Bil Ka Dib Ma Dhaqan Galay Hashiiskii Jabuuti?
Sida la wadda ogyahay, natiijadii ka soo baxday shirkii dhawaan Soomaalida loogu
qabtay dalka Jabuuti wuxuu noqday mid meel walba lugu hayo hadalhayntiisa, hase
ahaatee, waxaynu qormadan ku eegi doonaa bil ka dib maxaa u qabsoomey Dowlada
Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya hashiikii jabuuti ay ku
gaareen magaalada Jabuuti.
Shalay oo ahayd 10ka bisha July waxaa laga joogaa hal bil iyo saacado wakhtigii
la saxiixay heshiiskii Dowlada Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta
Soomaaliya ay ku gaareen magaalada Jabuuti.
Heshiiskaasi oo ay in muddo ah kasoo shaqeenayeen Qaramada Midoobay gaar ahaan
Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya Ahmed Oulad Cabdallah ayaa wuxuu ahaa mid ay
shacabka Soomaaliyeed ku rajo weynaayeen in uu xal u noqdo dagaalada baahay ee
ka socda gobalada Soomaaliya gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Heshiiskaasi ayaa waxaa ku xusnaa qodobo kala gedisan oo la xariira xabad joojin
la dhex dhigo Dowlada Federaalka iyo kooxaha kasoo horjeeda gaar ahaan
Isbaheysiga Dib U xoreynta Soomaaliya oo asagu ah midka ugu weyn ee kasoo
horjeeda Dowlada Federaalka ayna ku baheysan yihiin kooxo kala gedisan oo kamid
ahaan jiray Maxaakiimta Islaamiga iyo waliba xubno kamid ahaan jiray
Baarlamaanka dowlada Soomaaliya iyo dad lagu sheegay Qurbo joog.
Hadaba heshiiskaasi ayaa lagu xusay in uu dhaqan geli doono 30 maalmood kadib
maalintii la saxiixay oo ahayd 9ka June ayaan illaa iyo hada muuqan wax natiijo
ah oo kasoo baxday marka loo eego dhinaca xaalada Soomaaliya iyo dagaaladii
dalka gudihiisa ka socday.
Sodonkaas maalmood ayaa la rabay in kooxaha dowlada kasoo horjeeda iyo dhinaca
Dowlada Federaalkaba kusoo afjaraan dagaalada ka socda gobalada Soomaaliya guud
ahaan si loo dhaqan geliyo heshiiskan xabad joojinta ah oo loo qoondeeyey inuu
socdo muddo 90 maalmood ah, ayadoo 120 maalmood ay dalka Soomaaliya uga baxayaan
ciidamada itoobiya hadii ay yimaadaan ciidamada ka socda Qaramada Midoobay oo
awood leh.
Arrintan ayaan illaa iyo hada dhaqan gelin, ma jiraan ciidamo Qaramada Midoobay
ka socda oo la rajeenayo in ay wakhtigan yimaadaan dalka Soomaaliya, ciidamada
Itoobiya umma muuqdaan kuwo isu diyaarinaya in ay ka baxaan dalka Soomaaliya,
Xabad joojintii warkeedba daa oo waxaa sare usii kacay tirada weerarada ka
dhacaya gobalada koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Waxaa ayaduna meesha ka baxday balan qaadkii ahaa in aan lagu xad gudbin
hay’adaha gargaarka iyo in labada dhinac kawada shaqeeyaan sidii loogu gurman
lahaa boqolaalka kun ee shacabka Qaxootiga ku ah dalka gudihiisa, isla
marahaantaana loogu fududeyn lahaa hay’adaha caalamiga ah in ay gaaraan dadka
tabaaleysan. Arrintan ayaan ayaduna hirgalin.
Qodobadan kor ku xusan oo laf dhabar u ahaa heshiiskii Jabuuti ayaa waxaa la
oron karaa caqabada ugu weyn ee hirgelintooda waxaa ku noqday dhaq dhaqaaq
hubeysan ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya, kana soo horjeeda Dowlada.
Kooxda Al Shabaab ayaa ku gacan seedhay heshiiska Jabuuti, waxayna kooxdan awood
u yeesheen in ay muujiyaan in ay weeraro kala gedisan ka geysan karaan gudaha
dalka Soomaaliya gobolo kala gedisan oo kamid ah Koonfurta Soomaaliya, sida
gobalada Bakool, Bay, Galgaduud, Hiiraan, Mudug, Jubooyinka, Shabeelooyinka iyo
waliba gobalka Banaadir oo ah wadnaha Soomaaliya isla markaana ay ku taalo
Caasimadii Soomaaliya ee Muqdisho.
Al Shabaab ayaa sare u qaaday tirada weerarada ay ka geysanayaan magaalooyinka
kamid ah gobalada Bay iyo Bakool ayagoo culeys xoogleh markii ugu horeysay muddo
12 bilood ah kadib saaray magaalada Baydhabo ee ah xarunta Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya.
Kooxdan Al Shabaab ayaa sii xoojiyey dagaalada ka socda gobalada dhexe halkaasi
oo ay dagaalo ku dhexmareen ciidamada Itoobiya, waxaana jiray khasaaro labada
dhinac ah oo kasoo gaaray dagaaladaasi, walow la sheegey inay iska dileen labada
garaba xubno sar sare oo kamid ahaan jiray . Hase yeeshee waxaan muuqata in Al
Shabaab ay weli ku xoogan yihiin gobalada dhexe ee dalka iyo koonfurta
Soomaaliya.
Hadaba waxaa la is weydiinayaa awooda ay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya
ee xaruntiisu ahayd Asmara ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, ayadoo hada
muuqatao in Al Shabaab qorshaheedu yahay mid ka gedisan kooxdaasi, isla markaana
ah awooda kaliya ee dowlada Federaalka kula dagaalameysa gudaha Soomaaliya.
Dowlada Federaalka ayaa ayaduna u muuqata mid awood aan u lahayn in ay
ciidamadeed ku faafiso gobalada dalka, isla markaana xasiliso magaalada
caasimada ah ee Muqdisho oo ay weli ka dhacayaan weeraro iyo dilal qorsheysan.
Waxaa todobaadkan baaq soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xassan
Xussen oo asagu ugu baaqay in Al Shabaab ay wadahadal la galaan xukuumadiisa,
tan ma tahay qirasho ay dowlada federaalka ku qireyso in ay Al Shabaab hada
diyaar ulla tahay in ay kala hadasho arrimaha Soomaaliya?
Al Shabaabse ma yihiin koox siyaasada dhinaceed ku fir fircoon isla markaana
diyaar u ah in ay wadahadal la galaan Dowlada Federaalka?
Si kastaba Ha ahaatee su’aalahaasi ayaa ah kuwo ay shacabka Soomaaliyeed is
weydiinayaan, ayadoo ay mar walba laga maar maar aysan noqoneyn in ay labadaasi
dhinac wadahadlaan si xal loogu helo dalka Soomaaliya nabadiina ugu soo noqoto
dadka Soomaaliyeed oo ka dagaalay dagaalada socday muddo ku dhaw 20 sano.
Mohamed Ismail
mismacil@Live.co.za
Johannesbrug
South Afrikca