SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururka Ardayda ADAL oo shahaado sharaf guddoonsiiyay maamulaha Telesom ee G/Awdal “Daawo Sawirada”

Sawirada halkan ka daawo

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo shalay ka dhacday hotelka weyn ee Rays ee magaalada Borama ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay maamulaha shirkada Isgaarsiinta Telesom ee gobalka Awdal Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur iyo mas’uuliyiin kale oo shirkadaha gobalka ka jira madax u ah iyo Maayarka magaalada Borama.

Xafladaan oo ay soo agaasimeen Arday gobalka Awdal u dhalatay oo wax kusoo barteen dalka Pakistan isla markaana ku mideysan urur la yiraahdo ADAL Students Association Pakistan ayaa waxaa kasoo qeyb galay marti 0sharaf aad u fara badan oo gobalka Awdal kasoo jeeda.

Waxaa halkaasi ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ugu cad cadaayeen Maayarka magaalada Borama Cabdi Shide Bile, waxuuna ku baraarujiyay ardaydaasi soo qalin jabisay Jaamacadaha ay dhiganayeen muddooyinkii ugu dambeeyay waxuuna ugu baaqay inay aqoonta ay soo barteen wax ugu taraan gobalkooda Awdal.

Shahaadooyinka waxaa guddoonsiiyay madaxdii xafladaasi kasoo qeyb gashay Guddoomiyaha Jaamacada CAMUUD Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo aad ugu hambalyeeyay dhalinyarada Awdal usoo baxday ee wax kusoo baratay dalka Pakistan.

Ururkaan Ardayda gobalka Awdal ee Pakistan ayaa waxaa ku mideysan arday fara badan oo gobalka u dhalatay isla markaana cadadkooda kor u dhaafayo 70 ruux, waxaana Guddoomiye u ah Axmed Maxamed Yuusuf iyadoo ay kamid yihiin C/risaaq Muuse Caynaan iyo Muxyadiin Axmed Riiraash.

Kadib xafladaasi, Maamulaha shirka Telesom ee gobalka Awdal Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay ardaydaan Pakistan ka timid hotelka Rays ee magaalada Borama isagoo kala hadlay arrimo fara badan.

Maamule Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa ugu baaqay ardaydaan inay waxii ay soo barteen ugu anfacaan gobalkooda Awdal isla markaan gacan qabtaan ardayda kale ee gobalka ku sugan daneyneysana inay waxbarasho u aadaan dalka Pakistan.

Maamulaha waxa uu sheegay in shirkadiisa Telesom gacan weyn ka geysan doonto Waxbarashada Ardayda u dhalatay gobalka ee ku sugan gudaha iyo daafaha caalamka.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan caawa halkaan ku kulano, waxaad tihiin ubuxii dalka usoo baxay gaar ahaan gobalka Awdal, waxaana rajaynayaa inaad waxii aad soo barateen ku anfacdaan gobalka waayo dadkii iyo dalkii idinkaa wax usoo bartay” ayuu yiri C/qaadir Aadan Nuur.

Xafladii cashadii xalay waxaa sidoo kale ka la hadlay Cabdirisaaq Muuse Caynaan iyo Muxyadiin Axmed Riiraash oo kamid ah dhalinyarada wax kusoo baratay dalka Pakistan waxeyna sheegeen inaysan waxba hagran doonin oo ay waxii ay soo barteen ugu faa’iideyn doonaan gobalka ay u dhasheen ee Awdal.

C/risaaq Muuse Caynaan ayaa sheegay in muddo uu rajeynayay inuu dib ugu soo laabto gobalka Awdal gaar ahaan Borama si uu dadkiisa ugu faa’iideeyo aqoontii uu soo bartay, waxuuna ugu baaqay dhalinyarada inay Waxbarashada ku dadaalaan oo ay iska daayaan tahriibka iyo waxyaabaha balwadaha ah ee waqtiga ka luminaya.

“Gobalkeena waa gobal qani ah dhinac walba oo wax soo saar leh, balse dhalinyaradeena ayaan usoo jeedin wax u baqashada gobalka, waxaan ugu baaqayaa walaalaheey inay dhexda marada ku xirtaan oo ay gobalkooda hormariyaan waayo qof walba gobalkiisa ayaa quseeya waxaana haboon inay wax bartaan dhalinyarada waayo waa ubuxii dalka usoo baxayay” ayuu yiri C/risaaq Muuse Caynaan.

Waxaa isna hadlay Muxyadiin Axmed Riiraash oo aad ugu dheeraaday noloshoodii Pakistan, waxuuna sheegay in muddo yar ay seexan jireen inta badana wax kororsan jireen.

“Saacadaha aan seexdo aad bay u yareed inta badan wax ayaan baran jiray, waayo hadafkeyga waxa uu ahaa inaan horumar gaarsiiyo gobalkeyga iyo dadkaan kasoo tagay waad ogtihiin Pakistan iyo Somaliland inta ay isku jiraan waxaan intaa u socday waa inaan Aqoon yeesho oo aan wax taro dalkeyga” ayuu yiri Muxyadiin Axmed Riiraash.

Muxyadiin ayaa u mahadceliyay maamulaha Telesom ee G/Awdal Cabdiqaadir Aadan Nuur isagoo ku tilmaamay nin baal dahab ah galay oo gobalka si wanaagsan ugu shaqeeya horumarkiisa waxuuna Alle ugu baryay inuu garab galo dadaalkiisa.

Muxyadiin ayaa xafladii casha sharafta aheyd kasoo jeediyay afareey uu ku amaanayay waxqabadka shirkada Isgaarsiinta ee Telesom, isagoo ku tilmaamay iftiintii dalka inay tahay.

Si kastaba ha ahaate, maamulaha Telesom ee G/Awdal Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa inta badan u jilicsan waxqabadka gobalka, isagoo aan laga weyn goob kasta oo loogu hadlayo horumarka gobalka, waana qofka kaliya ee ka soocan ganacsatada ku dhaqan gobalka Awdal isla markaana dadweynaha ula dhaqma si iskugu mid ah waana tan inta badan ay dadweynaha u hadal hayaan.

C/fataax Axmed , Boorama

Faafin: SomaliTalk.com |  July 11, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.