Cabbudhinta Saaxafaddu ku Hayso Gobollada Sanaag iyo
Sool ee Soomaaliya
By: Maxamud Axmed Cabdalla
July 12, 2008
Guuldarradu waa oodhfano, guushuna kun aabbe ayay
yeelataa.
Madaxweyne John F. Kenedy
Baadida ninbaa kula daydaya, daalna kaa badane, aan
doonihayn inad heshana, daa’im abidkaaye, dadkuna moodi duul wada
dhashaan, wax u dahsoonayne.
Abwaan Qamaan Bulxan
Hordhac:
Muddo hadda 18 sano dhan ayaa waxa dalka iyo dadka soomaaliyeed ku
habsaday dagaallo aafeeyey naf iyo maalba. Dalka soomaaliya guud ahaan
wuxu noqday mid aan lahayn awood ka talisa ka dib markii dawladii
Maxamed Siyaad Barre la tuuray sannaddii 1991-dii. Dumintii dawladdu
waxay dhaxalsiisay in sharcigii iyo kala dambayntii meesha ka baxaan.
Saxaafadda Soomaaliya oo markii hore keliya ku koobnayd sida hadba
dawladdii millateriga ahayd damacdo, ayaa iyana waxay noqotay mid loogu
adeegto dano gaar ahaaneed. Saxaafadda caalamiga ah sida BBC Somali oo
ka madax bannaanayd xukunkii keli taliska ahaa, ayaa iyana waxa majaraha
u qabtay dad lug kulahaa tartankii u dhexeeyey qabaa’ilka, sidaasna
saxaafaddu waxay ku noqotay mid keliya uun xoogga saarta meelaha hadba
qofka madaxda ka ahi danaynayo. Sida wax kasti badiba u galeen gacanta
jabhadaha, ayaa saxaafadduna u badatay mid u qaybsan dhawr garab.
Gobollada dalka intiisa kale sida gobollada Sanaag iyo Sool iyo kuwa
kaleba oodda ayaa afka laga saaray. Dadka ku dhaqan labadan gobol ayaan
iyagu marnaba samaysan cid ugu adeegta dano gaara, iyagoo si hagar
la’aana uga qayb qaadanayey shirarkii faraha badnaa ee lagu baadi
goobayey in dib dalka la isugu keeno, si markaa heshiis buuxana loo
gaadho.
Muddadaa (1991-dii) dadka Soomaaliyeed waxay u qaybsanaayeeen saddex
qaybood oo kala ahaa dadkii taliskaa taageerada u hayey; kuwa ka soo
horjeeday oo jabhado u dhisnaa daacad u ahaa; iyo aqlabiyadda dadka oo
iyagu dhexdhexaad ahaa, kana dhur sugayey isbeddel siyaasadeed oo dalka
ka dhaca. Haddaba waxa nasiib darro noqotay in markii maammulkii
millateriga ahaa dhacay, dalku gacanta u galo jabhadihii USC, SSDF, SNM,
iyo kuwa kale. Taasi waxay keentay in dagaal la isugu fayto oo dagaalkii
xukun doonka ahaa isu beddelo mid qabiil. USC oo ay hoggaaminayeen Gen.
Caydi iyo Cali Mahdi waxay ku habsatay gobollada koonfureed badiba,
iyadoo weliba wixii aan ku abtirsan USC cagta la mariyey. SNM waxay ku
dhawaaqday (Somaliland) in gobollada waqooyi goonni u go’een ayay
iclaamisay, si afduub iyo been ku salaysan. Sannaddii 1998-dii ayaa
iyana hoggaamiyihii SSDF Cabdullahi Yuusuf ku dhawaaqay maammul hoosaad
Puntland yeelato. Waxa la kala boobay kaabayaashii dhaqaalaha oo
qabaa’ilba intii meeshiisa ka dhisnayd dhan u leexsaday, siiba dekedaha,
garoommada diyaaradaha, dhismayaashii dawladda, waddooyinkii qaranka,
rugihii ciidammada, iwm. Saxaafadda soomaaliyeed oo ay ku jirto tan
caalamiga ah (BBC iyo VOA) waxay qayb ka qaadatay sidii dagaallada loo
sii hurin lahaa, dadkana qola-qolo la isaga horkeeni lahaa. Waan ka
dheregsannahay baan filayaa doorka BBC laanta af-soomaaligu ka qaadatay
dhibaataynta iyo qalalaase u horseedidda dalka iyo dadka soomaaliyeed.
Saaxaafadda waddaniga ah sida idaacadaha, bogagga Internet-ka iyo
jariiradaha tira dhaafay ayaa iyana qaybtooda ka qaatay dumintii dalka
hooyo. Tusaale, BBCSomali, VOASomali, Shabelle, Hornafrik, Dayniile,
Dhagaxtuur, Hobyo, Capital Voice, Hiiraan, iyo kuwa kaloo badani waxay
si indhala’aan ah u buunbuuniyaan xaaladda dhabta ah ee koonfurta fog ee
soomaaliya. Somaliland waxay leedahay warbaahin laxaad leh oo u adeegta
ujeeddada kala goynta dalka oo fikirka Somaliland ku salaysan yahay.
Puntland iyana kama yaraysato Somaliland, haba u badnaatee saxaafaddeedu
mid Gaalkacayo, Garowe, iyo Boosaaso uun ku indha beeshay.
Gobollada Sanaag iyo Sool waxa lagula dhaqmaa hab farsamaysan kaasoo
ah in wixii ka dhaca aan laga warbixin, siiba hadday yihiin dhibaato
dagaal iyo iskhilaaf siyaasadeed. Tusaale, adduun weynaha waxa laga
dhaadhiciyaa in Somaliland tahay (relatively) meel nabad ah, koonfurtuna
tahay mid la isku cuno. Arrintan ayaa been ku salaysan. Iyadoo aynu la
soconno in Somaliland ay ka dheceen dagaallo badan: kii Adhi Caddeeye
Somaliland kula wareegtay; kii Laascaanood lagu qabsaday; kii Dhahar
lagu jebiyey Somaliland laba jeer; duullaankii Somaliland Badhan ku
qaadday sannaddii la soo dhaafay, oo ay ku guul darraysatay; qalalaasaha
ka dhacay Hargeysa oo booliisku shacab ku laayeen; iyo tan u dambaysay
ee Laasqoray Riyaale lagaga itaal roonaaday ka dib markii shacabka
degaanku iska caabbiyeen gardarrada. Iyadoo arrimahaasi jiraan, ayaa
haddana adduun weynuhu weli ku tiraabaa in Somaliland (relatively) tahay
meel nabada marka koonfurta loo eego. Su’aashu waxa weeyaan, sidee bay
tani ku dhacday? Run ahaantii, waxay ku dhacday saxaafadda been sheegga
ah oo adduun weynaha ka dhaadhaacisa waxaan sal iyo raad lahayn.
Dhacdadii Laasqoray ee tobankii October, 2008 ayaa tusaale kuugu filan.
Saxaafaddu waa ka gaabsatay—tan caalamiga, tan Puntland, tan Muqdisho,
iyo tan Somaliland—kolkii ciidammada Puntland iyo Somaliland soo galeen
degaanka Laasqoray, iyagoo ku marmarsiinooday inay ku daba jiraan dadka
afduubka loogu haysto buuraha calmadow.
Waxa layaab ahayd, in muddo dhawr casha ah idaacadaha, bogagga
Internet-ka iyo talafishannada midna laga sheegin iska hor imaadka,
marka laga reebo saxaafadda gobolka qaar ka mida oo soo weriyey colaadda
kolkaa aloosnayd. Xaqiiqdu waxay tahay, odayaasha degaanka Sanaag oo u
feytey inay si iyaga u gaar ah u xalliyaan arrinta afduubka dadka
ajnebiga ah, isla markaana ka codsaday labada ciidan ee gardarrada dalka
ku soo galay inay dib uga laabtaan dalka. Ciidammada Puntland (waxa laga
wadaa Col. Canshuur kuwuu hoggaamiyo) waa yeeleen taladii odayaasha,
laakiin kuwa Somaliland ayaa codsaday in la siiyo wakhti si ay baasiin
ugu helaan gaadiidkii ay wateen, oo ay sheegeen in shidaalkii ka go’ay.
Khayaamo ayay taasi ahayd, hase ahaatee markii ay bixi waayeen, waxa
dhacday in dadka degaanku is abaabulaan dibad iyo gudaba. Ciidammo ayaa
ka soo baxay Boosaaso (ku kooban dadka Sanaag u dhashay), Xingalool,
Dhahar, iyo Badhan. Dhanka kale waxa odayaashu wadeen dedaal ah in nabad
wax lagu xalliyo oo ciidammadan soo duulay iskood u baxaan. Culayskii
odayaasha debadda iyo gudaha waxa lagu guulaystay in marka horeba
dhallinta gobolka u dhalatey—kuwa la socday Somaliland—laga soo reebo,
ka dibna xoog loo isticmaalo ciidammada Somaliland. Ciidammada
Somaliland waxay arrintani ku dhalisay cabsi, waana iska baxeen
Laasqoray. Guushii laga gaadhay xakamaynta dagaal la isku hoobto, ayaa
waxay dhashay in xukuumadda Cadde Muuse oo markii loo tegey diidday inay
ciidammo kale soo dirto, inay sheegato in ay iyagu ciidammada Somaliland
meesha ka eryeen. Taasi mid cusub ma aha oo dagaalkii Dhahar ciidammada
gobolku ku jebiyeen kuwa Somaliland, xukuumadda Cadde sidaasoo kale ayay
libin beena u sheegatay. Waxa la yaab ahayd markii ciidammadaas laga
eryey degaanka Laasqoray, mar qudha ayaa saxaafaddu isla siraadatay. Ugu
horrayntiiba, waxa daah furay xogta dhabta ah weriyaha BBC-da Axmed
Kismayo oo sheegay in ka bixitaanka Somaliland Laasqoray ka baxday, ay
sababtay khilaaf soo kala dhex galay dhallintii reer Sanaag ee
ciidammada Somaliland soo raacay, iyo saraakiishii ciidammada soo duulay
gadh wadeenka ka ahaa. Saxaafadda Cadde u ololaysa oo ku naallootay in
ciidammo Puntland ka yimi ka saareen Laasqoray kuwa Somaliland, ayaa
iyana huradadii ka soo kacday. Haddaba, waa markhaanti ma doonto in
odayaasha gobolku debed iyo gudaba ay arrintan guul weyn ka dhaliyeen,
xukuumadda Cadde Muuse shaqa kuma layhayn haba yaraatee, maammulkeeduna
ma daneeyo gobolka Sanaag, haba yaraatee.
Arrintan oo kale waxay ka jirtaa gobolka Sool oo haba yaraatee
saxaafaddu ka gaabsatay. Saxaafaddu kama hadasho gardaarrada qaawan ee
Sool lagu qabsaday. Hadday ka hadashana waxay sheegtaa uun in
dhaqdhaqaaq ciidan ka jiro xadka labada ciidan ee Somaliladn iyo Punland
isku hor fadhiyaan. Waxad mooddaa hadba meesha ciidammada Somaliland
fadhiistaan in Puntland u nisbayso xad ay aqoonsan tahay. Tusaale, kii
Adhi Caddeeye, kii Laascaanood, imminkana xadka ay xukuumadda cadda u
aqoonsan tahay Somaliland waa Tukaraq. Halkan ka akhri warkii ugu
dambeeyey ee xadkaa—anigu garan maayee—laga soo sheegayo
Tukaraq: Xiisado Colaadeed oo ka taagan Jiidaha ay isku horfadhiyaan
Somaliland & Puntland ,ka dib markii Somaliland... waa maxay xadkan
guurayaa? Ma waxbaa la isla ogyahay, sida dadka qaar hadal hayaan? Ma
laga yaabaa in saxaafaddu u soo jeensato arrimaha Sool, haddii dadka
degaanku iska kiciyaan ciidammada dalkooda ku soo duuley? Adigaan kuu
daayey.
Gebagebadii, gobollada Sanaag iyo Sool saxaafaddu waxay ka dhigtay
meel lagu loollamo, oo lagu manna sheegto. Waxa lagama maarmaan ah in la
helo saxaafad u xaq qaybisa ummadda soomaaliyeed, oo adduun weynaha
runta u sheegta, haba ka abuurantee gobolladan lagu goolaaftamayo.
Adduun weynuhu wuxu wax ka dhegaystaa hadba qoladii shukaanta
haysa—waagii hore xukuumaddii Siyaad Barre ayay dhegaysan jireen,
haddana waxay dhegaha u raariciyaan maammulada jabhadaha ka soo jeeda oo
ujeeddadoodu tahay in dalka soomaaliyeed khayraadkiisa dhan loo
leexsado, muwaaddinka xalaasha ahna cunaha lagu dhego.
W.Q. Maxamud Axmed Cabdalla (Freelance Journalist)
faradiid@gmail.com