“Wax nabad lagu waayey Colaad laguma keeno” Halkudhegii marxuum Cabduqaadir Yaxye
Sawiro halkan ka daawo
11-kii July 2005 waxay ku beegan tahay markii la diley Alla u Naxaristee
Cabduqaadir Yaxye Shiikh Cali waxaana ka soo wareegtey Muddo Saddex Sanno ah ,
Cabduqaadir wuxuu ahaa Halyeygii nabadda iyo doodihii dadka taagta daran waxaana
dilkaasi uu xasuus ma hadho ah ku reebay bulshada weynta Soomaaliyeed, waxayna
markii ay maqleen gurigiisa ku xoomay dadweyne aad u fara badan oo ilmeynayay
kuwaas oo ka xumaa dilka C/qaadir Yaxye. C/Qaadir oo aasaasay Hay’adda CRD oo ah hay’ad inta badan ka shaqeysa dib u
heshiisiinta iyo nabadda ayaa ka qayb-qaatay dhameynta khilaafyo ka oognaa
gudaha dalka Soomaaliyeed, ha noqdaan kuwo kooxeed ama kuwo beeleed. Waxa uuna
mar kasta isugu keeni jiray miiska wada badalka qaybaha kala duwan ee Bulshada,
isagoo ka codsan jiray in ay mar kasta ka shaqeeyaan nabadda Soomaaliya. C/Qaadir oo tiir dhexaad u ahaa hay’addaasi ayaa iyadu marnaba ka caajsin
hawlaheedii kana niyad jabin dilka C/qaadir Yaxye, waxa uuna la mid noqday xubno
fara badan oo Soomaaliyeed oo isku hawli jiray dhinaca nabadda iyo dib u
heshiisiinta waxaana ka mid ah Elman Cali Axmed iyo Istarliin Cabdi Caruush oo
iyagu ay dileen kooxo iyagu ka soo horjeeda nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Dilka Marxuum C/Qaadir oo ay haatan ka soo wareegtay mudo Saddex Sanno ah ayaa
waxaa xaflad lagu maamuusayo waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho iyo qaar ka
mid ah Gobolada Soomaaliya, waxaana Garoonka Banaadir lagu dhigay Cayaar lagu
xusayay C/Qaadir Yaxye, C/Qaadir oo hal-ku-dhigyadiisu ka mid ahaayeen “Carab iyo Ilko ayaa isugu dhow
iyana waa is qaniinaan” “Wax nabad lagu waayey Colaad laguma keeno” “Nabad ayaa
neecow leh” iyo ereyo kale oo fara badan, waxa uuna C/Qaadir Yaxye ka shaqeeyey
filimo fara badan oo ka hadlayey dhibaatada ay leedahay Colaada iyo Faa’iidada
Nabadda, waxa uuna mar kasta u soo bandhigi jiray dhamaan qaybaha kala duwan ee
Bulshada si ay ugu cibro qaataan, maadaama mudo sanooyin ah ay dagaal iyo colaad
ku jireen, waxaana filimaadaasi ka muuqday is barbardhig dhinaca Colaada iyo
Nabadda, iyadoo dadkii daawaday ay aad u qushuuceen, waxayna C/Qaadir Yaxye ku
amaaneen sida uu mar kasta ugu hawlan yahay sidii ay Soomaaliya nabad ku heli
lahayd, waxayna dhamaan dadyowgii kala duwanaa ee ka qayb-qaatay munaasabadihii
lagu xusayay C/qaadir codsadeen in Maxkamad cadaalad ah la soo taago kuwii ka
dambeeyey dilka C/Qaadir Yaxye. Qoraalkaan ayaa ujeedada ka dambeysa waxay tahay si aan u dareensiiyo bulshada
Soomaaliyeed waxqabadkii dadkii halyeeyada ahaa ee C/qaadir uu ka mid ahaa, waxa
uuna Qalinkeygu u hiilin doonaa kuwa mar kasta u taagan Nabadda iyo dib u
heshiisiinta oo uu ugu horeeyo C/Qaadir Yaxye iyo qaar kale oo la mid ah Cabduqaadir Yaxye waxaa uu dhashey Sannad 1957 wuxuu ku dhashey Magaalada
Muqdisho intii uu noolaa wuxuu ka soo shaqeeyey wasaaradii Beeraha xilgii
DowladiiMiltariga , wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey Safaaradii Mareykanka ay ku
lahayd Magaalada Muqdisho , waxaa kaloo ka mid ahaa shaqooyinkii uu soo qabtey
isagoo ka soo shaqeeyey Xafiiskii Siyaasadda ee UNOSOM iyo weliba Midowga Yurub
waxaa kaloo ka mid ahaa Hayadaha uu ka soo shaqeeyey Cabduqaadir Yaxye Hayadda
DBG iyo Hayadda Caalamiga ah ee WSP Cabduqaadir Yaxye wuxuu ka mid ahaa raggi dhidibada u aasey Hayadda Cilmi
Baarista iyo Wadatashiga ee CRD wxuu kaloo xubin ka ahaa Hayada Nabada ee Elman
(Elman Peace Center ) W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 11, 2008
|