SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Guddi ka kooban 5 xubnood oo loo magacaabay in ay soo qiimeeyaan masiibooyinka roobabka ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda ,

Maamulka gobolka banaadir ayaa guddi farsamo u saaray qaasaare ka dhashay roobab mahiigaan ahaa oo habeenimadii xalay illaa manta ka da’ay magaaladda muqdisho.

Ku xigeenka Duqa magaaladda muqdisho Maxamed cismaan dhagaxtuur oo manta xafiiskiisa ku qabtey shir jaraa’id ayaa waxaa uu ka sheegay in roobabkii xalay da’ay ay iyo qasaarihii ay geysteen taasoo sida uu sheegay isugu jirey naf iyo maal labadaba waxaana uu caddeeyey mudane dhagaxtuur in ay roobabkii da’ay habeeni xalay ahaa ay dileen illaa 5 qofood.oo 3 ka mid ahi ay ahaayeen carruur halka labada kale ay yihiin dad waayeelo ah,


Maxamed cisman Dhagaxtuur

Roobabkaan ayaa yimid kadib roobab xariir ah oo waayahaanba ka da’ay inta badan magaaladda muqdisho, waxaana uu sheegay Maxamed Cusmaan dhagaxtuur in Hay’adaha samafalada aysan ka qaadan wax tabarucaad ah ama daryeel ah dadkaas waxyeeladu soo gaartey,

Guddoomiye ku xigeenka duqa magaaladda muqdisho dhinaca arrimaha bulshada maxmed cusmaan cali ‘dhagaxtuur’ ayaa sheegay in maamulka gobolka banadir uu magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood, kuwaasoo lagu wado ineey sameeyaan qiimeyn la xariirta masiibadii ka dhalatey roobabkii ka da’ay magaaladda , kuwaasoo logu magac darray guddiga qiimeynta dhibaatooyinka roobabka,

Guddigaan oo soo qiimeyn doona magaaladda muqdisho iyo nawaaxigeeda sida ay saameynta ugu yeesheen roobabka iyo dhibaatooyinka uu sababay, guddigaan ayaa waxa ay kala yihiin

1 C/rashiid Ibrahin Maxamed.
2 Muqtaar Maxamed Axmed
3. muxiidiin Maxamed Rooble
4. Muxiidiin Nuur Cali
5. Canshuur Cali Nuur,


C/rashiid Ibrahin Maxamed

Dhanka kale shirka jaraa’id ee manta uu ku qabtey xafiiskiisa dhagaxtuur waxaa uu ku soo hadal qaaday sida ay uga gaabsadeen wax u qabashada bulshada soomaaliyeed ee xag kasta ka dhibaateysan, waxaa uu sheegay in inta la og yahay hay’adaha maxaliga ah ama NGO’ska wadaniga ah ee ka diiwaan gashan gobolka ineey yihiin illaa 682 NGO’s, waxaana uu sheegay in tirada wax qabataa ay ka yar tahay ilaa 10 NGO’s waxaana uu sheegay in Qaramada midoobay xagga wax bixinta ay u wakiilatey hay’adahaas maxaliga ah, oo aysan ku soo dhicin gacanta dowladda haba yaratee, waxaanauu ka codsaday deeq bixiyeyaasha in aysan waxba u soo dhiibin NGO’s-ka ka jira gudaha soomaliya, mar haddii ay yihiin sida uu sheegay kuwa lacaga loo soo dhiibo la dhinac mara dadka soomaaliyeed ee tabaaleysan

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Warkii Maxamed cismaan Dhagaxtuur

Faafin: SomaliTalk.com |  July 16, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS