasimaddii una bixisay “ADDIS
ABABA”
8.BOQORTOOYADII HADYA:
Boqortooyada Hadya waxay dhacday
koofurta galbeed oo Shawa, gobolada
DAAMUUT, KANBAATA
iyo galbeedka Harada hadda lagu magacaabo
SWAAY (Zway). Goor hore ayay Hadya
gacanta xabashida gashay, si gaar ah kolkay
tabar yaraysay saldanaddi Cadal.
boqorradii Hadya waxay ogolaadeen
Jizya in ay siyaan (xoolo uu baxsho ruuxa
laga awood roonaaday) boqorradii xabashida, isla
markaa. boqorradii xabashida oo masiixiga ahaa
waxay Jizyada u raaciyeen; gobdho muslim aha oo
ay gaaleysiiyeen (diinta islaamka ay boqorradu
ka saareern). Arrintaa waxay tilmaan u noqotay
liidashada; “Ruuxdii Islaamiga ahayd” oo
boqorradii Hadya. Ugu dambayn;
xabashidii nasaarada ahayd boqorradii muslimka
ahaa xukunkii waa kala wareegeen oo Jizya bixin
iyo gabdho soo raaci kuma aysan badbaadin!.
Dhanka kale, waxaa laga yaabaa; liidashada in ay
sababtay durugsanaanta boqortooyadii Muslimka oo
Saylac ka durugsanayd iyo gobollo fara
badan oo xabashi ah oo saladanadda dhinacyo
badan ka soo ooday.
9.BOQORTOOYADII SHARKHA:
Boqortooyadan waxay dhacday koofurta
Boqortooyadii Hadya dhul aad u yarra waa ku
fadhiday. Boqortooyadii Duwaaro ayay la quud
iyo qaaraan ahayd.
Boqortooyadii Saylac
waxaa soo raacay, Jasiiradaha
DAHLAK
iyo
magaalada
CAWAAN
oo ka
soo hor jeedaa YAMAN. Sidoo kale, meel
aad uga durugsan Saylac waxaa ka dhisnaa
BOQORTOOYADII MUQDISHOW[4].
Ha yeeshee, sababo gaar ah; -durugsanaan iyo
xabashida oo qaarkood marar badan ka taliyay-
awgood intuba kaalin kama qaadan xarakadii
jihaadiga ahay oo qarniyadii dhexe “Geeska
Afrika” ka shidnayd.
Boqorradaa iya Saldanadahaa sagaalka ah oo, si
kooban aan sare ugu sheegnay; mug dadeed, awood
ciidan, khayraad dabiici oo ku filan iyo ganacsi
ilbax ah oo xawli ku socda ayay carrada ku
joogeen, taladana faraha u galiyay. Sidoo kale.
Islaamka oo aan seef la hor wadin ayay si
xasilloon dadka quluubtooda u galiyeen. Nasiib
darro, nuslimiintii saylac; kartida aagag fara
badan ay ka muujiyeen, ma dhinac socon; caqliyad
wada-tashi iyo iskaalmaysi ku shaqaysa. Waana
albaabka cudurkii xididdada u siibay sagaalkii
Imaaradood oo islaamiga ahaa oo xabashi ku
dayraa (gudbanaa) uu ka soo galay. Waana caqli
la mid ah kan maanta soomaaliya ka shaqeeya!.
Gabagabada qoraaga:
(Qaybaha
kitaabka oo hore aan u soo bandhigay, waxaan ku
aragnay shacabkii Saylac oo muslinmka
ahaa iyo shacabkii xabashida oo waqtigaa
badankood nasaarad (masiixiga) ahaa dagaaladii
dhexmaray, bilow ilaa dhammaad; Dagaal
Saliibi ah[5]
oo qaawan mooyee wax kale in aan lagu tilmaami
karin. Taa waa dhab ruux muraad leh mooyee ruux
kale uusan inkirin. Baarid (fannidid) aan ku
sameeyay wararka kuwa doona ama jecel; in ay
beeniyaan tilmaamaha saliibiga ahaa oo ay
lahaayeen weeraradii xabashi ku soo qaadday
muslimiinti Sayla; qarintii iyo beenti
waxba ma tarin, siday wax u dhaceenna, waxba ka
badali mayso.
Sidaa
daraadeed; waxaan oran karaa; dagaaladii
saliibiga ah goobta kaliya oo ay ka dheceen ma
aha
SHAAM[6]
oo kaliya, sidaas oo dadka qaarki qabaan. Balse,
loolanku, runtii, wuxuu ka dhacay gobo saddex ah
oo kala ah:
Goobta Iaad;
waxay ahayd
ALANDALUS[8].
Halkaa waxaa ka dhacay loolan dhexmaray
muslimiintii Alandalus[7]
iyo gaaladii (nasaaradii) Isbayn (Spain) oo ay
dhinac socdaan saliibiyiintii Yurub (Europe)
iyo Boobabkii Kaniisadda Rooma
(Rome). Loolankaa wuxuu jiitamay waqti dheer
wuxuuna ku dhammaaday dhulkii muslimka oo ay
Isbayn faraha ku dhigtay 1492M. Halkaa,
waxaa faraha muslimiinta kaga baxay dhulkii ugu
dambeeyay oo muslimiinta ugu harsanaa
QARNAADHA[8].
Goobta IIaad:
waxay ahay dhulkii SHAAM la oran jiray
iyo MASAR. Halkaa loolanku wuxuu ku
dhexmaray muslimiintii iyo Saliibiyiintii
Yurub, Boobabkii Rooma oo dhinac wada ah.
Dagaaladaa waxay ku dhammaadeen muslimiinta oo
gacanta sare yeelatay iyo
CAKA[9]
oo ahayd gabbadkii masiixiyiinta ugu dambeeyay
Shaam oo laga saaro.
Goobta IIIaad:
waa “Geeska Afrika” oo markan loolanku u
dhexeeyo muslimiintii SAYLAC iyo
XABASHI. Loolankaa wuxuu jiitamay markaa
hore, saddex qarni ku dhawaad -wallow aan marka
dambe inta uu jiitami doono aan war loo hayn.
Labadii dhinac oo loolanka; muslimiintii
saylac iyo nasaaradii xabashidu
aakhirkii waa isu tabar waayeen, dabadeed,
labaduba waxay awoodi kari waayeen in ay
ubabac-dhigaan weeraradii xoogga badan,
islamarkaana, tarmayay oo
GAALLADII WATHANIGA[10]
ahayd oo, waagaa joogtay ay soo qaadeen.
Qabaa’ilkii Gaallada oo gacanta sare noqday,
labadii dhinac oo loollamay si isle-eg ayay
qasacadaha uga jajabiyeen uguna falaadeen.
Qallayf iyo jikaar fara badanna waa ku dhaqeen
2dii dhinac muddadii ay ku jireen oo gacantooda
oo waqti dheer qaadatay.
[La
soco qaybta labaad]
[1] Saylac:
Qoraagi, sababta loo yiraahdo; Muslimiintii
Saylac oo, loo oran Muslimiintii
Soomalaya, wuxuu ka yiri: “ inkastoo; runtii, ay
isku mid yihiin, haddana reer Saylac waa
qayb ka
mid ah qabaa’ilka soomaaliya oo qarniyadii dhexe
ku noolaa G. Afrika, ha yeeshee
magaca
Soomaaliya; wuxuu qabaa’ilkii soomaalieed magic
kulmiya noqday qarnigii 19aad.
[2] Gacanka
Tojorra: waa gobol ka mid ah Dawladda Jabuuti oo
gacab-badeedka saran.
[3] Gurigii
Qoayska Sulaymaaniyada: (Solomonic Daynasty)
669H/1270M
waxaa sheegtay
AMXAARADA
waxayna qabeen in ay ka soo jeedaan Nabi
Sulaymaan iyo Boqoraddii
Saba’. Qayskaa, cid sheegata oo boqor ah
waxaa ugu dambeeyay Xayle Salaasihii,
Mingiistu Xayla Maryam gacantiisa uu ku
dilasy.
[4]
Boqortooyadii Muqdhishow: waa boqortooyo
Muqdhishow ka dhisnayd oo, rag bdan oo
uu Ibnu
Badhuudha ka midyahay ka warrameen.
[5] Dagaal
Saliibi ah: (crusade) waa dagaal Gaalo
ku midowdo kolkay Muslimiinta
Weerarayaan.Saddex jeer oo hore ayaa la qaaday.
Maanta isagii oo magaca ah;
“Argagixiso” lagu daahay ayuu meelo fara badan
ka socdaa.
[6] Shaam:waa
dhulka ay ku fadhiyaan;Suuriya, Urdun, Lubnaan
iyo Falastiin
[7]
Alandalus: magacii Muslimiintu ula bexeen
dhulkii ay ka furteen Isbayn.
[8]
Qarnaadha: (Granada) waa magaalo Isbayn
ku tall oo Umawiyiintii dhiseen qarnigii
711
Miilaadiga.
[9] Caka:waa
magaalo Shaam tii hore ah, haddase ka tirsan
Israa’iil.
[10] Wathani:(pagan)
waa ruux Mulxid ah oosanamyo iyo wax la mid
ah caabuda.
Cabdiwali Sh.Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
07-07-2008