SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cutubyo Ciidamada Golaha Maxaakiimta islaamka Soomaaliyeed Oo Soo Buux dhaafiyey Magaalada Baardheere

Cutubyo ka socda Xoogaga Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed ayaa shalay galab gaabkii soo gaaray magaalada baardheere ee Gobolka gedo kuwaasoo ku hubaysnaa hubka noocyadiisa kala duwan islamrkaana saldhig ka samaystay halkaasi iyagoo sheegay inay amaanka wax ka qaban doonaan islamrkaana Gaashaanka U daruuray in ciidamo aan iyaga ahayn aysan ka Jiri karin degamadaasi iyagoo Diidmo qayaxan ka muujiyey ciidamo Boois ah oo la sheegay inay ka jireen halkaasi .
Afhayeenka Ciidamada Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed Sh, C/raxiin Ciise Cadoow ayaa saxaafada uga war bixiyey Diidmada Ciidamada booliska ah ee ka jiray Halkaasi islamrkaana sheegay in ciidamadan booliska ahi ay ka tirsan yihiin Kuwa uu ku sheegay daba dhlifka Ethiopia oo Ula jeeday dowlada KMG ah .

Sidoo kale Sheekha ayaa carabka Ku adkeeyey inay magaalada Baardheere iyo deegaanada ku xeeranba ay gacan ku haynteeda la wareegeen golaha Maxaakiimta islaamka soomaaliyeed islamrkaana ay amaanka wax ka qaban doonaan isagoo Xusay dhibaatada abaaraha iyo cunto xumada ka jirta agagaarka degmadaasi inay gacan ka gaysan doonaan oo dadka tabaalaysan waxii ay heli karaan ay u qaban doonaan insha allaah.

Dhinaca kale C/raxiin Ciise cadoow oo ku dheeraaday ciidamada booliska ee la sheegay inay Dowlada Hoos tagaan ayaa Cod Dher ku yiri inaysan waxba ka qaban karin deegaankan Baardheere islamrkaana cadeeyey in ciidamada Mujaahidiinta ee maxaakiimtu ay si weyn wax Uga qaban doonaan deegaanada ay gacanta KU hayaan gaar ahaan degmadan iyo degmooyinka kaleba .

Hore ayay ahayd markii ay xoogaga Maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ay Kulamo la qaateen Odayaasha iyo wax garadka reer baardheere islamrkaana ay si wada Jir ah isugu raaceen inay Ciidamada maxaakiimta islaamku amaanka lawareegaan ,taasoo la sheegay inay abuurtay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo Lagu diidan joogitaanka ciidamada maxaakiimta oo ay siyaasiyiin fara ku Tiris ah oo kasoo jeeda gobolka Geddo ay kasoo Horjeesteen waloow ay dadka badankiisu si weyn usoo dhoweeyeen maamulka Golaha maxaakiimta islaamka oo si weyn amaanka wax Uga Qabtay .
Imaatinka Xoogaga Golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya xili uu siyaasiga ahna Xildhibaan barre Aadan shire Hiiraale uu u Ololaynayey in Ciidamo boolis ah Oo Dowlada Hoos taga Laga dhiso degmada baardheere iyo Guud ahaan Gobolka Gedoba



Yaasiin Maxamed Cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com
+2521-5580916 Muqdisho
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 13, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS