Maxaa u diiday Qoraaga Soomaaliyeed
inuu Runta ka sheego Arimaha Soomaalida
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska
leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey
korkiisa ahaatay. Kadib dhammaan akhristayaasha sharafta
lahow iga gudooma salaanta Islaamka (A.C.W.W).
Kadib bur burkii dowladdii dhexe ee
soomaaliyeed, waxaa dalkeena ka dhacay dhibaatooyin fara
baddan, oo isasoo tarayey, kuwaasoo ka dhashay dagaaladi
sokeeye iyo kuwo kaloo loo tiirin karo maamuladii hore
ee dalka soo maray. Dhibaatooyinkaas maaha kuwo shaqsi
qura korka laga saari karo, mana aha kuwo xaqiiqdooda la
aasi karo. Qofka ka hadlaya arimahaas la xiriira
dhibaatooyinka Soomaaliya wuxuu ku fiican yahay inuu
yahay qof soo sameeyay baaritaano qoto dheer ama aqoon
sare u leh siday wax u dhacayeen. Ee waa nasiib darro in
uu qofka soo wareysto kaliya ama soo ururiyo
dhibaatooyinka ay gooni ahaan reerkiisa u sheeganayaan.
Waxaan wax baddan aqriyay buugaag ay
qoreen rag u nisbo sheeganayaan inay yihiin rag wax
qora, oo haddana aad moodo raggaas inay gashan yihiin
waxa la yiraahdo {Ookiyaalihii cagaarnaa}, taasoo aan
ula jeedo iyagoo farta ku fiiqaya kaliya dhacdo uu
geystay nin reer kale u dhashay, aadna moodeysid in kan
reerkiisa dhibta uu geysto la yiri waa cafis. Waxaan
mararka qaarkii ka naxaa waqtigii la gashay buugaagtaas
qaarkood, qarashkii la galiyay, sidi loo qurxiyay,
haddana sida uu xaqiiqda uga fog yahay. Waxaan kaloo ka
naxaa marin habaabinta, la marin habaabinayo dadka aan
iyagu awooda u laheyn inay sameeyaan batxin ama raadsano
kara xaqiiqda, kuwaasoo wax baddan run moodaya ninkan
marin habaabinayo. Waxaan kaloo ka naxaa sida ay
buugaagtaas Mustaqbalka ay da’yartu u marin
habaabinayaan.
Qoraayada Soomaaliyeed intooda baddan
waxaad moodaa in la yiri buugaagtiinu waxa akhrisayana
dad caamo ah, oo ma eegaan ama ma tixgaliyaan inay
buugaagta akhrisan karaan dad u soo joogay
dhacdooyinkaas ama uga cilmi baddan sida ay wax u
dhacayeen. Nasiib darro waxaan jirin hay’addo wax
qiimeeya ama kala Abaal mariya qaababka wax loo qoro, oo
runta u sheega kuwa xad gudba, Abaal marina siiya kuwa
xaqiiqda ku dhisan.
Inta baddan marka laga hadlayo
arimihii ka dhacay Soomaaliya, waxaad arkeysaa in eeda
ugu baddan dusha laga saarayo dowladdii Kacaanka , lana
qarinayo gabood fallada ay geysteen raggii hogaaminayay
jabhadihii dhibaatooyinka oo dhan mas’uulka ka ahaa,
sida : - { USC, SSDF, SNM, SPM, iyo kuwii la midka ahaa
}. Waxaad arkeysaa in indhaha laga qabsanayo xasuuqii ka
dhacay Muqdisho sanadkii 1991dii.. Sidoo kale waxaad
arkeysaa kuwo hadda indhaha ka qabsanaya waxa ka dhacay
Muqdisho, oo u arka inay yihiin falal sax ah. Ogow mar
walba haddii aad qari is tiraahdid waxa dhabta ah, in ay
taariikhdu iyada is qoreyso. Qofka isku dayaya inuu
qalin ku difaaco Mujrim geystay gabood fal, xasuuqa,
kala qoqobka, hantidi dadka si xaaraan ah ku boobay,
ogow taariikhdu iyadaa is qoreysa.
Waxaa iga talo ah, oo weliba ah talo
walaaltinimo waqtigaaga iyo maskaxdaada uga faa’idey wax
ku anfacaya adduun iyo aakhiroba, oo loo aayayo. Ha isku
dayin mujrimiinta ummadda kala reebay inaad ugu kala
eexato qabiil iyo kan baynu isku reer nahay. Isku day
inaad sheegto mar walba haddii aad wax qiimeynayso qofka
wanaaga iyo sharta uu leeyahay , ee ha isku dayin inaad
farta ku fiiqdo sharta mujrimiinta reerayowga kale,
kiinana uu mar walba kuula muuqdo mu’min. Ha noqon Qalin
ku dhiigle.
Waxaa kaloo muhiim ah in haddii ay
suurto gal tahay leyska qabto buugaagta afkaarta beenta
iyo lugooyada ku dhisan bulshada ku dhex faafinaysa, ama
dadka looga digo ugu yaraan. Sidoo kale in si wadajir ah
loo wada cambaareeyo qoraayada ku sifoobay inay ummadda
lugooyaan, oo afkaarta beenta ah dadka u gudbinaya ama
isku gubaya bulshada.
Waxaan hadalkeyga kusoo afjarayaa
Soomaaliyeey aynu isku dayno inaynu is barno inaynu wax
walba xaqiiqada ka sheegno, oo yeeynaan isku dayin in
aynu mar walba qorno qoraalo ummadda kala geynayo, isku
day inaad qorto wax dan u ah ummadda.
Mahadsdanidiin Qoraalkii iyo Qalinkii
Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com