SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA

Barnaamijkii Radio Xoriyo
12 July 2008.
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada cadowga
Dil iyo dhac gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn oo ka soo baxay Ogaadeenya
Itoobiya oo ka walwalsan canshuurta Dekada Jabuuti oo la kordhiyay
Kulan balaadhan oo ay isugu timid unugta jwxo ee galbeedka Australia.
======================
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada cadowga

Dagaallo dhawr ah oo toddobaadkii hore dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa ugu yaraan 25 askari lagaga dilay ciidammada gumaysiga, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 34 askari, sidaas waxaa noo soo sheegay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

07/07/08 ciidammo gumaysigu leeyahay ayaa labo mar oo kala duwan lagu weeray Buku-dhabo, oo degmada Awaare ka tirsan, waxaana laga dilay 7 askari, 9 kalana waa laga dhaawacay.

06/07/08 San-madheedhle, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxaa weerar loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tegay, waxaana laga dilay 3 askari, 5 kalana waa laga dhaawacay.

05/07/08 Duud-Buur, oo Sagag ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 15 askari, in ka badan 20 asakrina waa lagaga dhaawacay.

Dil iyo dhac gumaysigu u gaystay dadwaynaha


Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala duwan oo dil iyo dhac isugu jira u gaystay dadwayne rayad meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.

01/07/08 duleedka magaalada Shilaabo waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Daahir Haahaad.

03/07/08 Ceelka Bullaale waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo isagana lagu magacaabo Maxamuud Faarax Cumar.

26/06/08 magaalada Awaare waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin dhimirka ka jirran oo lagu magacaabo Laangadhe Ibraahim Xaamud.

30/06/08 magaalada Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu 3000 oo Bir kaga dhaceen gabadh lagu magacaabo Ruqiya C/llaahi Cali.

05/07/08 Gosololey, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku qasheen 32 Neef oo Adhi ah oo dadwaynuhu lahaa.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in ciidammada gumaysigu ay magaalada Dhagaxbuur ka ururinayaan Odayaal ay tiradoodu gaadhayso 500 oo Oday, kuwaasoo ujeeddada ay ururinayaan aan ilaa iyo hadda la ogayn. Inta badan ciidammada gumaysiga ayaa Odayaasha ku qasba inay keenaan ciidammo dhaaraan u noqda kuwa gumaysiga, hase yeeshee kuma guulaystaan iyadoo ay dadwaynuhu si cad u diideen inay noqdaan Gabbaad ay ciidammada gumaysigu isaga dhigaan weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee kaga yimaada CWXO.

Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn oo ka soo baxay Ogaadeenya


Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn, qaybtiisa Switzerland, ayaa daboolka ka qaaday inuu khamiistii joojiyay hawlihii samafal ee uu ka waday deegaanno Ogaadeenya ka mid ah, ka dib markii uu xammili waayay xadgudubyada iyo caqabadaha ay ku hayaan ciidammada gumaysiga Itoobiya.

Wakiilka Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayna Hugues Robert ayaa sheegay in shaqaalaha Ururkiisa loo diiday inay la siiyo oggolaansho shaqo, isla markaana sabab laʼaan la xidhxidhay.

Mr Robert wuxuu sheegay in goʼaankani uu ka dhigan yahay in Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn uu si kama denbays ah u joojiyay adeegyadii caafimaa ee uu ka waday deegaanka Fiiq ee dalka Ogaadeenya, iyadoo waliba adeegyadiisa ay baahi ballaadhan u qabeen dadwaynaha ku dhaqan Fiiq iyo nawaaxigeeda oo aan haysanin daryeel caafimaad oo aan ka ahayn midkii uu ururkani u hayay.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa bayaan ay soo saartay si wayn xukuumadda gumaysiga Itoobiya ugu dhaleecaysay diidmada ay dadwaynaha Ogaadeenya u diiddan tahay daryeelka ay hayʼadaha samafalka ahi u fidiyaan. Bayaankan ayaa lagu sheegay in ciidammada gumaysiga Itoobiya ay si qorshaysan isu hortaageen kaalmada caafimaad ee Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn u fidinayay dadwaynaha, taasoo dhibaato ka soo gaadhayso kumayaal isugu jira rag, dumar iyo carruur.

Jabhaddu waxay beesha caalamka ugu baaqday, gaar ahaan dalalka deeqda bixiya, inay ka gaashaantaan in taliska Addis Ababa uu deeqahooda u adeegsado denbiyada dagaalka iyo falalka baniʼaadamnimada ka dhanka ah ee uu ka galayo dawaynaha Ogaadeenya.

Itoobiya oo ka walwalsan canshuurta Dekada Jabuuti oo la kordhiyay


Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa arbacadii daboolka ka qaaday inay aad uga walwalsan tahay canshuurta lagu kordhiyay adeegyada ay kala soo degto Dekada waddanka Jabuuti.

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in kordhin doonto canshuurta laga qaado adeegyada kala duwan ee xukuumadda Itoobiya kala soo degto Dekada Jabuuti, laga billaabo 15 Agoosto ee sannadkan. Dowlada Jabuuti waxay kaloo sheegtay inay yarayna doonto xilliga xukuumadda Itoobiya loo oggol yahay in alaabteedu ay lacag laʼaan Dekada ugu taallo, oo hadda ah 15 maalmood, lagana dhigi doono 8 maalmood oo kaliya.

Arrintan ayay xukuumadda gumaysiga Itoobiya aad uga walaacsan tahay, sheegtayna inay culays dhaqaale oo ballaadhan ku soo kordhin doonto, isla markaana sii naafayn doonto dhaqaalaheeda oo markii horaba aad u liitay.

Dekada Jabuuti waa marinka kaliya ee xukuumadda gumaysiga Itoobiya wax ka soo dejisato ama ka dhoofiso, waxayna tilmaantay in dalka Jabuuti uu sannad walba 300 milyan oo doollarka Maraykanka ah canshuur uga qaato waxyaabaha ay Dekada ka dhoofiso ama kala soo degto
12 July 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com |  July 13, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS