SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

4 qof oo biyo u waday Ciidamada Itoobiya oo dil toogasho ah lagu fuliyey

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne waxay sheegayaan in ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay gacanta ku dhigeen afar qofood oo la qabtay iyagoo biyo u waday Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Buurta Jante-Kun-Dishe.

Afartaas qofood ayaa xalay lagu toogtay magaalada Baladweyne kadib markii ay xukuntay Maxkamad, sida uu sheegay AFhayeenka Maxaakiimta Islaamiga ah C/rixiin Ciise Caddow.

Afartaas qofood oo la sheegay in ay isugu jireen labo rag ah iyo labo dumar ah ayaa labadii ragga ahayd waxaa maydkooda laga helay Xaafadda Buundo Weyn iyadoo labadii gobdhood oo dhaawac ah balse looga tagay Mayd ahaan la geeyey Isbitaalka Magalada Baladweyne.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Buurta Janta-Kun-Dishe ayaa waxaa soo food saaray culeys dhanka Raashinka iyo Biyaha ah, kaddib markii ay isku hareereeyeen ciidamada Maxaakiimta kuwaas oo wacad ku maray in ciddii wax u gaysa la ciqaabi doono ama la toogan doono.

Ciidamada Itoobiya ee iyagu ku sugan halkaasi ayaa waxay halkaasi ka qoteen dhofeysyo waaweyn iyagoo ka cabsi qaba in uu weerar kaga yimaado ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo ka fadhiya dhinaca Feer-Feer, sidoo kale waxaa halkaasi ka go’ay Gawaaridii mari jirtay Buurta Janta-Kun-Dishe waxay haatan maraan wardo Qardo jeex ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 14, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS