SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


MUSHARAX SOMAALIYEED OO UTAAGAN GOLAHA DEEGAANKA HELSINKI FINLAND 2008‏‏‏‏

Dhalashadiisii waxa uu kudhashay gobolada waqooyi kuna soo barbaaray yaraantiisii magalada hargeysa oo ilaa hada ka quusan waayey wanaageedii. waxa uu isagoo nin yara dadiisuna tahay 16 jir ka qaxay dhibaatadii ka dhacday gobolada waqooyi ee somaliya waxa uuna u qaxay dhulka masar halkaasoo uu aakhirkii kasoo galay dalkan finland isagoo soomaray wadanka rushka sanadihii 1990.

Waxbara shadiisii marka laga reebo wax barashadiisii asasiga ee uu kusoo qatay somaliya . waxa uu halkan wadanka finland kabilaabay wax barasho sare oo kusaabsan caafimaadka iyo arimaha bulshada waxa uuna kutakhasusay gaar ahaan arimaha bulshada qaybaha dhalinyarada.waxa uu kuhadlaa dhawr luuqadood.

Shaqadiisa waxa uu kasoo shaqeeyay goobo kala duwan,dalkan finland hadana waa madaxa isku dubaridaha iyo hogaamiyaha arimaha bulshada ee qaybaha dhalinyarada ee wasaarada arimaha bulshada.waxa uuna yahay ninkii ugu horeeyay oo afrika kayimaada gaar ahaan somaaliya oo madax sare ka noqda dalkaan gaar ahaan arimaha bulshada.

MR Abiib waa nin dhalinyaro ah,oo leh hibooyin gaara oo ilaahay kumanaystay haday ahaan lahayd dulqaad,qalbi wanaag samaan,dad la dhaqan ama ha ahaado umad inaga dhaqan,midab,iyo diin duwan ama ha ahaato kuwo intaba aynu wadaagnee waa nin ay u sahlantahay in uu fahmo oo la dhaqmo. taa macnaheedu waxaa weeye waa shaqsi leh hanaan hogaamin oo cidwaliba fahmi karto iyo xirfad buuxda.hadaba qaabkan hogaanka ah in umad kala duwan meel laysugu keeno oo la hogaamiyo ayadoo loo adeegayo bulshada lana saacidayo waa mid kuxiran,qofka oo jecel isla markaana u bisil u adeega bulshada una heelan oo jecel in uu caawiyo qof walba oo arin dhibaato haysato. waxaa intaa dheer lahaansho aqooneed oo qofku barto dhaqamada kala duwan iyo waxyaalaha laxariira isfahamwaaga ka iman kara dhanwalbaba.

DHibaatooyinka caruurta soomaaliyeed ee dagan helsinki iyo nawaaxigeeda


Waxaa kajira dalalkan horumaray ama galbeedka ama yuruba dhahoo dhaqamo admoodo inay kabadalan yihiin kuweenii ama dalkeena kajiray tusaale ahaan xaga caruurta korintooda iyo waxbaridooda waynu kukala duwanahay ayadoo dalalkan laga yaqaan qaabka qoysasku inay kakooban yihiin 1-2 caruur ah aabe iyo hooyo ayagoo aamin san fikirka ah in hal ama laba caruur ah uun laga fikiro masuuliyadooda xaga waxbarashada iyo koriishahaba.inagu waa kabadalanahay oo diinteena iyo dhaqankeenuba waxay nafarayaan inaan korinkaro waxna bari karo caruur intii alihaay nasiiyo.

Wadamadan caruurta waxa laga fikirayaa in lagaarsiiyo inay noqdaan kuwo leh xirfad,iyo aqoon ay kushaqaystaan markay waynaadaan isla markaana waa mustaqbalkii ama madaxdii barito ee umadaan.waxa layiri hadaad rabto mustqbalka wadan inaad fahanto caruurtiisaa la eegaa. sidaa daraadeed wadankan caruurtiisa waxaa loosameeyay qorshayaal jihayn ah ooloogo hortogo in cartuutu kaleexdaan waxa lala tiigsanayo oo ah inay waxbartaan kadibna bari anfacaan mustaqbalkooda iyo dalkoodaba.

Arinta halista ah ee laga hortagayo ayaa waxay tahay dhibaatada sigaarka,khamrada,saaqidida xaga iskuulka,daroogada,caruurta oo dhibkaan ku dhacdaa waxay keenaysaa inay ka haraan waxbarashadii iskuulkii.si arintaa looga caawiyo caruurta dalkaan waxaa loo sameeyay hay ado iyo ururo isxilqaamay marka dawlada laga reebo oo u taagan in ay caruurtooda wacyi galiyaan,oo ku baraarujiyaan dhibaatooyinka keeni kara inay nolasha ka dhacaan,dhan caafimaad,dhan waxbarasho intaba.ilamaha waxaa lagala dagaalamayaa in aanu noqon danbiile xabsi iyo jeel kudanbeeya.

Hadaba inaga bulshadeena malaha hay ado iyo ururo udaacad ah oo lakaashada dawlada oo haga caruurteena soomaaliyeed ee ku nool degaankaan.markuu arkay mr abiib isagoo kaashanaya waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa xirfadeed ee arimahaan la xariirta waxa uu aad u darsay dhibaatada caruurta soomaaliyeed oo inbadan oo kamid ah suuqa taag taagan yihiin oo aysan haysan dad baraarujiya oo waqtigooda u qaybiya.waxa uu arkay in ay inbadani u leexdeen dhanka balwadaha iyo suuq meeraysiga oo ay lasocdaan caruuro suuqa ku jira oo cayaal suuq ah kuwaasoo uduufsanaya dhanka cabida sigaarka,khamrada,daroogada arinta oo keeni karta dhalinyaradii inay galaan xabsi oo ay noqdaan danbiilayaal,halkii ay waxkabaran lahaayeen.

Caruurtu ama dhalinyaradu maxuma badankoodu ee marka la eego bulshooyinka kale waxaad moodaa inay caruurahoodii jiheeyeen balse soomaali hadaanahay ma aruursanin umana dhuundaloolno aayaha ubadkeena soomaaliyeed waxaynuna ufikiraa ninwaloow naftaa.hayeeshee mr abiib waxa uu sameeyay asagoo kaduulaya arintaa iyo dhibkaa kor kuxusan,in uu usameeyay caruurta soomaaliyeed 3 goobood ama xarumood oo lagu wacyi galiyo xiliga ay waxbarashadooda kasoobaxaan ay kunastaan,wax kubartaan qorshayaal loogu sameeyo haday ahaan lahayd ciyaaro ayadoo lafiirinaya cidwalbaa waxay jeceshay ama kufiicantahay inay ciyaarto qaybaha sportska ee kaladuwan,dhalinyarada waxaa looyeelay hiwaayad kuhaboon,taasoo keentay in suuqii ay meeraysanayeen iyo qorsho la aantii ay kabaxeen lana midnoqdeen asaagood.

Waxaa xusid mudan mr abiib inaysan dadbadan arintaa qiimaheeda kubaraarugsanayn laakiin dalkaan waxaa lacadeeyay intii dhalinyaradii la jiheeyay inay aad u yaraatay dhalinyaro soomaaliyeed oo danbi gala ama suuq taagtaagan macno daro.waxayna arintani yaabku abuurtay bulshada finishaka ah ee u dhuun dalooshay arintaan kuwaasoo bilad sharaf xaflad si wayn loo soo agaasimay ayna isugu yimaadeen madaxda magalada Helsinki madaxda wasaarada Arimaha bulshada iyo caafimaadka kuwa Laan Qayarta Cas iyo aqoon yahano kala duwan ku gudoon siiyay ninkan iskaleh fikirkaan ee bulshadiisii kor uqaaday waxayna kula kaftameen mandeelihii waxaa tahay soomaaliyeed!
 


Biladii la gudoonsiiyey

Dhanka dadka waalidiinta iyo waayeelka


Waxaa uu usameeyay goobo ay kukulmaan,kuna sheekaystaan oo ay uga hadlaan danahooda iyo kuwa caruurtoodaba xogtana kukala qaadaan waayeelka iyo waalidiituba.waxaa uu udalbay goobo xiliyo gaara ay dumarka soomaaliyeed sigaara ugu dabaashaan madama goobaha dabasha lawada wadaago ama ay qiimo qaliya tahay in gaar loo kiraystaa arintaa wuu kasaaciday bulshada oo usoo dhameeyay.

MR abiib waxa uu aad ugu kalsoonyahay soomaalinimadiisa waxa uuna jecelayhay in uu arko soomaali oo baraarugsan oo hal u ah sidii ay wadankaan wax ula qabsanlahaayeen ayagoo isku duuban waa shaqsi leh aragti dheer oo aan ku mashquul sanayn arimaha dalkeeni iyo dadkeenii baabi iyay oo ah qabyaalada iyo goboleeysiga,waa nin dadku isimanyihiin soomaalina hal utahay.waxaa yar in lahelo waayadan aqoonyahano sidan ufikiraya tanoo kuu muujinaysa inay wali jiraan dad wadaniyiin ah oo soomaali ah.waxaa layiri "sida loo ila yahay looma alle laŽa".

Waxaan urajaynaynaa bulshada soomaaliyeed ee dagan Helsinki inay u istaagaan inay codkooda siiyaan aqoon yahankooda u taagan habeen iyo maalinba danta iyo hormarka dadkiisa soomaaliyeed si uu ugu guulaysto in uugalo kana mid noqdo xubnaha golaha deeganka helsinki.waxaa horay inoogu jiray hal qof taasoo waji gabax inagu ah soomaali ahaan madama aynu tiro farabadan kudaganahay magaalada waxaa layiri" meel ama kamaqnoow ama ka muuqo".

Waxaa uu balan qaaday aqoon yahanka dada yar laakiin maskaxda weeyn lihi in uu wax kaqaban doono wax yaalaha hoos kuqoran.

1. Dhanka wacyi galinta dhalin yarada sare uqaadida waxbarashada,sportska.

2. Shaqo uraadin dadka xirfadaha leh iyo kuwa kalaba iyo jihayn ku haboon

3. Dadka dalbaday dhalashada in gacan lasiiyo,lagana caawiyo arimahaas iyo wii kusaabsan sharciga daganaan shaha guud ahaanba iyo wixii laxariira.

4. Dhibaatooyinka waalidka ka haysta isfahan waa dhanka xafiisyada arimaha bulshada ama iskuulka ama afka finishka oo laga caawinayo

5. Dabaal u gaara dumarka xiligay doonaan

6. Latalin waxii kusaabsan arimaha bulshada oo qofku ubaahan yahay in laga caawiyo.

7. Guryaha oo qofwalba haduu yahay qoys balaaran iyo haduu yahay qof kaliyaba lasiinayo guri kufilan sida ugu dhaqsiyaha badan.

gabagabadii


waxaan leenahay wadamadan waxaa wax lagu noqdaa oo xuquuqdaada lagu dhacsadaa buslshadana wax lagula qaybsadaa codkaaga ood dhiibato siisana meel ku haboon hadaba waxan leenahay dr abiib isagoo aan bulshadiisa cod kahelin cidina aanay dirsan ayuu iskiis iyo damiirkiisa wadaniyadeed dartiis u istaagay oo u caawiyay bulshada soomaaliyeed,hadaba miyaynaan ahayn dad arintaa ka abaal guda oo maanta garta in aan codkeena siino aqoon yahankeena si uu dadaalkiisa iyo hawsha uu inoo hayay usii laban laabo? ileen danteenuu wadaaye.

Anagoo ah bulshada soomaaliyeed ee ku nool wadankan finland gaar ahaan helsinki iyo nawaaxigeeda
kana kooban qeybaha golaha odayaasha ,dhalinyarada,aqoon yahanada rag iyo dumarba,waxaan si buuxda oo wadajir ah codkeena ugu mideynay musharaxa u taagan golaha deegaanka caasimada helsinki

MAGAYADA JAALIYADA SOOMAALIYEED EE HELSINKI.

1.Axmed maxamed weheliye(axmed xiji)
2.Cabdiraxman maxamed jaamaca(shafka)
3.Xasan maxamed maxamud
4.Khooje axmed xaashi
5.guuleed xuseen sardheeye
5.Idirs xasan faarax
5.Maxamed muuse seeraar
6.Xuseen yuusuf geesdheer(qowdhan)
7.Maxamud saleebaan cawaale
8.Cali baashi maxamed
9.Cilmi yuusuf faarax
10.Yuusuf siciid xasan
11.Axmed cismaan jaamac
12.Maxamed faarax
13.Sugule saalax siciid
14.Maxamed bashiir maxamed
15.Ali muuse Ali (Suldaanka)
16.Cabdulqaadir jaamac (camoow)
17.cabdirisaaq bulxan cigaal
18.Mahad salaad
19.cabdifataah maxamed asad
20.yaasiin cali gaas
21.Maxamed osmaan
22.Khaalid canshuur
23.Axmed cabdirisaaq bulxan
24. Siciid abshir ciye
25.Maxamed siciid abshir
26.cabdirisaaq jaamac
27.Cabdulqadir maxamed cabdi
28.cabdulaahi siciid xirsi
29.Liibaan cali axmed
30.cabdiqadar cali axmed


Yaasiin Ali gaas +358440246468

nisay51@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 15, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS